Man United Oo Hishiis 5 Sano Ah Ku Heleysa Higuain , Jose Mourinho Ayaa Ka Shaqeeyay Arintaas

0
Friday March 18, 2016 - 12:48:17 in Sports News by
  • Visits: 641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United Oo Hishiis 5 Sano Ah Ku Heleysa Higuain , Jose Mourinho Ayaa Ka Shaqeeyay Arintaas

    Weeraryahanka Napoli Gonzalo Higuain ayaa lagu waramayaa in uu ogalaaday in hishiis 5 sanno ah uu u saxiixo kooxda United ka dib ka dib markii Mourinho oo loo badinayo in kooxdaas uu hagayo xilli ciyaareedka dambe uu kulan qarsoodi la qaatay wakiilka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka Napoli Gonzalo Higuain ayaa lagu waramayaa in uu ogalaaday in hishiis 5 sanno ah uu u saxiixo kooxda United ka dib ka dib markii Mourinho oo loo badinayo in kooxdaas uu hagayo xilli ciyaareedka dambe uu kulan qarsoodi la qaatay wakiilka wakiilka laacibkaas

United ayaa baadi goob ugu jirta gool dhaliye la isku hubo iyadoo xilli ciyaareedkaan ay kaliya dhaliyeen 37 gool ka dib 29 kulan oo ay illaa hataan ay ciyaareen

Wiilkaan reer Argetina oo marar badan ay kooxdiisa ku cel celisay in aysan iibineyn ayaa xilli ciyaareedkaan illaa haatan dhaliyay 29 gool ka dib 38 kulan oo uu la saftay kooxdaas reer Italy

Sida laga soo xiganayo wariyahaa reer Italy ee ciyaaraha qora Emanuele Giulianelli , Mourinho ayaa kulan la qaatay walaalka Higuain oo ah walkiilka laacibkaas kaasi oo dhacay biloowgii todobaadkaan sii dhamaanaya ayna wada gaareen in laacibka hishiis 5 sanno ah uu u saxiixo United

Waxaa la xusay in hishiiskaas uu halkii xilli ciyareed uu ku qaadanayo mushaar gaaraya 7.9 milyan oo gini waana qarash laacibka uu ogalaaday in uu ku yimaado Old Trafford lamana helin xogta ah qiimaha la siinayo kooxda Napoli si laacibkaan hore ee Real u soo fasaxaan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip