Laftagareen oo Amray in si deg deg ah Go'doonka looga qaado Gobolka Bakool

0
Monday January 18, 2021 - 10:17:39 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laftagareen oo Amray in si deg deg ah Go'doonka looga qaado Gobolka Bakool

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kulan looga hadlayey Dar-Dar gelinta Xaqiijinta Amniga iyo Dib ufurida Wadooyinka ay Go'doomiyeen Al-Shabaab ee Gobolka Bakool waxa uu la qaatay Sarakiisha Laamaha Amniga. Kulanka ayaa diira

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kulan looga hadlayey Dar-Dar gelinta Xaqiijinta Amniga iyo Dib ufurida Wadooyinka ay Go'doomiyeen Al-Shabaab ee Gobolka Bakool waxa uu la qaatay Sarakiisha Laamaha Amniga. Kulanka ayaa diirada waxaa lagu saaray sidii Shacabka degmooyinka Gobolka Bakool looga qaadi lahaa culeyska ay saareen dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab. Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidmada xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Abdullahi Ciirow oo kulanka faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in laamaha Amniga, iyaga oo kaashanaya Shacabka ay bilaabi doonaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen uu laamaha Amniga Amray inay si deg deg ah go'doonka uga qaadaan degmooyinka Gobolka Bakool, isla markaana Ciidmada qalabkooda loo dhameystiri doono. Degmooyin badan oo ka tirsan Gobolka Bakool ayaa muddo ka badan 8 Sano waxaa ay u go'doonsan yihiin Al-Shabaab, waxaana ka dhashay dhibaatooyin bani'aadanimo oo keentay inay dadka banaanbax dhigaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip