SHABEELADA DHEXE IYO HIIRAAN waa quud aan jirin qoryo u guro!!{MAQAAL]

0
Monday March 28, 2016 - 10:39:17 in Maqaallo by
  • Visits: 1117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHABEELADA DHEXE IYO HIIRAAN waa quud aan jirin qoryo u guro!!{MAQAAL]

    Waxey, Soomaalida ku maah-maahdaa, "doqoni dibir kama daasho" oo ah dadaal hadda loogu jiro sidii leyskugu dari lahaay Gobollada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan ee la rabo in laga gaarsiiyo inta ayna dhamaanin waqtiga yar ee u haray dowladda l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxey, Soomaalida ku maah-maahdaa, "doqoni dibir kama daasho" oo ah dadaal hadda loogu jiro sidii leyskugu dari lahaay Gobollada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan ee la rabo in laga gaarsiiyo inta ayna dhamaanin waqtiga yar ee u haray dowladda laguna tilmaami karo hami siyaasadeed oo aan qiimo lahaayn "political ambition without a value" ama yeelan doonin wixi ka dambeeya 2016. Waxaan, aragnay Wasiirki Arrimaha Gudaha Abdurahman Odowaa ee marar badan socdaal ku tagay gobolladaas waxna uga suurtageli waayeen qorshihi loo diray.
Odawa, wuxuu ahaan jiray ardaydii Xasan Sheikh Maxamuud, kana mid ah dhowrka xubnood ee dowladda laga shaqaaleey kana soo wada baxay ‘Jaamacadda Simad’ oo uu madaxweynaha leeyahay ee sababay maamul xumada dowladda aan ku dhisneyn aqoon iyo waayo-aragnimo iwm.

Sidoo, kale waxaan la soconaa in madaxweyne, Xasan Sheikh Maxamuud dhowr socdaal ku tagay Gobolka Hiiraan ee uu mararka qaar habeeno ku soo dhaxay laakin weli ayna u suurtagelin in uu ku guuleysto qorshahiisa oo ay reer Hiiraan markasta weydiiyaan in uu sheego Madashada Shirka lagu qabanaayo labada gobol iyo cidda uu rabo Maamulka Gobolka in uu Madaxweyne uga dhigo waana ka gaabsaday.

Waxaa, intaa dheer in uu ku soo biiray dadaalka hal bacaad lagu lisay noqday ee loogu jiro in leysku daro labada gobol ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali oo booqadasho ku tagay Gobolka Hiiraan iskuna dayay in uu kala fur-furo beelaha gobolka oo asaguna ku soo guuldareystay.

Haddaba, waxaa iga su’aal ah: Waa, maxaay danta gaarka ah ee uu ka leeyahay Xasan Sheikh Maxamuud isku darka labadaan gobol? Mase, leys weydiiyay, waxa ay rabaan reer Shabeelada Dhexe iyo reer Hiiraan? Su’aasha, hore jawaabteeda waa sahal, maxaa yeelay Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuu rabaa in uu ka dhiso labada gobol maamul uu raali ka yahay iyo in uu madax uga dhigo qof uu rabo waana arrinta reer Hiiraan ama Shabeelada Dhexe ay wada diidan yihiin ahna arrinta kaliya oo ay ka mideysan yihiin.

Su’aasha, labaad jawaabteeda ayaduna waa sahlan tahay, maxaa yeelay waxaa leyska dhaa-dhiciyay sida muuqata in aan loo baahneyn in reer Shabeelada Dhexe iyo reer Hiiraan labaduba loo baahneyn in la weydiiyo waxa ay rabaan ama lala tashto ee maamul uu Xasan Sheikh Maxamuud rabo labada gobol laga sameeyo iyo qof uu rabo madaxweyne gobol looga dhigo.

Waxaase, la yiri, "waa rabaa roob ayaa lagu waayay” ee waxey ila tahay in leyska dhaafo isku darida Hiiraan iyo Shabeelada Dhexe mar haddii waqti yar u haray dowladda laguna heshiiyay sidii hore in 4.5 xildhibaanada dowladda federaalka lagu soo xulo oo ay haboon tahay in amuuraha labada gobol faraha looga qaado dadka ay quseyso lagana daayo faragelinta joogtada ah ee la rabo in dan shaqsi lagu shaqeeyo.

Mida, kale ma jiro wax sharci ah ee labada Gobol Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan u diidaayo in Gobol walbo iskiis maamul u sameysto haddii aan leys indhatireynin ama loo dhaqmeynin sidi dad waalan oo miirka ka tagay.

Waa, maxaay sababta aan saa u leeyahay? Runti, ma jiro Dastuur Cusub oo qoraayo Baarlamaankuna u codeeyay ama ma jiro dastuur hore ee Afti Dadweynaha looga qaaday ‘Sharcina’ ka dhigaayo habkaan maamul u sameynta dalka ku kooban Xasan Sheikh Maxamuud oo ayna jirin wax uu waafaqsan yahay ama loo cuskaday ee cabir laga qaatay aan ka ahayn rabitaan madaxweynaha.

Sidoo, kale ma jiro dastuur u diidaayo gobollada dalka gobolkii rabo in uu iskiis maamul u sameysto ama ma jiro sharci ka horistaagi karo sida ay rabaan reer Hiiraan ama reer Shabeelada Dhexe oo ah in ayna maamul wada sameysanin.

Waxaan, rajeynaa 2016 dowladda cusub ee imaan doonto iyo baarlamaankeeda in ay shuruuc iyo wax sal looga dhigo soo saaraan guud ahaan qaabka maamul u sameynta dalka oo ah "wajiga cusub oo ay Soomaaliya yeelan doonto” iyo baahinta nidaamka federaalka dalka. Marka, Allah, waxaan ka baryeynaa dowladaan iyo madaxdaan kuwo ka kheyr badan in uu dalka iyo dadka Soomaaliyeed u keeno.

Waxaa Qoray: Abdi Ulusso




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip