Faah Faahin: Koox Hubeysan Oo Dil Ka Geysatay Magaalada Muqdisho

0
Thursday May 06, 2021 - 09:08:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Koox Hubeysan Oo Dil Ka Geysatay Magaalada Muqdisho

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa fiidnimadii Caawa xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Asluubta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dad ayaa ku warramay in rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolad ay Sarkaalka ku hor dileen hoygiisa oo ku yaalla degmada Wadajir, waxaana uu u geeriyooday xabbado uga dhacay qeybaha sare ee jirkiisa.

     Raggii ka dambeeyay falkaas ayaa si deg deg ah uga baxsaday goobta, waxaana Sarkaalka lagu magacaabi jiray Aweys Cumar Salaad, sidoo kalena kamid ahaa Saraakiil xigeenada hoggaanka Warshadaha iyo wax soo saarka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay halka uu falku ka dhacay, isla markaana qaaday Meydka Marxuumka, iyagoona halkaas ka sameeyay baaritaano kooban sida caadada u aheyd Ciidanka.

Tan iyo markii la gudaha galay Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay dilal qorsheysan oo geysteen rag hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan dilalka ka dhacay Caasimadda sheegtay dagaalamayaasha Al-shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip