MA LA TALIYAA MISE WAA KUU TALIYE?! 'Heshiiska Garowe waa al-xamdu, laakiin al-shukru ku derimaa' By Prof Yaxye

0
Wednesday April 06, 2016 - 10:38:05 in Maqaallo by
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MA LA TALIYAA MISE WAA KUU TALIYE?! 'Heshiiska Garowe waa al-xamdu, laakiin al-shukru ku derimaa' By Prof Yaxye

    Al xamdu Al shukru: Gabar guurku ka daahay ayaa la soo doontay iyadoo 40 jir ah, deriskii ayaa ku yiri: manta waa lagu soo doontay oo odayaalaa yimid wiilkooda ayeeyna kula rabaan ee Alxamdu- al shukru dheh. gabadhii ayaa ugu jawaabtay: Alxamdu waan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al xamdu Al shukru: Gabar guurku ka daahay ayaa la soo doontay iyadoo 40 jir ah, deriskii ayaa ku yiri: manta waa lagu soo doontay oo odayaalaa yimid wiilkooda ayeeyna kula rabaan ee Alxamdu- al shukru dheh. gabadhii ayaa ugu jawaabtay: Alxamdu waan leeyahay, laakiin Al shukru ku darimaa oo weli leeyma guri geeyn. Hadda haddii Dowladii iyo Punt land Heshiiyeen Al xamdu waa leenahay, …. Al shukruna waxeey ku xirantahay siduu u hirgalo.
Heshiiska waxaa wax ka saxiixay oo damaanad qaaday dad aan Somali aheeyn, Su’aashu waxa ay tahay ajnabigu xaq ma u leeyahay in uu wax ka saxiixo, mise waxa uu doorkiisu ku eg yahay in uu kaa caawiyo wixii farsama ah iyo fidinta gogosha haddii loo baahdo . doorkiisu wuxuu ku eg yahay in uu talo ku siiyo, taana waa diidi kartaa waana qaada kartaa, laakin xaq ma aha in aad taladiisa ugu darto in uu kuu taliyo. Ma ahan markii ugu horeeysay oo ay isaga keena darmaan la taliye iyo taliye doorkoodu.

La taliye: la taliye kuu taliya adigoon maxmiyad aheen ma jiraa? Dowladii cabdullahi ciise waxa eey laheed la taliyayaal ajnabi ah waxaa khasbayayna waxa eey aheed maxmiyad. Kuwii dambe maxaa ku khasbay la taliyayaal ajnabi ahi in eey u taliyaan.

Dowladii Md. Cabdullahi Ciise haddi aan tusaale u soo qaadano waxaa ay ka koobneed shan wasaaradood iyo raisulwasaare.

1-Wasiirkii arrimaha dhaqaalaha,Md. Faarax Cali cumar waxaa la taliye u ahaa: Dr. lugi Casberi.


2-wasiirkii arrimaha gudaha,Md.Muse Boqor Cusman, lataliye :Dr.Tuwaliber Binardeli.
3-wasiirkii maaliyada,Md. Salad cabdi maxamud,lataliye ;Habelio Riconire
4-wasiirkii Arr. Bulshada-caafimaadka-waxbarashada,Md.Cali jimcale,lataliye Dr.Filinio wizinio
5-wasiirkii howlaha guud,Md. Maxamud cabdi nur Jujule,lataliye:Dr.Minotti Tomaski.

Lagula yaabi mayo oo waxa eey aheed maxmiyad ku ekeed 1960kii, laakin Dhabeecadaasi waa nala tagtay in aan ajnabi la taliye ka dhigano.Horaantii 1960 kii waxaa jiray Mr. Johon dryasdale oo la talye ahaan ku sii qaadanayay 100.000.sh.so sannadkii, shaqada uu hayay faa’iido malaheeyn sharcina ma aheeyn in shaqsi heshiis noocaa ah lala galo. Laakin dowladii Md. Maxamed Ibrahim Cigaal ayaaba xishootay oo heshiiskii magaca u bedeshay oo halkii uu shaqasi ka ahaa ka dhigtay shirkad la yiraa " la societa- Africa research company, London.fiiri: faafinta rasmiga ah. polletino officiale delle republica somala.

Mog,2.Augosto1969. Kacaankiina waxa uu laha la taliyayaal kale oo u badnaa jeneraalo Ruush ah, dowladaasi ma ogoleeyn in la taliyuhu u yeeriyo wax khibradiisa iyo xirfadiisa ka baxsan, inta badan.

Waxaa xigay la talye amar ku siinaa! Annagu ma waanan la heeyn waaya arag soomaliya oo wax la taliya, maxaase loo waayay taladiisa suuban cid ka qaadata? Mise Taladiisu waxa eey ka hor imaanee talada la taliya kale.

Dhowr sanno ka hor xamar maxeey ka qabaayaan la taliye Mr. peter Reed iyo Mr. Stevene iyo kuwa kale oo Australiya iyo Norway ka yimid .waxaa ka sii yaab badan, waddamada eey u dhasheen mushaar ma siiyaan soomana dirin AAA!!!!!, shirkad kale ayaa mushaakar siineysay, haddi aad taariikhdooda gadaal u aqriso waa rag ku soo fashilmay meela hore eey iskugu sheegeen la taliye, Burundiba ha ugu dambeeysee.

Mr. Peter Reed wuxuu ahaa( strategic advisor to the TFG Somalia on Road map) waqtigaa, taladiisu waa in uu kugu kontroolo in aadan ka bixin habka Road mapka u daneeynayaan kuwii degsaday Road Map kii wareerkan noo keenay. yaab iyo raad tirasho, la taliye doowladiisii leedahay sooma dirsan, cid kalaana mushaar siisa waa nagu bateen.

IGAD oo la filayay in warkeedu ku ekaado aniga sidaa ayeey ila tahay ayaa ku leh anigu waxaan go’aamiyay in somaalida maantu sidaa u dhaqanto kuwa berina qorshahan lagu hago.

Madaxda maanta waxaan ku la talinaa aduunkan waad ka tageeysaan ,dadkuna waa idnka soo harayaan.bal fiiri sawirkan 1963dii madaxdii ugu horeeysay ee Africa maanta midna kama joogo, xattaa madaxweeynaheenii oo ka muuqda sawirka .laakin waxaa haray dadkii. Adigu ceeb aduun iyo cadaab aakharo iska ilaali. Waa ceeb walaalkeey aaminimaa haduuna la imaan Amxaar damiin ka ah.

Qoraalada dhaadhher waa laga qeeyliyay aan ku soo kobo intan.

prof. yaxye

Qore: Prof.yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip