Faah faahin laga helay ujeedka Kulankii Madaxda Galmudug, Hirshabelle iyo Wasiirada Hawiye

0
Sunday January 17, 2021 - 16:57:31 in Wararka by
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah faahin laga helay ujeedka Kulankii Madaxda Galmudug, Hirshabelle iyo Wasiirada Hawiye

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Faahfaahin laga helay kulankii xalay ee wasiirrada Hawiye iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle xalay wada galeen ayaa xaqiijiyay in ay ka wadahadleen qorshe dib loogu soo nooleynayo doodad matalaadda Gobolka Banaadir ee doorashada soo socota.

Qorshahaan oo uu hindisay Madaxweyne Farmaajo ayaa xilligaan looga golleeyahay in lagula dagaallamo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo arrinkaan diidanaa, iyada oo lagu raadinayo kasbashada taageerada beesha Hawiye.

Waxaa la qorsheeyay in Qoorqoor iyo Guudlaawe ay arrinkaan soo jeediyaan oo ay ka dhigaan dood iyaga ka socota, kadibna lagu lamaaniyo kulamo-beeleedyo iyo bannaanbaxyo Mudisho ka dhaca oo lagu dalbanayo matalaadda Banaadir.

Xiisaddaan ayaa la qorsheeyay in lagu soo beego 8-da Febraayo iyo maalmaha ka horreeyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u oleoleeyay 13 xubnood oo uu gobolka Banaadir ku yeesho matalaadda aqalka sare, balse waa lagu hungoobay, inkasta oo xilligaas uu shacbiyad weyn ka sameeyay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip