Dabley Hubeysan oo Weerartay Guriga Gudoomiyaha Awdal

0
Wednesday October 07, 2015 - 08:55:23 in Wararka by
  • Visits: 671
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dabley Hubeysan oo Weerartay Guriga Gudoomiyaha Awdal

    Dabley Hubeysay ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday guriga Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan "Ramaax" xili uu halkaasi ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalay degmada Boorame.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dabley Hubeysay ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday guriga Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan "Ramaax" xili uu halkaasi ku sugnaa gurigiisa oo ku yaalay degmada Boorame.
Dableyda weerarka qaaday ayaa loo maleynayaa iney weerarka kasoo qaadeen buuraha ku hareereysan magaalada oo ay ku sugan yihiin ciidamo uu hogaamiye Suldaan Wabar oo kasoo horjeeda maamulka Somaliland.

Inta la xaqiijiyay labo kamid ah ilaalada gudoomiyaha degmada gobolka Awdal ayaa ku geeriyootay weerarka saaka dhacay, waxaana dhaawac uu kasoo gaaray labo ruux oo kale.

Guriga Gudoomiyaha gobolka Awdal ayaa ku yaala duleedka magaalada Boorame waxaana kooxaha weerarka geystay ay u baxsadeen xuduuda magaalada Boorame ay Ethiopia la wadaagto.


Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka degmada Boorame iyo maamulka gobolka Awdal oo ku aadan weerarka saaka ka dhacay guriga gudoomiyaha gobolka Awdal.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip