Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo heshiis la galay dhigiisa dalka Masar "SAWIRRO"

0
Saturday April 23, 2016 - 12:18:05 in Wararka by
  • Visits: 596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka ganacsiga Soomaaliya oo heshiis la galay dhigiisa dalka Masar "SAWIRRO"

    Wafdi uu hugaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federalka Somalia Cabdrashiid Maxamed Axmed oo maalmahaan booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Qaahira ee Dalkani Masar ayaa madaxda dalkaasi la galay heshiis.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hugaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federalka Somalia Cabdrashiid Maxamed Axmed oo maalmahaan booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Qaahira ee Dalkani Masar ayaa madaxda dalkaasi la galay heshiis.

Booqashadaan oo ay ku wehliyaan Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Khaalid Cumar Cali iyo xubno kale ayaa eheyd mid lagu xoojinayo xariirka ganacsi ee u dhaxeeya lawada dowladood Masar iyo Soomaaliya.

Wasiirka ayaa iyo dhigiisa Masar Muhandis Dhaariq Nabiil waxa ay wada saxiixdeen heshiis qodobo dhowr ah oo dhinacyo badan taabanaysa, taasoo wax ku ool u ah labada dowladood

Sidoo kale Wasiirka ganacsiga ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Ra’iisul wasaaraha Dowlada Masar iyo Xoghaya Jaamacadda Carabta, taasoo lagu sii xoojinayay xariirka labada dowladood, isla markaana ugu mahadceliyay soo dhaweynta baaxada leh oo ay u fidiyeen isaga iyo wafdigii la socday

Wasiirka gancsiga ayaa u mahad celiyay diblomaasiyiinta Safaaradda Soomaliyeed ee dalka Masar oo ugu horeeyo siihaayaha Safaaradda Ilyaas Sheekh Cumar oo had iyo jeer ku howlan xoojinta xiirika labada dowladood.

Hashiiskaan ay wada saxiixdeen labada Wasiir ee Masar iyo Soomaaliya ayaa la filaayaa inuu wax ka badali doono hab u socdka kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta dalka oo ay ku talaabsaneyso dowladda Faderaalka Soomaaliya.

IMG_1838IMG_1839IMG_1840IMG_1841IMG_1842IMG_1843IMG_1844IMG_1845IMG_1846IMG_1847IMG_1848




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip