"Maxaan Keligeey Hammiyay" Cabdi Muxumed Amiin

0
Wednesday March 30, 2016 - 20:04:25 in Maqaallo by
  • Visits: 1117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maxaan Keligeey Hammiyay" Cabdi Muxumed Amiin

    Abwaan Cabdi Muxumed Amiin AUN wuxuu ahaa mu'allif iyo mufakir aragti dheer. Wuxuu ahaa halgamaa bulsho iyo mid siyaasadeed labadba. Isaga oo jabhadeynaya oo jooga Ethiopia ayaa goor habeen ah gaadmo lagu weeraray isaga iyo laba saaxiib oo ay wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abwaan Cabdi Muxumed Amiin AUN wuxuu ahaa mu'allif iyo mufakir aragti dheer. Wuxuu ahaa halgamaa bulsho iyo mid siyaasadeed labadba. Isaga oo jabhadeynaya oo jooga Ethiopia ayaa goor habeen ah gaadmo lagu weeraray isaga iyo laba saaxiib oo ay wada socdeen. Bartii ayaa lagu dilay Cabdiraxmaan Caydiid iyo Iikar Xaaji Maxamed Xuseen Xaamud. Allah ha u wada naxariisto.
Xabbaduhu Cabdi wey dhaawaceen wuuse ka badbaaday. Dabadeed Yemen ayuu u qaxay. Magaalada Cadan wuxuu ku tiriyay hees ay ka muuqdaan murugo iyo ciil fara badan. Laakiin wadata rajo iyo guul uu hubo oo uu higsanayo. Sheekada Cabdi Muxumed waxaan ka dhegeystay wareysi saacad ah oo uu weriye Yusuf Xasan uga qaaday abwaanka magaalada Djibouti oo uu markaa joogay. Wareysiga hadda ka hor ayay sii deysay BBC.

Maxaan hog abeeso galay
Maxaan halaqyo ugu tegey


Maxay miciyo i heleen
Maxaan waabaay hirqaday
Oo Maxaan geerida ka harayee
Hobeeya hobeey hobeeyaa
Hobeeya hobeey Hobeeya

Maxaan keligeey hammiyay
Kuwii hiil iigu xigay
Hareertay maxaan ka dayay
Muxuu igu dumay habeen
Oo Maxay ilmo hibiq i tidhiyee
Hobeeya hobeey hobeeyaa
Hobeeya hobeey Hobeeya

Maxay talo iga hab tidhi
Maxaan hiil mooday Jiin
Oon sidii caanaha hirqaday
Habsaamay oon hadalka gabay
Oon u hoyday meel aanan hubinee
Hobeeya hobeey hobeeyaa
Hobeeya hobeey Hobeeya

Badweynta maxaan hirqaday
Maxaan gacan haadis galay
Maxaan xumbo halabso idhi
Intaan naftu iga haf odhan
Kalluunle ayaa i helayee
Hobeeya hobeey hobeeyaa
Hobeeya hobeey Hobeeya

Hobeey Caashaq huursanow wah
Hobeey Hurdan taaganow wah
Hobeey Ubax ii hireey wah
Hobeey Guul aan hubooy wah
Hobeeya hobeey hobeeyaa
Hobeeya hobeey Hobeeya.

xigasho:-somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip