Ronald Koeman Oo JEEX-JEEXAY Xiddigaha Barcelona Kaddib Ceebtii Kasoo Gaaddhay Cadiz & Waxa Ka Qaldanaa Oo Uu Sheegay

0
Sunday December 06, 2020 - 16:42:07 in Wararka by
  • Visits: 5019
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ronald Koeman Oo JEEX-JEEXAY Xiddigaha Barcelona Kaddib Ceebtii Kasoo Gaaddhay Cadiz & Waxa Ka Qaldanaa Oo Uu Sheegay

    ,,,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,,,

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa dhulka la jaray xiddigaha kooxdiisa isla markaana dusha uga tuuray eeda kulankii ay xalay guuldarrada lama filaanka ah kala kulmeen kooxda ku cusub horyaalka La Liga ee Cadiz.

Alvaro Negredo ayaa markale noqday geesiga Cadiz isaga oo goolka guusha u dhaliyay, Barcelona ayaa hadda booska toddobaad ka joogta horyaalka La Liga isla markaana saddex dhibcood oo kaliya u jirta kaalmaha horyaalka lagaga dhaadhaco.

Koeman ayaa aaminsan in waxa guuldarrada ku sababay uu ahaa hab-fikirka iyo diirad saarid la’aanta ciyaaryahanadiisa isaga oo si gaar ah ula yaabay qaabka ay u ogolaadeen goolka labaad ee Negredo.

   Tababarihii hore ee xulka Netherlands oo dareenkiisa cadho cabirayay ayaa yidhi "Guuldarradan way adagtahay in la sharaxaa”

"Waxaanu halkan nimid kaddib dhawr kulan oo wanaagsan, laakiin qaybtii hore ma aysan ahayn mid wanaagsan, waxaanu ka fiicnayn qaybtii labaad laakiin qaabka aanu u guuldarraysanay waxay ahayd mid layaab leh”

"Waxaanu u guuldarraysanay sababta qalad lama filaan ah oo aanad samayn karayn, waxay ka timid in aanan ahayn kuwo diirada saaraya, hab fikirku ma uusan ahayn mid wanaagsan caawa mana aha kaliya daafacyada”

 

"Way adagtahay in la aqbali qaar kamida goolasha naga dhashay, waxaan filayaa inay tahay malaha sababtoo ah la’aanta in aanan diirada saarayn, waxa naga maqan ad-adayga marka aanaan kubadda haysan taas ayaa malaha ah sababta nalooga dhaliyay, maaha wax sahlan in la sharaxo goolka labaad”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip