20 ruux oo ku geeriyootay labo Qarax oo ka dhacay Caasimada dalka Turkiga ee Ankara

0
Saturday October 10, 2015 - 12:48:25 in Wararka by
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    20 ruux oo ku geeriyootay labo Qarax oo ka dhacay Caasimada dalka Turkiga ee Ankara

    Labo qarax oo ka dhacay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa la soo warinayaa inay ku dhinteen dad gaaraya 20 ruux ,kuwaasi oo ku sugnaa madal uu ka socday Banaanbax.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labo qarax oo ka dhacay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa la soo warinayaa inay ku dhinteen dad gaaraya 20 ruux ,kuwaasi oo ku sugnaa madal uu ka socday Banaanbax. Goobta qaraxa uu ka dhacay sidoo kale waxa ay u dhaweyd goob tareenada laga raaco oo ku taallo Magaalada Caasimada ee Ankara dalka Turkiga.

Dad goobta joogay ayaa Warbaahinta u sheegay iyadoo xaalada ay caadi tahay uuna socdo Banaanbax ku aadan dhameynta Qalalaasaha ay geystaan Jabhada PKK mar qura ay dhaceen qaraxyada.

Dadkii meesha joogay waxa ay soo tabiyeen dad gaaraya 20 ruux inay halkaasi ku dhinteen durbana meesha lagu kala yaacay oo intii bad qabtay ay kala carareen.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in qaraxyadan ay ahaayeen kuwa Argagixiso, balse ay wado baaritaan ku aadan cida ka dambeysay qaraxyada.

Ilaa hada ma jirto cid sheegatay masuuliyada Qaraxyadan dhiiga uu ku daatay ee ka dhacay dalka Turkiga, gaar ahaan caasimada Ankara.

Ku dhawaad 100 ruux ayaa la soo tabinayaa inay ku dhaawacmeen, Qaraxayadaasi inkastoo Khasaaraha intaasi uu ka badan karo.

3 2 1




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip