Ninkii looga shakisanaa inuu ku lug lahaa weerarkii Paris oo lagu qabtay Belgium

0
Friday March 18, 2016 - 22:21:03 in Wararka by
  • Visits: 476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninkii looga shakisanaa inuu ku lug lahaa weerarkii Paris oo lagu qabtay Belgium

    Saleh Abdesalam oo looga shakisanaa weeraradii Paris lagu qaaday bishii November ee sanadkii hore ayaa gacanta lagu dhigay, isagoo dhaawac ah, kadib markii howl gal Ciidamada Booliska iyo kuwa Kumandoska Belgium ka sameeyeen meel ka mid ah magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saleh Abdesalam oo looga shakisanaa weeraradii Paris lagu qaaday bishii November ee sanadkii hore ayaa gacanta lagu dhigay, isagoo dhaawac ah, kadib markii howl gal Ciidamada Booliska iyo kuwa Kumandoska Belgium ka sameeyeen meel ka mid ah magaalada Brussels.

Ninkan ayaa dhuumaaleysi ku jiray tan iyo markii uu dhacay weerarkii Paris, waxaana la sheegay in Booliska ay lugta xabad kaga dhifteen.

Saleh Abdesalam ayaa lagu qabtay guri ku yaala agagaarka Molenbeek oo ka tirsan Brussels.

Waxaa uu ahaa ninka looga doon doonista badnaa Yurub, tan iyo wixii ka dambeeyay weeraradii Paris ee bishii November ay ku dhinteen 130-ruux.

Mr Abdesalam ayaa farihiisa waxaa laga helay guri ku yaala magaalada Brussels Talaadadi la soo dhaafay, markii halkaas howl gal ku qaadeen Ciidamada Belgium-ka iyo Faransiiska, kaasoo hal qof lagu dilay.

Sidoo kale waxaa iyana la baadigoobayaa Mohamed Abrini oo isna ka soo muuqday kaamirad ku ku xirneyd goob shidaalka laga qaado ka hor weerarkii Paris, waxaana uu la socday mid ka mid ah baabuurtii weerarkaas loo adeegsaday.

Belgium ayaa heegan sare ku jiray, tan iyo markii uu dhacay weerarkii Paris, waxaana inta badan kooxihii weerarkaas ka dambeeyay ay heysteen dhalashada Belgium.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip