Dil ka dhacay Gobolka Hiiraan iyo Maamulka oo ka hadlay

0
Monday January 18, 2021 - 10:22:53 in Wararka by
  • Visits: 260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dil ka dhacay Gobolka Hiiraan iyo Maamulka oo ka hadlay

    Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in Maanta ay wade gaari ama Darawal ku dileen inta u dhaxeysa degmada Matabaan iyo degmada Guriceel ee Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud. Wadaha Gaari ee la dilay oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Khadar Xaki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay in Maanta ay wade gaari ama Darawal ku dileen inta u dhaxeysa degmada Matabaan iyo degmada Guriceel ee Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud. Wadaha Gaari ee la dilay oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Khadar Xakiin ayaa wade ka ahaa mid kamid ah Gaadiidka ka baxa Gobolka Hiiraan ee aada dhinaca Gobolada Dhexe, iyada oo dadkii ka dambeeyay dilka ay goobta ka baxsadeen. Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in sababo la xiriira aanooyin qabiil loo dilay Wadaha Gaari, iyada oo ay xusid mudan tahay in Bishii December ee la soo dhaafay laba Darawal siyaabo kala duwan loogu dilay Wadada u dhaxeysa Matabaan iyo Guriceel. Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Cabdi Muumin Iidow ayaa ka tacsiyadeeyay dilka Wadaha Gaariga waxaana uu sheegay in Maamulka Gobolka Hiiraan uu ka xun yahay dilalka. " Mohamed khadar Xakiin xaanshi Allah unaxariisto Saakay ayaa la ii sheegay in la dilay Waxa uu ahaa Wiil dhalinyaro ah qabiil aan aqoon ahaana wade gaadiid ama darawal. Maamulka Gobolka Hiiraan aad ayuu uga xunyahay Falalka Nuucaas ah Waxa uuna ku baaqayaa in laga wantoobo arimaha Nuucas ah loona diyaar garoobo Wada hadal iyo Dib uheshiisiin Dhab ah ayuu yiri" Afhayeenka Laamaha Amniga ee Maamulada Hir-Shabeelle iyo Galmudug weli kama hadlin dilalka dhacay, iyaga oo sidoo kale aan qaadin tallaabooyin gacanta loogu soo dhigayo dadkii ka dambeeyay dilalka, sidoo kalena looga hortagayo inay sii socdaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip