Xubno Ka Kala Socday Dowlad Gobaleedyada Soomaaliya Oo Caawa Kulan Sagootin Ah Muqdisho Loogu Sammeeyay

0
Friday March 18, 2016 - 12:23:08 in Wararka by
  • Visits: 556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubno Ka Kala Socday Dowlad Gobaleedyada Soomaaliya Oo Caawa Kulan Sagootin Ah Muqdisho Loogu Sammeeyay

    Maamulka Gobalka Banaadir ayaa Caawa Aqalka Dowladda Hoose Ee Xamar Xaflad Casha Sharaf ah oo lagu Sogootinayay Ka Qeybgalayaasha Dood looga Hadlayay Dhismaha Dowladaha Hoose oo lagu Qabtay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa Caawa Aqalka Dowladda Hoose Ee Xamar Xaflad Casha Sharaf ah oo lagu Sogootinayay Ka Qeybgalayaasha Dood looga Hadlayay Dhismaha Dowladaha Hoose oo lagu Qabtay magaalada Muqdisho.

Ku simaha Ra’isul Wasaaraha ahna Wasiirka Cadaalada ee Xukuumada Soomaliya Wasiiro iyo Xilibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, saraakiisha ciidmada Amniga, wakiila ka socday Maamul goboleedyada dalka ka jira Fanaaniin iyo ururada bulshada rayidka ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo xiray Barnaamijka Wadajired ee Hanaan Heer Qaran ee Dowlada Hoose kaasi oo muda laba maalin ka socday magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Xubnihii ka socday Gobolada dalka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarka dalka si looga gudbo dhibaatooyinka qaar ee ka jira dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mudisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in laga qeyb qaato Horumarka ka socda caasimada islamarkaana Gobol kaste oo dalka ka mid ah uu helaa Xaquuqdiisa.

"Waxaa wanaagsan in qof kaste oo helaa shaati ama dhar ku fac ah sidaas si lamid ah waa in gobal kastaa uu helaa waxa uu xaqa u leeyahay, Muqdisho waxaa haatan ka socda horumar kale duwan hadey ahaan laheyd dib-u dhiska iyo qorshayaasha kale ee haatan socda” Ayuu Yiri Guddoomiye Madaale.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Dowladda Soomaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig waxa uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha gudaha ay ka shaqeyn doonto sidii la isugu xiri lahaa gobalada dalka.

"Kulamo iyo munaasabado tan la mid ah ayaa lagu qaban doonaa magaalooyinka gobalada dalka si loo horumariyo hanaanka gobalada dalka waxaa madasha haatan ku sugan xubna ka socda gobolada dalka, iyaguna waxey ka shaqeyn doonaan sidii loo mideyn lahaa bulshooyinka ku nool gobolada Soomaliya” Ayuu Yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dalka.

Ku simaha Ra’isul wasaaraha ahna Wasiirka cadaalada ee Dowladda Soomaaliya C/llaahi Axmed Jaamac Ilkajiir ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyed iyo dadka dhaqaalaha heysta iney gurmad gaarsiiyan dadka Soomaaliyed ee ku nool qaar ka mid ah gobalada ay xiligani abaaruhu ka jiraan. Ayuu intaa raaciya Ilka Jiir.

12790897_1687841471454605_2750787980669038517_n12031997_1687841008121318_1362931507250406478_n12140687_1687838104788275_4709528894879669784_n

6896_1687838564788229_7539087565368287935_n944370_1687838578121561_2663916400704939189_n1013609_1687838704788215_6629575812042999487_n1176393_1687840501454702_1252420751613055557_n1555523_1687841161454636_3143455938344576346_n1600975_1687840664788019_4395824488558677187_n1914578_1687838008121618_4573983973484299065_n1915331_1687841001454652_7346051928594638887_n1918843_1687837828121636_410333204576881228_n1923828_1687841468121272_4627420974205813407_n1934745_1687841074787978_6063781957730366510_n





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip