Uma baahni ukun, waxaan noolaan karaa aniga oo aan beedka (ukun) cunin."

0
Friday November 06, 2020 - 00:12:06 in Wararka by
  • Visits: 1355
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Uma baahni ukun, waxaan noolaan karaa aniga oo aan beedka (ukun) cunin."

    Muwaadin reer Arjantiin ah ayaa u baxay inuu soo iibsado "kartoonka ukunta"(F.S 1aad). markuu iibiyaha weydiiyay qiimaha, wuxuu ogaaday in qiimaheeda uu ka sarreeyo qiimaha caadiga ah, marka wuxuu weydiiyay iibiyaha sababta, wuxuuna ku yiri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadin reer Arjantiin ah ayaa u baxay inuu soo iibsado "kartoonka ukunta"(F.S 1aad). markuu iibiyaha weydiiyay qiimaha, wuxuu ogaaday in qiimaheeda uu ka sarreeyo qiimaha caadiga ah, marka wuxuu weydiiyay iibiyaha sababta, wuxuuna ku yiri: Shirkadihii qeybinayay ayaa qiimaha kor u qaaday!!! Si degganaan iyo kalsooni leh buu muwaadinku u qaaday "kartoonka ukunta" wuxuuna ku celiyey meeshiisii ​​isagoo leh "Uma baahni ukun, waxaan noolaan karaa aniga oo aan beedka (ukun) cunin." Waxaa irrinkaan wada qaatay dhamaan muwaadiniinta iyagoon wax ololeyn ama shaqo joojin ah sameyn, laakiin waxay ahaayeen dad dhaqan ilbaxnimo leh! Dad aan aqbalin in shirkado lagu dilo .. Sidaad u aragtaa sidee ayay natiijadu noqotay? !!! Wax ka yar hal usbuuc kadib, shaqaalihii shirkadaha ukunta soosaara waxay u yimaadeen inay ukumo u dajiyaan dukaamada, laakiin milkiilayaashoodii ayaa diiday inay soo dejistaan ​​kartoono cusub oo ukun ah, maxaa yeelay kartoonadii hore ee ukunta lama iibsan! Shirkadaha ayaa ku adkeystay inay gadaal ka riixaan dadka, iyagoo sheegay in arrinkaan si iskiisa ah iskaaga soo afjari doono maalmo yar ka bacdi, dadkuna ay ku laaban doonaan dukaamada si ay ukumo u iibsadaan sidii caadiga ahayd. Laakiin dadku way dhaga adaygeen, markaa waxay qaadaceen ukunta, shirkaduhuna waxay bilaabeen inay khasaaraan laba jeer, kartoonnada beedka oo aad u badnaa, iyo tan labaad oo ah quudinta digaagga aan joojin cunista iyo soosaarka ukunta, markaa khasaaruhu wuu soo kordhay, waana sii labanlaabmay!(FS 2aad). Milkiilayaashii shirkadaha digaagga ayaa kulmay waxayna go'aansadeen inay ku celiyaan qiimaha ukunta qiimihii hore. Si kastaba ha noqotee qaadacaadu way sii socotay, shirkaduhuna waxay ku sigteen inay musalafaan, sidaa darteed waxay kulmeen mar kale waxayna go'aansadeen waxyaabaha soo socda:

 
               – U soo bandhigida raaligelin rasmi ah dadka reer Argentine dhamaan ayadoo loo marinaayo warbaahinta.
 
Hoos u dhigida qiimaha ukunta afar meelood meel qiimihi hore(1/4).
Tani waa sheeko run ah, ee mala’awaal ma ahan.
 
              Shacab ahaan waan go’aamin karnaa dhinaca loo jiheenaayo waddankeena, lkn waa markii aa maya dhahno 500 oo siyaasi o ayagalee mucaarad iyo muxaafada marba dhinac noomatala maskaxdeenana ka xureena hadalkooda iyo qabyaaladda.
 
            Hadii uu shahabka koco cayaarta waa dhamaanee(F.S 3aad)
 


WQ:Said Mohamed Ali


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip