Xukuumadda oo beenisay in Ciidan Soomaaliyeed ka dagaalameen Gobolka Tigray

0
Monday January 18, 2021 - 21:04:10 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda oo beenisay in Ciidan Soomaaliyeed ka dagaalameen Gobolka Tigray

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo caawa la hadlayay Telefishinka Qaranka SNTV ayaa waxba kama jiraan ku tilmaameen wararka sheegaya in Ciidan Soomaaliyeed oo horay dowladdu tababar ugu dirtay dalka Eritrea ay ka dagaalameen Gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya.

Wasiir Dubbe ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ciidanka xoogga dalka laga dhex raadiyo arrimo siyaasadeed, isagoo xusay in wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah.

"Ma jirto ciidan Soomaaliyeed oo dowladda Itoobiya codsaday inay u dagaalamaan oo ay ka dagaalamaan Tigray”ayuu yiri Wasiir Dubbe.

"Wararka been abuurka ee ku tira ku teenka ee mala awaalka ee ah in Ciidan Soomaaliyeed inay ka dagaalameen Waqooyiga Itoobiay ee Tigray waa waxba kama jiraan”ayuu yiri.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay caddeeynayaan in Ciidan Soomaaliyeed u tababaraya dalalka ay u dirtay goob kale oo dagaal.

Wasiirka ma uusan soo hadal qaadin dalkaas, sidoo kale waxaa uu afka ka ilaaliyay inuu magac dhabo dalka Eritrea oo horay dowladda Soomaaliya tababar ugu dirtay boqolaal askari.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta ayaa ku soo aaday, iyadoo walaac iyo walbahaar ka muujiyeen waalidiin wiilashooda war iyo wacaalkooda la’aa muddooyinkii u dambeeyay, kuwaasoo ugu war dambeysay tababar ay bilo ka hor dowladdu ugu qaaday dalka Eritrea.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip