Puntland oo Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere Madaxiisa dul dhigtay lacag badan.

0
Wednesday January 20, 2021 - 22:36:53 in Wararka by
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere Madaxiisa dul dhigtay lacag badan.

    Cabdiladiif Muuse Nuur SanyareGuddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa abaalmarin lacageed oo dhan $500,000 (Shan boqol oo kun oo doolar) duldhigay madaxa Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere). Guddoomiye Cabdiladiif ayaa ball

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdiladiif Muuse Nuur SanyareGuddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa abaalmarin lacageed oo dhan $500,000 (Shan boqol oo kun oo doolar) duldhigay madaxa Afhayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere). Guddoomiye Cabdiladiif ayaa ballan-qaadkan lacageed uga jawaabayay hadal dhawaan kasoo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab, kaas oo ahaa in la dilo Cabdiladiif Sanyare. Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa sheegay in hadal uu dhawaan jeediyay ay fasiraad xun laga bixiyey, isagoo arrinkaas ku eedeeyey qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed, kadibna uu ku raacay Cali Dheere oo xugmiyey in la dilo guddoomiye Sanyare. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland ayaa hadalkan ka jeediyay kulan tacsi ahaa oo Gaalkacyo loogu sameeyay saraakiishii dhawaan lagu dilay qaraxii ka dhacay Gaalkacyo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip