Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay inay ka hortageyso Shabakadaha wax tahriibiya

0
Thursday April 21, 2016 - 10:39:40 in Wararka by
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay inay ka hortageyso Shabakadaha wax tahriibiya

    Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay ka hortageyso shabakadaha dadka tahriibiya, kadib musiibadii dhowaan ka dhacday Badda Meditranean-ka, halkaasoo ay ku dhamaadeen boqolaal dhalinyaro u badan Soomaali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay ka hortageyso shabakadaha dadka tahriibiya, kadib musiibadii dhowaan ka dhacday Badda Meditranean-ka, halkaasoo ay ku dhamaadeen boqolaal dhalinyaro u badan Soomaali.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo caawa fiidkii shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadeyso tallaabooyin lagu bur burinayo Shabakado isku xiran oo dadka tahriibiya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ayaa sheegay in la sameyn doono Unugyo ka tirsan Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida, kuwaasoo u howl geli doono ka hortagida shabakadaha wax tahriibiya, isla markaana bartilmaameedsada meelaha ay adeegsadaan shabakadaha wax tahriibiya.

Waxaa uu sheegay in Wasaaradaha Warfaafinta, Waxbarashada, Amniga iyo Awqaafta ay bilaabi doonaan barnaamijyo dadka looga wacyi gelinayo dhibaatada tahriibka.

Mr Carte ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doonto sidii dhalinyarada shaqooyin loogu abuuri lahaa, waxaana uu ugu baaqay in dhalinyarada aysan naftooda ku haligin badaha.

Carte q

Ugu dambeyn waxaa uu baaq u diray beesha Caalamka sidii ay gacan uga geysan lahaayeen in dhalinyarada Soomaaliyeed shaqooyin loogu abuuri lahaa, si aysan ugu dhiiran Tahriibka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip