HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO ARBACO AH 30-DEC-2020

0
Wednesday December 30, 2020 - 09:15:18 in Wararka by
  • Visits: 1125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO ARBACO AH 30-DEC-2020

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

 

RA’IISUL WASAARE ROOBLE OO MAGACAABAY AFHAYEENKA XUKUUMADDA

R/Wasaaraha XJFS Md.Maxamed Xuseen Ro oble ayaa Md.e Maxamed Ibraahim Macallimuu u magacaabay Afhayeenka XF/ Soomaaliya.

Macalimow ayaa ah Wariye mu ddo dheer kasoo shaqeeyay qey baha kala duwan ee warbaahin ta, waxaana sanadyadii ugu da mbeeyay ka mid ahaa ururada Saxaafada.

R/wasaare ayaa Shalay bilaabay isbadel weyn oo ku sameeyo xafiiska R/wasaaraha, iyadoo Shalay uu Magacaabay xoghayaha joogtada ah.

Waxaa sidoo kale ilo lagu kalsoonaan karo ay xaq iijiyeen inay jiraan isbedallo kusoo wajahan Agaasi meyaasha iyo sidoo kale Madaxda ee wasaaradda ha.

RW ROOBLE OO MAGACAABAY XOGHAYAHA JOOGTADA EE XAFIISKIISA

R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xogh ayaha joogtada ee Xafiiskiisa waxaa uu Shalay u Magacaabay, Dr. Maxamed Ibraahim Nuur, kadib wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa.

Xilka Xoghayaha joogtada ee Xafiis kiisa R/Wasaaraha ayaa waxa si kmg ah u haayay Cabdirisaaq Caato oo mar xilkaas loo Magacaab ay haddana laga qaaday, markii dacwad laga gud biyay., hayeeshee hadda si KMG ah uu xilkaasi u hayay.

Xogaha la helay ayaa waxaa ay shegayaan in Xoghayaha Joogtada cusub ee Xafiiska R/wasaa raha Maxamed Ibraahim La Taliye u ahaa Mada xweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen.

R/wasaare Roooble ayaa kula dardaarmay xoghay aha cusub ee joogtada xafiiska R/wasaaraha Mr. Nuur inuu dardar geliyo shaqada loo idmaday ee Xafiiska.

QODOBADA LOOGA HADLAYO SHIRKA KA FURMAAYO GAROOWE

Magaalada Garoowe ee xarunta G/Nugaal wa xaa ka socda u diyaar garowga qabsoomida shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Mach adka Hiratage, kaas oo Shalay oo taariikhdu ku beegan

tahay 29 Bisha December oo ka furmaya halkaas.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgal aya Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka, Qaar ka mid ah madaxda D/Goboleedyada, Xubno ka mid ah Midowga Musharixiinta iyo Ururada Bulshada rayidka.

Shirka oo sanadkiiba mar lagu qaban jiray dal ka Jabuuti ayaa markii ugu horreeysay lagu qaban ayaa Soomaaliya, waxaana muddo Saddex Cisho oo uu socon doono sanadkaan looga hadlayaa xas ilinta dalka ee dhanka Amniga, Dhameystirka Dast uurka, qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo yag leelida nidaam Federaal oo Shaqeynaya.

Inta badan madaxda ka qeybgaleysa Shirka ay aa ku sugan Magalada garoowe, kuwaas oo Habeen hore yeeshay kulamo gooni gooni ah oo horudhac u ahaa Shirka. Ammaanka Magaalada Garoowe ay aa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waaw eyn ee Magaaladaasi lagu arkayaa Ciidamo farab adan oo ka tirsan kuwa Amniga, kuwaas oo baari taano ku sameynaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan

SHARIIF SHEIKH AXMED OO GAARAY GAROOWE IYO SOO DHAWEYN LOO SAMEEYAY

Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa Shalay gaaray M/Graoowe ee xarunta D/G/Puntland, halkaasi oo ay ku sugan yih iin qaar ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda hadda talada haysa.

Madaxweynaha D/G/Puntland Md.Siciid C/hi Deni ayaa Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxam ed Abshir Airport ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynihii hore ee Soomaa liya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Shariif ayaaa ka qayb gali doona shirk ka furmaya M/Garoowe ee xarunta Maamulka punland, wax aana shirkaasi

looga hadli doonaa arrimaha Soo maaliya, iaydoo ay ka qayb galayaan mas’uuliyiin kala duwan.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO KA HADASHAY CIYAART OYDA KOONFUR GALBEED EE LA DHAAWACAY

Qaar kamid ah Ciyaartoyda ka socotay Maam ulka K/Galbeed ee ka qeyb galayay tartanka Kub adda Cagta Maamul Goboleedyada & Gobolka Ba naadir ayaa la dhaawacay, kadib kulankii laga badi yay oo ay la yeesheen Ciyaartoyda G/Banaadir.

Ilaa lix Ciyaaryahan oo ka tirsan xulka Koonfur Galbeed ayaa la dhaawacay, ka dib markii Gaari Bas ah oo ay saarnaayeen dhag xaan lagu we eraray, waxaana falkaasi ka had ashay Dowladda Sooma aliya.

Wasiirka Wasaaradda Dhalliny arada iyo Ciyaaraha Xukuum adda Soomaaliya Xildhibaan Xamsa Saciid Xamsa ayaa waxa uu fal kaasi ku tilmaamay in uu aad uga xun yahay lana aqbaleyn.

Waxa uu Alle uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo Cayaartooyda xulka Koonfur Galbeed ee ay waxyeelada soo gaartay..

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA LIXDA CIYAARYAHAN IYO MEELAHA LAGA DHAAWACAY.

Cabdikariim Absa – Dhaawac Madaxa.

Maxamed Wadani – Dhaawac Garabka.

Maxamuudey ibraahim – Dhaawac Isha

Xabiib Ibraahim – Dhaawac Gacanta.

GOLAHA SHACABKA OO ANSIXIYAY MIISAANIYADDA 2021

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlama anka mudada xilheyntiisa uu dhamaaday ayaa Shalay oo Axad ah kulan an cadi aheyn ku yee sheen Xaruunta Villa Hargeysa, iyaga oo ku ansi xiyay miisaaniyadda dowlada ee 2021.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomi ye kuxigeenka 2aad ee Golaha ayaa waxaa xaad iray 145 muda ne oo ka tirsan Gol aha shac ab ka, kuwaas oo dhaa mnto od ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee 2021.

Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee G/Shacabka Md.Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka guddoomi yay ayaa sheegay inay ansax tahay Miisaaniyadda 2021 oo mudayaasha Dorraad ay akhrinta 2aad marsiiyeen.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Xildhi baan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo goobjoog ka ahaa kulanka ayaa ka mahad celiyay sida ay u ansixiyeen miisaaniyadda 2021 oo ay u gudbiyeen golaha Shacabka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlama anka mudada xilheyntiisa uu dhamaaday ayaa wa xaa weli horyaalla Shaqooyin adag oo u bahan in ay meel mariyan halka kuwo kale ay gaarsiin doon an Baarlamaanka 11aad ee la dooran doono.

GUDIGA DOORASHADA EE LAGU MURANSAN YAHAY OO QIRTAY IN JADWALKOODU SHAQEYN WAAYEY

Guddiga Doorashada heer federaal ee lagu mur ansan yahay ayaa shaaciyey inuu mar kale dib u dhac ku yimid xilligii loo qabtay inay billaab atodoorashada Aqalka sare.Shalay ayaa la qorsheeyay inay Madaxweyn ayaasha Dowlad Goboleedyada ay soo saaraan liiska Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare, balse qoraal kasoo baxay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee lagu muransan yahay ayaa lagu sheegay in waqtiga la garsiiyey ilaa 5ta Janbaayo iyadoo toddobaad lagu daray.

"Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowl adaha Xubnaha Ka ah DF in qabashada codsiya da murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtah ay 5ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhax aysa 714 Jannaayo 2021,” ayaa lagu yiri Warsax aafadedeka Guddiga

Guddiga ayaa qarxiyey xiriir dhex maray madax weynaha Galmduug, waxayna warsaxafadeedko oda ku qoreen: "Isbaddalka jadwalkan wuxuu ku saleysan yahay codsi Guddiga Doorashooyinka u ga yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Ga lmudug Md.Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo ku aaddan in muddadaa dib loo dhigo waqtiga loo asteeyey Doorashada Aqalka Sare.”

Arrintan ayaa u muuqata mid si kulatagal ah loo gu beegsaday Madaxweynaha Galmudug oo mag aciisa Guddigu shaaciyey, kadib markii uu dhowa an warsaxaafadeed wadajir ah lasoo saaray Mad axweynaha Puntland, kaaso lagu dalbaday in xal loo helo khilaafka ka taagan Doorashada.

FAAHFAAHIN KU SAABSAN QARAX DHIMASHO IYO DHAAWAC GEYSTAY OO KA DHACAY MUQDISHO

Qarax aad u xooggan ayaa wuxuu ka dhacay M/Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya kaasoo dhawaqiisa laga maqlay inta badan xaafadaha ka tirsan Magaalada.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhul ka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay Gaariga Xildhibaan hore ahna Siyaasi Caan ka ah muqdisho ee Muxudiin Xasan Afrax xilli uu marayay agagaar ka Xarunta degmada Kaaraan gaar ahaan meel u dhow Garoonka Kubadda Cagta ee qoobdooro.

Sida ay dad goobjoogayaal ah u Warbaahinta , qar axa ayaa waxaa ku dhintay hal askari halka laba kalana ay ku dhaawcmeyn, waxayna askarta dha mmaantood ahaayeen ilaalada MuxuddiinXasan Afrax .

Marka qaraxa lala eeganayey gaariga ayaa wax aa la xaqiijiyey inuusan saarneyn Xildhibaan hore Muxudiin Xasan Afrax. Ciidamo ka tirsan Booliska degmada Kaaraan aya tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydka askar iga iyo kuwa dhaawacmay, waxana sidoo kale la sheegay inay sameeyeen howlgal dad lagu qab qabtay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kusoo bad anayo qaraxyada miino ee dhulka lagu Aaso iyo kuwa Gawaarida lagu xiro kadib markii ciidamada Dowladda ay AlShabaab ka hor istaageen inay gawaarida qaraxyada laga soo buuxiyo soo geliyaan gudaha Magaalada Muqdisho.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO QM KALA HADASHAY DHAQAALAHA KU BAXAYA DOORASHOOYINKA

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Xild hibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Shir Aalada Fogaan araga kula qaatay mas’uuliyiin Sar Sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Shirka ayaa waxaa diirada lagu sa aray dhaqaalaha ku baxaya doora shooyinka dalka iyo Horumarinta do wladnimada dalka Soomaaliya

"Waxa aan shir muhiim ah oo ku saabsan Qara shaadka ku baxaya ‘Doorashooyinka Qaranka’ la yeelnay masuuliyiin sare oo ka tirsan Q/Midoobay, iyadoo ay shirka igu wehlinayeen qaar ka mid ah madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dalka ayuu yiri” Wasiir Beeyle.

Sidoo kale Wasiir Beyle s ayaa sheegay inay ka go’aan tahay in siwadajir ah uga wada Shaqee yaan howlaha lagu Horumarinayo hanaanka Dow ladnimada dalka. Dowladda Soomaaliya ayaa ha atan dadaal ugu jirto sidii lagu heli lahaa dhaqaala ha doorashooyinka dalka oo weli uu muran xoogan ka taagan yahay, iyada oo Maalin ka hor R/ Wasa are Rooble uu Beesha Caalamka Arrintaasi uu ka la hadlay.

DIL KA DHACAY GOBOLKA HIIRAAN IYO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Wararka aan ka helayno Xadka G/Hiiraan uu la wadaago itoobiya ayaa ku warramaya in Shalay halkaasi lagu dilay Qof shacab ah, oo halkaasi ma raayay. Maleeyshiyaad hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay hataan dil u gaysteen qof Shac ab ah oo marayey xadka ay wadagaan G/Hiiraan iyo dalka Itoobiya, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan dilkaaasi.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in Mal eshiyaadka Hubeeysan ee dilka gaystay ay ka soo jeeda D/Matabaan ee isla G/Hiiraan, waxaana la sheegayaa in arrintu ay tahay mid salka ku hay so aanooyin Qabiil.

Degaanno iyo degmooyin ka tirsan G/Hiiraan, gaar ahaan degaanno hoostago Degmada Matab aan, ayaa waxaa ka dhacay dilal iyo dagallo dha mmaantood salka ku haya aanooyin Qabiil, waxaa na tiro dhowr jeer ah la dhexdhigay heshiis beela ha halkaasi inta badan ku dagaalama, waloow ay mar waliba soo laal laabtan falalkaasi.

XUKUN LAGU RIDAY SHABAKAD KA TIRSAN ALSHABAAB OO AY HAWEENAY KU JIRTO

Deeqo Maxamed Qeyliye Sabriye, Cabdikariim Maxamuud Cusmaan iyo Maxamed Siid Cali Maxa muud ayaa loo xiray july 19keedii la shaqeynta Alshabaab iyo in ay ahaayeen koox wada degan oo ka shaqey sa Gudbinta iyo Keydinta Agab ka Ciidan ee loo adeegsado dil alka gaadmada ah.

Deeqo Maxamed Qeyliye ayaa sheegtay in ay Alshabaab kaga biirtay Sh/Hoose 2016, waxa ay Gunno ahaan u qaadan jirtay $150 bishii ba.

Bishii Ramadan ayay qaban jirtay howlaha ugu badan ee keydinta Hubka sida Bistooladaha, Bam booyinka Gacanta laga tuuro F1, Qaraxyada lagu xiro Gawaarida, kuwa lagu Aaso waddooyinka iyo Alaabta laga farsameeyo Qaraxyada.

2016 ilaa july Sanadkan waxa ay marti gelisay Nimankii ugu badnaa ee Alshabaab u fulinayay ho wlahooda Gurracan mana jirin mid kamid ah oo xarig Alle kula joogay Guriga ay Alshabaab ugu kireysay Fulinta danahooda.

Deeqo ayaa lagu soo xiray labadaba waxa ay na hoy ka siisay gurigii loo qorsheeyay ee u joogtay sidii Hooyanimo aan la Ogeen dhagarta ku hoos Miliqsan. Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa cadeyn ahaan Maxkamadda u hor keenay Agab isugu jiro Hub iyo Qaraxya oo lagu soo wada qabtay eedey sanayaasha oo iyaga aasayay Qarax uu mid ka mid ah kaga dhintay Mid kalane kaga dhaawacm ay, waxaa sidoo kale la dhageystay Qiraallada Dambiyadii ay galeen.

Shalay ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saa rtay 3dan shaqsi, waxaana lagu kala xukumay De eqo Maxamed Qeyliye Sabriye 15sano Xabsi Cii dan ah , Cabdikariim Maxamuud Cusmaan 3sano Cabsi Ciidan ah iyo Maxamed Siid Cali Maxamuud 20sano oo xarig ah, sida uu u sheegay dhinacya da Dacwadda G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute gud doomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalbka Sida.

QARAX KA DHACAY MAGAALADA GAALKACYO IYO KHASAARAHA KA DHASHAY

Wararka aan ka helayno M/Gaalkacyo ee Xa runta G/Mudug ayaa warramaya in Shalay uuQarax ka dhacay halkaasi, waxaana jira khasaao dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhashay Qar axaasi.

Qaraxa oo ahaa Miinada Dhulka lagu aaso ay aa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf, waxaana wararku intaas ku darayaan in khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh uu soo gaaray dadkii ka ag dhawaa.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in Qara xaasi uu ku dhintay hal ruux oo ahaa Darawal ga ari, waxaana ku dhaawac may tiro intaas ka bad an, Qofka dhinta ay ayaa darawal ka ahaa Gaari noociisu yahay iska rago, kaasi oo marayay halka wax ka dhaceen, waxaana Qaraxu uu si gaar ah uga dhacay M/Gaalkacyo dhanka maamulka Punt land.

wali ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee Qara xaasi ka dhashay, balse laamaha amaanka ayaa baaritaanno wada, waxaana la filayaa inay ka warbixiyaan.

MUSHARAX MADAXWEYNE DAAHIR GEELLE OO LA KULMAY MADAXWEYNAHA JUBBALAND AXMED MADOOBE

Musharax Madaxweye Daahir Maxamuud Gee lle kana mid ah Midowga Musharixiinta ayaa mag aalada Garoowe ee Caasimadda Puntland waxaa uu kulan gaar ah kula qaatay Madaxweynaha dow lad Goboleedka Jubbaland Ax med Maxamed Islaam.

Kulanka oo kamid ahaa kul amada horudhaca u ah Shirka Madasha Wadaaga Machadka Heritage ayaa wax aa ay uga wada hadleen xaalada dalka, sida arri maha doorashooyinka iyo sidii dalka ay uga dhici laheyd doorasho la isla ogol yahay.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Gee lle ayaa Madaxweynaha Jubbaland uga mahad ce liyay kaalinta uu ka qaadanayo dowladnimada So omaaliya, iyaga oo ku balamay inay kulamada sii joogteeyaan.

Daahir Maxamuud Geelle Musharax Madaxwey ne oo Garoowe u tegay ka qeyb galka Shirka Mad asha Wadaaga Machadka Heritage ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxda Dowlad Goboleed yada iyo qeybaha kala duwan ee

Bulshada.

DFS OO SHEEGTAY IN BELED XAAWO LAGU QABTAY RAG SIDAY LACAG KA TIMID IMAARAATKA.

Wararka ka naga soo gaaraya xaduuda u dhex eysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in ciid amada xoogga ay gacanta ku dhigeen rag siday lacag laga keenay Imaaraadka carabta.

Saraakiisha ciidamada xoogga ayaa sheegay in la bo nin iyo lacag ay sideen gacanta ku dhigeen.

Taliyaha ciidamada xoogga u xil saaray DFS ee degmada Beledx aawo oo la hadlay KNN ayaa she egay in lacagtan la doonayayay in lagu carqaladeeyo

arrimaha doo rashooyinka Soo naaliya.

Saraakiisha Ciidamada xoogga ee ku sugan xu duuda Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in hee gan buuxa ay ku jiraan ciidamada , islamarkaana ay diyaar u yihiin u yihiin in ay ka hortagaan wax walbo oo khal khal gelinaya amniga dalka

LIX SANO KA DIB XADKA JABUUTI IYO SOOMAALILAND OO LA FURAY

Waxaa dib loo furayaa isku socodka shacabka iyo gaadiidka xadka u dhexeeya Jabuuti iyo Soma liland oo dhowr sannadood u xirnaa sababo amni dartood.

Arrintan ayaa ka dhalatay kulammadii ay wada yeesheen madaxda Jabuuti iyo kuwa Somaliland oo maalmahanba safar ay ku joogeen dalka jab uuti uu Dorraad uu u soo dhamaaday.

Sannadkii 2014kii ayay ahayd markii Jabuuti ay gebi ahaanba xirtay xadka ay la wadaagto Soo maaliland ka dib qarax xilligaasi ka dhacay dalka Jabuuti inkastoo markii dambe dib loo furay.

Hase yeeshee labadii sannadood ee ugu dambe eyay ayaa hadana dib loo xiray oo waxaa la diiday iney xadka ka gudbaan dhammaan gaadiidka ka yimaada Soomaliland.

Baabuurta rakaabka iyo xamuulka ah, ma ays an dhaafi jirin xadka oo waxaa la sameyn jiray ag abka iyo rakaabkuba waxaa lagu wareejin jiray ga waari kale oo u sii gudbineysa gudaha Jabuuti.

Arrintan oo dhibaato ba’an ku haysay shacabka ay aa waxaa xallinteeda shaaciyay madaxweynaha Somaaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uuna sheeg ay inay ka wada hadleen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

"Waxaan madaxweynaha Jabuuti iyo xukuuma diisuba uga mahadcelineynaa in dhibaatadii ka jirtay xadka la dhameeyay ayuu yiri” Madaxweyna ha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi.

Soomaliland iyo Jabuuti ayaa labadii sano ee la soo dhaafay waxaa ay lahaayeen xiriir joogto ah oo sababay in dib loo furo xadka u dhexeeya Jabu uti iyo Somaliland oo dhowr sanadood u xirna sab abo amni.

KOONFUR GALBEED OO KU DHAWAAQDAY GO’AAN KU SAABSAN CIYARTOOYDII LA DHAAWACAY

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaar aha Dowlad gobaleedka Koonfur ayaa sheegay in falkii lagula kacay Ciyartooyda Koonfur Galbeed uu ahaa mid si ulakac ah loo sameeyay, isla mark aan la wada ogaa.

Shir Jaraa’id oo uu Warbaahinta u qabtay ayaa ku sheegay in arrintaan kaliya ay aheyd mid u gaar ah Ciyaa rtooyda reer koonfur Galbeed, waxa ana uu dalbaday in baritano dhab ah lagu same eyo.

Waxaa uu wasiirka hadalkiisa uu intaasi ku da ray in hadii aan wax laga qaban in aysan ka qeyb gali doonin koob ay martigeliyay Gobalka Banaa dir, sidoo kalena ay Muqdisho ka saari doonaan Ci yaartooyda Koonfur Galbeed ee ka Ciyarta Gobol ka Banaadir.

MALEESHIYAAD HUBEYSAN OO DILAY WADE GAARI & XIISAD KA DHALATAY

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la shee gay in Barqanimadii Shalay ay degaan hoostaga degmada Matabaan ee G/Hiiraan ku dileen wade gaari, iyaga oo goob ta ka baxsaday.

Darawalka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Far xaan Macalin ayaa dad yaqaanay waxaa ay sheeg een in uu wade ka ahaa mid kamid ah Gaadiidka qaadka ( jaadka) keena M/Beledweyne.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in dilkaan lala xiriirinayo dilal aanooyin qabiil ah oo bil ihii la soo dhaafay ka dhacayay degaano hoostaga degmada Matabaan, iyada oo dhowr jeer xal laga gaaray balse ay dib u soo laabteen.

Degaanka uu dilka ka dhacay oo hoostaga deg mada Matabaan ee G/Hiiraan ayaa waxaa la shee gay inay Shalay ka taagan tahay xiisad ka d hala tay dilka Darawalka, iyada oo aysan weli ka hadlin dilkaas laamaha Amniga & Maamulka degmada Matabaan.

MAAMULAHA SHIRKADDA DAHABSHIIL OO LA KULMAY RAYSAL WASAARAHA BRITAIN

Cabdirashiid Ducaale, maamulaha sare ee shir kadda Dahabshil, ay aa la kulmay Ra'iisul Wasaar aha Britain, Bor is Johnson. Cabd irashiid Ducaale oo wareysi siiy ay BBC Somali ayaa raysal wasaaraha Britain ku sifeeyay inuu yahay shakhsi Soomaalida aad u xii saya islamar kaana aqoon badan u leh arrimaha Soom aaliya.

Wuxuu sheegay in ay kawada hadleen horumar ka dhaqaalaha iyo isugu gudubka wadamo badan oo Afrikaan ah iyo UK.

Maamulaha Dahabshiil oo wax laga weydiiyay saameynta ganacsiga uu ku yeelanayo ka bixiy aanka UK ee midowga Yurub ayaa sheegay in sa amayntaasi la dareemidoono bisha koowaad ee sannadka cusub.

Wuxuu sheegay shirkadda Dahabshiil oo ka shaqeysa 120 waddan in uu saamayn aan badn ayn ku yeelandoono go'aanka UK, islamarkaana ay isbedeli doonaan sharuuc badan oo horey loo gu shaqayn jiray.

LABO GARAB OO KATIRSAN URURKA DAACISH OO KU DAGAALAMAY BUURALAYDA GOBOLKA BARI

Wararka nagasoo gaaraya G/Bari ee Puntland ayaa sheegaya in kooxda Daacish oo u kala jabay 2kooxood oo iskasoo horjeeda, ay ku dagaala me en buuraha Cal Miskaad.

Dagaalkaan oo aan xog buuxda laga haynin ayaa wuxuu ku saabs an yahaykhilaaf awoo deed oo soo kala dhex galay kooxda, khilaafka as oo las heegay inuu salka ku hayo maamul ka sare ee koo xda.Warar hordhac ah oo laga hel ayo dagaal ka waxay shegayaan in ay ku dhinteen saddex ask ari iyo tiro kale oo dhaawac ah.

Hoggaamiyaha kooxda Daacish Cabdulqaadir Muumin oo u muuqda howlgab ayaa la xanuuns an cudurka macaanka, waxaana jira warar shee gaya in kooxdu isku khilaafsan tahay cidda lagu bedelidoono.

Daacish ayaa awood aan la dhayalsan ku leh qe ybo kamid ah dhulka buuralayda gobolka Bari, ha lkaas oo ay kasoo abaabulaan dilalka iyo weeraro ka dhan ah ciidanka ammaanka Puntland.

Dhawaan, muuqaal ay shaaciyeen ayay ku she egeen in ay dagaal la galayaan kooxda Alshab aab, iyagoo ku tilmaamay in ay yihiin kuwa diinta ka fog. XIGASHO:HIIRAAN.COM

MAREYKANKA OO SHEEGAY IN WADAXAAJOOD UU U FURAYA DFS IYO ALSHABAAB

Warbixin kasoo baxday Dalka Mareykanka ayaa shaaca looga qaaday in sii hayaha xilka wasi irka Difaaca dalka Mareykanka Karistofar Miller loo xilsaaray inuu bilaabo qor shaha wad axaajood lala furo dagaalameyaasha Alshabaab ee xiriirka la leh Ururka Alqaacida ayna do wladda Qatar no qoto mid dhex dhexaadintaasi gogos heedi fidisa.

Jariidada New York Times ee kasoo baxda dalka Mareykanka ayaa daabacday

Kash Batel oo horey usoo noqday kuxigeenka Kaa liyaha Madaxweynaha Mareykanka ee arrimaha la dagaalanka Argagexisada e Golaha amniga Qar anka ayaa soo dhoweeyay in Mareykanka uu had da u jiheysto inuu wada xaajood la furo Alshabab waxaana uu tilmaamay inay suurtagal noqon karto in dowladda Qatar ay soo dhoweyso.

Madaxweynaha xilka kasii degaya Donald Trump oo magacabay wasiirka Difaaca Miller kadib markii Mark Isber Wasiirki hore ee Difaaca Mareykanka uu is casilay ayaa booqasho ku yimid Somalia waxaana uu la kulmay askarta halkaan ka joogta.

Jariidada New York Times ayaa sheegtay in iyadoo ay jirto kabixitaanka Ciidanka Mareykanka haddana wasiir miller inuu doonayo sii wadida wada hadal loo furo Xukuumada Somalia iyo Dhaqdhaqa Alshabab oo ay Qadar garwateen ka tahay, La taliyaha dhinaca amniga Qaranka mareykanka Robert Obrin ayaa la tilmaamay inuu ka warhaayay safarkii Miller uu ku tagay Doxa in arimahaas wada xaajoodkaasi quseeya lagala hadlay Mas’uuliyiinta Doxa.

Miller ayaa quburada Gobolka ku tiriyaan inuu yahay qof aan sidaa uu lahayn khibrad diplomasiyadeed oo lagu xalin karo arimaha sidaasi u xasaasisan Xigasho:kulmiye.net

ASKAR FARANSIIS AH OO LAGU DILAY DALKA MALI

Saddex askari oo Faransiis ah ayaa lagu dilay dalka Mali, ka dib markii gaarigooda gaashaaman lala beegsaday walxaha qarxa.

War qoraal ah oo ay soo saart ay, madaxtooyada Faransiiska ayaa lagu sheegay in dhacdad anay dhacday intii ay socdeen hawlgallada ka soc da gobolka Hombori, ee bartamaha gobolka Saa xil.

Afartan iyo toddobo askari oo Faransiis ah ayaa ku dhintay Mali tan iyo markii Faransiisku bilaabay faragelinta milatari sannadkii 2013kii kaasi oo ay ku tilmaameen guluf ka dhan ah dagaalyahannada Islaamiyiinta ah ee ka dagaalamo Mali.

SACUUDIGA OO XUKUN KU RIDAY HAWEENAY U OLOLEYSA XUQUUQDA HAWEENKA

Haweeney caan ka ah dalka boqortooyada Sac uudi carabiya oo u ololeysa xuquuqda haweenka ay u leeyihiin iney gawaarida wa daan ayaa lagu xu kumay ugu yaraan shan sano oo xar ig ah.

Loujain alHathloul, oo 31 jir ah 2Sana iyo bar waxay ku xi rneed xabsi amnigiisa aad loo adkeeyey oo ku yaa lla dalka Sacuudiga.

Iyada iyo haween kale oo u ololeeya xuquuqda haweenka Sacuudiga ayay boqortooyada Sacu udiga xabsiga dhigtay 2018kii, haweenkaasi oo lagu soo oogay dacwado ay ka mid ahaayeen iney xiriir la yeesheen ururrada cadowga ku ah Sacu udiga.

Hay’adaha caalamiga ee xuquuqda aadanaha u dooda waaxay marar badan Riyadh ka codsadeen in Loujian la sii dayo.

XIZBULLAH OO UGU DAMBEYN GACANTA KU DHIG TAY HUB AY KA CABSI QABTAY ISRAEL

Hoggaamiyaha ururka Xizbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegay in kooxdiisa ay hadda haysato laba laab tirada gantaallada la hago ee ay haysatay sa nad ka hor, islamarkaana isku dayo ay Israel kaga hortageysay inay hubkaas helaan uu fashilmay.

Hassan Nasrallah, oo wareysi sii yay taleefishinka saldhiggiisu yahay Beirut ee AlMayadeen, ayaa sheegay in kooxdiisa ay awood u leedahay inay weerarto meel kasta oo ka mid ah Israel iyo dhulka la haysto ee Falastiin.

Nasrallah ayaa sheegay in markii ay Israel ugu hanjabtay Xizbullah, ayada oo usoo marineysa sarkaal Mareykan ah, inay weerereyso xarumo ku yaalla gobolka bari ee Bekaa, ay kooxdiisa ka digt ay inay aargudan doonto.

Israel ayaa bilihii tegay walaac ka muujisay in Xizbullah ay dhiseyso warshad soo saarta gantaal ada la hago.

Intii uu socday wareysiga, ayaa Nasrallah waxa uu sheegay inay jiraan arrimo badan oo kooxdan ku saabsan oo aysan Israel waxba ka ogeyn, sab abtoo ah buu yiri "aad ayaa loo qariyaa.”

Waxa uu sidoo kale sheegay in toddobaadyada xilka uga haray madaxweynaha Mareykanka Do nald Trump ay yihiin kuwa xasaasi ah, oo ay tahay in taxaddar leh loola macaamilo. Waxa uu Trump u gu yeeray "mid waalan oo carreysan.”

Nasrallah ayaa mar kale wacad ku maray in Ir an iyo xulufadeeda ay ka aargudan doonaan dilkii taliyihii guutada Quds ee ciidamada ilaalada Kac aan ka Islaamiga ah ee Iran, Qassim Soleimani, ka asi oo Mareykanka ay ku dileen Iraq, sanadka hor.

MAAMULKA PUNTLAND OO JOOJIYAY DOORASHO MURAN XOOGGAN DHALISAY

Cabdilladiif Muuse Nuure (Sanyare) Guddoo miyaha G/Mudug ee Maamul G/Puntland ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo doorasho la ga qaban lahaa degaanka wadajir oo ah meel ay ku nool yihiin dad Bara kacayaal ah, waxaana dooarshadaasi ay ahayd mid muran iyo is qabqabsi xooggan dhali say.

Waraqad uu soo saaray Md.Sanyare G/G/Mudu g ayaa lag u amar lagu siiyay G/ye ku xi geenka Gaalk acyo iyo Taliyaha Qaybta Booliiska G/Mud ug, waxaana la faray in ay joojiyaan Doora shada laga qabanayo Degaanka Wadajir.

HOOS KA AQRISO WARQADDA



MUHAAJIRIINTA HINDIYA: MUSIIBADA KU DHACDAY DARAWAL KA QAXAY COVID

 

Markii Rajan Yadav uu maqlay in R/Wasaaraha Hindiya Narendra Modi oo ku dhawaaqay xayiraad gu ud 24kii March si wax looga qabto faafitaanka Covid19, waxba kama uusan ogeyn in nolo shiisa ay gebi ahaanba is beddeli do onto. Wuxuu ku sugnaa magaala da dhaqaalaha ee Mumbai, Hindiya, hal kaas oo ay maalin walba kumana an qof uga yimada an qeybaha kala duwan ee dunida

Sheekadiisu ma aha mid ka duwan kuwaas.

Rajan iyo xaaskiisa Sanju waxay Mumbai tageen in ka badan 10 sano ka hor. Wuxuu ka shaqeynayay wa rshad halka ay iyadana daryeeleysay wiilkooda 11 sano jirka ah, Nitin, iyo gabadhooda 6 jirka ahayd, Na ndini Go`aan bareer ah ayay qaateen sanadkii 2017 markii ay mooto bajaaj ku iibsadeen deyn ay banki ka qaateen. Bajaajta ayaa lacag badan u soo xareysay lammaanahan iyagoo awooday inay carruurtooda ge eyaan iskuul manhajka Ingiriiska ku baxa, oo ay waal idiin badan u arkaan inuu muhiim u yahay mustaqbal ifaya oo ay carruurtooda helaan.

Balse 2sano uun ka dib, Rajan ayaa indhaha ku gu bayay bajaajtaas oo ay dhinac yaallaan meydadka xaaskiisa iyo gabadhiisa.

Rajan ayaa musiibadaas u aaneeyay go`aanka uu magaalada uga tagay bishii May. Balse ma uusan heysan ikhtiyaar kale. Qoyska ayaa bilihii March iyo April inta badan lacagta ay keydsadeen u isticma alay inay isaga bixiyaan kirada, dib u bixinta deynta iyo inay ku iibsadaan raashiin. Waxay rajeynayeen in magaalada dib loo furi doono bishii May, balse waxaa la dheereeyay muddada xayiraadda.

Iyagoo aan lacag heysan wax ikhtiyaar ahna aan la hayn, ayay go`aansadeen inay dib ugu laabtaan tuul adooda ku taalla degmada Jaunpur ee gobolka Uttar Pradesh. Waxay codsadeen tikidhada tareennada ga arka ah ee loogu talo galay muhaajiriinta balse nasiib uma helin.

Iyago niyad jabsan oo daallan, ayay go`aansade en inay bajaajtooda ku galaan safar masaafadiisu ta hay 1,500km. Qoyska oo afar ka koobnaa ayaa ka te gay Mumbai 9kii May. 3maalmood ka dib, markii ay keliya socdeen 300km (124 Meyl) ka hor inta aysan tuuladooda gaarin, gaari xamuul ah ayaa ku dhacay bajaajta, waxaana isla goobta ku geeriyooday Sanju iyo Nandini.

Sheekada Rajan ma aha mid cusub shaqaale muhaajiriin ah oo badan ayaa dhintay iyagoo isku day aya inay ka qaxaan magaalada ay gacan ka geyste en dhismaheeda, xilli ay Hindiya soo rogtay xayiraad.

Shaqaalaha muhaajiirinta ah ayaan heysan ikhtiyaar badan ka dib markii ay xayiraaddu saameysay dakhli gooda waxayna cuneen lacagtii ay meel dhigteen. Gaadiidka oo aan jirin darteed ayay rag, haween iyo carruurba waxay ku qasbanaadeen inay galaan safar halis ah oo ay dib ugu noqonayaan tuulooyinkoodaiyagoo lugeynaya, baaskiil wata ama raacaya bajaaj, gawaarida xamuulka, kuwa biyaha qaada amaba gaw aarida caanaha.

Iyadoo ay dhaqaatiirtu kula dagaallamayeen Covid19 gudaha isbitaallada, dagaal kale oo badbaado ah ayaa ka socday waddooyinka Hindiya.

Waxaa adag in la illaabo sawirrada qoysaska, oo qaarkood ay carruur la socdaan iyo haween uur leh oo isku dayaya inay ka qaxaan magaalada, xilli uu jir ay kuleyl aad u daran.

Go`aanka Rajan uu uga tegay Mumbai waxaa si doo kale sal u ahayd cabsi uu ka qabay in qoyskiisu uu gaajoodo. Waxay qaateen cunto ku filan markii ay ka tageen Mumbai. Wuxuu xusuustaa in xaaskiisa ay u sheegtay carruurta inay galayaan safar dhulka ah.

Wuxuu bajaajta kaxeynayay 05:00 ilaa 11:00. Ka dib wuu nasan jiray maalintii, haddana abbaarihii 18:00 qoysku wuxuu cagta saarayay waddada ilaa 23:00. Wuxuu ahaa safar adag balse rajada ay ka qabeen in ay nabad ku garaaan tuuladooda ayaa ku dhiirrigeli say safarka.Balse keliya Rajan iyo wiilkiisa, Nitin, ayaa gaaray tuulada. Maalmihii xigay waxay u ahaa yeen kuwo mugdi ah.

"Waxaan ku fekerayay in waxan oo dhan ay yihiin ri yo xun," ayuu yiri, isago intaas ku daray in wiilkiisa uu soo xusuusinayay xaqiiqda.

Nitin kama daaleynin inuu weydiiyo walaashiis iyo hooyadiis balse Rajan ma heynin jawaabo. Uma uus an sheegi karin wiilkiisa in noloshii ay ka sameysteen Mumbai ay soo gabagabowday.

Rajan ayaa bilaabay inuu noloshiisa ku qaato bee raha mararka qaar wuxuu caawinayay walaalihiis, balse inta badan wuxuu hoos fadhin jiray geed isagoo indhaha ku gubaya cirka.

Inta badan cidna lama uusan hadli jirin, xitaa wiilki isa Nitin, oo ay xannaaneyn jireen awoowgiis iyo aye yadiis. "Waxaa igu soo laalaaban jiray su`aalo aan is ka weydiin jiray go`aankii aan uga qaxnay mag aal ada. Maku degdegay? Si adag ma isugu dayay inaan lacag sameeyo intii ay xayiraaddu socotay? Mask axdey da waxaa ka buuxay su`aalo badan balse uma hey nin jawaabo," ayuu yiri.

3 bilood baa ka soo wareegatay waaliddiintiisa ayaana bilaabay inay ka walwalaan caafimaadkiisa maskaxda. Kaddib su`aal lama filaan ah oo ka timid Nitin ayaa sii murjisay xaalkiisa.

"Aabbe, hooyo waxay dooneysay inaan noqdo dhaqtar, ma u maleyneysaa inay suurtogal tahay. Ma waxaad dooneysaa inaad iiga tagto tuulada?" ayuu Nitin su`aalay aabbihiis.

Wuxuu Rajan soo xusuustay ballantii uu Sanju ka qaaday ee ahayd in waxbarashada carruurtooda ay mar walba noqon doonto muhiimadda 1aad. Wuxuu si kama` ah u xaqiiqsaday inuusan dareenkiisa siine ynin Nitin. Wuxuu bilaabay inuu ka fekero mustaqbal ka wiilkiisa balse ku laabashada Mumbai weli kuma so dhicin maskaxdiisa. "Suurtogal maaha," ayuu yiri.

Ma uusan dooneyn inuu magaalada ku laabto isaga oo aysan la socon Sanju. "Sideen horta ugu fekeri ka raa taas? qeyb weyn ayay ka ahayd guusheyda. Mu mbai iyada darteed ayay hoygeyga u noqotay. Wax nolol ah kama jirin Mumbai ayada la`anted," ayuu yiri.

Waxaa sidoo kale jiray arrimo kale oo ay tahay in xisaabta lagu darsado. Bajaajta, oo ahayd dakhliga ugu weyn ee qoyska, si xun ayay u burburtay, mana uusan heysan lacag uu ku dayactiro.

Balse waxaa ka go`neyd inuu fuliyo ballanta uu ka qaaday Sanju. Wuxuu caawinaad ka doontay siyaasi yiinta gudaha iyo saraakiil, balse cidna ma caawin.

Waalidiintiisa ayaa ka dib kula taliyay inuu iibiyo da habkii Sanju. Balse fekerkaas wuu ka soo horjeeday. Dahabka wuxuu xusuusinayay Sanju iyo xilliyadii farxadda lahaa ee ay isla soo qaateen.

"Waxay iiga dhigneyd sida iibinta farxaddii ugu da mbeysay ee aan heystay. Waxaan dareemay in la ii sheegay inaan iibiyo xusuustii ugu dambeysay ee Sanju." Balse Rajan wuu ogaa in Sanju ay jeclaan lahayd inuu sameeyo wax walba oo suurtogal ah si uu Nitin u helo waxbarasho fiican. "Waa sida ay ah ayd ma aysan dooneyn in carruurteennu ay maraan marxaaldihii adkaa ee aan soo marnay."

Ugu dambeyn wuu oggolaaday bajaajtiina waa la dayactiray. Balse lacagtu kuma aysan filneyn in lagu qaado gaari xamuul oo loo diro Mumbai.

Sida ugu fudud waxay ahayd inuu u kaxeeyo Mum bai balse xusuusta ku laabashada waddada ayaa ku beertay dareen adag. Dhawaqii cuslaa ee gaariga xamuulka markii uu ku dhacayay bajaajta ayaa weli ka guuxaya maskaxdiisa.

"Wuxuu ahaa dagaal ka dhex oogan maskaxdey da. Waxaan dhex fadhiisan jiray bajaajta aniga oo is ka dhigaya inaan si kalsooni leh u kaxeynayo."

Ka dib 7aadyo uu ka fekerayay, wuxuu go`aansad ay inuu tuulada ka tago horraantii November isaga oo uu la socdo Nitin. "Waan ka fogaaday waddadii uu shilku ka dhacay. Balse iskama indho tiri karin maqnaanshaha Sanju iyo Nandini."Wuxuu xaqiiqsad ay in Nitin uu muujinay ay xilkasnimo ka da` weyn. "Wuxuu i weydiinayay xaalkeyga wuxuuna ii sheega yay in wax walba ay hagaagi doonaan. Sanju waxay ahayd adduunkiisa balse hadda aniga un buu i hey staa," ayuu yiri Rajan.

"Anigana waxaa hadda iga go`an inaan hubiyo inuu helo wax walba oo ay hooyadis doneysay inuu helo."

Aabbaha iyo wiilkiisa ayaa gaaray Mumbai 4maal mood ka dib. Shaqadii ugu horreysay ee u taallay waxay ahayd inay helaan meel ay degaan.

Saaxiibkiis ayaa meel ka siiyay qol uu kiro ugu de gganaa. Mumbai aad ayay ciriiri u tahay, sidaas darte ed xita inaad hesho qol yar oo kiro ah waa dhib.

Maalmihii ugu horreeyay way adkaayeen. Muruga da ayaa ku sii siyaadday Rajan isagoo la daalaa dha cayay inuu sawirto mustaqbal ay Sanju ka maqan tahay oo uu ku sameysto Mumbai.

Wuxuu ka dib kireystay qol balse kuma uusan qan acsaneyn. Wuxuu bilaabay inuu inta badan isku soo xiro qolkainkastoo sababta ay qeyb ka ahayd murug ada uu dareemayay haddana coronavirus ayaafara kulul ku hayay magaalada.

Balse lacagtii uu keydsaday way ka dhammaatay, wuxuuna bilaabay inuu bajaajtiisa waddada saaro. Ka asi waa ikhtiyaarka ay maalin walba ku dhaqaaqaan malaayiin qof oo Hindiya ku nool.

Waa dagaal joogto ah oo u dhaxeeya gaajo iyo khatarta fayraska. Balse waxaa guuleysaneysa cabsi da gaajada. In guriga la iska joogo waxay shaqaalaha muhaajiriinta ah u arkaan raaxo aysan awoodin.

Maalmihii ugu horreeyay way adkaayeen markii uu waddada cagta saaray maaddaama aysan dad ba dan dooneynin inay raacaan gawaarida dadweynaha, dakhligiisuna wuu yaraa.

Inta badan ma awoodin inuu bixiyo waxbarashadii uu Nitin ka dhiganayay onlineka. Sidoo kale waxaa laga doonayay inuu guriga maamulo oo uu xannaane eyo Nitin. "Sanju ayaa wax walba qaban jirtay. Wax an uun kaxeyn jiray bajaajta lacagna waan same yn ji ray." Balse hadda Rajan wuxuu soo kacaa abbaarihii 6 am si uu cunto ugu kariyo naftiisa iyo Nitin, ka dib wuxuu wiilkiisa ka caawiyaa shaqada iskuulka looga soo diro ka hor inta aysan u bilaaban waxbarashada 9 am.Guriga ayuu ka baxaa wuxuuna ku soo laabtaa duh urkii si uu qado u kariyo, haddana fiidkii ayuu bax aa isagoo soo laabta saqdhexe. Deriska ayaa ka war qaba Nitin marka uu isagu maqan yahay.

"Inta badan waqtigeyga waxaan ku qaataa wadda da aniga oo sugaya rakaab. Maalmaha qaar way fiic an yihiin balse waxaa jira maalmo aan keliya qaado 2 ilaa 3qof." Wuxuu doonayaa inay dunidu mar kale ca adi ku soo laabato si uu ganacsigiisa ugu hagaago. Waxaa rajo gelisay tallaalka cusub ee Covid19 balse su`aal ayuu ka qabaa.

"Dadka saboolka ah sideyda oo kale ma heli doo naan taallaalka? Maalin walba nolosheyda ayaan kha tar geliyaa. Waxaan ka walwalsanahay waxa ku dhici doona wiilkeyga hadduu igu dhaco Covid. Ma hubo in cid ay ka fekereyso dadka saboolka ah sideyda oo ka le. Nagama aysan fekerin kahor inta aysan ku dha waaqin xayiraadda," ayuu yiri. "Haddii ay ka fekeri lahaayeen, Sanjudeyda iyo Nandini way sii noolaan lahaayeen." XIGASHO:BBC

MADAXWEYNAHA CUSUB EE DALKA MAREYKANKA OO KA CABANAYA DONALD TRUMP

Madaxweynaha Mareykanka ee la doortay Joe Bi den ayaa sheegaya in kooxdiisii kala guurka ay la ku lmeen waxa uu ku tilmaamay carqalad qayru masuul nimo ah oo kaga timid hoggaanka siyaasadeed ee Wasaaradda Difaaca.

Wuxuu sheegay in kooxdiisa kala guurka aysan hel in macluumaad ku filan meelaha muhiimka ah ee am niga qaranka. Hase yeeshee eedeyntaasi waxaa gan afka ku dhuftay ku simaha xoghayaha difaaca Chris topher Miller

MA OGTAHAY TAAJIR FAQIIROOW?

 

Inay jireen Lacago Shillin Somali ah oo Dahab iyo Qalin ka sameeysnaa.Ma ahan Lacag loogu tala gal ay in Suuqa wax looga iibsado ee waa Lacago waxa ey ka sameeysan yihiin oo qaaliya Darteed loo keey dsado si aad uga badbaado Sicir bararka, haddii .Shi llinka caadigaa ee ka same eysan Ma cdanta Raqiista ahi uu qi ima dhaco, in aad sarifatid tan Dahabka iyo Qali nka ah.

Ma ogtahay in waqtigaa Shi llin So maligu uu qiima sare lah aa. Tusale 500 Sh.So.ee jirtay 1965 waxa ey kuu goo yneysay Lacg taa Da habka ka sameysan ee Adan Cade ku sawiraa, taa oo haddii aad doonto aad dib u ga dhigan kartay Far aanti ama dhaga dhago Dahab ah,(F.S:114)…ku weeydii maayo,Shalay 500 Sh. So.ahi Dahabka ey kuu goyso

Ma ogtahay Taajirka faqriga ahoow, in dhaqaalahe ena hoos u dhacii ugu weynaa uu bilaanay Sannadkii 1978 markii aan ka soo noqonay Dagaalkii 77, mise ogtahay in halkii ugu hooseeysay uu gaaray 1984tii Markaan qaadanay taladii Bangiga Adunka(F.S:15ad)

Ma ogtahay Taajirka Faqriga ahoow, in weli Dalka Dibadiisa ey noo taal keyd Lacageed oo Dowladihii hore ee Somalidu ey noo dhigeen oo ka badan 300 Million Dollar, laakin habkii lagu soo qaadi lahaa aan lagu heshiin.

Ma ogtahay Taajir Faqiiroow, in weli Dahab keyd ah oo uu leeyahay Bangiga dhexe ee Somaliya, isa ga oo ah Dahab caadiya uu noo yaal Federal Reser ve Bank US. Dahabkaa looxaanta ah oo qiima ahaan u dhigma 20 Million oo Dollar. ( F.S: 16 & 17aad).

Gunaanad. Inkasta oo aanan leheyn Aqoon sare oo wax lagu cabri karo, haddana waxaa ii muuqato, haddii xataa la iska dhaafo Shidaalka iyo Macdanta ku keeydsan Dhulka Somalida hoostiisa , in Somaliya 10 Sanno gudahood looga dhigi karo Dalka Afrika ugu taajirsan. waa aragti shakhsi ah.

FG: Waxaan Saaxiibadeyda FB qaarkood ku oga hay: Madax adeeyg,in ogaal la’aan wax la iska inkiro, Comment aan laga fekerin, naceeyb Qoraalada dha adheer iyo in Runta la sheego ee yaanan qoraalka ku gu badine, xaalku waa sidaa.

FG: Wixii iga khaldan iga sax , wixii ka dhimanna ku dar, Arragtidaadu waa muhim waana soo dhaweyn aa.Qore : Yahya Amir.

 

MA IGU SOO BILAAWDEEN "CASHAR MUHIM AH”.

 

Merry Christmas, Christmas Eve, Christmas Tree, papa Natale iyo New year. Dad badan ayaa ii soo diray qoraal ah, Merry Christmas, Hambalyo hor dhac ah ee Sannadka cusub, iga joojiya ayaan leeyahay, Adiguna Akhristoow iska fiiri sida laguu khaldayo.

Ciidda Merry Christmas, wax aa markii ugu horeysay la bilaab ay, xilli qaboobe ah 25 Dec 336 Ad,oo ah qiyaastii 300 Sanno Dhalashadii Nabi Ciise CS kadib.waxaa bilaabay Bo qor Roman ahaa, waana Boqorkii ugu horeeyay oo kirishtaan ahaa Sannado kadib.

Muddo kadib ayaa Baaderigii Masiixiyada ee la dhi hi jiray Julius uu yiri: Waxa eyba ku beegan tahay Ma alintii Nabi Ciise CS uu dhasbay, taa lafteeda la isku ma raacsano iyaga ayaaba ku leh :

Nabi Ciise CS ma dhalan 25 December ee waa Maa lin laga soo qaatay Romaankii hore ee badawiyiinta ahaa oo maalintaa u yaqiin "Ciidii Satiurnalis”. Laakin dhalashada Nabi Ciise CS waa 25 March. qaar kale ayaa leh waxa uu dhashay 1317 June. Laakin 25 De cember. waxa ey aheyd Maalin Qoraxda la caabudi jiray Nabi Ciise CS ka hor, maalintaa oo haddii xisaab ahaan dib loo celiyo ku beegan 1725 December.

Christimas tree.

Romaankii hore ee Diin laawayaasha ahaa ayaa keenay Geedka Christmaska, kuwaa oo caabudi jiray Dhirta Keymaha qaar, waana Ciidii Satiurnalia oo loo bedelay Diin ahaan.(F.S: 1, 2 & 3aad) Taariikhda Ge edkii ugu horeeyay ee Christmas Tree kan Caasiga ah waxaa lagu keydiyay RigaLativa ee Jarmalka San nad kii 510. Ciidan Geedka oo Dadka lagu khaldo, waxaa la geeyay wadamo Muslim ah oo Dadkoodu iyaga oo aan ogeyn ey ka qeyb galaan Xaflada. xatta wadam ada heysto Diinta "Buddaha” haddii aad tagto Bisha December waad ku arkee sida Cambodia ( F.S: 4 & 5aad) ama Thailand (F.S: 6 & 7aad), wadamada Re er Galbeedkana waqtigaa December oo Qoboow jiro Meel kasta oo aad istaagto waxaa Gadaashaada ka muuqanyo Geed Caag ah oo la hardhay (F.S: 8 & 9aad).

Ciidan Gaaladu waxa ey ka dhigteen halka Maalin ee qooyska isku yimaad oo haddiyado la isa siiyo. waa Maalinta ey ugu badan yihiin ee Gaaladu ey kani isada tagaan, Weliba Habeenka ka horeyo ee 24 Dec ember oo ey u yaqaaniin Christmas Eve. Khamiisad da ayey isagu yimaadiin si ey isagu diyaariyaan Maa linta 25 December.

waxa ey leeyihiin Baadariga Santa Claus oo jooga Cirifka Waqooyi ee Aduunka(F.S: 10 & 11aad) ) ayaa sameeyo Qalabka Caruurtu ku ciyaaraan, si uu Car uurta Dunida u caawiyo. Cirifka Waqooyi ee Dulka meel la leeyahy waa dhagaxii ugu dambeeyay Dhul ka ( the end of the world) Anigaaba tagay kumana arag Odayga beenta ah oo ey sheegayaan (F.S: 12, 13 & 14aad).

waxa ey odaygaa u bixiyeen "papa Natale”.sida ey leeyihiin waa Nin u eg Talyaani ama Badariga la yir aa: Santa Claus oo wato Dhar casaan ah, yaan lag uugu khaldin, xatta Madaxda Caalamka ayaa xaye esiin u sameeyo ( F.S: 15aad), ha ku dayan ku waa Alle ku caasiyay iyo kuwa ku sakhraamay iyaga oo is ka dhigaayo papa Natale.( F.S 16aad)

Maryama RC.

Merry Christmas, waxa ey ka wadaan Maryama RC, Nabi Ciise CS Hooyadii oo ey leeyihiin waan ku xuseeynaa.

Maryama RC, Allaah ayaa sharfay oo Amaanay, waa Haweeneyda kaliya ee Magaceeda lagu sheeg ay Qur’aanka.looguna magac daray suurad Qur’aan ka ka mid ah. Ma jirto Haween kale oo Magaceeda la gu sheegay Qur’aanka xatta Hooyooyinka Ambiyadii kale, Xaasaskoodii, Caruurtoodii ama Haween kale midna. in kasta oo Haweenkaa kale Qisas koodii nalo ogu sheegay, Magacooda Laguma Xusin Qur’aanka. Taa ayaana Maryama RC ugu filan Sharaf iyo Amaan ee Geed Caag ah oo Gaalo Nalal ku soo xirxireen Sharaf ma ahan.

waan hubaa in Somali Badan iyo Muslimiin kaleba lagu khaldi doono,Xaflado la leeyahay waa Sannadka Cusub, fiiri inta Muslimiin ah ee Habeenkaa ka qeyb gali doonto Xafladda Sannadka Cusub iyo isla Habe enkaa inta Salaad Subax u soo toostidoonto ( F.S 17aad)

is jir Adiguna Ciid Diineed Gaalo leedahay yaan lag aaga dhigin ilbaxnimo, Adiga oo ilbaxnimo beena raadianyo yaan lagu Ajarin, Beenta iyo khiyaanada Gaalada ee ilbaxnimo iska yeelka ah, Cadaabna lagu mut eeysan karo Allaah ha naga Badbaadiyo.

FG: wixii aan ka khalday iga sax,wixii ka dhim anna ku dar. Qore: Yahya Amir

 

MUXUU YAHAY FAYRASKA NOOCIISA CUSUB EE KUSII FIDAYA DUNIDA?

Meelo ka mid ah caalamka ayaa laga soo tabiyay faafitaanka nooc cusub oo ka mid ah fayraska coro na, kaas oo sababay cabsi hor leh. Dalalka Hindiya iyo Pakistan ayaa noqday kuwii ugu da mbeeyay ee xaqiijiyay kiisaska nooca cu sub ee fayraska, kaasoo ah mid u fidaya si ka deg deg badan sida uu faafayay Covid19.

Noocan fayraska ah oo mar kii ugu horreysay lagu arkay wad danka UK ayaa sidoo kale laga soo sheeg ay dalalka Kuuriyada Koonfureed, Canada iyo wadda mo kale oo ku yaalla qaaradda Yurub.

Dhinaca qaaradda Afrika, waddanka K/Afrika ayaa looga dhawaaqay bandhow dhaqdhaaqaaqa dadwey naha ah ka dib markii la helay kiisas ka mid ah nooca cusub ee fyraska, kuwa oo si degdeg badan u fidaya.

Qaar ka mid ah waddamada caalamka ayaa dhawa an UK kusoo rogay xayiraad dhinaca safarka ah, iya goo mamnuucay in diyaaradaha kasoo baxa halkaas ay waddamadooda soo galaan.

Hindiya ayaa isbuucii lasoo dhaafay ka mid noqot ay dalalka joojiyay duullimaadyada UK.Lix kiis oo noo ca cusub ee fayraska ah ayaa ilaa hadda laga xaqiiji yay gudaha Hindiya. Mas'uuliyiinta dalkaas ayaa Shalay sheegay in lixda ruuxba ay yihiin dad safar uga soo laabtay UK, haddana karantiil la galiyay.

Noocan cusub ma wuxuu leeyahay halis dhimasho oo dheeraad ah? Ma jirto caddeyn loo hayo in nooca fayraska ee ha dda fidayo uu yahay mid ka halis badan kii horay u jiray, inkastoo arrintaas ay u baahan tahay in isha lagu hayo. Barfasoor Chris Whitty oo ka mid ah la ta liyeyaa sha dhinaca seyniska ee UK ayaa xaqiijiyay in aysan jirin cabsi laga qabi karo in noocan uu khatar gaar ah leeyahay. Hase yeeshee waxaaba isbitaalla da dhib ugu filan inuu u faafayo si ka dhakhso badan sida fay raska noociisii hore.

Tallaalka la sameeyay wax maka tarayaa nooca cusub ee fayraska?

Waxay aad ugu badan tahay in noocan fayraska ah uu wax ka tarayo tallaalka la helay ee Covid19, mana jiro shaki laga muujiyay in uu ka badbaadi karo saameynta dawo ee tallaalka.

Dhammaan 3da tallaal ee ugu waaweyn dawooyin ka la hayo waxay leeyihiin unugyo difaaca jirta awood u siinaya inuu iska celiyo fayraska.

Tallaalku wuxuu sidoo kale difaaca jirkeenna u tab abarayaa nidaam uu ku weerari karo qeybaha uu fay raska soo galay, sida uu sheegay Barfasoor Ravi Gu pta, oo ka tirsan jaamacadda Cambridge.

"Laakiin haddii aan u oggolaanno in awoodda fayra ska ay sii badato, lagana hortagi waayo, ka dib wux uu billaabi doonaa in tallaalka uu iska caabiyo," ayuu yidhi seynisyahanka.

IRAN OO TALLAAL U GAAR AH SAMEYSATAY

Dowladda Iiraan ayaa bilowday tijaabada tallaal cu sub oo lagu sameeyay gudaha dalkaas, sida ay shaa ciyeen warbaahintooda maxalliga ah. Tayebeh Mo khber, oo ah gabadh uu dhalay sarkaal sare oo lagu magacaabo Mohammad Mokhber, ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee tallaalka lagu duro Shalay oo Talaado aheyd."Tani waa farriin aan shacabka ugu direyno inaan aaminsan nahay waxa aan dadkeenna ku dureyno, haddii uu dhib ka imaadana aan raalli ku nahay dham maanyeen," ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka ee dal ka Iiraan, Saeed Namaki, oo ka hadlayay telefishinka dowladda.

Mr Mokhber, ayaa dhanka kale sheegay in dalkii sa uu awood u yeelan doono inuu isbuucyo gudaho od kusoo saaro 1.5 Milyan oo tallaal oo bil kasta la ist icmaali doono. Ku dhawaad 55,000 oo ruux ayaa Iira an uga dhimatay fayraska corona tan iyo markii uu dil laacay cudurka safmarka ah, waana tirada dhimasho ee ugu badan guud ahaan dalalka Bariga Dhexe. In ka badan 1.2 Milyan oo ruux ayuu waddankaas ku haleeyay xanuunka.

Hoggaamiyeyaasha Iiraan ayaa laga soo xigtay in ay sheegeen in cunaqabateynta uu Mareykanka sa aray ay ka hor istaageyso inay helaan tallaalka la aqo onsan yahay ee caalamka loo soo saaray, inkastoo cunaqabateynnadu aysan diideynin dawooyinka iyo gargaarka bani'aadannimo.

Xukuumadda Tehran ayaa horay u saxiixday he shiiska Hayadda QM u qaabilsan Caafimaadka ee WHO, taasoo hadda ay shaqadeedu tahay in ay caal amka gaarsiiso tallaalka Covid19.

Guud ahaan dunida, cudurka Covid19 oo soo billo wday horaantii sanadkan 2020ka ayaa inta la xaqiij iyay ku dhacay dad ka badan 81 Milyan oo ruux, halka ku dhawaad 1.8 Milyan oo qofna ay u geeriyo odeen ilaa hadda. XIGASHO:BBC

 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip