Madaxweyne Qoorqoor oo u hanjabay dadka u hoggaansama amarada Shabaab

0
Wednesday January 20, 2021 - 07:22:54 in Wararka by
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Qoorqoor oo u hanjabay dadka u hoggaansama amarada Shabaab

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa farriin adag u diray dadka u nugul awaamiirta Ururka Al Shabaab iyo kuwa kale ee buunbuuniya wararka ururkaasi.

Madaxweynaha oo Talaadadii Magaalada Gaalkacyo kaga qaybgalay munaasabad lagu xusaayay Saraakiishii Militariga ee lagu laayay ismiidaamintii 18-kii bishii December ka dhacday Koonfurta Gaalkacyo ayaa ka sheegay in ay la xisaabtami doonaan kuwa buunbuuniya weerarada Al Shabaab iyo kuwa kale ee awaamiirta u hoggaansama.

Madaxweynaha Galmudug ayaa marka hore sheegay in dadka reer Gaalkacyo ay lafdhabar u ahaayeen xoreynta dalka, markasta oo cadow soo weeraro.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Gaalkacyo ay noqon doonto meeshii ay ku jebi lahaayeen maleeshiyada Ururka Al Shabaab ee dalka dhibaatada ka wada.

"Waxaan rabnaa inaan isku kaashano, una midowno cadowga. Labada deegaan (Koonfurta & Waqooyiga Gaalkacyo) markasta uu cadowga dalka soo galo waxay u ahaan jireen lafdhabar, xoreyntiisa. Insha’Allah meesha ay ka jebi doonaan oo ay ka wiiqmi doonaan, Soomaaliya-na uga reysan doonto waa labadaan deegaan. Xilkaas guud iyo kan gaarkana waana saaran yahay.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxa kaloo uu sheegay in ay Shabaab ula mid yihiin kuwa buunbuuniya iyo kuwa kale ee farriimahooda u nugul inay u hoggaansamaan.

"Waxaan kaloo rabnaa argagixisada kuwa dhibaatadooda buunbuuniya, kuwa farriimahooda u hoggaansamo oo ogolaada fariimahooda inay maqlaan ama dalabkooda yeela, iyagoo ama naf yar xeeleysanaya oo naf is leh armaa adiga si gaara kuu dhibaan ama qaarkood xitaa danno raqiisa ka leeyihiin, waxay noola mid yihiin Shabaab.” Ayuu yiri Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "Dad waxaad arkeysaa dhahaya Shabaab baa meel hebla soo galay, Shabaab baa saas yeelay, waa maanlaawe-yaal aan garaneyn waxa ay ku hadlayaan. Wuxuu rabaa cadowgaas in dadka u xayeeysiiyo ama dadka iidheh u sameeyo, isagoo si xun u fekeraya.”

Madaxweyne Qoorqoor oo ka hadlayay waxa kaga aadan kolka ay meel Shabaab soo galaan ayaa yiri "Shabaab meeshii ay soo galaan iyo meeshii yimaadaan, si in la’iska qabto uun baa isugu sheegeynaa ee uma samayneyno, loomana samayn karo wax u eg dadka in lagu qalqal-geliyo. Farriimahooda iyo dalabkooda lama aqbali karo, loomana hoggaansami karo.”

Qoorqoor ayaa carabka ku adkeeyay ninkii xoolo siiya Shabaab, kii waqti ku bixiya iyo midka kale ee u tagga in ay qayb ka yihiin dhibaatada ay dadka u gaysanayaan, sidaasina ay doonayaan in loola xisaabtamo.

"Kii xoolo bixiya, kii waqti ku bixiya iyo kii u tagga, dhibaatada ay dadka u gaysanayaan buu qayb ka yahay, dadkuuna dhinaciisa ka dhibayaa, sidaasaana rabnaa in loola xisaabtamo.” Ayuu yiri Qoorqoor.

Hadalka Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku soo aadaya, iyadoo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ay guluf ciidan ka wadaan deegaanada ku xeeran deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

xigasho:dhacdo.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip