Madaxweynaha Soomaaliya:"Al-Shabaab sannadihii 2010-kii ilaa 2012-kii waxay dhowr mitir u soo jirsadeen Villa Somalia.."

0
Wednesday April 20, 2016 - 20:06:33 in Wararka by
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya:"Al-Shabaab sannadihii 2010-kii ilaa 2012-kii waxay dhowr mitir u soo jirsadeen Villa Somalia.."

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Barnaamij-Wareedka Newsday ee ka baxa Idaacadda BBC-World Service, wuxuuna xusay in Doorashadda Barlamaanka cusub lagu qaban doono 6-da magaallo-madax ee Dowlad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Barnaamij-Wareedka Newsday ee ka baxa Idaacadda BBC-World Service, wuxuuna xusay in Doorashadda Barlamaanka cusub lagu qaban doono 6-da magaallo-madax ee Dowlad-gobaleedyadda dalka, oo uu tilmaamay inay leeyihiin dhul ku filan oo ay Kumanaan Kun oo qof codkooda ka dhiiban karaan.
Madaxweynaha waxa uu tilmaamay inay Magaallooyinkaasi haatan ka jiraan Nabad ku filan oo la isku halayn karo, wuxuuna xusay inay Ciiddanka Qaranka iyo kuwa AMISOM sugi doonaan Ammaanka Xilliga Doorashooyinka.

Waxaa Madaxweynaha waraystay Tomi Oladipo oo ah Weriyaha dhinaca Ammaanka ee BBC-da ayaa Madaxweynaha wax ka weydiiyey Awoodda Dagaalamayaasha Al-Shabaab leeyihiin, wuxuuna Madaxweynaha qiray inay Alshabaab weli xooggan yihiin, balse awoodooda la laciifiyey, waa sida uu hadalka u yiri.

"Al-Shabaab sannadihii 2010-kii, 2011-kii iyo 2012-kii waxay dhowr mitir u soo jirsadeen Xarunta Dowladda ee Villa Somalia, balse haatan Al-Shabaab waa laga dhaqaajiyey, lagana fogeeyey magaalladda Muqdisho” ayuu yiri Madaxweynaha oo tilmaamay inuusan Dagaalka lagu jiro Alshabaab ahayn mid Milliteri.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in Al-Shabaab looga guuleystay Dagaalka Milliteriga, balse uu dagaalkooda haatan noqday dagaal Xag-jirnimo, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna intaasi ku daray inaysan Dowladiisa haatan walaac ku haynin Dagaalka Milliteri ee Alshabaab, balse ay ku hawlan yihiin dib-uga soo kabashadda Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshadda iyo Wacyi-gelinta iyo in Dadka lagu wareejiyo Maamulka.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu tilmaamay in Dagaalka Alshabaab ahayn mid Aydhoolajiyadeed, isla markaana Dhallinyaradda ku biirtay ay Danno Dhaqaale ugu biireen, iyadoo qofkiiba la siiyo 50 Dollar ilaa 100 Dollar marka ay bil kasta dhamaato, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Al-Shabaab waxay tan iyo sannadkii 2007-dii Dagaal kula jiraan Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxayna weli ku xooggan yihiin Degmooyin ku yaalla Goballadda Koonfurta iyo kuwa Dhexe ee Soomaaliya.

Xigasho: BBC WORLD.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip