C/Weli Gaas oo soo gaabiyay safarkiisii Mareykanka, maantana ku soo wajahan Garowe

0
Friday March 18, 2016 - 11:48:50 in Wararka by
  • Visits: 469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/Weli Gaas oo soo gaabiyay safarkiisii Mareykanka, maantana ku soo wajahan Garowe

    Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigiisa ayaa halkaasi ka soo degeen, iyagoona kulamo kala duwan la qaatay madaxda Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigiisa ayaa halkaasi ka soo degeen, iyagoona kulamo kala duwan la qaatay madaxda Itoobiya.
Kulan gaar ah oo dhex maray Madaxweyne Gaas iyo Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa arrimaha ammaanka, iyadoo Madaxweynaha Puntland ka codsaday Itoobiya inay siiso hub iyo saanado milateri oo uu uga hortago Al-Shabaabka qabsaday qeybo ka tirsan gobolada Nugaal iyo Mudug.

Dhinaca kale Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Tedros ayaa isna sheegay in dowladiisu taageero hiil iyo hooba la garab taagan tahay maamulka Puntland, isla markaana ay diyaar u tahay taageerada dhinaca kahortagga ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta la filayaa inuu soo gaaro magaalada Garowe, isla markaana lagu sheegay in Madaxweynaha uu soo gaabiyay socdaalkiisii uu maalmahaan ku jooga dalka Mareykanka inay ka dambeysay dagaallada ka soo cusboonaaday gobolada dhinaca xeebaha oo Al-Shabaab ay la wareegeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip