WAA WARAR WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 21-KA ABRIILE 2016-KA

0
Thursday April 21, 2016 - 09:40:22 in Wararka by
  • Visits: 644
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARAR WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 21-KA ABRIILE 2016-KA

    MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA:"ALSHABAAB SANNADIHII 2010KII ILAA 2012KII WAXAY DHOWR MITIR U SOO JIRSADEEN VILLA SOMALIA.." Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey BarnaamijWareedka Newsday ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA:"ALSHABAAB SANNADIHII 2010KII ILAA 2012KII WAXAY DHOWR MITIR U SOO JIRSADEEN VILLA SOMALIA.." Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey BarnaamijWareedka Newsday ee ka baxa Idaacadda BBCWorld Service, wuxuuna xusay in Doorashadda Barlamaanka cusub lagu qaban doono 6da magaallomadax ee Dowladgobaleedyadda dalka, oo uu tilmaamay inay leeyihiin dhul ku filan oo ay Kumanaan Kun oo qof codkooda ka dhiiban karaan.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay inay Magaallooyinkaasi haatan ka jiraan Nabad ku filan oo la isku halayn karo, wuxuuna xusay inay Ciiddanka Qaranka iyo kuwa AMISOM sugi doonaan Amm aanka Xilliga Doorashooyinka.

Waxaa Madaxweynaha waraystay Tomi Oladipo oo ah Weriyaha dhinaca Ammaanka ee BB C-da ayaa Madaxweynaha wax ka weydiiyey Awoodda Dagaalamayaasha AlShabaab leeyihiin, wuxu una Madaxweynaha qiray inay Alshabaab weli xooggan yihiin, balse awoodooda la laciifiyey, waa sida uu hadalka u yiri.

"AlShabaab sannadihii 2010kii, 2011kii iyo 2012kii waxay dhowr mitir u soo jirsadeen Xarunta Dowladda ee Villa Somalia, balse haatan AlShabaab waa laga dhaqaajiyey, lagana fogeeyey magaall adda Muqdisho” ayuu yiri Madaxweynaha oo tilmaamay inuusan Dagaalka lagu jiro Alshabaab ahayn mid Milliteri.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in AlShabaab looga guuleystay Dagaalka Milliteriga, balse uu dagaalkooda haatan noqday dagaal Xagjirnimo, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna intaasi ku daray inaysan Dowladiisa haatan walaac ku haynin Dagaalka Milliteri ee Alshabaab, balse ay ku hawlan yihiin dibuga soo kabashadda Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshadda iyo Wacyigelinta iyo in Dadka lagu wareejiyo Maamulka.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu tilmaamay in Dagaalka Alshabaab ahayn mid Aydhoolajiyadeed, isla markaana Dhallinyaradda ku biirtay ay Danno Dhaqaale ugu biireen, iyadoo qofkiiba la siiyo 50 Dollar ilaa 100 Dollar marka ay bil kasta dhamaato, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale AlShabaab waxay tan iyo sannadkii 2007dii Dagaal kula jiraan Ciiddanka Dowlad da iyo kuwa AMISOM, waxayna weli ku xooggan yihiin Degmooyin ku yaalla Goballadda Koonfurta iyo kuwa Dhexe ee Soomaaliya.

Xigasho: BBC WORLD.

KOFI ANNAN: MADAXDA AFRIKA WAA INAY XILKA KA DAGAAN MARKUU U DHAMMAADO WAQTIGOODA SHAQO

Xoghayihii Hore ee Qaramada Midoobay, Kofi Annan ayaa madaxda Afrika ku boorriyay inay xilka ka dagaan marka uu dhammaado Waqtiga hoggaanka ay hayaan, ayna ka fogaadaan inay xilka isku sii dhajiyaan, taasoo sababi karta buu yiri colaado sokeeye oo dhaca.

Annan ayaa xusay in dastuurka oo aan lagu dhaqmin iyo in muddada xafiiska la kororsado iyo siyaasadaha oo la Carqaladeeyo ay Qaaradda Afrika ku keenayso inay dib uga dhacdo guulihii ay gaartay.

"Waxaan filayaa in Afrika ay horumar gaartay, welina ay uu u dhiman yahay horumar kale, balse haddii hoggaamiyeyaasha Afrika ay diidaan in ay xilka ka degaan markuu dhamaado waqti go oda hoggaamineed, uuna damac ka galo inay xilliga kororsadaan iyagoo bedelaya dastuurka, taa si waxay keeni kartaa kacdoono shacab,” ayuu yiri Kofi Annan.

Isagoo sii hadlayay ayuu intaas ku daray. "Waxaa Wanaagsan in intii carqalad laga abuuri lahaa Afrika, in Hoggaamiyeyaasha Afrika ay ixtiraamaan dastuurka iyo xeerarka u yaalla wadd amad ooda, si loogafogaado dhibaatooyin cusub.”

Sidoo kale, Kofi Annan ayaa ugu baaqay Midowga Afrika inaysan aqbalin hoggaamiye Afg ambi ku qabsaday awoodda maamul ee wadankiisa iyo hoggaamiyeyaasha kale ee xilliga ku darsada xafiiska.

Kofi Annan ayaa intaas ku daray in dhibaatooyinka Qaaradda Afrika ka jira looga bixi karo in la dhiso Awoodda dhaqaale ee Afrika, sidoo kalena la xoojiyo Maalgashiyada Qaaradda iyo Dimuqraad iyadda.

"Weligeen kama gudbayno kuwa nagu hareeraysan haddii aanan noqon mas'uuliyiin xor ah oo madaxbannaan, waxaan doonayaa inaan xor noqonno. Markaas ayaanan hoggaan fiican u noqon karnaa inay kuwa taageerada na siinaya dib nooga dagaan, waayo waxay arkayaan waxa aanu n ahay,” ayuu hadalkiisa ku daray Kofi Annan.

Mar uu ka hadlay Shirkii Tana ee Addis Ababa lagu qabtay ayuu Kofi Annan sheegay inuu ku faraxsan yahay in Madaxda Afrika ay ka doodaan sidii ay Qaaradu u Noqon lahayd mid isku tashada oo lacag u gaar ah leh, si looga kaaftoomo kaalmo dibadeed.

Ugu dambeyn, Hadalka Xoghayihii hore ee QM, Kofi Annan, ayaa wuxuu imaanayaa xilli Wadd anka Burundi ay ka taagan yihiin Colaado ka dhashay in mar saddexaad xafiiska loo doorto Madaxw eyne Pierre Nkurunziza, taasoo ay Mucaaradku ay sheegeen in xadgudub ay ku tahay dastuurka wad dankooda.

QARAMADA MIDOOBAY OO GUDDI U SAARTAY BAARISTA DOONIDII DHAWAAN MUHAAJIRIINTA LA DEGTAY ..

Qaramada Midoobay ayaa Koox Baarayaal ah u dirtay dalka Greece si ay xog dheeraad ah ugu soo ogaadaan Boqolaalkii ruux ee ku qarqamay doonidii Siday Muhaajiriintii u badnaa Soomaa lida oo doonidii ay la socdeen ay degtay badda Miditarenianka.

Shaqsiyaad la wareystay oo ay ka mid ahaayeen dadkii ka badbaaday doonida degtay ayaa sheegay in Isniintii la soo dhaafay ay mashaqadaasi dhacday , iyagoo xusay in ay arkayeen dad boq olaal ah oo si fool xun ugu geeriyooday biyaha markii doonta degtay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegay in tirade dhimashada ay gaareyso 400500 oo badankood Soomaali ah.

Howsha baarista tirooyinka dadka doontaas la socday iyo inta uu la egyahay Khasaraha dhim ashada ayaa waxaa ku dhawaaqday Ariane Rummery oo ah Afhayeen u hadashay Laanta Qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Asad Muxuyidiin Cismaan oo ka mid ah dadkii ka badbaaday doontii degtay ayaa sheegay in dadka ay isku buurteen taasoo sababtay in doonta ay quusto wuxuuna intaas ku daray in dadka ba dan muhaajiriinta ay halkaas ku geeriyoodeen.

BAROORDIIQ MUQDISHO LOOGU SAMEEYAY DHALLINTII SOOMAALIYEED EE KU DHINTAY MEDITERRANEANKA

Ururka Haweenka Qaranka ayaa Muqdisho ku qabtay kulan ay isugu yimaadeen tiro haween ah oo ka kala socday bulshadda rayidka, haween ka yimid Qurbaha sida Wadamadda Canada iyo Sweden, kulankaas oo loogu Baroordiiqayay Musiibadii ku dhacday dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku dhintay Badda u dhexeysa dalalka Talyaaniga iyo Liibiya, kuwaasoo ku jiray safar ay ku tahrii bayeen.

Haweenkii kulanka ka hadlay ayaa muujiyay shucuubtooda ku aaddan dhibaatada ku habsatay 400 ee tahriibe ee naftooda ku waayay Biyaha Badda u dhaxeeysa Talyaaniga iyo Liibiya, xili ay doonayeen inay gaaraan Qaarada Yurub.

Sidoo kale, Haweenkan ayaa tacsi u diray eheladda dadkii ku geeriyooday badda ee sooma alida ahaa waxa ayna ugu baaqeen dowladda dhexe ee Somalia iyo maamul goboleedyadda ka jira dalka soomaaliya in ay qeyb libaax leh qaataan sidii looga hortagi lahaa tahriibka iyo saameynta uu ku leeyahay dhalinyadda Soomaaliyeed.

Caasho Saciid Jaamac oo ka mid ah Haweenka ka yimid dalka Canada ahna madaxa isku xirka haweenka iyo arimaha bulshadda ee xafiiska Ra’isul wasaaraha xukuumadda soomaaliya, ayaa Hadal ka jeedisay Madasha waxa ayna tiri " Waa wax laga xumado in da’yarta soomaaliyeed si aan an xisaab laheyn ugu geeriyoodaan baddaha waana muhiim in laga hortago tahriibka ”

Dr Duniya Xaashi Maxamed oo ka mid ah dhaqaatiirka ka timid Sweden ayaa sheegtay in qurbaha aanan waxbadan lagu heyn, aysan jirin wax dalka dhaama waxa ay tiri " waxaa tusaale idiinku filan da’yarta iyo dadka meel dhaxaadka ee wadanka dib ugu soo laabanayo dowladda waa in ay shaqo u abuurtaa dhalinyaradda soomaaliyeed. "

Maryan Aadan Amiin oo ah Agaasimaha arimaha bulshadda ee Xafiiska ra’isul wasaaraha soomaaliya ayaa sheegtay in ka xafiis ahaan ay xooga saarayaan sidii lagu heli lahaa macluumaad buuxa oo ku saabsan soomaalida ku dhimatay badda u dhaxeysa Italy iyo Libya .

Muna oo gudoomiye u ah ururka Dhalinyadda gobolka Hiiraan ayaa ku baaqday in dhaliny adda soomaaliyeed ay u istaagaan horumarinta dalkooda intii ay si xisaab la’aan ah ku dhiman lahaayeen badda.

Ugu Danbeyntii gudoomiyaha ururka haweenka qaranka soomaaliya Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa tiri " Haddii aan nahay haweenka soomaaliyeed aad ayay noo gubeysaa in dhalinyara dda soomaaliyeed ay noqdaan kuwa ku geeriyooda baddaha waa in aan uwada guntanaa sidii aan u joojin laheyn tahriibka.

Baroordiiqdan ay sameeyeen haweenka soomaaliyeed iyo tacasiyeenta ayaa imaaneysa waqti madaxda dalka ay ka tacasiyeeyeen in kastoo ay sheegayaan in ay xooga saarayaan sidii lagu heli la haa tirade soomaalida ee biyaha ku maqan wallow qeyb ahaan la ogaaday.

DANJIRE KEATING: HORUMARKA IYO AMNIGA SOMALIA WUXUU U BAAHAN YAHAY ISKAASHI WADAJIR AH

Ergayga QM ee Arrimaha Somalia Micheal Keating oo Golaha Amaanka ee QM warbixin ka sii nayay Xaaladda Somalia, ayaa soo Hadalqaaday Arrimaha Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha iyo Xaaladaha Bani’aadanimo ee Xilligaan ka jira Soomaaliya, isagoo xusay in Somalia ay ka jiraan caqa bado badan iyo horumarro lagu tallaabsaday.

Danjire, Micheal Keating ayaa sheegay in Somalia uu ka jiro xilligaan horumar dhab ah, isla markaana Madaxda Dowladda Federaalka Somalia, kuwa Maamulgoboleedyada iyo ururada bulsha da rayidka ay iskuwaafaqeen nidaamka doorasho oo sannadkan ka dhaca Soomaaliya.

Sidoo kale, Wakiilka QM ee Somalia ayaa ka hadlay dhismaha maamulgoboleedyada laga dhisayo Somalia, isagoo carrabka ku dhuftay in maamulka loo dhisayo Gobollada Hiiraan iyo Shabe ellada Dhexe uu meel wanaagsan marayo, inkastoo uu xusay in dhawr jeer ay dib u dhacyo badan soo wajaheen.

"Waxaa ku baaqayaa in hannaanka doorashada ee lagu heshiiyay si degdeg ah loo dhaq angeliyo si doorashada ay u dhacdo xiligii loo qorsheeyay. Waxaana soo dhaweynayaa niyadsamida ay muujiyeen Hoggaamiyeyaasha Soomaalida, waxaan kaloo taageerayaa qaraarkii Golaha Amma anka ee QM ee ahaa in aysan jirin wax muddo kororsi ah,” ayuu yiri Danjire Keating.

Ergayga, ayaa dhanka kale sheegay in doorashada sannadkan Somalia ka dhici doonta ay si weyn uga duwan tahay doorashadii dhacday Sanadkii 2012kii, isagoo tusaale u soo qaatay in ergo oyinka soo xulaya xildhibaanada baarlamaanka cusub ay ka badan tiro badan yihiin xubnihii hore ee soo xulay xildhibaannada baarlamaanka hadda shaqeynaya.

Mar uu Danjire Micheal Keating soo hadalqaaday dib u eegista dastuurka ayuu sheegay in Ha wshiisu ay marayso meel Wanaagsan, isla markaana Nuqulladii ugu horreysay ee dib u eegista dast uurka Somalia lasoo bandhigay, si talooyin loogu darsado.

Dhanka kale, Arrimaha Ammaanka ayuu ka hadlay, isagoo soo qaatay Duullaan ay xoogag ka tirsan Alshabaab ku qaadeen Bishii hore deegaanno ka tirsan Puntland iyo Galmudug, isagoo shee gay in labadan maamul ay iska difaaceen kooxahaas soo duulay, ayna khasaare culus gaarsiiyeen.

Wakiilka QM ee Soomaaliya, ayaa Ammaanay Ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay inay naftooda u hureen sidii Somalia ay nabad u noqon lahayd, isagoo dalbaday in ciidama dan iskaashanaya Taageeradooda la xoojiyo si hawlgalladooda ay horay ugu sii wadaan.

"Nabadgalyo Somalia ka hirgasha waxaa aasaas u ah Iskaashiga saddexda dhinac ah ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo QM,” ayuu yiri Danjire Keating oo intaas ku daray. "Amniga iyo Horumarka Soomaaliya wuxuu ku Xiran yahay sida awood loogu yeesho in laga maarmo ku tiirsanaanta kaalmada dibadeed iyo in diirada la saaro ka hortagga dhibaatooyinka ay ka mid yihiin argagaxisonimada."

Ugu dambeyn, Wakiilka QM ee Soomaaliya, ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay inuu isfa ham siyaasadeed oo dhab ahi keeni karo maalgashiyo Soomaaliya lagu sameysto, shaqoabuur, ku Dhaqanka Sharciga iyo in la dhawro xuquuqda Aadanaha, lana helo Ciidammo u leh awood ladagaal lanka argagaxisada.

NAIROBI, KENYA: FAGAARE LOOGU TALA GALAY QURBAJOOGTA AFRIKA OO KULAN LAGU QABANAAYO SHALAY

Shalay oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20ka bisha Abriil ee sanadka 2016, waxaa kulan lagu qaban doonaa fagaare loogu tala galay qurba joogta Afrika kaasoo looga wada hadli doono amuu raha ku taxaluqa qurba joogta Afrika.

Waxaa arinta ugu weyn ee la filaayo inay hareyso kulankaasi ay tahay lacagaha ay qurbajoog tu kasoo xawilaan dibada oo dalalka Afrika aad usaacida. Waxaa lagu qaadaa dhigi doonaa amaba la gu lafa guri doonaa dhibaatooyinka ugu waaweyn ee xaddida dhimitaanka qiimaha lacagaha loogu soo xawilo dalalka Afrika.

Fagaarahaas ayaa waxaa lagu qabanayaa Dugsiga Daraasadaha Lacagta ee Kenya (Kenya School of Monetary Studies) oo kuyaala caasimadaan Nairobi.

Kulankaa oo la filaayo inuu dhaco galinka dambe ee shalay waxaa soo agaasimay ama qar ash gareeyay Machadka Afrika ee Lacagaha Laxawilo (African Institute for Remittances) iyo Hayada Caalamiga ah ee Socdaalka ama Hijrada ee marka magaceeda lasoo gaabsho loo yaqaano IOM.

Kasoo qeybgaleyaasha ayaa waxaa kujiri doona masuuliyiin kasocda baananka dhexe ee dalalka kujira Midowga Afrika (AU), wasaaradaha maaliyada iyo qorsheynta ee dalalkaa, banuukta ganacsiga ee wadamadaas, xawilaadaha, shirkadaha adeegyada taleefanada gacanta iyo ururada qurbajoogta.

TAIWAN OO RAADAAR NABAD GELYADA XEEBAHA SOOMAALIYA LAGU SUGO KA HIR GELINEYSO DALKA

Dowladda Taiwan ayaa dhawaan heshiis la gashay Shirkad Maraykanka ka shaqeysa dhinaca ammaanka badaha taasoo la sheegay in Midowga Europe uu ka caawin doono in markii ugu horrey say ay Soomaliya ka hirgeliso hanaan raadaarka oo ka saacidaya in si fudud loola socdo dhaq dhaqa aqa Xeebaha dalka ammaankooda.

Heshiis Horudhac ah oo ay kala Saxiixdeen Midowga Europe iyo dowladda Taiwan ayaa la sheegay in ay ku kaceyso lacag gaareysa 166,000 oo dollar kaas oo ah qorshaha lagu dhisayo xaru mo Isgaarsiin oo laga hir geliso Magaalooyinka ku yaalla Soomaaliya.

Xarumahaasi Isgaarsiineed ayaa la sheegay in uu Midowga Europe iyo Ciidamada ilaalada xe ebaha Soomaaliya ka taageeri doonana howlgalka ka dhanka ah Burcadbadeeda Soomaalida ee iya gu dhibaatooyinka ka geysta badweynta India.

Hanaanka Raadaarkaan ayaa la sheegay in xarumo looga sameyn doono 5 Magaalo xeebeed oo kala ah Berbera , Boosaaso , Hobyo , Kismaayo iyo Magaalada Muqdisho.

Wakiilka Taiwan ee Midowga Europe ayaa sheegay in xarumahaasi ay suura gelin doonaan in si nabad gelyo ah Maraakiibta ay u isticmaalaan Biyaha Soomaaliya.

Mashruucaan ayaa wararku waxa ay sheegayaan in sidoo kale Tababarro ay uga faa’ideysan doonaan Ciidamo Soomaali ah oo lo carbinayo ilaalinta Xeebaha Soomaaliya.

CHINA OO KU BAAQAY IN LA SII XOOJIYO NABADEYNTA SOOMAALIYA

Ergayga Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la xoojiyo qorshaha qor shaha Nabadeynta Soomaaliya isagoo intaas ku daray in ay Muhiim tahay wax ka qabashada amm aanka iyo weliba Arrimaha dhinaca Beni’aadanimada.

Wakiilka Shiinaha ee Qaramada Midoobay ayaa xusay in hanaanka nabadda ee Soomaaliya ay gashay waji cusub , oo doorashooyin Madaxweynenimo la filayo in sanadkaan uu ka dhaco dalka taa soo u baahan in taageero wax ku ool ah la siiyo Soomaaliya.

Shiinaha ayaa sheegay in ay aaminsanyihiin in Soomaaliya ay horumar ka sameyn doonto dhinaca dib u dhiska dalka iyo weliba hanashada nabad ku soo dabaalidda Somaaliya oo muddo dheer ay daashadeen colaado iyo dagaallo Sokeeye.

Waxa uu ka mid yahay Shiinuhu dalalka ugu waaweyn ee taageera Soomaaliya , gaar ahaan tageere dhaqaale ku bixiya howlgalka Ciidanka Midowga Africa ee Soomaaliya.

MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND OO SHALAY XARIGGA KA JARAY DHISME WASAARADEED

Madaxweyne kuxigeenka Puntland , C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar Camey ayaa shalay xariga ka jaray dhisme cusub oo ay leedahay Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland.

Munaasabadda Xarigjarka xaruntan cusub waxaa ka goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, kuxigeenkiisa, Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha, kuxigeenkiisa, Wasiir kuxigeen ka Warfaafinta, Agaasimayaal iyo Mas'uuliyiin kale.

Sidoo kale, intii ay socotay xafladda, waxaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqan ka Soomaaliyeed, kaasoo ay Wasaaraddu soo aabaabushay, kana qaybqaadanayeen dhallinyaro wii lal iyo gabdho isugu jiray.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland , C/xakiim Camey, ayaa sheegay in dhismahan uu xarigga ka jaray shalay uu muddo toban bilood ka hor ah la dhagaxdhigay, taasina ay muujinayso sida xuku umadda Puntland ay uga go’an tahay hormarinta Wasaaradaha Puntland.

Ugu dambeyn, Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa Wasaaradda Arrimaha Gudhaha Punt land kula dardaarmay inay dardargaliso howlaheeda shaqo.

HAY'ADDA UNHCR OO BAARAYSA DOONIDII AY KU DHINTEEN BOQOLAAL TAHRIIBAYAAL AH OO U BADNAA SOOMAALI.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Hay'adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ay aa lagu sheegay inay Koox u direen Badda Mediterranean Sea, gaar ahaan halka ay ay ku degtay dooni waday Boqolaal Tahriibayaal ah.

Ariane Rummery Haweeneyda Afhayeenka u ah UNHCR ayaa hadalkaasi ka sheegtay Xarunta Dhexe ee UNHCR ay ku leedahay magaalladda Geneva ee dalka Switzerland, waxayna she egtay inay Kooxdaasi soo baari doonaan Shilkaasi murugadda leh.

Ma jiraan Dowlad ama Hay’ad ka tirsan QM oo awooday inay xaqiijiyaan tirada Tahriibayaasha ku geeriyootay doonidaas ku degtay meel ka baxsan Xeebaha dalka Masar.

Flavio Di Giacomo oo ah Afhayeenka Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) ayaa Suxufiyii nta u sheegay inaysan waxba xaqiijin Karin ilaa laga helo Markhaatiyayaal ama wax kale oo ka yimaada Saraakiisha Dowladaha

BALAAYIIN IRAN LACAGTEEDA OO LA SIINAYO EHELADA 241 QOF

Weerarka ayaa in ka badan 200 oo Maraykan ah ay ku dhinteen.

Maxkamad sare ee Maraykanka ayaa go'aan ku gaartay, in lacagta Iran ee la xayiray oo dhan in ka badan laba bilyan oo dollar la siiyo eheladii ku dhintay weeraro lagu eedeynayo kooxo ay taageerto Iran.

In ka badan kun iyo saddex boqol oo qof oo Maraykan ah ayay saamaysay go'aanka, oo la xiri ira 1983 weerarkii Xisbullah ay ku qaaday ciidamo badda ee Maraykanka oo joogay Beirut 1983dii.

Laba boqol iyo afartan iyo kow ciidamada badda ee Maraykanka ayaa lagu dilay weerarka.

Iran ayaa ka dooday sharciga uu soo saaray Congeresska oo ah in lacagta la xanibay la siiyo ehelada dadkii ku dhintay weerarka. Hadda maxkamada sare ayaa sharciga aqbashay.

URURKA AL SHABAAB OO QIIL U YEELAY DHALINTA SOMALIYEED EE BADAHA KU DHIMANAYSA

Afhayeenka Guud Ururka Al Shabaab, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), ayaa waxaa uu ka hadlay dhalinta Somaliyeed ee sida inta la’aanta ugu tahriibaysa Wadamada Qaaradda Yurub.

Afhayeenka, ayaa marka hore tacsi u diray qoysaska dadkii toddobaad ka hor ku la’day badda xiriirisa min Masar, Libya illaa Talyaaniga, ka dib markii ay ka amba baxeen Magaalada Qaahira.

Afhayeenka Guud Ururka Al Shabaab, ayaa difaacay dhalinta Somaliyeed ee dalka ka cararaysa, xilli uu sheegay inaanay fursado shaqo ku haysan gudaha dalka, taasina ay ugu wacan tahay inay maciin bidaan dalalka shisheeye.

Cali Maxamuud Raage, ayaa su’aal ka keenay waxa dhalinta ku khasbay inay dalkoodu ka cararaan, islamarkaana ay nafsadahoodu ku biimeeyaan halista badda mowjadaha waawayn leh.

"Waxaa mudan in la isweydiiyo sababta markasta dhalinyaradu ay badahaan ugu baa ba’ayaan, oo marba marka ka dambeyso ay u sii darsanayso, maxay tahay? Waxaad maqleysaa in badan iyadoo la canaananaayo dhalinyarada, laguna eedeynaayo tahriibka ay tahriibeen. Marka canaantaa ma leeyihiin mise malaha? Qayb ka mid ah haku lahaadaan, laakiin inta badan waxaan leenahay asbaab kale ayaa jirta.” Ayuu yiri Cali Maxamuud Raage.

Waxa uu intaa ku daray "Sababta ugu wayn ee dadkan dhalinyarada ah ay u tahriibayaan, waa sabab runtii dalkeena taala, ummada Muslimiinta ah ee ku nool Somaliya inteeda badana ay ka dharagsan yihiin. Waxaad ogtihiin dalkeena Somaliya waxaa ku soo duulay cadow kala duwan oo no ocyo badan, iyadoo uu qabsaday dhammaan ilihii dhaqaalaha ee dalkani uu lahaa, islamarkaana cunaqabateen ku soo rogay wax alla wixii wadankan uu lahaa, ilo dhaqaale nooca ay doonaan ha noqdaan.”

Cali Dheere, ayaa yiri "Tusaale waxaa idinkugu filan waxaa weeye dhalinyarada maanta bad aha ku halaagsantay intooda badan, sida xogtooda la helaayo waxaa weeye inay ahaayeen dad aq oonyahano ah, Dugsi Sare ka baxeen, qaarkood laga yaabo inay Jaamacado ka baxeen, dalkan bilic ahna ee ay lahaayeena, ay ka carareen.”

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu yiri "Wadankan tusaale waxaa idinkugu filan Dekedihiisii, Madaaradiisii, ganacsigiisii iyo dhaqaalihii uu lahaa oo dhan, waxaa gacanta loo geliyay shisheeye. Tusaale ahaan Dekedii Muqdisho oo aad ogtihiin waxaa ku noolleed shan kun oo qof in ka badan, shantii kun waala ceyriyay, gacantoodaa la mariyay, waxaana lagu wareejiyay hay’aad shisheeye. Dadkaasi waxay isugu jireen dhalinyaro, odayaal iyo dad dhex dhexaad ah. Halkee aadaayaan? Dan tu waxay ku khasabtay inay badaha galaan.”

Cali Dheere oo la hadlay Warbaahinta afka Shabaabka ku hadasha, ayaan soo hadalqaadin kaalinta uu Ururka Al Shabaab ku leeyahay in dhalintu ka yaacdo wadanka. Weerarada uu inta badan Ururku ka gaysto dalka, ayaa waxaa la dhihi karaa waxyeelada ugu badan waxay ka soo gaartaa dad aan waxba galabsan.

ADMIRAL FAARAX QARE OO KA DIGAY QATAR KA DHALATA DABEYLO KU DHUFTAAN XEEBAHA SOMALIYA

Kadib markii daraad Mowjado biyo ah oo wata Dabeylo ay ku dhufteen Xeebaha Magaalada Muqdisho, ayaa Taliyihii hore ee ciidamada Badda Somaliya Admiral Faarax Qare wuxuu ka digay qataro ka dhalan karo Mowjadaha biyaha badda.

Admiral Faarax Qare, wuxuu ka digay in mar kale ay Xeebaha Somaliya ku dhuftaan Mowjado hor leh oo wata Dabeylo, kuwaasi oo ka dhasha Khasarooyin kala duwan oo soo gaara dadka ka ag dhaw Badda iyo nawaaxigeeda.

Faarax Qare, wuxuu soo jeediyay in caro tuur weyn laga sameeyo Afaafka hore ee Badda, si hadii biyaha Badda ay banaanka ugu soo baxaan Caro tuurkaasi ay u celiyaan.

Taliyihii hore ee ciidamada Badda Somaliya ayaa xaalada kacsanaanta biyaha Badda u sab abeeyay Dabeylo xoogan oo xilligaan ka jira Badweyne Hindiya.

Mowjadaha Biyaha Badda ee shalay ayaa saameyn ku yeeshay Dekada Magaalada Muqdi sho, ka dib markii biyaha ay soo galeen dekada, sidoo kalena ay isku dhaceen labo markab oo de kada ku xirnaa.

Sida daraad badda u kacsaneyd ayeey dadka sheegeen inaysan sanadahan arkin badda oo sidaasi u kacsan iyo Biyaha Badda oo Banaanka u soo baxay.

TUBMAN OO NOQONAYSA HAWEENEYDII UGU HOREYSAY EE LAGU DAABACO LACAGTA DOLLARKA

Dowlada Maraykanka ayaa markii ugu horeysay waxa ay ku soo daabacaysaa lacagteeda haweeney madow ah oo u dagaalantay sidii loo xoreyn lahaa dadka la addoonsan jirey.

Xoghayaha Maaliyada dowlada Maraykanka ayaa lagu wadaa in ay si rasmi ah goordhow ugu dhowaaqdo qorshahan lagu bedelayo sawirka Madaxweynihii hore ee Maraykanka Andrew Jackson.

Tubman ayaa ahayd haweeney ka baxsatay addoonsigii ka jirey dalka Maraykanka, balse markii dambe waxa ay nafteeda u hurtey sidii ay dadkii ku noolaa Koofurta Maraykanka ee ka shaqe ynayay tareenka dhulka hoostiisa mara u heli lahaayeen xorriyad.

Sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa la soo bandhigay qorshe ahaa in la bedelo sawirka Alex ander Hamilton oo ku dhegen lacagta tobanka dollarka Maraykanka ah laguna bedelo qof dumar ah. Hase yeeshee qorshahaas waxaa la bedelay kadib markii taageerayaasha Hamilton iyo koox aha haweenka u ololeeya ay codsadeen in la bedelo sawirka labaatanka dollar laguna bedelo sawi rka haweeney.

Jackson oo ah qof aad u adadkaa ahaana qof ku dhaqmi jirey addoonsiga lagu bedelo muuq aalkiisa haweeney ku dhalatay addoonimo.

Markii lagu dhowaaqay in lacagta labaatanka dollar lagu bedelayo qof dumar ah ayaa labaat ameey kooxaha haweenka u ololeeya waxa ay sameeyeen sahan ay ku soo xulayaan qofka ku hab oon in lagu bedelo Jackson.

Muddo toban toddobaad ah ayaa kooxahan waxa ay cod ka qaadeen dad gaaraya 600,000 haweeneydii ugu sare martay cod bixintana waxa ay noqotay Tubman.

NATIONLINK TELECOM

OGEYSIIS

QIIMO DHIMIS BALAARAN

BISHAARO , BISHAARO, BISHAARO

Shirkada isgaarsiinta Casriga caalamiga ah ee NATIONLINK waxay macaamiisheeda sharafta leh u sameysay Qiimo Dhimis Dal & dibad ah Muddo 2 bilood ah oo ka bilaabaneynsa 18 / 03/2016 waana adeega ku shubashada ah ( prepaid ka)

A.Wicitaanada Gudaha Dalka oo dhan ku shubo $1 kuna hadal 140 daqiiqo Habeen iyo Maalin

 

B.Wicitaanada Dibada : ku shubo $1 oo ku hadal 10 daqiiqo wadamada

·USA.

·CANADA

·CHINA.

·INDIA.

·AUSTRALIA.

·BANGLADESH.

·MALAYSIA.

·PAKISTAN.

·SOUTH AFRICA

·SWEDEN

NATIONLINK ISKUXIRAHA DADWEYNAHA

FAAHFAAHIN DHEERI AH, FADLAN WAC 100/222/333

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip