HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 9-DEC-2020

0
Wednesday December 09, 2020 - 09:38:25 in Wararka by
  • Visits: 779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AQRISO W.W MOGTIMES EE SAAKAY OO AH 9-DEC-2020

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Madaxweyne Farmaajo Oo Villa Soomaaliya Ku Qaabilay Wasiirka Arrimaha Afrika Ee Xukumadda Ingiriiska

     Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Maxamed C/hi Farmaajo oo Mad axtooyada Qaranka ku qa abilay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xukuumadda Ingir iiska Mr. James Duddridge ayaa la wadaagay qorshe yaasha hirgalay ee shacabka iyo Dowladda Soo maaliyeed ay ka xaqiijiyeen dib u dhiska Ciidama da, la dagaallanka argagixisada iyo musuq-maa suqa, horumarinta dhaqaalaha iyo dadaallada dib u heshiisiinta.

    Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Md. Balal Maxamed Cismaan oo kulanka ka qeyb ga lay ayaa ka warbixiyey wadahadallada miro-dhalka ah ee dhexmaray 2da dhinac, iyadoo la isla qaatay adkeynta iskaashiga dhinacyada amniga, dimuq uraadiyadda iyo dhaqaalaha.

      "Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta siya asaddeeda arrimaha dibadda ee ku dhisan iskaa shiga. 2da dowladood waxa ay isla qaateen dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ad keynta dimuquraadiyadda, xoojinta xiriirka soo jir eenka ah ee Soomaaliya iyo UK, kor u qaadidda ta ageerada dowladda Ingiriiska iyo maalgashiga.”

    Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Afrika ee Xuku umadda Ingiriiska Mr. James Duddridge ayaa dowl adda ku bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay ee hannaanka dib u habeynta Ciidamada, Kobcinta Dhaqaalaha iyo qorshaha hirgelinta doorashada.

Intaas kaddib, R/Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan soo dhaweyn ah ugu sameeyey Xafiiskiisa wafdiga Ingiriiska, waxa uuna dul istaagay dadaallada Xukuumadda ee hir gelinta doorashada si ay waqtigeeda ugu qabso onto, iyadoo la raacayo heshiiskii siyaasadeed ee ay gaareen Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada.

Kulankan waxaa kala qeyb galay Madaxweyna ha, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Md.Xasan Macallin Khaliif iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Di badda XFS  Md.Balal Maxamed Cismaan, halka dhanka Ingiriiska uu ka qeyb galay Danjiraha Dow ladda dalkaas ee Somaaliya Mr.Ben Fender Obe. DHAMMAAD

Galmudug Oo Dalab U Dirtay  Hay’addaha Ka Shaqeeya Arrimaha Gargaarka

     M/Cabudwaaq ee Waqooyiga G/Galgaduud ay aa waxaa lagu qabtay Shir ay iskugu yimadeen Ha y’adaha Gargaarka iyo Hormarinta Soomaaliya ka shaqeeya.

    Shirkaan ayaa waxaa Gddoomiyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, waxaana diirada lagu saray Sidii Hay’addaha Gargaarka iyo Hormarinta Mashariicda ay fuliyaan u waafajin la haayeen rabitaanka Shacabka Galmudug iyo Maamulkooda.

     Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu baaqay hey’adaha Gargaarka iyo Hormarinta Soomaaliya kuwooda aan Xarumo ku lahayn Galmudug in ay Xafiisyo ka furtaan, isla markana si dhamaystiran shaqooyinkooda.

     Sido kale Madaxweynaha ayaa faray in Hey’ad aha si dhow ula shaqeeyan Wasaaradaha kala ah Qorshaynta, Gargaarka iyo Maraynta Masiiboyinka oo ah Wasaradaha ay Galmudug u xilsaratay la shaqaynta Hay’adaha kala duwan.

    Md.Ciid waxa uu sheegay in sanadka soo socda 2021 ay dowlada Galmudug ay wax badan ka qaban doonto kaabeyaasha dhaqaalaha, daadajin ta Maamulka iyo dhamaystirka Goleyaasha Dee gaanka. Shirkaan muhiimka ah ayaa waxaa dhan ka Dowlada Galmudug ku Matalayay  Mas’uliyiin ka kala socota W/Qorsheynta, Gargaarka iyo Mar aynta Masiiboyinka iyo Arimaha Gudaha

     Sido kale waxaa kasoo qayb galay Hey’adaha UN OCHA,IOM,UNMAS,IRC, CISP, MERCY USA, DRC,NRC,CARE ,FCA iyo kuwa kale, waxaana Qodobada Shirkan looga hadlay la isla fa hmay, waxaana la isla qaatay in Shirka xiga lagu qabto M/Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Soomaaliya Oo Ka Qeyb Gashay Shirka Dalalka Carabta Iyo Shiinaha

  Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Shiin aha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa ka qayb ga lay shir uu soo agaasintay Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha, iyadoo ka soo qayb ga leen Safiirada wadama carabka ka jooga dalka Shi inaha.  Shirkan intii uu socday ayaa waxaa meesh aas ka hadlay oo qudbad soo dhawayn ah safiir ada  u jeediyay  madaxa xarunta cilmi baarista Shii naha Carabta ee hagaajinta iyo horumarinta ah Jia ng Feng, isagoona uga mahadnaqay kasoo qayb galka shirka

      Danjire Cawaale Cali Kullane oo inta shirka so cday ka hadlay ayaa isagana halkaas ka sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo xariirka dalalka carabta iyo Shiinaha, lagana shaqeeyo sidii loo badin lahaa kulamada nuucan oo kale ah

     Sidoo kale waxaa magaca safiirada shirkaas ka qayb galay oo ka mid yahay Safiirka Somalia ee Shiinaha Cawaale Kullane ku hadlay safiirka dalka Sacuudi Careebiya Danjire Turki bin Maxamed Al-maadii.

    Safiirka Cawaale oo warbaahinta  la hadlay ay aa sheegay in kulankaas uu ahaa mid muhiim ah oo xogo muhiim ah laysku waydaarsaday, waxa uu na safiirka u mahadnaqay wasaaradda Arrimaha dibadda oo wadda maalmahan dadaal lagu xooj inayo xariirka Shiinaha iyo dalalka carabta.

Safiirada dalalka Carabka ee dalka Shiinaha ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa in sidoo kale ka qayb galaan shirar kale oo lagu xoojinayo xariirka Ccarabta iyo Shiinaha.

Guddiga doorashada Somaliland ee lagu muransan yahay oo Guddoomiye doortay

     Guddiga doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi/Somaliland ee ku xareysan Hotel Decale ayaa Shalay Guddoomiye u doortay Khadar Xariir Xuseen, halka Kuxigeen loo doortay Najiib Xuseen Samaale.

 Guddoomiyaha iyo G kux igeenka ay aa min 10 cod kala helay, oo ah aa co dodka xubnihii Guddiga doo rashada Somaliland.

Guddigan oo Xukuumadda soo magicawday ayaa ka mid ahaa Guddiyada doorasho ee lagu mu ransan yahay.

      Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay muranka ka jiray Guddiyada doorashada, gaar ahaan Guddiga Somaliland, iyadoo Guddoo miyaha Aqalka Sare uu ku eedeeyay Xukuumadda inay xubnaha ay magacawday aanay aheyn xu bnihii uu u gudbiyay.

      21 bishii November ayay aheyd markii warqad ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sa re Cabdi Xaashi lagu magacaabay Guddi ka koo ban 8 xubnood oo maamuli doona doorashada    xubnaha xildhibaannada ee gobollada waqooyi.

Booliska Jubbaland oo loogu deeqay gaadiid ay ku howlgalaan

     Wasaaradda amniga D/G/Jubbaland ayaa Ha y’adda UNOPS ee Q/Midoobay kala wareegtay gaadiid loogu tala galay Hormarinta Booliska.

Agaasimaha guud ee Wasaar adda Amniga Jubbaland Nuur Shaafi Maxamed ayaa gaadi idka kala wareegay Wakiillo ka socday Hay’adda.

     Waxaa uu sheegay in gaadiidkaan ay kusoo beegmay xilli ay jireen dhibaatooyin kala duwan oo dhanka gaadiidka oo heystay Ciidanka booliska Jubbaland.

Gaadiidkaan aya qaar ka mid ah loo gudbi doona booliska ka howlgalla degmooyinka maamulka Jubbaland. Gaadiidkaan waxaa loogu tala galay in ay ku hawlgalaan ciidanka Booliska Jubbaland

Xog: Deni iyo Farmaajo oo ku wada-hadlay teleefoon iyo natiijadii kasoo baxday

    Madaxweynaha D/Goboleedka Puntland Saciid C/hi Deni ayaa isku dayay inuu dhex-dhexaadiyo madaxweyne Farmaajo, Siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo Axmed Madoobe, balse fashil ayuu kusoo dhamaaday kadib wadahadal dhanka taleefoonka ah uu madaxweynaha la yeeshay.

Sida ay ilo-ware edyo lagu kalsoon yahay ay u shee geen Caasimada Online, Saciid C/hi Deni ayaa wad ahadal toos ah la same yay isagoo doonayay in xal loo helo arrimaha lagu muransan yahay ee hareeyay doorashooyinka.

     Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in Saciid Deni uu kala hadlay madaxweyna Farmaajo arrimaha ku saabsan gobolka Gedo, oo ah arrinta ugu weyn oo uu ka biyo diidsan yahay Axmed Madoobe.

    Inkastoo qorshahii Saciid Deni uu kusoo dhama aday natiijo la’aan, hadana khudbadii uu ka jeedi yay shirkii SPF ee maalmahaan ka socday Muq disho ayaa iftiimiyay in Deni uu wado qorshe uu doonayo inuu wali heshiis ku dhex dhigo Axmed Madoobe, Farmaajo iyo musharaxiinta madaxwe ynaha.

    Wararka hoose ee laga helayo maamulka Pun tland ayaa sheegaya in madaxweyne Saciid Deni uusan xiriirka u jari doonin Dowladda dhexe isla markaana uusan xaaladda kasii dari doonin, iya doo Axmed Qoor-qoor uu muujiyay inuu wali diy aar u yahay in si dhexe lagu xaliyo khilaafyada jira.

     Arrimaha uu doonayay Saciid Deni inuu mada xweynaha kala hadlo waa kuwa ku hor gudban qa bsoomidda doorashooyinka oo u muuqda kuwa wakhtigooda sii dhaafayo.

    Axmed Madoobe wuxuu doonayaa in gobolka Gedo maamulkiisa loo gacan galiyo, isla markaana ciidamada dowladda laga daad-gureeyo si ay doo rasho ugu qabtaan, waana arin ay dowladda ka biyo diidsan tahay, halka dowladda ay sidoo kale ku dhagan tahay guddiyada doorashooyinka ay magacaabeen kuwaas oo eedo loo soo jeediyay.

    Musharaxiinta mucaaradka waxey qabaan in guddigaas aysan dhex-dhexaad noqon karin maad aama ay yahiin xubno ka tirsan hay’adda nabad sugidda, shaqaalaha xafiiska madaxweynaha iyo taageerayaasha dowladda.

Xigasho:caasimadda.net


Guddiyada Doorashada Ee Laba Maamul Goboleed Oo Shalay La Xareeyay

    DFS ayaa Shalay Guddiyadii doorashada heer dowlad Goboleed ee kala dhimanaa xareeysay, iyagoo la dejiyay Hotelka Peace ee M/Muqdisho.

Warar aan helnay ayaa she egaya in Guddiyada la xar eeyay ay kala yihiin Guddi gii doorashada dowlad Gob oleedka K/Galbeed, Hirshabeelle iyo min 3xubno od oo Xukuumadda ku kordhisay Guddiyada doo rashada heer dowlad Goboleed.Guddigii doorasha da Galmudug ayaa ka mid noqon kuwa Shalay la xareeyay, isla markaana waxaa la sheegay in Mad axweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoo rqoor uu dalbaday in dib loogu dhigo, iyadoo uu imaan doono Magaalada Muqdisho.

      Dowlad Goboleedka Puntland iyo Jubbaland ayaa weli soo gudbin Liiska xubnaha ku metelaya Guddiyada doorashada ee la magacaabay, wax aana Jubbaland soo magacaabida Guddiyada ku xirtay shuruud adeg.

   Maalinta berri ayaa la filayaa in Guddiyadan Shalay ay xareysay DFS tababar ku saabsan ho wlaha doorashada loo furo, xili aan Guddiyada do orashada ee dowlad Goboleedyada lasoo dhame ystirin. Muran xoogan ayaa xiligaan ka taagan Guddiyada doorashada ee heer Federaal iyo heer DG/boleed ee la magacaabay, waxaana siweyn u ga soo horjeeda Musharaxiinta Madaxweynaha oo sheegay in Guddiyadaas aan lagu haleyn karin Doorashada Qaranka.

C/kariin Guuleed oo ku dhawaaqay saddex tallaab oo ay qaadi doonaan haddii….

      Madaxweynihii hore ee Galmudug ahna Musha rax Madaxweynaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo Habeen hore ka qeyb galay barnaamij dood ah oo su’aalo lagu weydiinayay ayaa ka dhawaajiy ay qorshayaal u degsan, haddii dowladda Fede raalka ku adkeysato tallaabooyinkeeda

  ku aadan doorashada.

     C/kariin Guuleed ayaa sheegay in haddii uu sii socdo is mari waaga tag an ay shirweyne isugu imaan doonaan dowlad goboleedyada iyo Mushar axiinta. Waxaa uu xusay inay sidoo kale u bann aan tahay madal cusub oo looga hadlayo hannaan doorasho, loogana heshiinayo saddex qariirood oo la sameynayo.

      Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay sameyn doonaan dowlad dalka gaarsiisa doorasho.

     "Waxaa noo bannaan haddii xaalka barako ma leh gaarto oo caqliga talin waayo hannaan kale oo doorasho ah”ayuu yiri C/kariin Guuleed

     Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay doonaya an hoggaan ku yimid si nabad ah, si xaq oo xalaal ah, si la mid ah sidii Dorraad Madaxweyne Farmaajo ku yimid oo shacabka ay soo dhoweeyeen.

Somaliland Oo War Kasoo Saartay Shirkii Somalia Iyo Beesha Caalamka

     Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay shirkii dhexmaray DFS  iyo Beesha Caalamka oo Dorraad ka dhacay Garoonka M/Muqdisho, kaasi oo ay ka qeyb galeen Madaxweyneyaasha maamul Gobol eedyada dalka.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somalil and Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in maamul kooda aysan waxba ka khuseynin shirkii dhexmaray Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, isla markaana uu gaar ahaa labada dhinac loona qabtay Soomaalida. Waxaa uu sheegay Wasiir Yaasiin Faratoon in marnaba Somaliland aysan gorgortan ka geli doonin madax-banaanideeda, ayna xaq u leeyihiin in la siiyo aq oonsi caalami ah, wuxuna caddeeyay aysan khus eynin shirarka loo qabto Soomaalida.

      "Marna Somaliland ka gorgortami meyso mad ax banaanideeda waa dal jira oo leh nidaam dawla dinimo, Calan uu ku qoran yahay tawxiidka ALLE,       Madaxweyne Shacabkiisu si xor ah u doorteen iyo heyadddo dowladeed oo dhameystiran” ayuu yiri  Wasiir Faratoon.

     Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Arrimaha dibad da Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Far atoon) ayuu tilmaamay inay wadaan dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan aqoonsi Caalami ah, isagoo xusay inay arrintaasna ku rajo weyn yihiin.

"Waxaanu ugu baaqeynaa Beesha caalamka inay tixgeliyaan rabitaanka umaddayada iyo dawladn imada dalkayaga, maxaa yeelay jiritaanka Somali land iskama iman ee shacabkaa u codeeyey” ayuu yiri sii raacsiiyay hadlkiisa Wasiir Faratoon.

     Si kastaba hadalka Somaliland ayaa waxaa ku soo aadaya, iyadoo Dorraad la qabtay Shirka Soom aaliya iyo Beesha Caalamka oo loo hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda Soomaaliya sigaar ah Arrimaha doorashooyinka ee dalka ka dhacaya.

Illaa 11 weriye oo ka soo dhax muuqday siya asadda mucaaradka iyo muxaafadka

      Weriyeyaal badan oo qaarkood ka soo shaqee yay warbaahinta caalamka iyo kuwa gudaha ayaa sanadkaan noqday kuwa ugu saameynta badan siyaasadda Soomaaliya, waxeyna si weyn

 uga muuqdaan dhinacyada Mucaaradka iyo Muxaafadka.

    Weriyaashaan ayaa qaarkood noqda wasiiro hal ka kuwa kalane ay ka mid noqdeen baarlamaan ada maamul gobaleedyada, guddiyada doorasha da ee mucaaradka iyo muxaafadka.

      Xasan Xundubeey iyo Cabdiraxamaan Sheekh      Yuusuf Al-Cadaala, ayaa ka mid noqday Golaha Wasiirada Soomaaliya, waxayna muddo dheer soo ahaayeen weriyaal. Balse Shalay waa laba xubn ood oo ka mid ah hay’adda fulinta.

     Sidoo kale Cabdinoor Maxamed Axamed iyo  Maxamed Jaamac Maxamed ayaa ka mid noqday guddiyada doorashada iya goo la safan dowladda Soom aaliya. Sidoo kale gudigaas waxaa ku jira Garaad Yuusuf Maxamuud oo mar soo noqd ay weriye, sidoo kalane ka mid ahaa Xildhbaaana dii 1-aad ee Galmudug.

      2da guddi oo ay kala magacaabeen Xukuuma da iyo Mucaaradka ayaa hadda waxaa kala hogaamiye laba weriye.

    Yuusuf Xasan Mursal, oo horey uga tirsanaa BBC ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga bad baadinta doorashooyinka oo ay dhiseen mucaar adka, halka Maxamed Xasan Maxamed oo ka tirs anaan jiray Radio Ergo (Ex-Irin) loo doortay gudd oomiyaha guddiga doorashada heer federal ee la gu muransan yahay.

     Shadoor Xaaji Shadoor, Cabdiwali Garyare iyo Feysal Hanad oo weriyaal aad looga yaqaano gud aha dlaka ayaa kamid xubnaha ka soo muuqday dhinaca mucaaradka.

    Maxamed Xasan Qeys iyo Cumar Soomane ayaa sidoo kale ka soo muuqday baarlamaanada HirShabeelle iyo koonfur Galbeed inkastoo aysan saameyn weyn ku laheyn siyaasadda guud ee dalka iyo tab maamuladooda.

     Weriyaasha M/Muqdisho iyo kuwa kale ee ka yimid ayaa u muuqda kuwa si wayn usii dhaxgalay siyaasadda Soomaaliya inkastoo markii horaba saxaafaddu ay saameen ballaaran ku leedahay siyaasadda dalka iyo tan dibadda.

Deni oo ammar ku soo rogay Bankiga dowl ad da si loo xakameeyo sicir-bararka

       Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid C/hi Deni, ayaa Shalay kulan la qaatay ganacsata da heerarkeeda kala duwan, waxgaradka iyo qey baha kala duwan ee Bulshada Puntland.

Madaxweynaha oo hadal u jeediyay Bulshada ayaa faah faahiyey arrimaha la xiriira sic irka sarifka , cabashooyinka dowladda soo gaaray iyo go’aamada ay kasoo saa rtay dowladdu ee ku saabsan xakamaynta sicir-bararka.

     Wuxuu Madaxweynuhu bulshada la wadaagay in dowladdu go’aamisay in Bangiga Dowladda, ku wa gaarka loo leeyahay iyo Shirkaddaha xawaal adaha la faray in ay sameeyaan qeyb sarifta lac agaha. "Laga billaabo berito Bangiga Dowladda waxaan farayaa inuu Sarifo Doolarka, si dadka Shi llin Soomaaliga u haysta uu doolar u siiyo, kuwa Doolarka watana uu Soomaali ugu bedelo."

      Bangiyada kale ee gaarka loo leeyahay iyo shirkaddaha xawaaladaha iyagana waxaan faray naa in ay qeyb sarif sidaasi oo kale sameeyaan.”

"Sicirka sarifka iyo wadashaqeynta Bangiyada waxaa si dhow ula soconaya Hay’addaha ku sha qo leh oo Bangiga Dowladda iyo Wasaaradda Maa liyadda u horeeyaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

       Ganacsatada iyo bulshada kale ee kulanka ka qeybgalay ayaa aad usoo dhoweeyay go’aanka, Madaxweynaha iyagoo uga mahadceliyay dadaal ka dowladdu ku bixisay inay wax ka qabato caba shada la xiriirta sicirka sarifka lacagaha.

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Maanta la soo taagayo dad loo heysto kufsi & dil

    Maanta oo Arbaco ah ayaa waxaa la filayaa in Maxkamadda Gobolka Banaadir la soo taago dad isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo loo heysto ku fsi iyo dil loogu geystay Magaalada Muqdisho Ma rxuumad Xamdi Maxamed Faarax.

     Falka kufsiga & dilka ah ayaa Xamdi Maxamed Faarax waxaa loo geystay 12-kii Bishii Sitember, kadib markii sida la sheegay la kufsaday lagana soo tuuray hotel ku yaalla Xaafadda Maajo ee Degm ada Waaberi.

            Booliska Soomaal iya ayaa kal hore sheegay in falka kufsiga & dilka ah ee loo geystay Xamdi Maxamed Faarax loo qab tay 11 ruux, kuwaas oo maxkamad la horgeyn do ono.

     Sidoo kale waxaa jirtay in 15-kii Bishii Sitember ee sanadkaan Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud laga soo qabtay Nin ku eedeysan falka kufsiga & dilka ah, kaas oo qirtay in Xamdi uu isa ga Hotelka ku balamiyay, hayeeshee uusan dilka wax ka ogeyn.

      Dhowr jeer ayaa waxaa Maxkamadda Gobolka Banaadir la horgeeyay dad ku eedeysan falka kufs iga & dilka ah ee loo geystay Xamdi Maxamed Fa arax, waxaana Maanta lagu wadaa in kiiskaas la soo geba-gabeeyo.

      Shalay Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay qaar kamid ah Ehellada Xamdi Maxamed faarax, kuwaas oo ugu baaqay Maxkamadda gobolka Ban aadir in ay si Cadaalad ah u maraan kiiska Xamdi Maxamed Faarax.


Madaxda DF iyo maamul gobaleedyada oo u dacwo tegay beesha caalamka iyo Yamamoto oo hanjabay

    Xubnaha Beesha Caalamka ee Dorraad ka qey b-galay shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa dhageystay caba shooyin iska soo horjeeda oo ay isu jeediyeen ma daxda do wladda Soomaaliya iyo kuwa maamul Goba leedyada.

     Khudbado ay jeediyeen Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland ayaa ahaa dacwad ka dhan ah dowladda iyo eedeyn toos ah, taas oo ku dha ceysay dhagaha xubnaha beesha Caalamka.

      Ra’iisul Wasaaraha, ku-xigeenkiisa, Qoor Qoor iyo Lafta Gareen ahaa sidoo kale ahaa tiirarka ugu weyn ee shirka ku soo bandhigay tabashooyinka laga qabo labadaas maamul iyo mucaaradka kale. Sidoo kale waxay dowladda ka difaaceen eedaha loo soo jeediyay.

     Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa yiri "Jab had iyo maleeshiyaad ayaa qabsaday Gedo waa in laga soo saaraa si doorasho loo qabto.”

      Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u jawaabay Madaxweynaha Jubbaland waxa uuna " waa inuu raali gelin ka bixiyaa Axmed Madoobe hadalkiisa ah in Jabhad qabsatay Gedo, ciidanka jooga Ge do, waa ciidanka qaranka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdu llaahi Deni ayaa sidoo kale madasha ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka baxday qaar ka mid ah qodobada heshiiska la galay.

      "Heshiisku waxa uu ahaa in Cabdi Xaashi soo magacaabo guddiy ada dooranayo Xildhibaanada Waqooyi, in ciidamada laga saaro Gedo iyo qodo bo kale,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

      Safiirka Dowladda Mareykanka oo dhageestay cabashada dhinacyada Soomaalida ayaa ku hanj bay in Mareykanka uu talaabo adag ka qaadi doo no qof kasta oo doorashada qal-qal gelisa iyo ma suulkii fulin waayo qodobadii lagu heshiiyay. Sidoo kale Safiirka UK ayaa sidaas oo kale madaxda Soomaalida u jeediyay hadalo kulul oo digniin ah.Prof. Cali Saciid Maxamuud Kulane oo kamid ah aqoonyahaanada Muqdisho ayaa sheegay in hogaamiyaasha Soomaalida dhaxdooda is xalin waayeen, islamarkaana ay u cabasho tageen bee sha Caalamka.

    "Kulankii Dorraad waxaa ka muuqatay in ay dac wo iska ahaayeen hogaamiyaasha Soomaalida markii ay ku guul dareesteen in ay is xaliyaan, waa la canaantay waxaana laga filayaa in ay isbadal aan,” ayuu yiri Kulane.

     "Ceeb weyn ayey aheyd in sidaas loola hadlo waxey aheyd in ay iyaga is xaliyaan,” ayuu yiri Prof Cali Saciid Maxamuud.

Qoor Qoor oo Galmudug ka reebay guddiya da doorashada heer gobol oo la xareeyey + Sababta

     Waxaa Shalay la xareeyey guddiyada doorash ada heer dowlad goboleed ee lagu murasan yahay oo weli kala dhiman, waxaana la dejiyey Hotelka Peace oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

     Guddiyada la xareeyay ayaa kala ah guddiyadii ay soo magic aabeen dowlad goboleedyada K/Galbeed, HirShabelle iyo min saddex xubnood oo xukuuma ddu ay ku dartay guddiyada doorashada heer dow lad goboleed.

   Guddiyadan la xareeyey kuma jiraan xubnihii ay soo magacaawday Galmudug, waxaana la she egay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu dalbaday in dib loogu dhigo xareynta xubnaha guddiyada doorashada ku metelaya Galmudug.

      Madaxweyne Qoor Qoor oo haatan ku sugan Dhuusamareeb ayaa la sheegay inuu berri imaan doono magaalada Muqdisho, waxuuna wadaa qor she uu ku dhexdhaxaadinayo dhinacyada isku ha ya doorashada dalka.

      Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaan weli soo magacaabin xubnihii ku meteli lah aa guddiyada doorashada dalka, taas oo ka dhi gan in guddiyadan aysan howlgeli karin iyagoo kala dhiman.

     Arbacada berri ah ayaa la filayaa in guddiyadan kala dhiman loo furo tababar ku saabsan howlaha doorashada dalka oo muran badan uu ka taagan yahay.

Dowladda Britain oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

    Safiirka UK u fadhiya  Soomaaliya  Amb, Ben Fender, oo ka mid ahaa Madaxdii ka qeyb-gashay Shirkii Madasha Iskaashiga ee Soomaaliya & Be esha Caalamka ayaa sheegay in loo baahan yah ay si dalka Soomalaiya uu u noqdo mid horay u socda in uu jiro heshi is Bulsho oo la gaaro.

    Wuxuu u muuqday Safiirka in uu ka hadlayay khilaafaadka soo noq noqday ee ka jira Soomaaliya, ee qaarkood ay la xiriiraan arrimaha doorashada dalka oo waqtigaan uu muran ka taagan yahay.

     Wuxuu yiri: "Dadka waa in ay aqbalaan in ay ka tanaasulaan waxyar oo ka mid ah waxyaabaha iya ga keliya danta u ah; in ay aqbalaan shuruucda, dastuurka, iyagoo u daneynaya dadka kale oo dhan.”

      Wuxuu tilmaamay in arrimahaas uu horey uga akhriyay buug ka hadlayay dhibaatada qalalaas aha. Balse horey uma fahmin illaa aan ka imaaday Soomaaliya ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

      Hadalka Safiirka UK u fadhiya  Soomaaliya Amb, Ben Fender ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu  jiro muran ka dhashay Guddiyada door ashooyinka oo ay Magacaawday dowladda Soom aaliya, kaas oo ay kasoo horjeesteen musharixii nta Madaxweynaha, iyaga oo sheegay in laga soo kala xulay Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya iyo Shaqaalaha dowladda.

Amnesty International oo Mareykanka ka dal batay inuu magdhow ka bixiyo dad uu ku dilay Soomaaliya.

      Waaxda Difaaca Mareykanka markii ay ku dhawaaqday in Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya laga saarayo horanka sanadka 2021 ayaa Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International waxaa ay mareykanak ka dalbatay in uu magdhow ka bixiyo dadkii ku waxyeeloobay duqeymaha uu ka ful iyo Soomaaliya.

Kala bixida Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya macnaheedu maahan in la joojinayo talaabada militari ee Mareykanka ka fuli nayo  Soomaaliya, oo ay kujireen daraasiin weer aro cirka ah sanad kasta,balse Cilmi-baaristii hore ee Amnesty International ayaa muujisay sida wee raradan ay si isdaba joog ah ugu noqdeen dhima sho iyo dhaawac dad rayid ah, oo ay ka mid yihiin weerarro u muuqda kuwa ku xadgudbay sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada.     "Haddii ay ciidamada dhulka ee Mareykanku ka baxayaan iyo haddii kaleba, AFRICOM waa in ay si dhakhso leh u hirgelisaa istiraatiijiyad lagu hubinayo inaysan ka tagin wixii horumar ah ee laga gaaro la xisaabtanka ficillada militariga Mare ykanka – oo ay ku jiraan warbixintooda ku saa bsan dhibaatada soo gaartay rayidka ayaa lagu yiri” Warbixinta Amnesty.

     Sidoo kale Amnesty International ayaa shee gtay in ay muiim tahay in AFRICOM hubisaa cad daaladda iyo magdhawga dhibbanayaasha rayidka ah ee ku xadgudubka sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada iyo qoysaskooda, si loo badbaadiyo shacabka.

     Tan iyo markii Madaxweyne Trump uu xukunka qabtay 2017, AFRICOM waxa ay kordhisay dag aalka cirka ee ay ka waddo Soomaaliya, iyada oo wadar ahaan qaadday 196 duqeyn cirka ah, iyada oo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lah ayn. Sida laga soo xigtay NGO-ga Airwars, 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip