HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 19-JANUARY-2021

0
Tuesday January 19, 2021 - 10:10:42 in Wararka by
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 19-JANUARY-2021

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Beesha Caalamka oo cadaadis saareysa Madax da Dowladda & Dowlad Goboleedyada

    Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya ayaa waxaa la sheegay inay cadaadis ku saa ra yaan Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedya da inay ka heshiiyaan mu ranka kajira Arrimaha do orashooyinka. Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in Wakiilka QM ee Soomaaliya Amb, Jemis Swan uu la xiriiray  Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada, isaga oo ku baaqay inay ka heshiiyaan khilaafka doorashooyinka si ay u dhacaan doorashooyin la isku raacsan yahay.

    Todobaadkii hore ayaa Wakiilka QM ee Sooma aliya Amb, Jemis Swan waxaa uu booqasho ku te gay M/Baydhabo, isaga oo uga mahad celiyay Ma daxweynaha K/Galbeed dadaalkiisa ku aadan xal inta khilaafaadka doorashooyinka, kadib markii ay kulmeen.

    Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Beesha Caalamka ay doonayaan inay Shir isugu yi maadaan Madaxda Dowladda & Dowlad Gobole edyada si ay uga heshiiyaan doorashada, balse Madaxda Dowladda aysan dooneyn in loogu la abto heshiiskii doorashada ee 17-kii Bishii Septem ber lagu gaaray Magaalada Muqdisho

    Muran ka dhashay Guddiga doorashooyinka oo ay Magacaawday D/Soomaaliya ayaa weli ka taa gan dalka, iyada oo Midowga Musharixiinta iyo  Xu bnaha Mucaarad intooda badan ay kasoo horjeest een Guddiyada doorashooyinka, iyaga oo sheeg ay inay kujiraan Xubno ka tirsan NISA iyo Shaqaal aha Dowladda.

Farmaajo oo kasoo horjeestay qodob ay Bee sha caalamka ku xalineyso arrimaha doorashada

    Wakhtiga xil-heynta madaxweyne Maxamed C/hi Farmaajo waxaa ka haray in ka yar 30 maalm ood, hadana xogaha la helayo waxey sheegayaan inuu ka madax adeegayo qodob ay soo jeedisay beesha caalamka oo la rabo in lagu saxo dhibaa tooyinka ku hor gudban doorashada.

     Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan ay aa wada hawlo uu ku dar-dar galinayo arrimaha door ashooyinka, wuxuuna ku baaqay iney shir isugu yi maadaan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedy ada isla markaana la dhameeyo khilaafyada jira ee doorashada ku hareereysan.

    Caasimadda Online ayaa ogaatay in madaxwe yne Farmaajo uu ka biyo diidsan yahay in shir la is ugu yimaado, sidoo kalana waxaa xusid mudan iney socon waayeen waan-waan uu waday mada xweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

      Farmaajo iyo maamullada taageersan waxey doonayaan iney doorashada ku dhaqaaqaan ka hor dhamaadka xil-heyntiisa, inkastoo laga digay inuu qabto doorasho qabyo ah taasoo laga cabs anayo iney ka dhalato xasillooni darro.

     Lama oga haddii madaxweyne Farmaajo uu ogolaan doono shirka ay soo jeedisay beesha caa lamka iyo inuu ku dhaqaaqi doono doorasho qa byo ah oo laga sii digay cawaaqib xumada ka dhalan karta.Xigasho:Casimadda.Net

Sheekh Shariif oo walaac ka muujiyay khilaafka kajira doorashooyinka

     Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Gu ddoomiyaha Midowga Musharixiinta Madaxweyna ha Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa walaac ka muujiyay xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo mur anka ka taagan Arrimaha doorashooyinka. Sheekh Shariif oo dalka dib Maanta ugu soo laabtay Warb aahintana la hadlay ayaa sheegay inay aheyd in xilligaan howlaha doorashooyinka socdaan balse ay nasiib darro tahay in ilaa iyo hadda aan la isku waafaqsaneyn Arrimaha doorashooyinka dalka.

     Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inay ra jo weyn ka qabaan in dalkaan ay ka dhacaan doorashooyin xor iyo walaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.

     Ugu dambeyn Sheekh Shariif ayaa sheegay in weli la heysto furs ad looga wada hadli karo khilaafka kajira doora shooyinka, waxaana uu cadeeyay in dalka uu u baahan yahay xasilooni iyo Nabad.

Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga ka Guddo omay Danjirayaasha Jaamacadda Carabta & Switzerland

     Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka So omaaliya Md.Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Dan jiraha cusub ee Ururka Jaamacadda Carabta Md. Salaax Axmed Juneyd iyo Danjiraha dalka Sw itzerland Md.Valentin Zellweger.

     Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta Md.Sal aax Axmed Juneyd ayaa Madaxweynaha la wadaa gay farriin iyo salaan uu uga siday Guddoomiyaha Jaamacadda Carabta Md.  Axmed Abuu Al-Qayd, isagoo uga mahadceliyey Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed soo dhaw eynta diirran.

   Danjire Salaax Axmed Juneyd ayaa tilmaamay inuu dadaal ku bixin doo no xoojinta taageerada iyo garab istaaga dowlad da Soomaaliyeed, waxa uuna bogaadiyey horumar ka wax ku-oolka ah ee ay gaareen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

     Sido kale, Danjiraha dalka Switzerland Md. Val entin Zellweger ayaa u gudbiyey Madaxweynaha dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalk aas Md.Guy Parmelin, oo ku saabsanaa in dalka asi uu saaxiib dhaw la yahay shacabka Soomaali yeed, xiriir soo jireen ahna uu kala dhexeeyo.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaag ay danjireyaasha uu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga sida ay uga go’an tahay dowladda Fede raalka Soomaaliya xoojinta xiriirka ku dhisan iska ashiga, saaxiibtinimada iyo wax-wada-qabsiga.

DFS oo dib eegis ku sameysay howlaha WFP ka wado Jubbland

    Wasaaradda qorsheynta maal-gashiga iyo hor umarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayaa hay’adda WFP-Somalia far tay inay xoojiso ho wlaha ay ka ful in ayso maamul go baleedka Jubala nd, kadib kulan la gu soo bandhiyay dib u eegista qorshe howleedka 2021 ee hay’ada Cuntada Add uunka oo lagu qab tay Kismaayo.

      Kulanka oo ay sidoo kale ka qeyb-galeen xu bno ka socda wasaaradaha Jubbaland ee ay wada shaqaynta dhow leeyihiin WFP iyo Wasaaradda qorsheynta Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxa u qabsoomay qorshaha ICSP 2020 iyo 2021 ee hay’adda ee hay’adda WFP ee ku aaddan Dowlad gobaleedka Jubalan d.Agaasimaha kormeerka iyo qiimeynta wasaaradda qorsheynta maal-gashiga iyo horuma rinta dhaqaa laha Soomaaliya, Cabdiraxiin Muudd eey ayaa she egay in caqabadaha sanadkii hore ay aad u badnaayeen sida Cudurka Korana Fara yska, balse ay iminka rajeynayaan in laga gudbo.

Madaxda ka socotay wasaaradaha Dowlad gobale edka Jubaland ayaa bogaadiyay howsha ay garw adeenka ka tahay wasaaradda qorsheynta Qaran ka iyo hay’adda, iyagoo isla meel dhigay Istaraaji yadda cusub ee WPF- Soomalaiya 2022-2025.

      Ugu dambeyn waxaa kulanka lagu go’aamiyay in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha WFP Dow ladda federaalka iyo maamul gobaleedka Jubbala nd si loo gaaro yoolka qorshayaasha loogu adeeg aya bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir Dubbe” Waa Nasiib darro in Ciidanka Haramcad lagu dacaayadeeyo in lagu boobayo doorashada”

      Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS Cusm an Abuukar Dubbe ayaa Maanta Booqasho ku tegay Wadada Isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhismaheeda Meel Gaba-Gaba ah Marayo.

     Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Haramcad G/le Dhexe Farxaan Maxamuud Aadan ayaa Wasi irka Warbixin kasiiyey Xaaladda Amni iyo mida Dhismo ee Wadada.

      Wasiirka Warfaagin ta oo hadlay ayaa Ciid anka Haramcad uga ma had celiyey sida ay ugu guu leysteen sugidda Amn iga wadadaans, sidoo kale Wasiirka ayaa Mahad celin Ballaaran u Jeedi yey Dowladaha Turki iyo Qatar oo Go’aansaday in la dhiso wadadaas oo aanan loo Joojin Weerarada Al-Shabaab.

     Sidoo kale waxaa uu sheegay inay nasiib darro tahay in Maalin waliba Ciidamada Haramcad ee na ftooda u huray dhismaha wadadaan in lagu dacaa yadeeyo in doorasho.

      Dhowr jeer ayaa wadada xiriirisa Muqdisho Afg ooye waxaa qarax lagula eegtay Injineerada Tur kiga ee dhisaya, iyada oo qaar kamid ah Injineera da ay ku dhinteen.

 Hooyo baraha bulshada lagu soo ban dhigay cabashadeeda oo loo sii daayay wiil ka xirnaa

      Hooyo Soomaaliyeed oo cabashadeeda lagu gudbiyay baraha bulshada ayaa maanta dib ula midowday wiilkeeda oo muddo afar sano ah ka xir naa isla markaana ay sheegtay in aragtidiisa lacag looga qaadi jiray.

     Sheekada hooyo Lu ul Cusmaan ayaa lagu ba ahiyay baraha bulsha da, gaar ahaan barta la gu xi riiro ee Facebook, wa xeyna taas keentay in uu soo faragaliyo wasiirka cadaaladda dowladda Soomaaliya oo la kulm ay ho oyada ka hor inta uusan cabashadeeda toos u dhageys an.

      Wiilka lasoo daayay ayaa la sheegay inuu mud do 4 sano ka hor qoray la goostay, maadaama uu askari ahaa, waxaana ugu dambeyn uu la mido obay hooyadiis oo muddo aysan wada noolaan.

      Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaa liya wuxuu sheegay in Xasan Cali ay ku maqneed hanti qaran, isla markaana ay dad walaalo Soom aaliyeed ah ka bixiyeen, sidoo kalana ay muddo laba maalmood ah ku qaadatay iney maraan hab-raaca sharciga ah ee lagu sii deyn lahaa.

      Baraha Bulshada waxey sanadahii dambe noq deen goobo lagu gudbiyo wax walba oo la xiriira arrimaha bulshada, waxeyna madaxda dowladda u badan yahiin iney u dhaqsadaan wax u qabashada

 bulshada codkooda la dheereeyo.


Deni oo la kulmay Odayaasha dhaqanka Magaa lada Qardho

     Madaxweynaha  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Magaalada Qardho ayaa kulan la qaatay Od ayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Gobolka Karkaar.

Madaxtooyada Puntland ayaa baahisay in kulanka looga hadlay xaaladda guud ee Gobolka, gaar ahaan nabadgelyada, hor umarka iyo deegaanka.

     Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ku su gan Magaalada Qardho ayaa shalay tababar usoo xiray Ciidamo Boolis ah, waxaana la filayaa in uu kulamo kala duwan uu halkaasi ka siiwado.

Muwaadin Kenyan ah oo lacag malaayiin ah ka dhacay dagaalyahanada Al-Shabaab

     Eedeysane Lawrence Kirago Mugandy ayaa qi rtay inuu lacago malaayiin shillinka Kenya ah ka soo dhacay dagaalyahanada ururka Al-Shabaab, wakhtina uu ku sugnaa gudaha Soomaaliya.

     Muwaadinkaan reer Kenya ayaa Booliska Ken ya ka hor qirtay, wuxuuna madax ka ahaa shirkad lacagaha been abuurka ah sameysa ee ku taalla gudaha Kenya, isbuucii lasoo dhaafay ayey warb aahinta sheegeen inuu u gacan galay Booliiska.

     David Nagundi oo ah taliyaha booliska gobolka Meeru ee dhaca koonfurta Kenya ayaa sheegay in muwaadinkaan uu lacago badan kasoo dhacay Al-Shabaab, wax aana qadarkaas marka doolar loo badalo lagu sheegay in ka badan $180,000 (Boqol iyo Sideetan Kun oo Doolar).

     Wuxuu kaloo qirtay inuu gudaha Soomaaliya joogay tan iyo sanadkii 2018, kalana maareyn jiray lacagaha ay Al-Shabaab madax furashada uga qa ataan dadka ay kasoo afduubtaan gudaha Kenya.

      Si kastaba Lawrence Kirago Mugandy wuxuu wajahayaa maxkamad iyadoo la sugi doono waxa uu xukunkiisa noqdo. Xigasho:caasimadda.net

Guddiga KMG ee Rugta Ganacsiga oo shir wad atashi ka yeeshay dhismaha maamulka cusub

     Waxaa M/Muqdisho ka dhacay shir wadatashi ah oo ay isugu yimaadeen Guddiga KMG ee Ru gta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo qa ar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed kuwooda ugu waa weyn.

     Shirkan ayaana looga tashana yay sidii loo dhisi lahaa Rugta Gan acsiga iyo Warshadaha Soo maa liya ,kadib markii dhawaan Wasaar ada Gana csiga iyo Warshadaha Soomaaliya kala dirtay maa mulka Rugtii ganac siga sidoo kale magacawady Guddi KMG ah.

      Guddoomiyaha Guddiga KMG ee Rugta Gan acsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Cabdullaahi Nuur Cusmaan oo ka hadlay shirka wadatashiga ay la qaateen ganacsatada ayaa sheegay in ay ka shaqeenayaan dhismaha Rugta Ganacsiga iyo     Warshadaha oo loo dhan yahay.

      Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in ujeedka shirkan uu yahay sidii ay ganacsatada Soomaali yeed ugala tashan lahaayeen dhismaha Rugta Ga nacsiga iyo sidii ay uga talo bixin lahaayeen xe erarkii iyo nidaamkii loo mari lahaa dhismaha guddigan.

     ”Waxaan isugu nimid maanta in aan ka doodno sidii loo sameyn lahaa sharci iyo nidaam ay yee lato Rugta ganacsiga iyo dib u habeyn lagu sa meenayo, iyo in la diyaariyo guddi farsamo oo ka soo shaqeeya doorashada iyo sidii loo heli lahaa maamul ay yeelato rugta Ganacsiga loo wada dhan yahay loo dhisi lahaa , Rugta ganacsiga ee la dhisayo waa in ay noqotaa mid laga tashado si ay u noqoto mid raali laga wada yahay oo lawada leeyahay” ayuu yiri Gudoomiyaha KMG ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha.

Ganacsatadii kasoo qeyb gashay shirka oo dhankooda hadalo ka jeediyay shirka wadatashiga ayaa bogaadiyay shaqada ay hayaan Guddiga KMG ee Rugta Ganacsiga waxa ayna sheegeen in ay garab ku siinayaan dhismaha Guddiga dhismaha Rugta Ganacsiga oo loo dhan yahay.

Guddiga KMG ee Rugta Ganacsiga iyo Warshad aha Soomaaliya iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa u balamay in ay isugu yimaadaan kulamo kale oo ay uga arinsanayaan sidii loo dhisi lahaa Rugta Ganacsiga sidoo kale la isugu keeni lahaa inta badan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Dagaalo ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose

    Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga gelayaa dagaalo geystay khasaaro kala duwan oo ka dhac ay degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, ka as oo u dhaxeeyay Ciidmada Kenya iyo kuwa Jub baland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

      Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa wax aa la sheegay inay weerareen Saldhig Ciidma da Kenya oo ka tirsan AMISOM ku leeyihiin degaanka Cabdalla Biroole, waxaana halkaasi ka dhacay da gaal socday kudhawaad Saacad.

     Dadka degaanka Cabdalla Biroole qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay  maqlayeen dhawa qa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhi nac, balse aysan xaqiijin karin khasaaraha dagaa lka kasoo gaaray dhinacyada dagaalamay.

      Dhinaca kale dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Jubbland iyo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dha cay degaanka Baarsanguuni ee duleedka Ksim aayo, kadib markii ay Al-Shabaab weerareen    Saldhiga Ciidamada Jubbland.

      Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Baarsanguuni ayaa waxaa ay she egayaan in Ciidmada Jubbaland oo wata Gaa diidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ay how lgallo ka wadaan duleedka degaanka Baarsan guuni iyo deegannada u dhow.

Banaanbax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

     Banaanbaxa oo ay dhigayeen dad u badan Ho oyooyin ku nool Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay ku dalbanayeen in Nolol ama geeri lagu keeno Carruurtooda oo dow ladda Soomaaliya Tababar ugu qaaday dalka Ereteriya.

Hooyooyinka ayaa waxaa ay socod ku mareen inta badan wadooyinka Waaweyn ee Magaalada Gaalkacyo, wax aana ay sheegeen inay ka walaacsan yihiin Carr uur ay dhaleen oo Tababar loogu qaaday dalka Er eteriya, xilli ay soo baxayaan in Dhalinyaro dowl adda u qaaday Ereteriya ay ka qeyb galeen daga alkii Gobolka Tigreega ee u dhaxeeyay Ciidamada Ereteriya oo taageerayay Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Ururka ONLF.   Qaar kamid ah Hooyooyinka banaanbaxa dhig ay oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay ka co dsadeen Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Galmudug inay ka helaan xogta Carruurtooda, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in da gaalkii Gobolka Tigreega ay ku dhinteen Dhal inyaro Soomaali ah. Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Warbaahinta qaarkood iyo Baraha Bulshada lagu faafinayay inay jiraan qaar kamid dhalinyaradii tababar Ciidanimo loogu qaa day dalka Ererteriya ay ku dhinteen Gobolka Tigr eega, kadib markii laga dagaal geliyay.

Dil loo geystay Darawal Gaari iyo faah faahin laga helayo

     Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la shee gay in Maanta ay wade gaari ama Darawal ku dil een xaduudka Itoobiya iyo Galgaduud, iyaga oo Goobta ka baxsaday.

      Wadaha Gaari ee la dilay oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Khadar Xakiin ayaa ka yimid dhi naca Magaalada Berbera ee Somaliland, waxana isaga oo kusoo Jeeda Beledweyne ay kooxo hubeeysan ku dileen meel lagu magacaabo Riiga Ceel-habreed oo dhaca Xuduudka Itoobiya iyo Galgaduud.

       Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in sababo la xiriira aanooyin qabiil loo dilay Wa daha Gaari oo kasoo jeeda Gobolka Hiiraan, iyada oo ay xusid mudan tahay in Bishii December ee la soo dhaafay laba Darawal siyaabo kala duwan lo ogu dilay Wadada u dhaxeysa Matabaan iyo   Guri ceel, kuwaas oo la sheegay in dilka Maanta uu sal ka ku haayo.

       Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Iidow ayaa ka tacsiyadeeyay dilka Wad aha Gaariga waxaana uu sheegay in Maamulka Gobolka Hiiraan uu ka xun yahay dilalka.

” Mohamed khadar Xakiin xaanshi Allah unaxar iisto Saakay ayaa la ii sheegay in la dilay Waxa uu ahaa Wiil dhalinyaro ah qabiil aan aqoon ahaana wade gaadiid ama darawal. Maamulka Gobolka Hii raan aad ayuu uga xunyahay Falalka Nuucaas ah Waxa uuna ku baaqayaa in laga wantoobo arima ha Nuucas ah loona diyaar garoobo Wada hadal iyo Dib uheshiisiin Dhab ah ayuu yiri” Afhayeenka

Laamaha Amniga Galmudug weli kama hadlin dil ka dhacay, iyaga oo sidoo kale aan qaadin talla abooyin gacanta loogu soo dhigayo dadkii ka dam beeyay dilalka, sidoo kalena looga hortagayo dil alka inay sii socdaan.

Diyaarad siday Gargaar oo ka degtay degmada Xuddur

     Diyaaradaan oo sida gargaar kala duwan kana baxday M/Baydhabo ee Xarunta G/Baay ayaa Maanta ka degtay degmada Xuddur ee Xarunta G/ Bokool.

      Diyaaradda oo sida Raashinka noocyadiisa ka la duwan ayaa waxaa la wareegay Agabkii saarnaa Maamulka degm ada Xuddur si Bulshada Magaa lada loogu qeybiyo, hayeeshee ay xusid mudan ta hay in gurmadkaas uusan ku filneyn

      Degmada Xuddur oo muddo 8 Sano ah u go’d oonsan Al-Shabaab ayaa waxaa kajirta xaalad Bani’aadanimo oo aad u daran, kadib markii Al-Shabaab ay xoojiyeen culeyska ay saareen degma daasi Xudur.

      Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagar een ayaa ku sugan degmada Xudur, waxaana kul an uu la qaatay laamaha Amniga uu faray in go’ doonka laga qaado degmooyinka Gobolka Bakool


Wariyayaasha Muqdisho Oo Maamulka Madaxwee yne Deni Ka Dalbaday In La Sii Dayo Wariye Kilwe

    Qaar ka mid ah suxufiyiinta magaalada muqd isho ayaa isugu yimid kulan ay soo agaasimeen ururka suxufiyiinta soomaaliyeed ee SJS, kaas oo lagu dalbanayay in xoriyadiisa uu dib u helo wariye  Kilwe Adan Faarax.

     Wariye Kilwe ayaa 21-maalin ka hor lagu xiray ma gaalada Garowe isaga oo warbixin ka diyaariyay Isu soo bax shacabka magaala da ay mamulka madaxweeyne Deni kaga dalbana yan wax ka qab ashada sicir bararka deeganada maamulkaas .

      Xoghayaha ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed SJS, Abdalla Ahmed muumin oo ugu horeyn war baahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan sharci aheyd xarigga wariyaha .

      "Marka ugu horeysa waxaan rabaa in aan tilm aamo sharci daro in ay tahay in 21-maalmood in qofka lagu haayo xabsi, isagoo aan heeysan qar een, isagoo aanan arkin qooyskiisa, isagoo anan ogeeyn in si dhab ah ama si sax ah eedeymaha loo heysto oo ay ku saleeysan tahay wax markaasi daliil ah oo cadeeyn ah .”

     "waxaan ognahay Kilwe in la xiray maalin kadib markii uu mudaharaad uu ka dhaca magaalada Garowe oo dad weeynaha ay uga cabanayeen arimaha ku saabsan Sicir Bararka , Taas oo ah Xuquuq dastuuri ah oo dadweeynaha in ay caba shadooda soo gudbiyaan ,wariyayaashuna ay soo bandhigaan cabsahada dad weeynaha. ”

      "Waxaa layaab leh oo cajiib ah in 16- maal mood xabsi lagu hayay wararka qaar ee na soo ga rayayna ay tilmamayan in jirdil lagu sameyay kadib in la keenay eedeyn la sheegay maxkamadda me literiga ee Puntland in ay soo jeedisay , eede eyntaas oo aan qoraal ahaan lagu siinin Kilwe, qoy skiisana loo sheegin qareenkiisana aanan lala wa daagin sida uu sharciga dhigayo. ”

     Dhanka kale suxufiyiintii banaan baxa ka soo qeeyb gashay ayaa madaxweeynaha Puntland iyo maamulkiisa ugu baaqay in si deg deg ah xabsiga looga sii daayo wariye Kilwe Aden Farax .

Puntland oo Amartay in tallaabo laga qaado dadka diidan Shillin Soomaaliga

     Maamulka Magaalada Garoowe ee xarunta Go bolka Nugaal ayaa bilaabay qorsho lagu socod sii nayo isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga oo waayihii dambe laga diidanaa degaano badan oo ka tirsan Maamulka Puntland.

      Duqa degmada Garoowe Axm ed Saciid Muuse ayaa sheegay in, iyadoo laga duulayo go’aamadii Xukuumadda dhamaan Ganacsat ada iyo Shacabka la farayo soco dsiinta isticmaalka lacagta Shillin Soomaaliga.

       Waxaa uu sheegay in marnaba aan la aqba leyn in Ganacsatada ay diidaan lacagta Shillin Soomaaliga, iyada oo Maamulka uu sheegay inay Canshuurta dad uga qaadayaan Shillin Soomaali, waxaana uu ku hanjabay in cid kasta oo ka dhega adeygta laga qaadi doono talaabo Sharci ah.

Ugu dambeyn duqa degmada Garoowe ayaa wa xaa uu ku amray Hay’adaha Amniga inay tallaabo ka qaadaan dadka diidan Shillin Soomaaliga, wax aana Shacabka uu ka dalbaday inay laamaha Amn iga kusoo wargeliyaan.Bilihii la soo dhaafay ayaa   dadka kunool degaannada Puntland waxaa heys tay caqabad ah diidmada lacagta Shillin Soomaali ga taas oo uu ka dhashay sicir bararbaahsan. Maleeshiyaad hubeysan oo Nabadoon ku dilay Gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo degaanka Dhisiqa oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay halkaasi ku dileen Nabadoon Caanka ah degaankaas.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Nabadoon Geelle Faar ax Oreey, iyada oo malee shi yaadkii ka dambeeyay dal ka asi ay goobta ka baxsaden.

     Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegayaan in dilkaas uu la xiriir aanooyin qabiil oo maalmihii la soo dhaafay ka taagan degaano hoostaga degma da Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

     Dilka Maanta dhacay degaanka hoostaga degm ada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli saaka wade gaari lagu dilay xaduudka uu G/Hiiraan la wadaago Itoobiya.

Safiirkii Ruushka ee Soomaaliya oo geeriyo oday

     Sida ay baahiyeen Warbaahinta ka howlgasha Gudaha Ruushka waxaa geeriyooday Safiirkii Sa nadihii Sagaashameeyadii Dowladda Ruushka u fadhin jiray Soomaaliya Sergei Kuznetsov.

Saxaafadda ayaan faah faahin sababaha soo ded ejiyay geeridiisa, hayeeshee waxaa uu xilligaan ahaa Safiirka Ruushka u fadhiya Wadan

ka Imaaraadka Carabta oo xiriir Ganacsi oo bal laaran uu kala dhaxeeyo Ruushka.

Safaaradda Ruushka ee Imaaraadka Carabta ayaa qoraal kooban oo ay baahisay waxaa ugu tacsiyadeeysay Safiirkii Ruushka ee dalka Imaa raadka Carabta, halka Madaxweynaha Imaaraad ka Sheekh Khaliifa Bin Zayid dhankiisa uu sheeg ay in uu la murugeysan yahay geerida Danjire Ser gei Kuznetsov.

     4-tii Bishii April ee Sanadkii 2019-kii ayaa Ser ģei Kuznetsov loo Magacaabay Safiirka Ruushka ee Imaaraadka, waxaana uu ku geeriyooday Da’da 68 Sano jir, isaga oo sidoo kale soo noqday Wa siirka Arrimaha Dibadda Ruushka iyo safiirka Ru ushka ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti.

Hilib Yari ka jirta M/Jigjiga & sababta oo la cadeeyay

      Wararka aan ka helayno magaalada Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in hilibka xoolaha gaar ahaan hilibka geela oo aad ugu yaraaday magaaladaas.

Xoolo kala duw an oo isugu jira geel, lo’ iyo ari ayaa intaba la gu qalaa mag aalada sidaas oo ay tahayna waxaa shacabka ma gaalada ka cabanayaa hilib yari muddo soo jii tamaysay.

     Arrintan ayaa loo sababaynayaa tirada dadka magaalada ku dhaqan oo korortay iyo walaaca la ga qabo xerada xoolaha lagu qalo oo dhowaan ay fadeexad ka dhacday,

      Mareeyaha guud ee maamulka magaalada Shaafi Axmed Macallin oo la hadlay BBC-da wax aa uu sheegay inay isbedel ku sameeyeen sida Geella loogu qaali Xerada Weyn ee Magaalada Jigjiga..

     Labadii maalm



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip