Ciidanka Xoogga dalka oo baacsanaya maleeshiyadka Al-Shabaab

0
Saturday January 16, 2021 - 22:23:12 in Wararka by
  • Visits: 252
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Xoogga dalka oo baacsanaya maleeshiyadka Al-Shabaab

    Ciidamada Xoogga dalka oo ay wehliyaan kuwa mamaulka Jubbaland ayaa howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab waxay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgalka oo si gaar ah looga fuliyay deegaano dhawaan lag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xoogga dalka oo ay wehliyaan kuwa mamaulka Jubbaland ayaa howlgalo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab waxay ka sameeyeen deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Howlgalka oo si gaar ah looga fuliyay deegaano dhawaan laga saaray Al-Shabaab oo kaabiga ku haya degmada Jamaame ayaa ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga deegaanaadaas. Taliyaha Ururka 56-aad Guutada 11-aad, qeybta 43-aad oo markii uu howlgalka soo gabagaboobay la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo dadka dhibaato ba'an ku hayay, wuxuuna hadalkiisa intaas raaciyay in howlgalka uu sii socon doono inta laga ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab. Deegaanada sida gaarka ah howlgalka looga fuliyay waxaa ka mid ah Koban, Bangiini iyo Araare, halkaas oo argagixisada mararka qaar si dhuumaaleysi u yimaadaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip