Weligaa Shisheeye ma kugu maagay dalkaaga?(Qormo Xiiso badan Leh)

0
Sunday March 27, 2016 - 11:30:14 in Maqaallo by
  • Visits: 1199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weligaa Shisheeye ma kugu maagay dalkaaga?(Qormo Xiiso badan Leh)

    F Hammer oo ah video qaade German ah ayaa ka sheekeeyay "Bisad aad uu nasiib badan" annagoo magaalada Marka joogna 1993 fiidnimo mar aan maalin shaqo badan ku jirnay, cod qaadihiisi Frank ayaa ii weydiiyay bisad maxeey tahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

F Hammer oo ah video qaade German ah ayaa ka sheekeeyay "Bisad aad uu nasiib badan" annagoo magaalada Marka joogna 1993 fiidnimo mar aan maalin shaqo badan ku jirnay, cod qaadihiisi Frank ayaa ii weydiiyay bisad maxeey tahay.
Balse waan diiday in aan sheekada ka qeybgalo ka dibna wuxuu ku qasbanaaday Hammer in uu warkiisa furfuro. "Waxaan ka hadlayaa waa adigoo 10 maalmood shaqeeya bishiina qaata $1500 cuntadana lagaa bixiyo.” ayuu igu yiri.
"Adigoo Somaali ah ee fursadaa helay miyaad aheyn Bisad ama Mukulaal nasiib badan.” Mar haddii aanu waxba ka badalin karin qaabkey shaqadu u socoto waxaan weheshaday dulqaad umana jawaabin.
Hasse yeeshe dulqaadkeygu ma dhameystirneyn ee mar kasta aargoosi ayaa dabo socon jiray wixii igu dhaca illaa xilli dhow oo aan ka waantoobay, sideedana aargoosigu waa ficil aad uu xun marar badan.

Saaxiibki wuu igu celceliyay inaan ka jawaabo balse ma dhageysan.
Waxaa ku mashquulay in aan wax ka diyaariyo sidey uu howlgalaan guutada 10 ee ciidanka Mareykanka (10th Mountain Birgade) oo gacanta ku hayayay Marka iyo wixii aan ka diyaarin laheeyn deegaanka.
12919753_1244192265609818_7110861719300141012_n

Maalinti ku xigtay iyadoo hoowshi socoto ayaa Hammer ku dhuftay camera nin Somasli waxaanan ka codsaday inuu raaligalin bixiyo.
"Markan kadib camerada wuu ka fogaan doon,” ayaa jawaab uu noqotay isagoo ku daray "Raaligalin uma baahana.” Anigu waxaan la hadlay ninkii camerada ku dhacday una sheegay inuu aad uga xumaaday camera kugu dhacay sooryana waan siiyay isagoo faraxsan ayuuna iga tagay.
Habeenkii markii aan guriga tagnay ayaan dacwad gudbiyay iskugu jirta run iyo aargoosi.
Anigu arrinka culeys saaraya ayaan isu muujiyay qof cabsanaya. Ninka gobalka Afrikada Baari iyo Dhaxe xukuma ee TV aan ka soconee ZDF ee Germalku wuu maqna markaa xarunta guud ayaan la hadlay.
"Dhibaatada ixtiraamdaro ee uu geystay weerar la nagu soo qaado ayeey keeni karta markaa waxaan ku talinaya in la soo badalo Hammer oo dalkan aan ka adeegi karin,” ayaan fariinta ku sheegay.
"Naftiisa iyo taayaduba halis ayay galin kartay”. Labadoodu waa yaabeen waxaan uu dul fadhiyi Satelite telfoonka balse cabsi kama qabaan "bisad nasiib badan” ficil ka iman kara.
Markii aan shaqadi dhammeystay ee aan seexday ayaa waxaan ku toosay qeylo iyo oohin ka baxeeysa Hammer oo dalkiisa laga soo hadlay. Marku ii arkay ayuu yiri "maxaad ii dacweeysay waxa la iga qaadi doona tallabo xun qofki ii badali lahaana Nicosia ayu Nairobi uga soo duulaya.”
Waxu raaciyay ” waad buunbuunisay shaqadeeyda inaan waayo ayaad sabab uu noqoneysa.”
Aniguna difaac ayaan galay "badbaadada adiga wax walba ka weyn iyo naftayada, bal ka waran haddii nin Soomaali ah qof Germala wax ku dufto raaligalin diido.” Habeen adag ayaa uu soo galay balse anigu hoos ka qosol ayaa ii socda, In yar ka dib saaxiibadii naag ah oo Spain joogta ayaa soo hadashay oo ii seegtay inuu Hammer yahay qof "aad uu fiican.”
Si kasta ha ahaate ninki murugo xun ayuu galay wuxuuna iga baryay inaan xal raadiyo.
Waxaan ka baqay inuu nafiisa wax yeelo. Waxaan uu sheegay inuu ixtiraam darri sameeyay oo Somaalidu dhaqanka necebtahay.
Waa fikir aan maalinta sheegi karay balse maanta Somaali ahaan aanan ku dhawaaqi karin markii aan fiiriyo sideey ajaaniibtu noo yeelatay.
Fikir gaaban kadib ayaan uu sheegay inaan xal isku dayi doono. "Raali galin bixi”ayaan uu sheegay wuuna aqbalay.
Ninki wuu iska tagay cameradu ka dhacday balse oday markii xaalad qaboojiyay oo ilaalada ka mida ayaan raali galin ugu dhiibnay iyo lacagna.
Telefoonkaan ku gudbiyay inaan xalinay oo raali galin uu bixiyay ee odayna uu joogay ee xaaladi caadi noqotay wayna ku qanceen xaruntii TVgu balse canaan badan ayuu la kulmay maalinti kadib "bisad nasiib badan” lagama hadal. Aniga iyo Hammer waxaa noo horeey khilaaf mar uu dabo socday Gaalkacayo kaare duqoobay oo saliid ka soo tuuray qiiq bixiyaha markii saliid oo madoow ku soo daadtay ayuu ku qeeylyay "stupid Alimsa” ana uga jawaabay "xabadaha soo dhacaya camerada ka ilaali oo daba soco kaaraha stupid” Sidoo kale anagoo Xamar joogna xerada afsioone ee cidaanka cirka agtiisa ayaa wiil yar oo Somaali kala cararay koofiyad yar. Intuu xanaaqay ayuu yiri .”markuu ordayay nimankan inala socda ee qoryaha wata maxeey qabanayeen.”
Waxaan la yaabay garaad xumada uu ku fikiray in wiil somaali loo toogto koofiyad. Anigu si kooban ugu jawabay una sheegay inaan is hortaagay in xabad la rido, waxaan uu sheegay hadalkan.
"Waxaan ka baqay in rasaastu ku dhacdo koofiyada oo halka khasaaro kaaga yimaado.”
Balse saaxibki ayaa ku yiri;- "Alimusa wuu kugu maadsanaya.”

W/Q:-Cali Muuse Cabdi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip