Somalidii lagu Xakumay Xabsi Daa'im iyo 80 sanno. =Faallo=

0
Tuesday November 10, 2020 - 19:15:35 in Wararka by
  • Visits: 1319
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalidii lagu Xakumay Xabsi Daa'im iyo 80 sanno. =Faallo=

    Waa dhacdaa in Qof lagu Xakumo Xabsi daa'im oo ey u sii dheertahay 80 Sanno oo ah Geeridiisa kadib. in ka badan 30 Somali ah oo lagu soo eedeeyay Burcad Badeed Nimo ayaa ku xiran Dalka Mareeykanka, kadib markii ey Kenya diiday in Dalkeeda lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa dhacdaa in Qof lagu Xakumo Xabsi daa'im oo ey u sii dheertahay 80 Sanno oo ah Geeridiisa kadib. in ka badan 30 Somali ah oo lagu soo eedeeyay Burcad Badeed Nimo ayaa ku xiran Dalka Mareeykanka, kadib markii ey Kenya diiday in Dalkeeda lagu maxkamadeeyo. Waxaa Maxkamadda la keenay Qaarkood iyaga oo Dhaawac ah oo Madaxa iyo Lugaha Fashad uga duuban tahay, qaarkoodna maba socon Karin, markii Maxkamadda la keenayay waxa lagu Riixayay kursiga Curyaamiinta. Waxa ey ku doodayeen Qof Ma dhicin, Qof ma dilin, Cidna ma afdoobin maxaad nagu eedeeyneeysiin? ayuu yiri:Md Cabdi Maxamed Cumar oo lagu xakumay Xabsi Daa'im iyo 80 Sanno. Waxa kale oo xumunkaa oo kale lagu xakumay Mohamed Modin Xassan, Gabul Abdullahi Cali, Cabdullahi Diriye iyo Cabdi Moxamed Gurey. Saddax ka mid ah isku mar ayaa la qabtay, Labana mar dambe waxaana Kooxdaan aan iska warqabin oo lagu eedeeyay in ey wada shaqeynayeen. Cabdi Weli Muse oo kaliya ayaa lagu xakumay 34 Sanno markii uu qirtay Dambigaa. waxaa lagu soo eedeeyay in ey Qabsan rabeen markabka Dagaalka ee USS Nicholas. Taa oo aan suura gal eheyn in ey ku fikiraan in ey qabsadaan Markab dagaal oo ey arkayaan. Dhalin yaradaasi Ma heeysan Qareeno ey kireysteen, Luqadana ma aqoon, ( F.S: 1, 2 & 3aad).



 
Markii ugu dambeeysay ee Maxkamad Mareeykan ahi Rido Xukun Nuucan ah waxaa laga joogaa 190 Sanno. Xeerilaaliye MacBride ayaa yiri: qiyaastii 650-800 Ruux ayeey qafaasheen Burcad badeeda Somalidu, waxa eyna Sababtay in uu baxo kharaj dhan $ 12 Billion oo ku baxaday Ciidamada Caalamigaa ee Badda Somalida ilaaliyo, Ceymiska Maraakiibta. Taas ayaa muujinee in Xeer ilaaliyuhuu uu ka badbadinayo.
 
Maxbuusku Haddii uu noolyahay, Xabsi ku heeyntiisa ayaa Lacag lagu helayaa, haddii uu dhintana Meydkiisa ayaa lacag ah. Meeydka waxaa lagu aasayaa dhul xabsigu leeyahay oo lagu heeynayo 80 Sanno, intaana Xabsiga ayaa Lacag tii Noloshiisa ka yar ku qaadanayo.
Sharcigaa wax ayaa laga Bedelay Hadda, Fiiri: ( Unclaimed Deceased Adult Body police- Chapter 7. WV Code of State Rule #6-1-24. WV Code 11-30-6 iyo 44-A45. )
 
Hadda Ganacsi ayaa loo bedelay Meydka si dhaqaale Fiican looga helo " Anatomical Gift” in la siiyo Maydka Isbitaalada u dhaw Xabsiga .
 
Hore ayaa looga saxiixaa qofka warqad, Haduuna saxiina Safaaradda Somalida ayaa la wacaa, hadeyna Diyaar u aheyna in ey Meydka Somaliya u qaado waxaa la siinayaa Isbitaalada. Isbitaalku waxa uu heeynayaa Dhowr Sanno, kadibna waa la jarjarayaa Maydka inta Fiican ayaana lagala baxayaa. Taa waxaa looga Badbaadi karaa Dowrka ey qaataan Safaaradda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalidu. Xabsiyadu waxa ey faa’iido badan ku qabaan Maxaabiis Badan in ey hayaan, bacdamaa ey leeyihiin Xabsiyada Mareykanka qaarkood Shirkadu Maxad banana oo dhaqaale doon ah.
 
Sida Siyaasiyiinta oo kale Garsoorayaasha Maxkamadaha Mareykanka waa la doortaa, Ololaha Doorashadooda waxaa u maal galiyo Ganacsato, Ganacsatadaa waxaa ka mid ah Milkiilayaasha Xabsiyada, si iyagana loogu xakumo Maxaabiis badan oo waqti dheer loogu xakumo oo ey dhaqaale ka helaan. Kuwaa badanaa lagama helo Gudaha Mareykanka oo waxa ey helayaan Dad u doodo. Laakin waxaa laga faa’iideeystaa kuwa Dibadda laga keeno sida kuwa lagu soo eedeeyo Burcad Badeednimo, kuwa oo aan Aqoon Luqadda, Reerkoodii uuna joogin, aan leheyn Dad u doodo ama Sabool ah. kuwaa ayaa Nolol iyo Geeriba laga faa’iideeystaa. Weliba Kuwa dhalin yaradaa ayaa la jecel yahay in lagu xakumo Xabsi Daa’im aan Cafis leheyn.
 
Mahad Celin
 
Maxaabiista Qaar waxaa gaaray taladii aan hore u soo jeedinay Aniga iyo saaxiibkey Mxamed Dudishe, Somali Mareykanka ku nool ayaa naga ballan Qaaday in ey la xiriirayaan Maxaabiistaa Faahfaahina na soo siinayaan. Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa Qooysaskoodii Maxaabiista Qaar oo is raadsaday Bilaabayna Xiiriiro in ey la sameeyaan Maamuladda Dalka.
 
Ugu Dambeeyn Waxaan ka codsanayaa Safaarada Somalida ee Washington, wasaarada Arrimaha Dibadda ee Somalida, Wax garadka iyo Qaraabadii Maxaabiistu in laga wada shaqeeyo sidii Maxaabiistaa Dalka loogu soo celin lahaa, taa oo ah arrin fudud sidii Qormadii hore aan ugu Sheegay.
 
FG:wixii ka dhiman ku dar, wixii aan khaldayna ka sax.
 
Qore: Yahya Amir


 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip