Taliyihii hore ee ciidanka Militariga Indha Qarshe oo beeniyay ciidamada inaysan mushaar qaadan

0
Saturday October 10, 2015 - 10:50:12 in Wararka by
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii hore ee ciidanka Militariga Indha Qarshe oo beeniyay ciidamada inaysan mushaar qaadan

    Taliyihii hore ee ciidamada Militariga Somaliya Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa beeniyay ciidamada Dowladda Somaliya inaysan wax mushaar ah qaadan Bilihii ugu dambeeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyihii hore ee ciidamada Militariga Somaliya Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa beeniyay ciidamada Dowladda Somaliya inaysan wax mushaar ah qaadan Bilihii ugu dambeeyay.

Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) Taliyihii hore ee ciidamada Xooga dalka Somaliya, ayaa sheegay lixdii bilood ee la soo dhaafay ciidamada inay qaadanayeen Mushaaraadka, balse ay dhici karto in Bilaha qaar ay ciidanka ka maqan yihiin mushaarka.

Taliye Indha Qarshe ayaa beeniyay warbixin ay soo saareen Guddiga la socodka cunaqabateynta saaran Somaliya, taasi oo ay ku sheegeen mushaar la’aanta haysata ciidamada Dowladda inay keenayso xasiloonidaro dalka in uu galo.

Indha Qarshe ayaa warbixinta Guddigaasi ka soo baxday ku tilmaamay mid been abuur ah oo aanan waxba ka jirin, isaga oo sheegay qorshaha Guddigaasi inuu yahay inay bajadka ku sii dheereystaan.

Wakaaladda wararka Reuters oo heshey warbixin ay arrimaha Soomaaliya ka qortey hay’ada QM u qaabilsan cunaqabataynta hubka ee dalalka Eretria iyo Soomaaliya ayaa lagu sheegay in awood darida Soomaaliya ka heysato in ay bixiso mushaaraadka askartooda ama xataa ay siiso cuno waxa ay khatar galisey oo ay wax kama jiraan ka soo qaaday sanado badan oo howl adag ay ku jireen iyo guulihii ay ka soo hooyeen dagaalka ay kula jireen Al-Shabaab.

Mushaaraadka ay qaataan ciidamada Xooga dalka Somaliya waxaa bixisa Dowladda Mareykanka, hayeeshe si joogto ah uma helaan ciidamada Mushaaraadka, iyadoo Dowladda Mareykanka ay soo dhiibto qarashaadka ciidanka.

Taliyihii hore ee ciidamada Xooga dalka Somaliya Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) ayaa lagu eedeyaa in uu musuq maasuqi jiray dhaqaalaha ciidanka loogu talo galay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip