HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 31-KA OKTOOBAR 2020-KA

0
Saturday October 31, 2020 - 10:58:24 in Wararka by
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 31-KA OKTOOBAR 2020-KA

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

SHIRKA GOLAHA WASIIRRADA OO LAGU ANSIXIYEY MIISAANIYADDA 2021

Shirka Golaha Wasiirrada XFS ayaa lagu meel mariyey ku talagalka Miisaaniyad sanaddeedka Dowladda ee 2021 oo ay qeyb ka tahay qarashka doorashada iyo sharci ahaanta dha mmaan go’aam ma dii ay ga areen golihii Wasiirrada Xuku umaddii xil gaarsiinta.

Miisaaniyadda guud ee sanadka 2021 ayaa dhan $671.8 Million oo u qeybsan 3 Qeybood oo kala ah ,Dakhliga Gudaha 260.1 Million iyo Kabka Miisaaniyadda oo noqonaysa 170.9 Million, halka ay mashaariicdu yihiin 240.8 million.

Miisaaniyadda ayaa diiradda saareysa fulin ta qorshaha qaranka, waxaana loo qoondeeyey dha nka horumarinta qaddar dhan 38 Million, lac agta as ayaa lagu bixin doonaa arrimo la xiriira.

Caafimaadka, Waxbarashada, Ka hortagga fat ahaadaha, Cadaaladda garsoorka, Dib u dhiska waddooyinka, iyo Dastuurka

Shirka G/wasiirrada oo uu guddoominay ey R/W/XFS Md/Rooble ayaa la isku raacay sharci ahaanta dhammaan go’aammadii ay gaareen Golihii Wasiirrada Xukuumaddii xil gaarsiinta, kuw aas oo isugu jiray xeerar , siyaasado iyo heshiis yadii ay galeen.

DOWLADDA TURKIGA OO BALLANQAAD CULUS U SAM EEYSAY SHACABKA SOOMAALIYEED

R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Ro oble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya ee Mehmet Yilmaz, waxey na2da dhinac ka wada hadleen xiriirka 2da dal ka dhaxeeya.

Dowladda Turkiga waxey ballan qaaday iney sii xoojin doonto taageerada aan shuruudda ku xir neyn oo ay la garab taagan yahiin Soomaaliya.

R/wasaare Rooble wuxuu dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageera da ay mar walba la garab taagan yahiin shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu hoosta ka xari iqay ineysan marnaba iloobi doonin abaalka ay D/Turkiga u gashay shacabka Soomaaliyeed iyo si da ay qeyb weyn uga qaateen hormarka DFS.

"Xiriirka aan la wadaagno Turkiga waa mid ah miyad gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed, wa xaan uga mahad celineynaa D/Turkiga iyo shac abkeeda garab istaaggii ay inoo muujiyeen xiliya dii adkaa ee nasoo maray iyo mashaariicyadii ay ka fuliyeen dalkeenna welina u taagan yihiin garab istaaggeena,” ayuu yiri RW/re Rooble.

Kulanka 2da masuul wuxuu kusoo aaday xilli shaki la galiyay mustaqbalka xiriirka 2da dhinac maadaama sanadahii dambe ay dowladaha carab ta galaangal fiican ku yeesheen siyaasadda Soma liya. Sidoo kale waxaa la galayaa wakhtiga door ashada, iyadoo la filayo in faragalin dowladaha car beed ah ay timaado iyadoo aan wali la ogeyn sa ameynta ay Turkiga ku leeyahiin walow ay kaalin muhiim ah ku leeyahiin ilaha dhaqaalaha dalka.

RA’IISUL WASAARE KUXIGEENKA OO DHAGAX DHI GAY DIBUDHISKA GURIGA HOOYOOYINKA

R/Wasaare kuxigeenka XFS Md. Mahdi Ma xamed Guuleed (Khadar) ayaa dhagaxdhigay di budhiska guriga Hooyooyinka ee loogu magac daray fannaanadii Qaran ee Seynab Xaaji Cali Ba xsan oo door weyn ka qaadatay wacyigelinta bulshada, xoojinta dareenka wadaniyadeed, dhaq anka, afka iyo suugaanta Soomaaliyeed.Dhismaha xarunta Hooyo Baxsan ayaa lagu dhisi doonaa barnaamijka isxilq aan ee horay loogu dhisay go obaha danta guud ee burburay da gaallada, intii ay dadka Somaliye ed sugi lahaay een in dalko oda u dhisaan gacmo shis heeye.

R/Wasaare kuxigeenka ay aa tilmaamay in fanna an adii qaran ee Seynab Xaaji Cali Baxsan ay ka mid ah ayd Soomaaliyeed xasuus inayaa gacmah ood inay ku dhistaan dalkooda, intii ay sugi laha ayeen shisheeye”.

Munaasabadda dhagaxdhigga ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Gargaar, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xildhibaanno ka tirsan 2da aqal, Guddoom iye kuxigeenka arrimaha bu lshada G/Banaadir, G/ Haw eenka Qaranka, Maareeyaha Wakaallada dhismaha Qaranka, Maareeyaha Tiya atarka, Ehe llada fannaanadii qaran ee Seyn ab Xaaji Cali Bax san iyo ma rti Sharaf kale.

WASIIR FOWZIYA OO CABASHO KA AH SIYAASIYIIN IYO WASIIRO CAQABAD KU NOQDAY

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowziyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in faragelin xoog leh ay shaqada wasaaradda ku hayaan siyaasiyiin ka tirsan dowladda federaalka oo u badan xildhibaa nno iyo wasiirro. Waxay sheegtay in qof walba oo masuul ah uu doonayo in wasaarad du si bilaash ah ay ugu qabato ho wlkasta oo caafimaad oo uu doona yo, taas oo sida ay sheegtay mee sha ka saartay adeegii wasaaraddu ay sii laheyd dadka danta yar.

"Wasiir ayaa kuu imaanaya adeegii caafimaad ee Turkiga na siiyay ayuu inta Aabihiis VIPda isb ita alka Erdogan geeyo, ayuu ku leeyahay khara shka Ibsitaalka bilaash iiga dhiga. Marka maxaan dan yarta siinaa?” ayey tiri wasiir Fowziya Abiikar.

Sidoo kale wasiirada caafimaadka waxay shee gtay in xilliga doorashooyinka marka la gaaro ay xi ldhibaanada qaar ku dhahaan "noo fur bakhaarka Daawada si aan ugu qaadno deegaankeena.”

"Wasiirka loogu necebyahay ayaan ahay had da, waxaa ii imaanaya xildhibaano, waliba waa ma rka doorashadu soo dhowdahay, qof kasta inuu da awo qaado oo isku soo sawiro ayuu rabaa, waxa an ku dhahaa, adigaa sharaxane, hadaad deega ankaagii daawo geyneyso, maad suuqa Bakaara ha ka gadatid, adigaa sharaxane ma anigaa shar axan, mise wasaaraddaa sharaxan?” ayey tiri Fow ziya Abiikar.

Waxay sheegtay in lagu dacweeyey Xasan Cali Kheyre xilligii uu RW/HA ahaa, "Waxuu i yiri max ay tahay dacwadaan badan, waxaan ugu jawaab ay hadaad rabto inaan howl qabto ha dhageysan dadkaas ee aniga I dhageyso, haddaad iyaga dha geysato aniga waan iska baxayaa. Marka xoogeyg aan meeshaan ku joogaa asxaan kuma joogo” ay ey hadalkeeda ku soo gabagabeysay wasiirka caafimaadka Soomaaliya.

Wasiir Fowziya Abiikar ayaa ka mid aheyd was iirradii la shaqeyn jiray xukuumadii dhacday R/was aare Xasan Cali Kheyre, waxaana hadda mar kale loo magacaabay isla wasaaradda caafimaadka oo haatan ay wasiir ka tahay.

DFS OO SHAACISAY XILIGA LAGU DHAWAAQI DOONAA GUDDIGA DOORASHOOYINKA DALKA

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee XFS Md.Cismaan abuukar Duube oo shalay marti ku ahaa barnaamijka kulanka 7a adka ee warb aahintab qaranka ayaa ka hadlay barnaamijka xuk umadda uu hogaamiyo R/wasaa re Rooble oo ka kooban sugida amniga, hormarin ta dhaqaalaha ,qabsoomida door asho ku dhacda si nabad galyo ah iyo hormarinta mashaariicdii hore usocotay in laga shaqeeyo. Wasiir dube waxa y sheegay in misaaniyadu dowl adda lagu xoojinayo adeegyada bulshada gaar ahaan waxbarshada sida qorshahun yahay sanad ka soo socdo ee 20121 dalga laga hirgalin doono boqol iskuul ,sidoo kale dib udhis lagu sameynayo cisbitaalo iyo xoojinta garsoorka dalka.

"Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2021 waxaa ka mid ah in la hirgalin doono ilaa iyo boqol iskuul ,dib udhiska qaar ka mid cisbitaalada dalka iyo xoojinta hay’addaha garsoorka si loo xoojiyo cadaalada.

Wasiirka W/DH&Dalxiiska XFS Md.Dube ayaa sidoo kale shaqeegay in qorashu yahay in la magacaabo guddiga doorashooyinka isku dhafka ee dalka isla markaana dowlad goboleedyada dalka ay soo diyaariyeen xubaha dowladdan una diyaarisay.

"Bilaawga bisha soo socota ayaa lagu dhawaaqi doonaan guddiga isku dhaf ka ah ee doorashoooyinka dalka,dowlad goboleedka dalka waa ay soo diyaariyeen xubanahii umali lahaa guddiga si la mid ah dowladduna wa udiyaar si loo fuliyo hishiiskii doorashooyinka ee golaha iskaashada qaran ayuu yiri wasiir Dubbe

Wasiir waxaa kaloo uu sheegay in barnaami jka xukumadda lagu adkeynayo howlaha hortabin ta leh ee horyaala iyadoo 3dii bilba wasaarad wa bla laga rabo inay soo diyaariso qorshaha hormari nta taasina ay ka dhalatay talaabooyinka dib loofu furay qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.

XUSKA DHALASHADA NABI MUXAMAD NNKH OO LAGU QABTAY MUQDISHO .

Xuska suubanaheenna muxamed csw ayaa wa xaa khamiistii laga xusayey Magaalda muqdisho waxaana isu soo bax ballaaran uu ka dhacay ma xfalka rasuulka ee degmada shibbis ee m/ muq disho sidoo kale mowlaca sheikh muxuddiin celi ee deg mada kaar aan ee m/mu qdisho waxa ana halkaa qasiido onka lagu soo bdhigay daruus la xiriirta ta xanaha nabeegeennii suubanaa csw dhalshjadiisa ilaa dhimishadiisa iyo qasiidooyinka nabai abbaan ah iyadooo culu mada ahllu sunna wal jameeca ay halkaa ka soo jeediyeen hadaalo dardaaran ah oo lagu weyney nayop nabigeenni subbaana csw iyadoo bulshada ku baraarujiyey in lagu dayo suu banaheena csw

SIDOO KALE XAFLAD LAGU WEYNEYNAAYAY NABI MUXAMED NNKH OO KA DHACDAY M/CADAADO.

Xaflad si weyn loo soo abaabulay oo lagu weyna eynayey Rasuulkeen Muxmaed NNKH Isku imatinka ani ayaa ahaa dhalashada subanaheeba muxamed NNKH ayaa waxaa soo agaasimay culimada masjid ka al nuur ee magaalada cadaado. Inta ey socotay xaflada quru xda badan ayaa waxaa looga hadlayay siirada rasuul ka nnk iyo qasiidooyin lagu amanayo nabigeena mux amed nnk.

Shiikh Maxamud Maxamed yare oo kamid ah cul umada dhulka soomalida sida weyn looga yaqaan ayaa kudheeraday kahadlaka sida ey waajibka Utah ay in lajeclaado nabigeena muxamed nnk iyo sida eyuga xunyihiin hadalkii kasoo yeeray madweynaha faransiiska ee uu ku weraray diinta islaamka.

Sanadka xiligaan oo kale ayaa magaalada cadaado laga xusaa dhalasha nabigeena muxamed NNK.

XUSKA DHALASHADA NABI MUXAMAD NNKH OO LAGU QABTAY NAYROBI.

Munaasabaddan oo aheyd mid lagu maamus ayay xuska dhalashada Xabiibkeenna Muxamed NNKH ayaa lagu qabtay Masjidu Raxma oo ku yaa lla xaaafadda Islii ee M/Na yrobi. Munaasa ba dda ay aa waxaa soo qaban qaban qaabiyay culi ma a’ udiinka ku nool M/Nayrobi, waxaana ka qeyb ga lay qaar kamid ah culimada iyo jameeca dda Masj idka.

Sheekh Feysal Cigaal Qeyliye oo ah Imaamka Masjidu Raxma iyo Shariif Maxamed Shariif C/fi taax oo isna ah Imaamka Masjidka Al Xaaq Plaza iyo cul imada ASWJ ayaa ka sheekeeyay muhiim adda ay leedahay xuska dhalashada Nabigeenna Muxamed NNKH. Culimaa’udiinka ku nool dalka Kenya ayaa sanad walba marka la gaaro 12ka Bisha Mowliid oo ah xilliga uu dhashay Nabigeenna Muxamad NNKH waxa ay si weyn u maamuusaan xuskaasi.

 


MD.XASAN SHEEKH” WAA MUHIIM XASILOONIDA SOOMAALIYA”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna gudd oomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumar ka (UPD) Md.Xasan Sh.Maxamuud oo maalmahan booqasho ku jooga dalka Masar ayaa muxaadaro ku sa absaneyd kaalinta Soomaaliya ee xasilloonida Geeska Afrika wuxuu ka jeediyay xa runta "Al Ahram” ee dalkaasi, isagoona tilmaamay in xasilloonida Soomaaliya ay muhiim u tahay xasi lloonida gobolka Geeska Afrika.

"Taariikhdu waxay na bareysaa sida aysan suur tagal u ahayn inaan helno xasilloonida gobolka inn aga oo aan heynin xasilloonida Soomaaliya, sidoo kalena dhammaan fikradaha is dhexgelka iyo iska ashiga Geeska Afrikana lama xaqiijin karo iyada oo aan la helin iskaashi siman oo dhex mara dowl adaha Geeska Afrika” ayuu yiri Md.Xasan Sh..

Md.Xasan Sheekh ayaa la filayaa in uu u gudbo dalka Tanzania, halkaas oo ay degan yihiin qaar kamid ah Qoyskiisa.

QM OO WAR KASOO SAARTAY JENERAL LAGU EEDEY AY IN UU XARIIR LA LEEYAHAY ALSHABAAB

Golaha Ammaanka QM ayaa shaaca ka qaad ay in wax dambi oo ku saabsan xiriir AlShabaab lagu waayey Jen. Saadaq Cumar Maxamed, oo ah taliyaha ciidamada booliska G/ Banaadir.

Kooxdii hore ee QM u qaabilsa neyd kormeerka cunaqabateyn ta hubka ee Soomaaliya iyo Erit rea (SomaliaEritrea UN Monitor ing Group), ayaa ku eedeeyey Jen.Saadaq inuu xiriir la leeyah ay kooxda AlShabaab. Hase yeeshee, kulan Hab een hore uu G/Ammaanka QM ka yeeshay Arrima ha Soomaaliya, ayaa safiirka Belgium ahna gudd oomiyaha Guddiga Cunaqabateenada QM Phili ppe Kridelka, waxa uu ku sheegay in kadib dib u eegis lagu sameeyey warbixinadii ay soo gudbiye en kooxdii UN Monitoring Group la waayey wax caddeymo ah oo muujinaya in Jen.Saadaq uu ku xiran yahay AlShabaab.

"Waxaan jeclahay inaan idinku wergeliyo in Gu ddiga Khubarada QM ay caddeeyeen, kadib dib u eegis ku sameeyeen warbixin ay soo gudbiyeen kooxdii ka horreysay ee UN Monitoring Group ee ku saabsan Jen.Saadaq Cumar Maxamed, in la waayey wax caddeymo ah oo muujinaya in Jen. Saadaq uu xiriir la leeyahay AlShabaab, isla ma rkaana guddiga aysan hadda wax baaris ah ku ha yn Jen.Saadaq,” ayuu yiri Philippe Kridelka.

Go’aanka Guddiga Khubarada ayaa waxaa si doo kale soo dhoweeyey dowladda Shiinaha.

Safiirka Shiinaha ee QM, Zhang Jun ayaa qor aal uu soo saaray ku yiri "Waa mowqifkeena jog tada ah in cunaqabteenada noqdaan kuwa aan la ga lahayn ujeedo gaar ah. Talalabo kasta oo gudd iga ay qaadaan waa in looga dan leeyahay joogte ynta nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, kana fogaadan saameyn kasta oo xun oo ay ku yeelan karto horumarka nolosha iyo hantida shacabka Soomaaliyeed. Codsiyada sharciga ah ee ay sam eeyaan Soomaalida waa in la siiyaan dareenka iyo tixgelinta ay mudan yihiin.

Waxaan soo dhoweeneynaa sharaxaadda lagu sameeyey eedeymaha ka dhanka ah Jen. Saadaq Cumar Maxamed, taliyaha C/B/G/Banaadir.”

D/Soomaaliya iyo qareeno matalayey Jen. Saada q ayaa muddo waday dagaal sharciyeed ka dhan ah eedeymaha aan salka laheyn ee ay usoo jeedi yeen Kooxdii la beddelay ee UN Monitoring Gr oup, taasi oo ugu dambeyn laga guuleystay.

Arrintan ayaa muujineysa in Soomaalida ay leeyi hiin awood iyo habab ay uga jawaabi karaan ug ana dhiidhin karaan eedeymaha aan caddeymaha loo hayn ee uga yimaada hay’adaha iyo ururada caalamiga ah, oo aysan ahayn inay iska aamusaan oo ay iska aqbalaan.

CIIDANKA DOWLADDA OO QARAX LAGULA EEGTAY GOBOLKA GALGADUUD

Ciidamo ka tirsan DFS ayaa lagu soo warram aa in Shalay Qarax la gula eegtay inta u dhaxaysa Dhuusamareeb iyo Guriceel, waxaana kasoo ba xaya warar kaal duwan oo qaraxaas ku aaddan.

Wararku waxaa ay sheegyaan in qaraxu uu ahaa Miino dhulka lagu aasay oo Ciidanka lala beegsad ay, waxaana Ciidanku ay ku socdaalayeen inta u dhaxaysa Caasimadda Maamul Goboleedka Galmudug iyo M/ Guriceel.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Qaraxa jugti isa ay maqleen, iyadoo aysan jirin cid Xaqiijin kar ta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaa si, waxaana lasoo sheegayaa in qaraxu uu ahaa mid xooggan ayna macquul tahay in khasaareuu ka dhashay.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay degaanka lagu magacaabo Birta dheer oo u dhexeeya Dhuu samareeb iyo M/Guriceel.

Saraakiisha Ciidanka Hoggaaminaysay wali wax war ah kama soo saarin qaraxaas, sidoo kale ma jiro cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, balse qaraxyada noocaan ah ayaa waxaa looga bartay dagaalamayaasha Alshabaab.

140 MUHAAJIRIIN AH OO KU DHINTAY XEEBTA SENEGAL

Ugu yaraan 140 muhaajiriin ah oo ku sii jeeday Yurub ayaa ku dhintay xeebta Senegal,ka dib ma rkii Dooni ay la socdeen oo siday 200 oo ruux uu dab qabsaday,isla markaana qallibantay,sida laga soo xigtay Ururka Caalami ga ah ee SocdaalkaIOM . Doontaan oo ka ambabaxd ay M/Mbour oo 100km koo nfur ka xigta M/caasimada ah ee Dak ar,ayaa war ku intaa ku daray in ay ka badbaadeen 60ruux, ka dib kolkii ay shilkaasi ku baxeen ciida mada badda ee Senegal ,kuwo ka socday Isbaani shka iyo kaluumeysato.

Mas’uuliyiinta D/Senegal iyo Ururka IOM ayaa gaaray Magaalada SaintLouis,kuwaas oo gargaar degdeg ah u fidiyay,isla markaana qiimeeyay ba ahiyaha dadkii ka badbaaday Doontaasi .

Tirada dadka ka ambabaxaya Galbeedka Afrika ee tagaya jasiiradaha Canary,ayaa kordhay ,iyadoo shilkaan uu noqonayo kii ugu waxyeelada badnaa ee la dii waan geliyo sannadkaan, sida ay sheegtay IOM.

XULISTA BAARLAMAANKA HIRSHABEELLE OO LA SHEEGAY IN LA MUSUQ MAASUQAY

Dhawaan ayaa waxaa la soo bandhigay liiska Xildhibaannada Baarlamaanka HirShabeelle, wa xaana la sheegay in xulista xildhibaannada la mu suq maasuqeen, isla markaana ay ka dambe eyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Maamu lka HirShabeelle.

2dhinac ayaa la sheegay inay ku lug lahaay een xulista Baarlamaanka HirShabelele, kuwaas oo kala ah Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Soom aaliya Fahad Yaasiin iyo mas’uuliyin uu kamid ya hay Madaxweyne kuxigeenka HirShabeelle.

Cabdiraxmaan Diini oo ah falanqeeye Siyaas adeed kana mid ahaa Xubnihii ku sugnaa M/Jow har xilliga lagu dhawaaqayay Baarlamaanka HirShabeelle ayaa sharaxaad ka bixiyay sida ay wax u dhaceen.

AXMED MADOBE OO SHURUUD KU XIRAY INUU MAGACAABO XUBNAHA JUBALAND EE GUDDIYADA DOORASHADA

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasi mada Online ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, uu diiday inuu soo magacaabo xubnaha afarta ah ee Maamulka Jubaland uga mid noqonayo, guddiyada doorashada iyo xilinta khilaafaad ee doorashada Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu Villa Somalia u sheegay in Jubaland aysan ka qeyb qa adan doonin doorashada Soomaaliya ilaa Gedo laga soo saaro CDFS ee halkaasi ku sugan sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan xafiiskiisa.

Maamulka Jubaland ayaa diidan in ay dhacdo doo rashada Soomaaliya ilaa ay dowladda ciidankee da kala baxdo Gedo oo ay ku sugnaayeen bil ooyinkii la soo dhaafay.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in Xildhibaano ka soo jeeda G/Gedo islamarkaana Axmed Madoobe taageersanaa, dagaal siyaasade ed oo weynna la galay Madaxweyne Farmaajo, ay Axmed Madoobe ku dhaliileen inuu soo dhiciyay kuraasta Xildhibaanada beeshiisa ee u halgamay halka kuwii kale Farmaajo qoyskiisa ahaa islamar kaana isaga xigsaday uu dayacay waxeyna arri ntaas keentay in Axmed Madoobe adkeeyo fulinta doorashada Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya in Jubaland ay gudbisay xubnaha guddiga balse lagu soo celiyay kadib markii ay dhamaantood ka dhigtay islamarkaana ay ka gudubtay qoondada dumarka oo hore loogu heshiiyay.

Lama oga sida uu ka dambeen doono xiriirka sii xumanayo ee Jubaland iyo DFS, kaas oo ku sa absan arrimaha gobalka Gedo.

Xigasho:caasimadda.net

MUUSE BIIXI "SOOMAALINIMO MA DIIDANIN BALSE WAXAAN KASOO HORJEEDNAA JUJUUBKA SIYAASADEED”

Md.Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somalil and oo ka hadlay Munaasabad ka dhacday M/Har geysa ayaa sharaxaad ka bixiyay qorshaha siyaa sadeed & wadahadalka Dowladda Federaalka ay la yeesheen.

Waxa uu sheegay in aysan diidaneen Sooma alinimo, isla markaana ay qayb ka yihiin Soomaal iweyn, balse ay kasoo horjeedaan in lagu jujuubo (Afqabto) marka laga hadlayo dhanka Siyaasad da. Muuse Biixi ayaa sheegay in wax waliba oo dhaca in aysan meesha ka saareyn Soomaalinima da oo ah mid ka dhaxeysa Shanta qaybood, balse lagu kala duwan yahay dhacdooyinkii dhicay & sida looga falceliyay.

"Marka la yiraahdo dadka Somaliland waxa ay diidan yihiin Soomaalinimo waa Xaashaa kallaah, Soomaalinimo waan ku faanaa, waan ka dhalanay, laf & dhiig ayaan ka na hay, waana jecel nahay in ay wax qa bsato oo horumar gaarto, balse waxa xun ayaa ah in la dhaho waxa aad tihiin labo Go bol waana ku qasban tihiin in aad u hoggaansana ataan wax waliba” Sidaasi waxaa yiri Muuse Biixi Cabdi.

Waa uu sii hadlay Muuse Biixi Cabdi Madax weynaha Somaliland waxa uuna sheegay in aysan qaban hadallada qaar ah ee Siyaasadeysan oo uu ku tilmaamay kuwo wax sii kala fogeynaya halkii laga raadin lahaa xalka wanaagsan.


FAAHFAAHIN: AXMADEY SIIDOW CISMAAN OO LAGU DILAY MUQDISHO

Wararka aanu ka helayno M/Muqdisho ayaa sheegaya in deegaanka Ceelasha Biyaha ee dul eedka caasimada lagu dilay Oday ganacsade ahaa oo sidoo kalena Guddoomiye ka ahaa hay ’ad maxali ah oo ka howlgasha dalka.

Dabley ku hubeysneyd baastoolado ayaa toogtay ganacsadahan oo lagu magacaabi jiray Ax maday Siidow Cismaan, oo xiligaasi uu ku sugnaa goob uu ku dhacayay Meher oo ku taalla deegaan ka Ceelasha Biyaha.

Axmaday ayaa guddoomiye ka ahaa Hay’ad la gu magacaabo B.O.D oo maxaliya, isagoo sidoo kalena ahaa ganacsade caan ah, sida ay dadka deegaanka u sheegen Caasimada Online.

Raggii fuliyey dilkan ayaa iskaga baxsaday goobta, iyada oo halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan dowladda oo howlgalo lagu baadigoobayo dableydaasi ka bilaabay deegaanka Ceelasha Biyaha iyo duleedka Muqdisho.

Mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilkan iyo sababta ka dambeysay, iyada oo maalmihii u dambeeyay ay duleedka Muqdisho kusoo badan ay een dilalka noocan ah. Si kastaba, Dilalka qor sheysan ee noocan ah ayaa inta badan waxa gu daha Soomaaliya ka ful iya dagaalyahano ka tirs an kooxda AlShabaab, kuwaasi oo inta badan ka hadalkooda ay ka gaabsato dowladdu.

YUUSUF DABAGEED” KHILAAF KAMA JIRO DHISMA HA MAAMULKA HIRSHABEELLE”

Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagnaa khi laaf ka jira dhismaha Maamulka HirShabeelle, ka as oo ka dhashay isbedel la doonayo in lagu sam eeyo hoggaanka Maamulkaas ee qeybsiga dhina ca Beelaha ah.



Khilaafkaas oo aan si guud u muuqan ayaa waxaa jira Odayaal iyo Siyaasiyiin ka hadlay, halka qaarkood ay sheegeen in uus an jirin wax khilaaf ah oo xilligana ka jira habka lagu wado dhismaha Maa mulka HirShabeelle. Guddoomiyihii hore ee Maa mulka G/Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabaged) ayaa sheegay in si wanaagsan uu u socdo dhism aha Maamulka HirShabeelle, isla markaana Xild hibaannada Cusub la dhaarinayo.

Yuusuf Dabageed oo la hadlay Risaala waxaa uu sheegay in xilligaan uusan jirin wax khilaaf ah oo la xiriira dhismaha HirShabeelle, isla marka ana si toos ah loo guda galayo dhawaa doora sha da G/Baarlamaanka iyo tan Madaxw eynaha.

DHACDO NAXDIN LEH: WIIL DHALINYARO AH OO LA GOWRACAY

Dhacdo aad u Xanuun badan oo naxdin ku ab uurtay dadka degaanka ayaa ka dhacday DDS Galbeed, waxaana jira faah faahinno dheeraad ah oo laga helayo dhacdaaas argagaxa leh.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday Magaalaada Dha gaxbuur waxaana ay la yaab ku noqotay Bulshada ku nool Magaaladaas kadib markii dil fool xun lo ogu gaystay Maxamad Cabdi Budul oo ahaa wiil dhallinyaro ah.

Marxuumka la dilay ayaa waxa ballamiyay sida la sheegay Nin uu lacag dayn ah ku lahaa, ka asi oo sida la sheegay shir qool u diyaariyay mar xuumka, waxaana la sheegay in uu gowracay mar kii uu u yimid Maxamad Cabdi Budul oo ah Marx uumka la gawracay.

Dhacdadaan ayaa markii ay ka wer heleen da dka degaanka ee ku nool magaalada Dhagaxbuur ayaa waxaa ay ku noqotay mid Argagax ku abuurtay, waxaana ay sheegeen dadka degaanku in ilaa iyo hadda ay la yaaban yihiin sida wax u dhaceen. Ciidanka ammaanka ayaa gaaray goob ta falka gowraca ahi uu ka dhacay, waxaana ay sa meeyen howlagallo lagu soo qabqabtay eedeysa nihii la sheegay in uu gowracay marxuum Maxam ad Cabdi Budul iyo dad la sheegay in ku lug leey ihiin fal ka, sidoo kale waxaa jira sida la sheegayo tuhma nayaal kale oo iyagana lagu raad joogo.

Dhacdada oo ah mid aad u fool xun ayaa dad ka degaanku waxaa ay sheegeen in aysan horay uga dhicin degaanka iyo guud ahaa Magaalada dhagaxbuur.

AYAX FARABADAN OO KU HABSADAY DEGAANO KA TIRSAN SHABEELLAHA DHEXE

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa lagu ar kay degaano & degmooyin ka tirsan G/Sh/dhexe Ayax farabadan, kaa soo baabi ’iyay dalagyo far abadan oo tacbanaa.

Meelaha ugu daran ee Ayaxa lagu arkay ayaa waxaa kamid ah Degmo oyinka Ceelbaraf, AadanYabaal iyo Mahadaay iyo degaano hoostaga, waxaana Ayaxa ka cawday beeralayda iyo xoolo dhaqatada ku nool gobolka Shabeellaha dhexe.

Muqtaar oo kamid ah Beeraleyda ku nool tuulo oyin u dhow degmada Ceelbaraf ayaa sheegay in dalagyada Beero dhowr ah oo ku yaalla Gobol ka Sh/Dhexe uu baabi’iyay Ayaxa, isla markaana tuu looyin kale uu kusii fiday.Waxaa uu sheegay in Ayaxa uu Shabeellaha Dhexe uga yimid degaano kale, waxaana uu ugu baaqay DFS& Maamulka HirShabeelle inay wax ka qabtaan. Horay Aya xa ayaa waxaa uu ku ha bsaday Beero ku ya alla degaano ka tirsan Maam ulada, Puntland, galmu dug iyo degaano kale, wa xaana halkaasi buufinta Ayaxa ka bilaabay diyaar ado ay keeneen Hay’ adaha FAO iyo USAID.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO KULAN XUS IYO MAHADNAQ AH KU MAAMUUSAY DUULIYE SARE AXMED DHEERE

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa munaasabad xus iyo maamuus ah u qabtay duuliye sare Axmed Maxamed Xasan (Ax meddheere) oo ka tirsanaaciidankii cirka ee do wladdii Jaalle Siyaad, Islamarkaana ahaa duuliy ihii fulin waayay amarkii lagu siiyay inuu duqeeyo M/Harg eysa. Munaasibaddaas lagu xusayey kaalinta muhiimka ah ee uu Duul iye Axmed Ma xamed Xasan kaga jiro taari ikhda dadka Soomaa liye ed, oo Habeen hore lagu qabtay ma daxtooyada Hargeysa, taas oo uu abaabulkee da lahaa ma daxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa ka qaybgalay G/G/wakiillada Somali land, xubno ka tirsan Xukuu madda, siyaasiyiin, Taliyaal ciidan iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda waxa laga jeediyay khudbado kala duwan, oo ku saabsan xuska iyo maamuuska Go’aankii duuliye Axmed Maxamed Xasan, uu ku badbaadiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Hargeysa, kadib markii Taliskii Siyaad Barre ku amray in uu duqeeyo magaalada.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Ca bdi oo munaasibadda gunaanaday, ayaa si mug leh ugu mahadnaqay duuliye sare Axmed Maxa med Xasan, waxana uu ku tilmaamay geesi indhe ergarad ah oo qaatay go’aan adag oo uu ku bad baadiyey kumannaan shacab ah iyo hantidooda.

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi waxa uu guddoonsii yey duuliyaha Baasaboorka Somaliland oo Diblom aasi ah iyo mulkiyadda dhul uu duuliyuhu leeyah ay oo looga dhisi doono guri isaga u gaar ah.

DOWLADDA UK OO WAR KASOO SAARTAY LACAGTA SHAB AAB AY KA QAADAAN GANACSATADA

Dowladda Ingiriiska ayaa walaac xoogan ka mu ujisay canshuuraha xad dhaafka ah ee kooxda AlShabaab ay ka qaado ganacsatada Muqdisho iyo gu ud ahaan kuwa Soomaaliya kaasi oo ay u adeegsato falalka argagixiso ee gudaha dalka.

Ergayga UK ee QM,Jonathan Allen ayaa sheeg ay in halis badan ay ka muuqato warbixinta guddiga amniga ee QM ka diyaariyeen Soomaaliya, gaar ah aan qaabka dakhliga ku hesho Shab aab, kaasi oo farta ku fiiqaya awooda kooxda.

Jonathan ayaa xusay in arrintaasi ay qeyb ka tahay caqabadaha culus ee weli ka jira Soo maaliya, inkasta oo ay jiraan horumar laga sameeyay dhinacyo badan, wuxuuna yiri "Waxaan u baahanaha y in aan taageerno Soom aa liya oo aan si wadajir ah uga shaqeyno la dirirka AlShabaab”

Warbixinta QM ee dhawaan lagu soo bandhigay shir uu yeeshay golaha amaanka, ayaa daaha ka rog eysay in Shabaab ay 21Milyan ka hesho sanadkii ca nshuuro ay ka qaado dekedda Muqdisho iyo gan acsatada magaalooyinka.

Waa arrin halisteeda leh in Shabaab ay canshuur ka qaado ilaha dhaqaalaha ee dalka, taasi oo la rumeysan yahay inay horseed u tahay amni darada ka jirta caasimada iyo gudaha Soomaaliya.

Ma jirto jawaab rasmi ah oo ay dowladda ka bixi say warbixinta QM ku soo bandhigayso dhaqaalaha ay kooxdaasi ka aruuriso dekeddda iyo ilaha dhaq aale ee dalka, marka laga reebo inay hore u sheegt ay inay isha ku hayso arrintaasi, inkasta oo ay muuq ato inay ku guuldareysatay wax ka qabashade eda.

MAREYKANKA OO SOMALIYA U BALAN QAADAY QORSHO LOOGA HORTAGAYO WEERARADA ALSHABAAB

Warbixin kasoo baxday howgalka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa diirada lagu saaray sida lagu xadidi karo awooda Ururka AlShabaab oo wee raro kala duwan ka fuliya Gudaha dalka Soomaaliya.

Warbiixnta ayaa waxaa lagu sheegay in waxka qabashada iyo ka hortagga weerarada AlShabaab ay u baahan tahay iskaashi iyo in wadashaqeyn dhow ay ka yeeshaan dowladda Federaalka Sooma aliya iyo lahawlgalayaasha caalamiga si looga horistaago ilaha ay dhaqaalaha faraha badan ka helaan.

"Waxaa Mareykanka ka go’an in Soomaaliya uu kala Shaqeeyo sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen cunaqabateynta dhinaca hubka ah ee saaran iyo wax yaabaha qarxa si loo yareeyo khataraha weerarada AlShabaab ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Mareykanka.

Ugu dambeyn Warbixinta kasoo baxday howgal ka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu ba aqay Dowlad goboleedyada kajira dalka Soomaaliya iany gacan ka geystaan sidii loo joojin lahaa ilaha dhaqaale oo ay ka helaan AlShabaab.

Dhawaan Warbxiin soo baxday ayaa waxaa lagu sheegay in dhaqaalaha Alshabaab kasoo gala can shuuraha uu ka badan yahay midka dowladda u soo xaroota

R/ WASAARAHA ITOOBIYA OO SOCDAAL KU MAR AYA DOWLAD DEGAANKA SOOMAALIDA

R/Wasaaraha Itoobiya Dr, Abiye Axmad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen M/Godey Deegaanka DDS . Wafdiga Abiy Axmed ay aa wax aa soo dhaweeyay Madaxweynaha DDS Md.Mustafe Muxumed Cumar, Golhiisa Wasiirada, Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu wadaa in booqasho hal maalin ah uu ku maro degaano badan oo ka tirsan dowlad dega anka Soomaalida, isaga oo la kulmi doona Maamula da degmooyinka

iyo Bulshada intaba. Booqashada R/W Abiyaa uu ku tegay degaano ka tirsan DDS ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu so cdo dagaal u dhaxeeya Canfarta iyo Somalida, ka as oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

 


MAXAA KA CUSUB OLOLAHA DOORASHA DA MADA XTINIMADA MARAYKANKA?

Madaxweyne Donald Trump ayaa olole ka sam eyn doona gobollada Michigan, Minnesota iyo Wisc onsin, halka madaxweyne ku xige enkii hore Joe Bid en uu ka ololeyn doono gobollada Minnesota, Wis consin iyo Iowa.Michigan ayaa leh 16 cod oo ergada doorashada ah, halka Minnesota iyo Wisconsin uu gobolkiiba lee yahay min 10 ergo, Iowana ergadeedu waa 6.

Trump iyo Biden ayaa Kham iistii ololahooda diiradda ku sa aray gobolka Florida ee dhaca koonfurbari Ma reykanka, kaasi oo uu madaxweynu hu ku guuleystay doorashadii 2016kii.

"Haddii Florida ay noqoto buluug, waa ay dham maatay. Way dhammaatay,” Biden ayaa sidaasi ka sheegay isu soobax ololihiisa ah oo ka dhacay ban naanka hore ee Broward College, isaga oo buluugga ula jeeday midabka Xisbiga Dimuqraadiga.

Biden ayaa ku dhaleeceeyay madaxweyne Trump qa bashada isu soo baxyada ay dadka badan ka qeybg alaan, iyadoo ay jirto xaaladda cudurka safmarka ah ee coronavirus oo aysan inta badan dadka ka qey bgalaya isku soo baxyadaasi xirneyn maaskarooyin ka afka lagu daboosho, wuxuuna ugu yeeray "dhacd ooyin si weyn u faafinaya,” cudurka.

Madaxweynuhu wuxuu "faafinayaa wax ka badan coronavirus. Wuxuu fidinayaa kala qaybsanaanta iyo khilaafaadka,” Biden ayaa ka sheegay isu soo bax labaad oo meel banaan ah lagu qabtay kana dhacay magaalada Tampa, kaasi oo la soo gaabiyay roob halkaasi ka da’ayay awgeed.

Trump, oo la hadlaya dadweyne aad u tiro badan oo ku sugnaa barxad gaadiidka la dhigto ee garoon ku yaalla magaalada Tampa, ayaa mar kale saada aliyay in codeeyeyaal aad u tiro badan oo Jamhuuri ah ay soo bixi doonaan maalinta doorashada ee 3da November. "Waan ku guuleysaneynaa doorashadan si aad u weyn. Waad arki doontaan, ”ayuu madaxw eynuhu saadaaliyay.

CABDI FATAAX ELSISI: "HADDII NABIGA LA AFLAGAAD DEEYO XURRIYAD HADAL MA JIRTO”.

Carada laga muujinayay hadalladii meel ka dha ca ku ahaa Nabi Muxammad NNKH ee uu jeediyay madaxweynaha Faransiiska ayaa cirka isku share reysay isbuucan. Qaar ka mid ah hoggaamiye yaasha dalalka Muslimiinta ayaa ka mid ah malaa yiinta qof ee ka fal celiyay arrintaas.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdi Fataax ElSisi ayaa caddeeyay mo wqifkiisa ku aaddan mowduuc aas, isagoo sheegay in hadal lagu wee rarayo Nab iga uusan wax qiil ah lahayn.

"Xurriyadda hadalka way ka baxeysaa meesha markii markii Nabi Muxammad la caayo”, ayuu yidhi madaxweyne ElSisi.

Isagoo ka jawaabaya sawirrada kartoonka ah ee uu wargeyska Charlie Hebdo ku aflagaaddeeyay na biga NNKH ayuu ElSisi sheegay in aan loo dul qaa dan karin wax dhibaato u geysanaya dareenka dad tiradoodu gaareyso hal bilyan iyo badh.

Madaxweynaha Masaarida ayaa hoosta ka xarii qay inuu gabi ahaanba kasoo hor jeedo "qalalaase kasta oo loo sameeyo iyadoo lagu difaacayo arrimo diimeed ama astaamo muujinaya caqiido gaar ah.”

Dr Zakir Naik, oo ka mid ah shaksiyaadka ugu cans an bulshada muslimiinta dhexdeeda ayaa talooyin u jeediyay dadka sawirrada ku qeexaya Nabiga NNKH iyo waliba kuwa muslimiinta ah ee ka falcelinaya labadaba.

"Waxaan leeyahay dadka kartoonka ka sameyna ya Nabiga NNKH, maxaad taas baddalkeeda si daa cadnimo ku jirto dood ula gali la’dihiin Islaamka?”

"Muslimiinta qalalaasaha ku falcelinayana waxaan leeyahay, maxaad canbaareynta loo jeedinayo Isla amka uga jawaabi la’dihiin sababo iyo xikmad?”

Madaxda dalalka Islaamka ee sida degdegga ah gaashaanka ugu daruuray hadalkii Mr Macron waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Imran Khan.

Qoraallo isdaba joog ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku qeexay sida uu uga soo horjeedo hadallada ka dhanka ah muslimiinta iyo aflagaadda da Nabi Muxammad NNKH.

"Dhiirrigalinta uu Madaxweyne Macron siinayo sa wirrada kartoonka ah ee lagu aflagaaddeynayo nab iga NNKH iyo diinta Islaamka isagoo aan waxba ka fahansaneyn arrintaas, wuxuu ku weeraray kuna dhi baateeyay dareenka malaayiin muslimiin ah oo ku nool Yurub iyo caalamka intiisa kale”, ayuu soo qoray Ra’iisul Wasaare Khan.Dhanka kale, shirkadda Twitt erka ayaa masaxd ay qoraallo uu soo galiyay Ra’ iisul Wasaarihii hore ee Malaysia, Mahatiir Maxamed, kuwaasoo ay ku sheegeen inay "dhiirrigalinayeen qalalaase iyo dil.”

Tallaabada lagu masaxay qoraalka Mahatiir ayaa ti mid kaddib markii dad badan ay ka dacwoodeen ha dallo uu siyaasigaas ku sheegay halkaas oo ku talinayay in dadka Muslimiinta ah ay aargoosi ahaan u dilaan malaayiin qof oo Faransiis ah.

Madaxweynaha Iiran Xasan Rouhani ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha sida kulul uga jawaabay had alkii carada abuuray ee kasoo yeeray madaxweyne Macron. Madaxweynaha Iiraan Xasan Rouhani

"Reer Galbeedku waa inay fahmaan Nabiga wanaa gsan ee Muslimiinta inay jecel yihiin dhammaan dad ka muslimka ah iyo waliba dadka xornimada jecel ee caalamka,” ayuu yidhi Rouhani.

"In la caayo nabiga waxay la mid tahay in la ca ayay dhammaan muslimiinta. Haddii nabiga la caayo waxaa la caayay dhammaan nabiyada, qiimaha bani ’aadanka iyo shuruucda oo dhan.” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo sida ugu adag uga jawaabay hadalkii madaxwe ynaha Faransiiska ayaa su’aal galiyay in Mr Macron uu caafimaadkiisa dhinaca maxkaxda wanaagsan yahay. Wuxuu Erdogan ku baaqay in dhammaan wadda mada Muslimiinta ah ay xayiraad kusoo roga an bade ecooyinka Faransiiska.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan

Dalka Faransiiska waxaa Khamiistii ka dhacay we erar loo adeegsaday Toori oo lagu dilay saddex ruux.

Nin u dhashay dalka Tunisia oo sitay toorreey, kuna dhawaaqayay "Allahu Akbar” ayaa haweeney ku gowracay labo qof oo kalena ku dilay gudaha kaniis ad ku taalla magaalada Nice ee dalka Faransiiska, ka hor inta aysan isagana toogan kaddibna kaxeynin booliiska. Sidoo kale waxaa weerar lagu qaaday qu nsuliyad da uu Faransiiska ku leeyahay magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga.

Qaar ka mid ah waddamada caalamka ayaa mu ujiyay taageero ay la garab taagan yihiin Faransiiska, iyagoo canbaareeyay weerarrada lala beegsaday.

Dowladda Qadar ayaa dhankeeda soo saartay bay aan ay ku canbaareyneyso weerarkii toorrida loo ade egsaday iyo kii ka dhacay qunsuliyadda Faransiiska ee magaalada Jiddah.

"Xukuumadda Dooxa waxay cusbooneysiiney saa mowqifkeeda ku aaddan sida ay uga soo hor jeeddo qalalaasaha iyo argagaixisanimada iyadoo aan eegeynin sababta loo sameynayo falalkaas,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Hindiya ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay si buuxda u garab taagan tahay Faransiiska.

R/Wasaaraha Hindiya Narendra Modi (bidix) iyo mad axweynaha Faransiiska Emmanuel Macron

R/Wasaare Narendra Modi ayaa bartiisa Twitterka ku sheegay inuu si adag u canbaareynayo weerarra dii argagixiso ee dhawaan ka dhacay Faransiiska.

Qoraal uu soo dhigay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitt erka ayuu Mr Modi ku yidhi: "Waxaan si xoog badan u canbaareynayaa weerarradii argagixiso ee laga ge ystay Faransiiska, oo uu ka mid yahay kii ugu damb eeyay ee foosha xumaa ee ka dhacay gudaha kaniis adda ku taalla Nice.”

Hindiya waa waddanka labaad ee ay ku nool yih iin muslimiinta ugu badan caalamka

Xigasho:BBCSmali

FRANK BOUGH BARNAAMIJ SOOJEEDIYIHII HORE BBCDA OO GEERIYOODAY

Mid kamid ah ehelladiisa ayaa BBCda u sheegay in Frank Bough oo ku geeriyooday gurigiisa oo in muddo ah lagu daryeelayey. BBCda aad ayey ugu Shalay shaqadiisii. Afhayeen u hadlay BBC ayaa yiri: "Frank wu xuu si wanaags an ugu soo shaqeeyey BBCda sanado badan, aad ayaan uga xunnahay inaan maqalno geer idiisa.

Waxaan tacsi u diraynaa qoyskiisa iyo asxaab tiisa” Soojeediyuhu wuxuu ka mid ahaa shakh siyaadkii ugu caansanaa telefishannada ee sanadihii 1970naadkii iyo 80maadkii wuxuuna qayb ka ahaa daahfurkii BBCda ee Breakfast TV show 1983. Sannadkii 1989 Sky News ayuu ka shaqo bill aabay isaga oo soo gudbin jiray wareysiyo taxane ahaa.

Si kastaba ha ahaatee, shaqadiisii Sky waa ay soo gabagabowday kaddib markii shaqada looga ery ay fadeexo ka dhan ah sumcaddiisa oo ay soo wer isay News of The World. Bough, wuxuu maray qalliin be erka looga beddelay oo guuleystay 2001 kaddib markii uu ku dhacay kansar.Frank Bough wuxuu ku dhashay bartam aha Egl and gaar ahaann magaalada StokeonTrent bishii Jann aayo 1933.

DHULGARIIR XOOGGAN OO KU DHUFTAY TURKIGA

Dhulgariir xooggan ayaa Shalay ku dhuftay bad da Aegeanka, waxaana laga dareemay dalalka Tur key iyo Greece, ayada oo dhismooyin badan ay ku burbureen magaalada Izmir ee dalka Turkiga.

Dadka ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaal ada loo dalxiiska tago ee Izmir, sida ay sheegeen goob joogeyaal, kadib markii uu ka dhacay dhulgariir cabir kiisa lagu sheegay 7.0.

Wasiirka arrimaha gudaha Turkey Suleyman So ylu ayaa twitter ku sheegay in lix dhisme ay ku burb ureen laba degmo oo ka tirsan gobolka Izmir. Hase yeehsee, duqa magaalada Izmir ayaa tirada dhis mooyinka burburay ku sheegay inay ku dhow yihiin 20.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare naf eed oo xooggan, balse weli ma cadda heerka uu la eg yahay. Suleyman Soylu waxa uu sheegay ina an wax khasaare ah laga soo sheegin lix gobol oo ka le oo laga dareemay dhulgariirka, balse ay jireen gur yo dhowr ah oo qirir yar uu gaaray.

Ali Yerlikaya, oo ah barasaabka Istanbul, halka asi oo sidoo kale laga dareemay dhulgariirka, ayaa isna sheegay in wax khasaare ah aan lasoo werin.

Dhanka kale, dadka degan Jasiiradda Samos ee dalka Greece, halkaasi oo ay ku nool yihiin qiyaastii 45,000 oo qof ayaa lagu booriyey inay ka fogaadaan xeebaha. Wararka ayaa sheegaya in hirar waa weyn laga dareemay badda, lgana cabsi qabo in dhulgariirkan uu yahay tsunami.

MAXAY DOWLADDA TURKEY KA TIRI WEERARKII FARANSII SKA LAGU QAADAY KADIB GEFKII AY U GAYST EEN NEBIGA NNKH?

Dowladda Turkiga, oo dhowaanahan xiriir aan wa naagsanayn la lahayd D/Faransiiska, ayaa cambaar eysay weerarkii Dorraad ka dhacay magaalada Nice ee dalka Faransiiska.

Weerarkaas oo toorrey loo ade egsaday ayaa lagu qaa day kani isad ku taalla magaalada Nice ee dalka Fara nsiiska, halkaas oo lagu dilay seddax qof, dhowr kalena lagu dhaawacay.

2dan qof ayaa kala ahaa haweeney iyo nin lagu gowracay gudaha kaniisadda, sida ay wararku sheega yaan. Haweeney kale oo ku carartay maqaayad u dhow eyd goobta uu weerarka ka dhacay ayaa la sheegay in qofka weerarka fuliyay uu dhowr jeer toorrey ku dhuftay, dhaawac ka soo gaarayna ay u geeriyootay.

Turkiga ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid "wuxuu shn imo ah” oo aan la aqbali karin waxayna sheegtay inay sida ugu xooggan u cambaareyneyso.

Dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Erd ogan ayaa dhowaan ka carootay hadallo ka soo yee ray madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel macron, kaas oo ka dhan ahaa "diinta islaamka iyo Nebi Maxamed NNKH”.

Faransiiska iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeey ay xiisad xooggan kadib markii Madaxweynaha Tur kiga Recep Tayyip Erdogan u uku baaqay in "mask axda laga baaro” madaxweynaha Faransiiska Em manuel Macron, xilli ay sii kordheyso carada ka dha latay hadal uu ugu gefay Islaamka.

Macron ayaa ka carreysiiyey Muslimiinta kadib markii uu cambaareeyey wax uu ugu yeeray "islaam iyiinta”, wacadna ku maray "inaanu ka tanaasuli doo nin” sawir gacmeedyada loola jeedo Nebi Muxamed NNKH, kadib markii la gowracay Samuel Paty, oo ahaa macallin Fara nsiis ah oo ardaydiisa tusay sawir gacmeed loola jeedo Nebiga NNKH.

XOG KU SAABSAN NINKII WEERARKA KA GAYSTAY FARANSIISKA

Ninkii ku toorriyeey labada gabdhood iyo ninka tan iyo ilaa inta ay ka dhinteen kaniisad ku taal dalka faran siiska ayaa la sheegay in uu ka yimi uun maalmo ka hor dalka Tuniisiya.

Eedeysanahan oo 21jir ah ayaa watay Dukume nti Laanqeyrta Cas ee Talyaan igu oo la siiyey ka dib markii uu Doon Tahriibayaal ku yimid Jesii radda Lampedusa ee Talyaan iga bishii la soo dha afay. Waxaa toogtay boolis ka, waxa uuna hadda ku sugan xaalad halis ah. Mid ka mid ah dhibbanayaasha weerarkii Kha miistii ka dhacay NotreDame basilica ee magaalada Nice ay aa "gebi ahaanba uu qoorta ka gooyay”.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaana ku tilma amay falkan "weerar argagixiso oo Islaami ah”.

Falkan ayaa ka daba imanaya weerar kale oo horr aantii bishan ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaal w/galbeed ee M/Paris. Samuel Paty, oo ah macalin, ayaa qoorta la ga jaray maalmo ka dib markii uu tusay kartoon sawirka nabi Muxam ed NNKH uu ku sheegay qaar ka mid ah ardaydiisa. Dilkaas ayaa sare u qaaday xiisadaha ka taagan Faransiiska. Difaaca Mr Macron ee xuquuqda daa bacaadda kartoonada iyo iskudayada dowladda ee

WARARKII UGU DAMBEEYAY DHUL GARIIR KU DHUFTAY TURKIGA

Dhulgariir xoog leh ayaa ku dhuftay xeebta Aeg ean ee Turkiga iyo waqooyiga jasiiradda Giriigga ee Samos, halkaas oo uu ku burburiyey guryo ay na ku dhinteen ugu yaraan 22 qof.

Dhulgariirka cabirkiisu yahay 7.0 ayaa haleelay gobolka Izmir ee Turkiga, sida ay sheegtay USG.

Turkiga ayaa cabirka ka dhigay mid hoose, oo ah 6.6, iyaga oo sheegay in 20 qof ay dhinteen 786 ay ku dhaawacmeen gobolka Izmir. Halka Samos, laba dhalinyaro ah ay ku dhinteen.

Mas’uuliyiinta Izmir, oo ah xarunta gobolka, ay aa hadda samaynaya aag teendho ah oo ay ku xa rayn ayaan qiyaastii 2,000 oo qof habeenkii, iy adoo laga cabsi qabo in dhismayaal badan ay dumaan.

Maamulka ayaa sheegay in 70 qof laga soo ba dbaadiyay burburka hoostiisa. Samatabbixiyeyaa shu waxay sii wadeen inay qodaan godad shub ah, iyagoo rajeynaya inay helaan oo badbaadiya an dad intaas ka badan.

USGS waxay sheegtay in dhul gariirkan – oo laga dareemay meel fog sida Athens iyo Istanbul uu ku dhuftay dhul gaadhaya 10km (lix mayl), in kastoo saraakiisha Turkiga ay sheegeen inuu dhulka ka hooseeyo 16km.

Turkiga iyo Giriiga labaduba waxay ku fadhiy aan khadadka cilladaha, dhulgariirku waa wax ka caadi ah. Rescuers search for survivors at a coll apsed building in Izmir, Turkey. Photo: 30 October 2020

Magaalada Izmir, oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka Turkiga oo ay ku nool yihiin ku dhowaad saddex milyan, waxaa la arkaayey dad badan oo ku qulqulaya waddooyinka iyagoo arg agaxsan iyo cabsi kadib dhulgariirkii dhacay. Ugu yaraan 20 dhisme ayaa dumay.

Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada oo u muuqda mid muujinaya hal dhisme oo dhowr da baq ah uu hoos isugu dumay, sida ay ku soo wa rantay weriyaha BBCda ee Istanbul Orla Guerin. Muuqaalo kale ayaa muujinaya dadka deegaanka oo ka dul daadanaya burburka iyagoo raadinaya dad badbaaday.

Chris Bedford, oo ah macalin Ingiriis ah oo haw lgab ah oo ku nool magaalada Urla, galbeedka Iz mir, ayaa u sheegay BBC "Waxay ahayd ruxitaan aad u xoog badan oo ku dhowaad inuu cagahaa ga kaa rido. Ka baxsashada guriga aniga iyo car uurtaydu ayaa na badbaadisay” .

WEERAR LAGU QAADAY QUNSULIYADDA FARANSIISKA EE JIDDAH

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP, nin mindi watay ayaa weeraray qunsuliyadda Faransiiska ee Jiddah, wuxuuna halkaas ku dhaa wacay mid ka mid ah waardiyeyaasha.

AFP waxay sheegtay in dhacdadaas oo Shalay ahayd ay xaqiijiyeen saraaki isha Sacuudiga.

Dalka Faransiiska wuxuu wajahayaa cadho xoog leh oo ka dhalatay sawirgacme ed laga sameeyay Nabi Max amed NNKH.

Dhacdadan waxay imaaneysaa xilli uu weerar kale oo toorrey loo adeegsaday lagu qaaday ka niisad ku taalla magaalada Nice ee dalka Far ansiiska, halkaas oo lagu dilay seddax qof, dhowr kalena lagu dhaawacay. Maamulka Faransiis ka ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid argagixi so.War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Faransiiska ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay: "Qofka weerarka soo qaaday waxa qabtay ciidam ada amniga ee Sacuudiga, isla markii uu weerarka bilowday. Waardiyaha dhaawacmay waxaa loo qaaday isbitaal, xaaladdiisana ma xumo”, ayey qoreen AFP iyo Reuters.

Booliska Gobolka Makah oo Jiddah ay ka tirs an tahay, waxay sheegeen in qofka la xiray uu u dhashay Sacuudiga, balse ma aysan sheegin dhal ashada qofka dhaawacmay, sida ay qortay wak aaladda wararka ee Reuters.

ITOOBIYA OO LOO SOO JEEDIYAY IN DOORASHOOYIN KA AY QABSOOMAAN BISHA MAY

Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa soo jeediyay in doorashooyinka guud ee dalkaas la qabto dhammaadka bisha May amaba horr aanta June 2021.

Doorashooyinka ayaa lagu wa day inay qabsoomaan bishii Augu st sanadkan, balse dib ayaa loo dhigay sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

Guddiga ayaa soo jeediyay in shaqaalaha cod bixinta la tababaro bartamaha December ilaa ba rtamaha January.

Diwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa sidoo kale la soo jeediyay in la bilaabo bartamaha Jan uary ilaa toddobaadka saddexaad ee February.

Guddiga ayaa sidoo kale soo jeediyay in diwaa ngelinta musharraxiinta la bilaabo horraanta ilaa bartamaha February isla markaana ololaha door ashooyinka ay bilowdaan bartamaha February.

MAXKAMAD KU TAALLA KENYA OO XUKUNTAY RAG GII KA DAMBEEYAY WEERARKII WESTGATE MALL

Maxkamad ku taalla dalka Kenya gaar ahaan Maxkamad ku taalla dalka Kenya gaar ahaan magaalda Nairobi ayaa laba nin oo loo heysto in ay ka dambeeyeen weerarkii Westgate Mall xukunay ka dib maalmo ay socotoy dhageysiga dacwadooda.

Waxaa lagu kala xukum ay 33 iyo 18 sano oo xarig ah ka alintii ay ku lahaayeen weerarkii sanadkii 2013kii ee lagu qaaday Westgate Mall ee M/Nayrobi, kaasi oo ay ku dhin teen 67 qof magaalada Nairobi.

Ragga la xukumay ayaa kala ah Maxamed Axmed Cabdi iyo Xusseen Xassan Mustafa ayaa loo haystaa in ay gacan siinayeen AlShabab.

Garsooraha maxkamadda sare Francis And ayi ayaa labadan nin ku xukumay 18 sano oo shir qool maleegid ah iyo 18 sano oo ay ku kuteysteen taageerada ay siiyeen argagixsada.

Maxamed Axmed Cabdi waxaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi dheeri ah ka dib markii lagu hel ay dambi ah in uu haystay agab caawiyay AlSha baab.

Labadan nin oo muddo toddobo sano ah ku qaatay xabsi ayuu Andayi sheegay in sanadahaas laga jari doono xukunnadooda.

Waxaan wali la ogeyn halka uu ku sugan yah ay eedaysane saddexaad, Liibaan Cabdullah Cu mar, oo horraantii bishan October ay maxkamad du ku weysay wax dambi ah. Liibaan ayaa waxaa kaxaysatay dabley hubeysan oo aan la aqqoon san.

TRUMP” ILHAAN CUMAR WAXAY JECESHAHAY YEMEN LAAKIIN MA JECLA DALKEENA "

Madaxweynaha Mareykanka DonaldTrump ay aa weerar afka ah ku qaaday xildhibaan Ilhaan Cu mar oo ka mid ah xildhibaanada Congareeska Ma reykanka ka dib markii ay dhawaan ku eedeysay in Madaxweynaha uu qeyb ka yahay siyaasadda Arrimaha dibada ee fashilan gaar ahaan xaa laddaha dalka Yemen. Madaxweyne Trump wu xuu sheegay in Ilhaan Cumar iyo Joe Biden oo ah Musharaxa la tartamaya ay doonayaan in dad mu haajiriin ah ay soo galiyaan Mareykanka.

"in 700% la kordhiyo qaxootiga laga soo qaado meelaha ugu halista badan ee argagixisada meel kasta oo adduunka ah oo ay ku jiraan Syria, Somalia, waa siyaasadda Ilhaan Cumar iyo Biden” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Xilli uu la hadlaayay taageerayashiisa Madaxw eyne Trump wuxuu aad ugu soo celceliyay mag aca Ilhaan ilaa ay ku buuqaan tageerayaashiisa.

” Ilhaan Cumar Waxay Jeceshahay Yaman La akiin Ma Jecla Dalkeena ” ayuu mar kale yiri Trump.

Khilaaf xoog leh oo dhanka Siyaasada ah ayaa ka dhex taagnaa Madaxweyne Trump iy Ilhaan Cu mar dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

TIRADA DADKA KU WAXYEELOOBAY DHUL GARIIRKA TURKIGA OO GAARTAY 800 OO QOF

Ugu yaraan 26 ruux ayaa geeriyootay 800qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii dhul gaririir cabirkiisu yahay 6.6 ku dhuftay Gobolka Izmir ee dalka Turkiga sida ay shaacisay Hay’adda Maareynta musiibooyinka ee dalka Turkiga.

Guddoomiyaha Gobolka Izmir Yavuz Selim Kosger ayaa sheegay in kooxaha gurmadka deg deg ah ay soo badbaadiyeen 100, qof oo ku hoos jiray dhismayaasha dumay, waxaan ay weli ku howlanyihiin sidii loo baadi goobi lahaa dadka kale ee ku haray daaraha bur buray.

Duqa magaalada Izmir Tunc Soyer ayaa tilmaamay in ku dhawaad 20 guri uu bur buriyay dhul giriirka, isagoo intaa ku daray in meelaha ugu daran ee uu saameeyay dhul giriirka ay tahay degmooyinka Bayrakli iyo Bornova ee Gobolka Izmir.

Wasiirka Deegaanka ee dalka Turkiga Murat Kurum ayaa sheegay in dad badan ay ku xanibanyihiin ilaa iyo shan dhismo oo ku dumay dhul giriirka, waxaana uu intaa ku daray in kooxaha gurmadka deg deg ay ku howlyihiin sidii dadkaasi loo soo bad baadin lahaa.

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladda ay u istaagtay sidii loogu gurman lahaa muwaadiniinta uu waxyeelada u geystay dhul giriirka ka dhacay Gobolka Izmir.

ROOB MAHIIGAAN AH OO KA DA’AY DEEGAANO KA TIRSAN PUNTLAND

Wararka aan saakay ka heleyno deegaano badan oo ka tirsan Puntland ayaa sheegaya in xalay uu roob mahiigaan ah ka da’ay.

Deegaanada uu roobku ka da’ay ayaa ka tirsan Karkaar iyo Nugaal ee Puntland, kuwaas oo qaarkood aysan horay uga di’in roob abkii deyrta, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deeg aanka.

Gobolka ay Puntand ula baxday Karkaar, gaar ahaan magaalooyin ay ka mid tah ay Qar dho iyo dhulka ku xeeran, waxaana la soo she egayaa in uu gaarsiisanyahay soohdin ta u dhexaysa gobollada Sool, Sanaag.

 

Gobolka Nugaal, sidoo kale degaanno kala duwan oo ka tirsan dhulka loo yaqaan Iyaxda ayuu xalay roobku ka da’ay, waxaana ka mid ah magaalooyinka roobsaday Garowe oo caasima

d u ah Puntland

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip