HSJS oo Hakisay Qabashada Codsiyada Baasaboorka

0
Wednesday February 24, 2021 - 10:39:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 243
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HSJS oo Hakisay Qabashada Codsiyada Baasaboorka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah shaacisay in la hakiyay qabashada codsiyada Baasaboorka Soomaaliga ilaa wargelin danbe.

Hay’adda ayaa sheegtay in bixinta adeeggan ay hakad u gelisay halista xanuunka Covid-19 oo dalka ku sii fidayo awgii.

Sida ay hay’addu ku baahisay barteeda Facebook hakinta adeegga qabashada codsiyada baasaboorka ayaa bilaabanaysa Sabtida soo socota oo ku beegan 27-ka bisha Februay.

"Khatarta Caabuqa COVID19 oo sii kordheysa awgeed, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu, waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa, in laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe” ayaa lagu yiri Qoraalka Hay’adda.

Dowladda Soomaaliya aya ahioray u soo saartay amar ay ku hor istaageyso isu imaatinka bulshada kaas oo looga gol leeyahay in lagu hakiyo faafitaanka xanuunka Covid-19 oo haatan ku soo laba kacleeyay dalka.

Warbixintii ugu dambeysay ee ay soo saartay wasaarada caafimaadka dalka ayaa lagu sheegay in saamaynta xanuun Korona ay dalka ku sii badanayso.

Tirada guud ee dadka laga helay cudurka Covid-19 ee Soomaaliya ayaa haatan gaartay 6,444 qof, halka 3,781 ay ka bogsadeen, Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in dadka looga baahan yahay inay taxadar muujiyaan, si looga fogaado faafidda cudurka.

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo beenisay in macallimiin Masaari ah loo diiday in ay soo galaan dalka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip