Dhibaatooyin laga soo sheegaayo Toga Suuj oo ay ku dagaalamayaan Ciidanka Puntland iyo Shabaab

0
Friday March 18, 2016 - 10:15:23 in Wararka by
  • Visits: 515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhibaatooyin laga soo sheegaayo Toga Suuj oo ay ku dagaalamayaan Ciidanka Puntland iyo Shabaab

    Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Puntland iyo Ururka Al Shabaab ee ka soconaaya Toga Suuj, ayaa waxaa uu culeys wayn uu ku keenay dadka xoolo dhaqatada ah, ee ku dhaqan deegaanada ku dhow dhow Toga Suuj.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Puntland iyo Ururka Al Shabaab ee ka soconaaya Toga Suuj, ayaa waxaa uu culeys wayn uu ku keenay dadka xoolo dhaqatada ah, ee ku dhaqan deegaanada ku dhow dhow Toga Suuj.

Xoolo dhaqatada, ayaa xoolaha ka waraabin jiray Toga Suuj, balse waxay taasi meesha ka baxday, markii Xoogaga Ururka Al Shabaab ay toddobaadkan gudaha u galeen xeendaabka ilo biyoodkaasi.

Mid ka mid ah Odayaasha deegaanka oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan, ayaa sheegay in Shabaabku ay gudaha ugu jiraan Toga Suuj, isla-markaana ay ku hareereysan yihiin Ciidanka Puntland.

Ninkan Odayga ah oo wareysi siiyay VOA, ayaa wuxuu iftiimiyay in dadkii xoolaleyda ahayd ay isaga barakaceen aaggaasi, si ay u helaan ceelal ay ka waraabin karaan xoolahooda.

Wuxuu sheegay in dadka wixii socon karay ay isaga barakaceen nawaaxiga Toga Suuj, waxaana looga tagey sida uu sheegay dadka aan socon karin, xilli uu sheegay in illaa kun (1,000) qoys, ay halkaasi ku noollaayeen.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadku ay halis ugu jiraan inay haraad u la’daan, haddii aan biyo lala gaarin illaa Jimcaha maanta.

Ugu dambeen waxaa uu Maamulka Puntland, Dowladda Somaliya & Beesha Caalamkuba uu ugu baaqay in loo gurmado maatida ku dhibaateysan Toga Suuj.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip