Wasiir Ka Tirsanaa Xukuumadda Zimbabwe oo Geeriyooday

0
Wednesday January 20, 2021 - 22:49:34 in Wararka by
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ka Tirsanaa Xukuumadda Zimbabwe oo Geeriyooday

    Dowladda Zimbabwe ayaa sheegtay in uu geeriyooday wasiirkii arrimaha dibadda ee dalkaas Sibusiso Moyo. Moyo oo maalmihii ugu dambeeyay lagu dabiibayay xarun caafimaad oo ku taalla Harare ayaa geeriyooday maalmo un kaddib markii laga helay xanuunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Zimbabwe ayaa sheegtay in uu geeriyooday wasiirkii arrimaha dibadda ee dalkaas Sibusiso Moyo. Moyo oo maalmihii ugu dambeeyay lagu dabiibayay xarun caafimaad oo ku taalla Harare ayaa geeriyooday maalmo un kaddib markii laga helay xanuunka Covid-19. Wasiirka ayaa la sheegay in uu horay u qabay xanuun dhanka Kelyaha ah. Wasiirkan ayaa ah wasiirkii saddexaad ee ka tirsan xukuumadda Zimbabwe ee u geeriyooda cudurka Korona. Dalka Zimbabawe waxaa waayihii dambe ku sii fidayay xanuunka Covid-19 iyada oo Talaadadii shalay laga diiwaangeliyay 52 qof oo u geeriyootay xanuunka iyo 783 qof oo uu maalintaas soo ritay cudurkan. Wadarta tirada guud eee kiisaska Korona ee dalkaas laga diiwaangeliyay ayaa gaareysa 28,675 oo ay ku jiraa 825 dhimasho ah.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip