Xaflad loo qabtay arday dhameysatay jaamacadaha Pakistan-Sawirro

0
Thursday April 21, 2016 - 11:03:31 in Wararka by
  • Visits: 690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaflad loo qabtay arday dhameysatay jaamacadaha Pakistan-Sawirro

    Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo ay ka qeyb galeen dadweyne kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Karachi ee koonfurta wadanka Pakistan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo ay ka qeyb galeen dadweyne kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Karachi ee koonfurta wadanka Pakistan.

Ujeedada xafladaan ayaa aheyd u hambalyeynta 19 ardey kuwaas oo ka qalinjabiyey jaamacadaha kala duwan oo ku yaala gobolka Sindh ee dalka Pakistan bartayna noocyada culuumta kala duwan sida caafimaadka, dhaqaalaha, injineernimada, maamulka iyo maareynta, xiriirada caalamiga ah siyaasada iyo kuwa kale.

Xafladaan ayaa waxaa soo abaabulay ardeyda wax kabarta magaalada Karachi waxaana ka soo qeyb galay xoghayaha guud ee safaarada Soomaalida ee dalka Pakistan, C/laahi xaaji Daa’uud, ganacsato , ardey iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada karachi ee wadanka Pakistan.

Xafladaan oo socotay qadar saacado ah waxaa lagu soo bandhigay khudbado, riwaayad iyo waxyaaba kale oo badan.

Dadkii ka hadlay madasha dhamaantood ayaa ku dheeraaday ahmiyada waxbarashada iyagoo sidoo kale u hambalyeyay ardeyda qalinjabisay.

12998201_639215479553065_7350374711803889346_o12998413_639214129553200_5153221713266638524_o13002429_639218059552807_4071556795215590481_o13002557_639215092886437_5102575702317664762_o13002608_639216136219666_8875101153036425235_o13029526_639213719553241_5222910027287678103_o13047794_639214359553177_1744515940219335280_o13048151_639213989553214_5004356577765955074_o13055100_639214366219843_5189995632148124539_o13055637_639215059553107_5934961914642066255_o13055933_639214339553179_1043755983362083542_o13062869_639214476219832_8688402735179107164_o (1)13064578_639214112886535_2104181955346201242_o13071835_639216179552995_7249530767956763827_o

Mursal Maxamed Cismaan,Karachi – Pakistan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip