Wariyeyaasha Universal TV oo muddo 21-cisho xabsiga lagu sii heynayo

0
Tuesday October 06, 2015 - 22:12:03 in Wararka by
  • Visits: 759
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariyeyaasha Universal TV oo muddo 21-cisho xabsiga lagu sii heynayo

    Ururada u dooda xuquuqda aadanaha iyo Madaxda warbaahinta ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka in la sii daayo wariyeyaasha Universal Tv, kuwaasoo maalintii shanaad xabsiga ku jira. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in 21 cisho ay sii xi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha iyo Madaxda warbaahinta ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka in la sii daayo wariyeyaasha Universal Tv, kuwaasoo maalintii shanaad xabsiga ku jira. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in 21 cisho ay sii xirnaanayaan Agaasimaha Bariga Afrika ee Universal TV C/llaahi Xirsi Kulmiye iyo Wariye Cawil Dahir Salaad, waxaana kadib la hor-geynayaa Maxkamad.

Madaxa Wararka ee Telefishinka Universal TV xafiiskiisa Muqdisho C/casiis Ibraahim Axmed ayaa sheegay in xafiiskooda Muqdisho albaabada loo laabay oo aanay wax shaqo ah ka socon, isagoo xusay in lagu wargeliyay in 21 cisho ay sii xirnaanayaan, kadibna Maxkamad la horgeyn doono.

"Waxaa afka nalooga sheegay inay sii xirnaanayaan 21 cisho, waa sharci darro, qofka muwaadinka xuquuqda uu leeyahay waxaa ka mid ah in uusan 24 saac ka badan xirnaan karin bilaa maxkamad, waxaa naloo diiday Qareeno u dooda wariyeyaasha naga xiran”ayuu yiri C/casiis OK oo intaa ku daray in hey’adaha ammaanka ay u diideen inay Qareenada qabsadaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip