Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday dowladda Switzerland, waxaana wafdigan
hogaaminayay Dominik Langenbacher oo ah Danjiraha dowladda Switzerland
ahna wakiilka gaarka ah u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.
Wafdigan
ayaa waxaa sidoo kale, ka mid ahaa Prof. Iur. Kurt Nuspliger oo ah
khabiir dhanka arrimaha Federaalka, waxaana kulanka labada dhinac
diirada lagu saaray habka Federaal ee ugu haboon ee Soomaaliya lagu
dhaqi karo, maadaama ay jiraan habab kala duwan oo dowladdaha caalamka
ee qaatay Federaalka ay ku dhaqmaan.
Labada
dhinac ayaa si qota dheer isula eegay noocyada kala duwan ee
Federaalka, waxaana tusaale ahaan ay u soo qaateen 5-ta tiir ee habka
Federaalka udub dhexaadka u ah.
Danjiraha
dowladda Switzerland ee Soomaaliya Dominik Langenbacher oo goobta ka
hadlay ayaa xusay in Soomaaliya ay leedahay dowlad rasmi ah oo la
aqoonsan yahay, ayna haatan doonayaan inay ka taageeraan sidii ay u heli
laheyd Nidaam Federaal oo ku haboon, maadaama caalamku ku dhaqmo noocyo
kala duwan oo Federaal ah "Waxaan arrintan u xilsaarnay khubaro ku xeel
dheer arrimaha Federaalka, waxaana rajeyneynaa in la helo habka ugu
haboon ee Federaal ee Soomaaliya ay ku dhaqmi karto” ayuu yiri Danjiraha
Switzerland isaga oo intaasina raaciyay in dhanka dhaqaalaha ay gacan
ka geysanayaan fulinta qorshahan.
Ra’iisul
Wasaare ku-xigeenka Xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carteh oo iska
kulankan ka hadlay ayaa uga mahadceliyay wafdiga iyo xubnaha khubarada
ah ee la socda isku daygooda sidii loo heli lahaa Nidaam Federaal ah oo
ku haboon dalka Somaaliya, wuxuuna xusay in Xukuumada Soomaaliyeed oo
kaashaneysa hay’addaha ay khuseyso arrinkan ay ku dadaaleyso sidii looga
talo gelin lahaa, si ugu dambeynta loo helo habka ugu haboon ee
Federaal ee dalka Soomaaliya lagu dhaqo. |
---Dhammaad-----
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM |
|
|
|
R.W. K/xigeenka Xukuumada oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Switzerland
Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday dowladda Switzerland, waxaana wafdigan