Abdiweli Garyare "Ha lumin madaxbannaanida NUSOJ, hana sii fogayn hoggaan la'aanta heysata"

0
Wednesday April 20, 2016 - 10:48:09 in Maqaallo by
  • Visits: 997
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abdiweli Garyare "Ha lumin madaxbannaanida NUSOJ, hana sii fogayn hoggaan la'aanta heysata"

    Waxaa muddo socday dadaalo iyo isku-day lagu doonayo in dib loogu saxo turaan-turooyinkii ku yimid ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ. Si taasi looga gudbana waxaa la aqbalay wax badan oo aan munaasib u aheyn dariiqa loo maray, iyaddoo la eega

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa muddo socday dadaalo iyo isku-day lagu doonayo in dib loogu saxo turaan-turooyinkii ku yimid ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ. Si taasi looga gudbana waxaa la aqbalay wax badan oo aan munaasib u aheyn dariiqa loo maray, iyaddoo la eegayo xalka iyo isku tanaasulka.

Waxaa la magacaabay guddi loo yeelay laba magac: Guddiga dhexdhexaadinta NUSOJ ama guddiga badbaadinta NUSOJ. Hadba midkii uu afkaaga soo qabto ayaa loogu yeeraa guddigaasi, waxaase la isku raacsan yahay shaqada looga fadhiyey oo ah : inay keenaan nidaam lagu soo afjari karo khilaafkii iyo kala fogaanshihii ururka wariyayaasha Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Annaga oo aan ku jirin dadka laga talogeliyey dhismaha guddigaasi iyo waxa uu qabanayo ayaa haddana waxaan bilownay sidii wariyayaasha Soomaaliyeed fursad u siin lahaayeen tallaabadda uu guddigaasi qaadayo iyo sida ugu habboon ee looga caawin karo shaqadaasi.

Sida ay marqaati inooga yihiin xubno ka tirsan guddiga, waxaan si dhaw ugala shaqeynay in garabkasta oo waxtabanayey uu ku qanco howsha guddiga, islamarkaana uu wax ka haggaajiyo madasha ugu danbeysa ee lagu soo ibo-xirayo hoggaan la’aanta NUSOJ.

Si arrintaasi loo gaaro, waxaan shir u qabanay wariyayaasha Soomaaliyeed ee qaarkood ku nool Yurub, maadaama aysan u dhaweyn xarunta howsha NUSOJ ka socoto ee Muqdisho. Shirkaasi oo ka dhacay London, waxaana kasoo baxay qoddobo waxtar u lahaa geeddi-socodka iyo jiheynta dhismaha NUSOJ-ta cusub.

Waxkasta oo la dhisayo waa inay cad yihiin qaabka loo dhisayo iyo xubnaha wax ka dhisaya. Waa in dariiq cadaaladeed la mariyaa, waana in laga dheereeyaa waxkasta oo mugdi-gelin kara. Sidoo kalana waa in dhismaha NUSOJ laga dhowraa gacmo siyaasadeed, maxaa yeelay waa urur madaxbanaan, sida ku cad dastuurka u deggsan.

Guddiga waxaa uu warkiisii ugu danbeeyey ku sheegay in shirweynaha uu furmayo 20-04-2016 oo maanta ah. Mana dhicin inuu furmo. Waxaa maxkamadda amarkeeda ku cad, 28-04-2016 in doorashada dhacdo, iyaddana saansaanteeda ma muuqato.

Maxaa haddaba hortaagan?

Waxa hortaagan shaqsi ahaan ma aqaan, waxaase laga rabaa inay guddiga u caddeeyaan wariyayaasha Soomaaliyeed waxa dib u dhaca keenaya ama keeni kara maalmaha soo socda.

Doorasho cadaalad ah inay dhacdo, maxaa sal u ah ?

1: Waxaa la iska rabaa in la caddeeyo tirada wariyayaasha ee ka qeybgalaya shirweynaha NUSOJ.


2: Wariyayaashaasi, ma NUSOJ ayey xubin ka yihiin mise ururkaba kuma jiraan ?
3: Guddiga wariyaha ay casumayaan, ma waxay ku tixgelinayaan inuu idaacad kaliya ka shaqeeyo mise waxay u eegayaan inuu laammaha kala duwan ee warbaahinta u shaqeeyo?, Haddii jawaabta danbe ay guddiga qabaan, waxaa la iska rabaa.

A: Imisa ayaa idaacad ah?
B: Imisa ayaa TV ah
C: Imisa ayaa wargeys ka socota
D: Imisa ayaase website ka socota?

Nusoj horey laammo ayey ugu laheyd gobollada dalka oo lagu saleyn jirey xubnaha shirka doorashada kasoo qeybgalaya, ma dariiqaasi ayaa la maray mise dariiq aan dastuurka NUSOJ shaqo ku laheyn?
Shirkaasi ma doorasho oo qura ayuu ku saabsan yahay mise sharciga NUSOJ in dib loo saxo ka hor doorashada ayaa qorshuhu yahay ?, maxaa yeelay sixitaan la’aanta sharcigaasi, waxba kama baddeleyso shaqsiyaad la doortay.

Waxaasi oo dhami haddii aysan inoo caddeyn, miyaa geli karnaa doorasho?, waxay ila tahay(MAYA).

Maxaa dhacaya haddii doorashada dhacdo, iyaddoo waxaasi loo eegin?

Waxaan qabaa inay dariiqa u fureyso dhismaha dhowr NUSOJ, oo ka xal durugsanaan doona kuwii hadda la lahaa waa la xallinayaa. Waxaana imaan doonta in wixii halkaasi kasoo baxa ay noqdaan "Hal bacaad lagu lisay”.

Wariyayaasha Soomaaliyeedna waxay xaq u yeelan doonaan inay diidaan wixii aan u cuntamin ama ay isugu yimaadaan shirweyne kale oo ay uga tashanayaan aayahooda, iyagoona isugu imaanaya meeshii aan lagu handadeyn ama awood ciidan loogu sheeganeyn, iyaddoo magac dowladeed la sheeganayo.

Si aysan taasi u dhicin, waxaa habboon inay guddiga u dhega-nuglaadaan xaqiiqada jirta iyo talada dadka wax ku leh aayaha NUSOJ. Waana inaysan sawiran wax aysan la qabin wariyayaasha Soomaaliyeed.

Waxaa warbixintan u qoray waa walaac weyn oo aan ka qabo sida wax loo wado, waxaana xog badan ka hayaa wariyayaasha jooga gobollada qaar oo aanba lagu wargelin inuu shirweyne wax lagu dooranayo loo qabanayo NUSOJ, iskaba daa in la casumee?, hadhaw sidee wariyayaasha gobolladaasi jooga looga dhaadhicin doonaa NUSOJ ayaa idin matesha?.

Ma ihi mucaaradka guddiga oo horey ayaan u sheegay , oo waliba ula soo shaqeeyey, waxaanse xaq u leeyahay in aan ka hadlo wixii jira oo aan talo ku leeyahay. Haddii ay taladaasi qaadanayaan iyo haddii ay diidayaana waa mid ka falanta guddiga iyo wariyayaasha aan guddiga ku jirin ee u dheg-taagayey sida wax u socdaan.

Hadalkeyga waxaan ku soo xirayaa dadaalkii socday yuusan noqon mid salkiisu yahay:
"Luminta madaxbannaanidii NUSOJ iyo sii fogaynta hoggaan la’aanta heysata.”

Waxaa qoray : Abdiweli Ibrahim Garyare
Email: garyare139@yahoo.com
Muqdisho, Somalia

xigasho:-dhacdo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip