Hoteel uu ku sugnaa Ra'iisul Wasaaraha dalka Yemen oo Sawaariiq lagu garaacay & Khasaaro ka dhashay

0
Tuesday October 06, 2015 - 19:43:50 in Wararka by
  • Visits: 714
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoteel uu ku sugnaa Ra'iisul Wasaaraha dalka Yemen oo Sawaariiq lagu garaacay & Khasaaro ka dhashay

    Hoteel ay ku shaqeeyaan Ra'iisul Wasaaraha dalka Yemen iyo xubno ka mid ah Golahiisa Wasiirada ayaa lagu garaacay Sawaariiq ay soo rideen Xoogaga Xuutiyiinta ee ka dagaalamaya dalka Yemen. Weerarkaasi waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoteel ay ku shaqeeyaan Ra'iisul Wasaaraha dalka Yemen iyo xubno ka mid ah Golahiisa Wasiirada ayaa lagu garaacay Sawaariiq ay soo rideen Xoogaga Xuutiyiinta ee ka dagaalamaya dalka Yemen. Weerarkaasi waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamadii ku sugnaa Hotelka ee ilaalada u ahaa Ra'iisul Wasaaraha dalka Yemen iyo xubnaha ka midka ah Golahiisa Wasiirada.

Hoteelka weerarka lagu qaaday ayaa lagu magacaabaa Qasroo ku yaallo caasimada dalka Yemen.

Ilaa 13 qof oo ciidan ah ayaa ku dhintay halka 9 kale ku dhaawacmeen Sawaariiq lagu garaacay xarunta ay ku shaqeyso Xukuumadda Yemen ee magaalada Cadan.

Qasr



Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in Ciidanka dhintay ahaayeen Yemen iyo Imaaraadka isagoo intaa raaciyay in dhacdadan ay mas’uul ka yihiin Xuutiyiinta iyo Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Salix.

Waxaa suuragal ah in Khasaaraha dhimashada uu intaasi ka bato, maadaama weerarka loo adeegsaday hub culus, sidoo kale waxaa la arkaayay Hoteelka oo qiiq uu ka baxaayo.

Lama sheegin ilaa hada masuuliyiin waxyeelo ay ka soo gaartay weerarkaasi Sawaariiqda loo adeegsaday oo Xoogaga Xuutiyiinta ay ku qaadeen Hoteelka Qasr.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip