Guddoomiyaha G/SH/Hoose oo sheegay in dhawaan la bilaabi doono howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab

0
Wednesday October 07, 2015 - 08:45:32 in Wararka by
  • Visits: 770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha G/SH/Hoose oo sheegay in dhawaan la bilaabi doono howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab

    Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Qoryooley Kuntuwaarey , Awdheegle Sablaale iyo Xubna kale ayaa shalay kormeer shaqo ku tegay degmada Afgooye iyo deegano hoos yimaada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Qoryooley Kuntuwaarey , Awdheegle Sablaale iyo Xubna kale ayaa shalay kormeer shaqo ku tegay degmada Afgooye iyo deegano hoos yimaada. Masuu’layiinta ayaa ugu horeen waxay indha indheyn ku smaeyn deeganka Lafoole halkaasi oo kula kulmeen Maamulka Degaankaasi, iyagoo warbaxin ka dhageystay xaaladda, waxaana lagu wargeliyay in maamulka gobolka bilaabi doono cashuuraha si howlaha deeganka looga hergaliyo kaabayaasha dhaqaalaha.,

Agaasimaha cusub waaxda dhulbaxinta ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa ugu mahad celiyay Guddoomiye Sidii xilka uu u magacaabay, isagoo sheegay in waxbadan uu ka qaban doona Arrimaha dhulka oo ah mid dhibaato xoogan ka taagan bulshada qaarkii.

Sidoo kale Mas’uuliyiintan uu hor kacayay Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdiqaadar Maxamed Nuur ayaa waxay kormeer ku mareen wadooyinka xaafadaha Degmada Afgooye iyo suuqa Degmaasi, waxaana isbadal muuqada laga dareemayay Degmada Afgooye.

Intaasi kaddib Guddoomiyaha iyo xubnaha uu hogaaminayay ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay qaar ka mid ah golaha Wasiirada Maamulka Dowlad Goboleedka Koonfurgalbeed Somaliya iyo saraakiisha AMSIOM, waxuuna kala hadlay arrimo ay ka mid yahiin sidii loo xoojin lahaa la dagallanka Al-Shabaab oo looga sifeyn lahaa deegaannada ka harsan gobolka ee ay ku dhuumaaleysanayaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip