Siminaar ku saabsan xoojinta amniga oo lagu qabtay Wadajir

0
Tuesday August 18, 2015 - 07:28:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 8610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siminaar ku saabsan xoojinta amniga oo lagu qabtay Wadajir

    Tababar ku aadan xoojinta amniga ayaa maanta xarunta degmada Wadajir looga furay guddiga nabad gelyada degmadaasi, ayadoo ay ka qeyb galeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababar ku aadan xoojinta amniga ayaa maanta xarunta degmada Wadajir looga furay guddiga nabad gelyada degmadaasi, ayadoo ay ka qeyb galeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.
Tababarkan oo loo qabtay ku dhawaan 30 qof, isla markaana socon doono muddo 12 cisho ah ayaa lagu baran doonaa xoojinta amniga, isku xirka bulshada iyo horumarka degmada, kaasi oo ay casharada bixin doonaan macalimiin aqoon u leh xagga isdhexgalka bulshada iyo xoojinta amniga.

Guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Cabdule Afrax ayaa hoosta ka xariiqay  in siminaarkan uu wax badan ku soo kordhin doono xagga xoojinta amniga iyo isdhexgalka bulshada, isagoo ku booriyay ka qeyb galayaasha siminaarka inay ka faa’iideystaan fursadda ay heystaan.


Guddoomiye ku-xigeenka arrimaah bulshada ee gobolka Banaadir Iimaan Nuur Iikar ayaa bulshada ku dhiiri geliyay inay ku dabaqaan waxyaabaha ay tababarka ka faa’iideystaan, si nabadda iyo xalinta khilaafaadka looga wada shaqeeyo, oo ay hormuud ka noqaan xoojinta amniga iyo dhexgalka bulshada.

Bishii July ee sanadkan ayaa mid kan la mid ah lagu qabtay xarunta degmada Xamar weyne, kaasi oo u jeedku yahay in guddiga amniga ee degmada iyo qeybaha bulshada ay u yeeshaan wada shaqeyn buuxdo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip