Soomaaliya Ma Waayi Doontaa Codka ay Ku Leedahay Golaha Guud ee QM?

0
Tuesday January 19, 2021 - 21:37:36 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Ma Waayi Doontaa Codka ay Ku Leedahay Golaha Guud ee QM?

    Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 9 dal oo Afrikaan oo ay kamid tahay Soomaaliya lagu leeyahay lacagaha ay bixiyaan dalalka xubanaha ka ah UN. Sidaas darteedna ay meesha ka baxeyso xuquuqdooda dhanka codeynta ah ee Qaramada Midoobey waa haddii ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in 9 dal oo Afrikaan oo ay kamid tahay Soomaaliya lagu leeyahay lacagaha ay bixiyaan dalalka xubanaha ka ah UN. Sidaas darteedna ay meesha ka baxeyso xuquuqdooda dhanka codeynta ah ee Qaramada Midoobey waa haddii ay bixin waayaan lacagta laga qaado dalalkaas ee loogu talagalay in lagu kaabo miisaaniyadda howlagalka Qaramada Midoobey. Waddamadan ayaa laga doonayaan inay bixiyaan lacagaha lagu leeyahay, Soomaaliya waxaa lagu leeyahay $1,443,640. Waddamada kale ee loo heysto lacagta waxaa kamid ah Iran oo laga rabo inay bixiso $16,251,298 Congo $90,844 Zimbabwe $81,770 Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika $29,395 South Sudan $22,804 Niger $6,733 Comoros $871,632 Sao Tome and Principe $829,888 iyo Libya oo la doonayo inay bixiso $705,391. Dalalka ayaa dib u heli doono xaqoodii codbixinta haddii ay bixiyaan lacagaha qaanta ah ee uu goluhu ku leeyahay. Comoros, Sao Tome Principe iyo Soomaliya ayaa qoraal ka soo baxay golaha guud lagu sheegay in goluhu il gooni ah ku eegi doono duruufahooda gaarka ah. Axdiga Qaramada Midoobay ayaa xubnaha golaha guud oo ka kooban 193 xubnood u oggoolaanaya in aysan bixin qaaraanka golaha haddii ay la soo gudboonaato xaalad ay ka ka hor istaagta bixinta qaaraanka waxaana loo oggolyahay in ay sii wadan karaan codeynta ay ku leeyihiin golaha.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip