Maxaa keenay in Shaqadii Wasiirka Arrimaha Gudaha looga kalsoonaado Wasiiro Dowle Xafiis ?

0
Thursday January 14, 2021 - 08:05:27 in Wararka by
  • Visits: 298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa keenay in Shaqadii Wasiirka Arrimaha Gudaha looga kalsoonaado Wasiiro Dowle Xafiis ?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/xakiin Ashkir ayaa durba u muuqda inuu la wareegay doorkii Wasiirkii Arrimaha iyo Federaalka Jen. Mukhtaar Xasan Afrax uu ku lahaa la socodka hirgelinta arrimaha doorashooyinka farsamo ahaan iyo siyaasad ahaan.

        Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kaddib wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha uu ugu igmaday Mr C/xakiin inuu noqdo mas’uulka qaabilsan howlaha habsami u socodka doorashooyinka, isku xirka Xukuumadda, dowlad goboleedyada iyo hey’adaha caalamiga.


        Arrintan ayaa durba dhalisay su’aalo kala duwan, iyadoo la rumeysan in Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/xakiin Ashkir uu saaxib dhow la yahay Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin oo si weyn saameyn ugu yeeshay howlaha doorashada iyo ololaha dib u soo laabashada Madaxweyne Farmaajo.

      Wasiiradii hore ee Arrimaha Gudaha Xukuumadihii hore ayaa kaalin weyn ku lahaa labadii doorasho ee hore ee dalka ka dhacday sanadihii 2012 iyo 2017, waxaana si gaar ah loogu xusuustaa Wasiiradii xilalka ka hayay wasaaradahaas sida Cabdisamad Macalin Maxamuud iyo C/raxmaan Odawaa sida ay door ugu lahaayeen howlihii doorashada farsamo ahaan iyo siyaasad ahaan.

     Xilliyada kala guurka ee doorashooyinka waxaa hoos u dhaca kalsoonida siyaasiyiinta ay ku qabaan hay’adaha u xilsaaran dhaqangalinta qorshaha looga gudbayo marxaladda kala guurka ah, waxaa in badan Madaxda xilligan ay doorbidaan in ay u dhiibtaan fulinta qorshaha kalaguurka shaqsiyaad ay ku kalsoon yihiin iyada oo aanan loo eegeynin mudnaanta iyo waajibaadka Wasaaradaha loo igmaday ee ku shaqada leh meelmarinta heshiisyada doorashooyinka.

     Is mari waaga ugu weyn ee ka taagan doorashada ayaa ah kalsooni darro ka dhalatay qaabka dowladda Federaalka u maareysay Guddiyadii doorashada oo lagu arkay xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda iyo askar ka tirsan NISA, waana tan keentay in Midowga Musharaxiinta ay ku baaqaan in la kala diro Guddiga, si loo helo Guddi u cadaalad fala oo aan dhinac ka rarneyn.


Xigasho:-caasimadda.net



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip