Kenya oo war soo saartay kadib markii la sheegay in 50% Mandheera ay maamusho Al-Shabaab

0
Saturday January 16, 2021 - 21:48:41 in Wararka by
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo war soo saartay kadib markii la sheegay in 50% Mandheera ay maamusho Al-Shabaab

    Wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya ayaa ku gacan seyrtay hadal kasoo baxay barasaabka Mandheera oo ahaa in ururka Al-Shabaab ay inka badan 50% maamulaan waddooyinka deegaankaas. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaantay hada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya ayaa ku gacan seyrtay hadal kasoo baxay barasaabka Mandheera oo ahaa in ururka Al-Shabaab ay inka badan 50% maamulaan waddooyinka deegaankaas. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaantay hadalka Cali Rooba "Inkasta oo ay caqabado jiraan taas ugu wacan marinnada Al-Shabaab ee xuduudka, Mandheera gebi ahaanba ma ahaan meel uu cadowga joogo, si ka duwan hadalka Cali Rooba," ayey tiri wasaaradda. Kenya waxay sidoo kale sheegtay in dowladda ay ka shaqeysay xoojinta iyo horumarinta arrimaha amniga ee gobolkaas. Guddoomiyaha Mandheera Cali Ibraahim Roba ayaa Dowladda Kenya u gudbiyay cabasho dhanka amniga ah oo la xiriirta weerarada Al-Shabaab ay ka geysato Dhulka Soomaalida ee Kenya maamusho iyo cabsida ka dhalatay isu socodka waddooyinka. Roba ayaa sheegay in Al-Shabaab ay maamulaan Waqooyi bari Kenya 50%, kadib weeraro iyo dilal ay muddo ka geysanayeen sida uu sheegay, waxaana uu dalbaday in qorshe ka dhan ah Shabaab looga baahan yahay Dowladda. Cali Roba ayaa xusay in Al-Shabaab kordhisay dhaqdhaqaaqa ay ka wado Ismaamulo Mandheera ay kamid tahay, taasina ay dhalisay welwel la xiriira in maamulka intiisa badan uu maro dhankooda sida uu sheegay Guddoomiyaha Magaaladaas. "Xaqiiqada runta ah iyo tan dhabta ah ayaa ah in aniga oo ah Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera oo aan ahayn qof shacab ah isla markaana la ii igmaday in aan maamulo howlaha Dowlad deegaankaan ayaan xaqiijinayaa in ka badan 50% waddooyinka Deegaankaan ay maamusho Al-Shabaab," Sidaasi waxaa yiri Cali Ibraahim Roba.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip