Saddex qof oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Muqdisho

0
Wednesday May 05, 2021 - 21:55:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex qof oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Muqdisho

    Wararka naga soo gaaraya degmada Kaxda ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof ay ku geeriyoodeen, qof kalena uu ku dhaawacmay qarax miino oo lala eegtay gaari nuuca loo yaqaan Land Cruiser oo marayay degmada Kaxda. Qaar ka mid ah dadka degaanka ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya degmada Kaxda ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex qof ay ku geeriyoodeen, qof kalena uu ku dhaawacmay qarax miino oo lala eegtay gaari nuuca loo yaqaan Land Cruiser oo marayay degmada Kaxda. Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa soo sheegaya in qaraxan uu ahaa mid lagu aasay jidka dhiniciisa, islamarkaana dadka geeriyooday iyo haweeneyda dhaawaca ahba ay dhammaantood saarnaayeen gaariga. Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in dadkaan ka yimaadeen xarunta degmada Kaxda. Hay'adaha ammaanka iyo dambi-baarista ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay, kuwaas oo baaritaan ku sameynaya dhacdadan, mana jirto faah-faahin dheeri ah oo ilaa hadda laga bixiyay.



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip