HALKAAN KA AKHRISO :WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 26-KA OKTOOBAR 2020-KA

0
Monday October 26, 2020 - 12:03:58 in Wararka by
  • Visits: 693
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO :WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 26-KA OKTOOBAR 2020-KA

    RA'IISUL WASAARE ROOBLE OO KU BOGAADIYEY LAAMAHA AMMAANKA DARDAR GELINTA QORSHAHA FUDUDEYNTA ISUSOCODKA CAASIMADDA RW/Xukuumadda FS Md.Maxamed Xuseen Ro oble ayaa kormeeray Jidka Tarabuunka oo hal boowle u ah isu socodka Caasimadda, si uu u h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RA'IISUL WASAARE ROOBLE OO KU BOGAADIYEY LAAMAHA AMMAANKA DARDAR GELINTA QORSHAHA FUDUDEYNTA ISUSOCODKA CAASIMADDA RW/Xukuumadda FS Md.Maxamed Xuseen Ro oble ayaa kormeeray Jidka Tarabuunka oo hal boowle u ah isu socodka Caasimadda, si uu u hu biyo fulinta amarkii ku aaddanaa isu socodka bu lshada iyo gaadiidka ee uu faray Laamaha Ammaanka. R/Wasaaraha ayaa tilmaam ay in furitaanka waddadan oo xirnayd ku dhawaad 10 sano ay muujinayso iskutashiga iyo wada shaqeynta Laamaha amniga iyo shacabka Caasimadda oo ay ka go'an tahay in ay si qorsheysan ku wajah aan duruufaha amniga, una midoobaan xasilinta Caasimadda. "Bulshada Caasimadda waxa ay nala wadaag een sida ay uga go'an tahay in ay la shaqeeyaan Laamaha amniga oo wakhti kasta u taagan badq abka nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliy eed.Qof kasta waxaa waajib Qaran ku ah fashilin ta dhagarta ay dadkeenna u soo maleegayaan argagixisadu." RW.Rooble ayaa ku bogaadiyey Taliska Booliska Ciidanka Soomaaliyeed &Maamu lka G/Banaadir hirgelinta qorshahan culeyska la gaga dulqaadayo isu socodka Caasimadda, waxa uuna ku adkeeyey inay sii dhammeystiraan, korna u qaadaan wadashaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin Shacabka. Sidoo kale Rooble ayaa uga mahadceliyey ga nacsatada iyo qeybaha kale ee bulshada dhabar adeygga ay ku wajaheen durufiihi ka dhashay xir naanta waddooyinka, isagoo tilmaamay in ay qeyb ka ahayd dadaalladii lagaga hortageyey dhagarta argagixisadu ay u soo maleegayeen shacabka. DHAMMAAD


XILDHIBAAN SHAACIR "GUUL AYAAN U RAJAYNAA YAA WASIIR XAMSA IYO WASAARADA CIYAARAHA DALKA”

Xildhibaan C/hi Maxamed Aadan (Shaacir) oo ka tirsan Xildhibaanada G/SH/B/F/S horayna ugu mid ahaa xidigihii hore Soomaaliya ayaa u hambal eeyey Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Soom aaliya Md. Xamza Saciid Xamza,isagoo sheegay in Wasiir Xamze uu yahay shaqsi aqoon iyo qibra da wanaagsan u leh guud ahaan ciyaaraha dalka.

"Wasiir Xamsa Saciid Xamsa waa nin aqoony ahan,sidoo kale heer sare ayuu ka gaaray isboort iga dalka,waxaan u rajaynaynaa inuu wax badan ku soo kordhiyo Wasaarada Ciyaaraha Soomaal iya ” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Xildhibaan C/hi Maxamed Aadan (Shaacir)

Tan iyo markii 190ctober 2020 Wasiirka Ciy aaraha iyo dhalinyarada loo magacaabay Xamza Saciid Xamza waxaa soo baxayay soo dhaweynta loo muujinayay Mr.Hamza,waxaana bahda isboort iga dalka ay guul u arjeeyeen Md. Xamza Saciid Xamza iyo saaxiibada Wasaarada Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dalka. "Si weyn ayay bahda ciyaara ha Soomaaliya u soo dhaweeyeen Md. Xamza, taasna waxa ay muujinaysaa in uu yahay qofkii ku haboonaa ee loo magacaami lahaaa Wasaarada, maadama uu yahay laacib u soo dheelay Xulka Qaranka Soomaaliya,kooxda Bada iyo Degmada Xamar Jajab” ayuu hadalkiisa raaciyay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Aadan (Shaacir)

RA’IISUL WASAARE ROOBLE OO LA KULMAY XOGHA YAHA GUUD EE FESOJ MACALIMUU R/wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Do rraad xafiiskiisa kula kulmay Xoghayaha Isuta gga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu iyo madaxa Tababarka FES OJ Faarax Cumar Nuur iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan FESOJ. Xoghayaha Guud ee FESOJ Maxamed Ibraa him Nuur ayaa bartiisa Face book waxa uu ugaga hadlay kula nkaas isagoo cinwaan uga dhig ey "BILLOW BARAKO”Billow Barako Markii uu soo galay R/W/ Rooble qolkii ku lanka ka dhici lahaa oo aan horey u sii far iis annay ayaa salaanta islaam ka ka dib waxa uu R/Wasaaruhu soo jeediyay inaan faataxada ma ranno si uu kulankeena abshirta iyo wanaagga inoo wada waafajiyo . Intaa kadib waxaan gud da galnay kulankeenii qorsheysnaa ee RW iyo urura da saxaafadda . Sidii dhaqankuba ahaa soo dha weyn

RW.cusub ka dib,waxa aan si aad ah u jeex jee xnay cabashooyinka iyo culeysyada hesta saxaaf adda Dorraad sida xariga iyo tacdiyada kale ee mar mar dhaca iyo sida ay la gama maarmaan u tahay in xukuumadda in xal wada jir ah loo helo wax ka qabashadooda ,xilli waliba dalku uu door asho aadayo.

RW/Rooble oo sida iiga muuqatay inuu soo tufayay hadallo kal iyo laab ah oo qalbiga ka soo go’ay ayaa sheegay inuu shaqsi ahaan aa minsan yahay in saxaafaddu ay tahay lafdhab arta dowln imo ,sidaa awgeedna xukuumaddu ay xoogga saareyso in wax ka qabato cabasho oyinka la she egay iyo guud ahaan damaanad qaadka xorriyada hadalka iyo tan warbaahinta .

RW oble ayaa sheegay in waarbaahintu dhan keeda ay saaran tahay masuuliyad weyn loo na baahan yahay inay sheegaan xaqiiqooyinka dhab ta ah ee jira si madax bannaan balse aa ney maleawaal iyo ku tiri kuyeen sal aan lah eyn aaney wax ku marin habaabin.

Waxa uu tusaale u qaatay inuu arkay Websi teyo wax ka qoraya goob uu ka hadlay oo uma dda u gudbinaya wax ka duwan wixii uu shee gay oo duuban ,lana heli karo.

Xukuumadda RW Rooble waxaa ku jira afar xubnood oo ahaa wariyayaal hore sidaa awg eed, wax ay warbaahintu rajeyneysaa inuu kulan kaasi ahaa "Billow Barako” oo dhamaan aan isa ga kaa shan laheyn sidii loo abuuri lahaa jawi iyo is faham iyo wadashaqeyn saamaxda in wa rbaahintu ay he sho deegaan nabdoon oo ay ku shaqeyso ,dalkan horumarkiisa iyo wanaagiisa loo wada istaago.

Maxamed Ibraahim Macalimuu Xoghayaha Guud ee Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

MUUSE BIIXI OO GO’AAN KA GAARAY CODSI CAFIS OO UGA YIMID MAXAMED CUMAR CARTE QAALIB

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cab di ayaa soo saaray qoraal degdeg ah oo uu go’ aan kama dambeys ah uga gaarayo safarka la sheegay in R/wasaare kuxigeenkii hore ee Sooma aliya, Maxamed Cumar Carte Qaalib uu ku tagayo M/Hargeysa. Madaxweynaha ayaa qoraalka uu soo saaray ku sheegay inuu aqbalay codsi uu u soo gudbiyay Md. M.Carte Qaalib, oo ka tirsanaa xildhibaanada BFS ka hor inta uusan dhawaan ka tagin xilkaasi.

Qoraalka Md Biixi ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inuu tixgeliyay codsi 4 Maalin ka hor ay u soo gudbiyeen odayaasha dhaqanka ee beesha uu kasoo jeedo Qaalib, kuwaasi oo ay ku dalban ayaan inuu iman karo deeganada Somaliland.

"Markii uu arkay qoraalka talo bixinta ee Xeer ilaaliyaha Soomaaliland, Qoraalka W/Arrimaha Gu daha soomaaliland iyo Codsiga cafiska ah ee Oda yaasha Dhaqanka soo gaasriiyeen 21kii Bishaan inuu cafis u fidiyay Siyaasiga Maxamed Cumar Carte Qaalb,” ayaa lagu yiri qoraalka Biixi.

Md.Muuse Biixi ayaa cafiska uu u fidiyay Maxa med Cumar Carte Qaalib ku saleyay kadib markii sida la sheegay uu dib uga laabtay fikirkii hore ee Midnimada Soomaaliya, maadama ay Somaliland ku doodo inay tahay dal madaxbanaan. Dhina ca kale, Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa Sha lay ka soo degay madaarka M/Hargeysa ee Ciga al, sida ay saraakiil ka tirsan madaarku u xaqiijiye en Caasimada Online.Maxamed ayaa la gu soo waramayaa inuu iska casilay golihii uu ka midka ahaa, kadib markii xukuumadda Somaliland ay shuruud uga dhigtay si uu ugu soo safro M/Har geysa.Wuxuuna cafiskaasi madaxweynuhu ku sal eeyay kadib markii uu dib uga laabtay fikirkii hore ee Midnimada Soomaaliya, maadama ay Somalil and ku doodo inay tahay dal madaxbanaan.Xigasho:Caasimadda.Net

MADAXWEYNE WAARE OO MAGACAABAY XUBN AHA HISHABEELLE KU MATALAYA GUDDIYADA HEER FEDERAAL

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa manta soo gudbiyey xubnaha maamulkaas ku matalaya guddiyada doorashada heer federal ee 20202021 oo laga sugayey iney soo gudbiyaan.

Madaxweynaha xubnaha uu soo magacaabay ayaa ka kooban afar xubnood, kuwaas oo Hishabeelle matali doona , waxaana ay kala yihiin Cabdinaasir Maxamed Guulee iyo Maxamed Maxamuud Cadow oo matalaayo guddiga hirghelinta doorashada dadban ee 20202021.

Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa Farxiyo Xasan Cismaan iyo Liibaan Cismaan Nuur ayaa u magacaabay in Hirshabeelle ay ku matalaan guddiga xalinta khilaafaadka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Qoraal kasoo baxay madaxweynaha ayaa lagu sheegay in xubnahaan la magacaabay ay ka dambeysay heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaalada Muqdisho, kaas oo u dhaxeeyey dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada laguna jaangooyey nuuca doorasho ee dalku uu

aadayo 20202021ka.

MAXAY ILHAAN CUMAR KA TIRI DOORASHADA SOOMAALIYA?

Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo ka tirsan golaha Congresska Mareykanka ayaa ka hadashay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doo rashooyinka ku soo food leh dhammaadka san adkan 2020 iyo ka xiga ee 2021ka.

Ilhaan Cumar oo warrameysay BBCda in rajo wanaagsan ka muujisay doorashada soo socota, iyada oo si gaar ah uga hadashay kaalinta dumar iyo hoggaaminta dalka. Sidoo kale waxa ay ku ba aqday in la dhiirogeliyo gabdhaha Soomaaliyeed ee ku jira siyaasadda, islamarkaana lagu aamino xilalka muhiimka ah ee ay qaban karaan.

"Waxaan rajeynayaan in doorashooyinka dhici doona la dhiirageliyo dumarka, in nala aamino iyo inay wax badan soo dhicin karaan haddii boos la siiyo,” ayay tiri Ilhaan.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku sii dartay haddii dumarka la siiyo fursad in ay la imaan karaan isbedal muuqda. "Waxaan u maleynayaan gabdha heena Mareykanka ee tartamay ee ku guuleystay inaan tusaale u noqon doono dadka jooga Sooma aliya oo ay u fahmaan in marka gabdho la doorto isbedel fiican la helaayo,” ayey sii raacisay Ilhaan Cumar. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan dood adag ay ka taagan tahay qoondad


WASAARADDA BEERAHA XFS OO TABABAR UFURTAY QAAR KA MID AH SHAQAALAHA WASAARADDA

Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Soom aaliya ayaa tababar ku saabsan Hay’adda adeegy ada baritaanka iyo sharciyeynta beeraha Soomaal iyeed u furtay xubno ka kala socday wasaaradda iyo kuwa maamul goboleedyada

Aqoon kororsigan oo ay ka qeyb galeyn Qaar ka mida masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaarada ha beeraha ee heer federaal iyo heer dowlad gobo leed ayaa u jeedkiisu ahaa sidii xog is weedaarsi iyo fahan fiican looga heli lahaa shaqooyinka ay qaban doonto Hay’adda adeegyada baaritaanka iyo sharciyeynta beeraha Soomaaliyeed oo ay diy aarisay wasaarada beeraha Soomaaliya hadana sharcigeedu horyaalo xildhibaanada golaha shac abka oo marsiiyay aqriska koowaad.

Agaasimaha Qorsheynta iyo siyaasadda ee wasaaradda beeraha Soomaaliya Maxamuud Ya asiin Cartan ayaa sheegay in tababarkan uu muh iim yahay isla markaana loo baahanyahay inay si wadjira uga faaiideystaan xubnaha ka kala socda Wasaarada beeraha ee federaalka iyo kuwa maa mul goboleedyada.

Wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha iyo war aabka Soomaaliya Xaamuud Cali Xasan oo tabab arka furay ayaa xusay in Hay’adda adeegyada baritaanka iyo sharciyeynta beeraha ay muhiimad weyn u leedahay dalka maadama ay sahli doonto In la koontaroolo cuntada dalka soo gasha iyo kuwa ka baxa intaba.

DOWLADDA OO QIIMEYN KU SAMEYNEYSA AMA ANKA GOBOLLADA DALKA EE LA FILAYO IN AY DOORA SHOOYINKA KA DHACAAN

Dowladda Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa doorashada 202021 oo kol hore ay ku heshiiyeen madaxtooyada Soomaaliya iyo madaxda dowlad gobolleedyada inay waqtige eda ku dhacdo.

Dhamaan Dowlad gobolleedyada ayaa loo asteeyay in doorashada soo xulista Xildhibaannada cusub ay ka dhacdo Labo deegaan Doorasho oo kala ah hadba labada magaalo ee ugu waaweyn dowlad gobolleed walba.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Xassan Maxamed Xijaar ayaa safar la xiriira u kuurgalida nabadgalyada goobaha loo diyaariyay in ay ka dhacaan doorashooyinka waxaa uu Dorraad ku tagay degmada DhuusaMareeb ee xarunta u ah dowlad gobolleedka Galmudug.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu qorshuhu yahay in maalmaha soo socda uu booqdo magaalooyin ka tirsan dowlad gobolleedyada dalka kuwaa oo loo asteeyay in ay ka dhacdo doorashada.

Taliye Xijaar ayaa ayaa kulamo la qaadan doona madaxda dowlad gobolleedka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada ee ku sugan degmada DhuusaMareeb.

SICIID DENI OO SI ADAG UGA HADLAY ARRINTA DEK EDDA BOOSAASO & HESHIISKA DP WORLD

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa Dorraad si rasmi ah u daahfuray kalfadhiga 47aad ee baarlamaanka maamulkaasi, isaga oo ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taaban eysa, sida amaniga, safaradiisii ugu dambeeyey, doorashada iyo xaaladda dekedda Boosaaso.

Ugu horreyn Deni ayaa xildhibaanada baarlamaanka Puntland warbixin ka siiyey safaradiisii ugu dambeeyey iyo socdaallo uu ku tegay deegaanada maamulkaasi.

Siciid Deni ayaa sidoo kale khudbadiisa uga hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumaddiisa bilihii u dambeeyey, wuxuuna sheegay inay horumaro badan ka gaareen dhinacyada amniga, arrimaha dib u heshiisiinta & xoojinta iskaashiga maamullada dalka.

Intii uu hadal jeedinta waday madaxweynaha wux uu soo hadal qaaday heshiiskii ay wadagaareen Puntland iyo Galmudug, wuxuuna shaaciyey inay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan ka hortagga dagaal beeleedyada iyo colaadaha ka jira gobolka Mudug iyo sidoo kale wax ka qabashada dadka ka ganacsada waxyaabaha maanka bedala.

Sidoo kale wuuxuu ku faanay madaxweyne Siciid Deni in ciidamada ammaanka ay kordhiyeen dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, islamarkaana ay fuliyeen howlgallo lagu dilay xubno ka tirsan kooxaha Daacish iyo AlShabaab.

Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in Puntland ay qorsheyneyso hirgelinta sagaal dhig oo laga furayo magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi.

Dhanka kale madaxweynaha dowlad goboleedka Puntlad ayaa ka hadlay xaaladda dekedda Boosaaso, wuxuuna sheegay inay ka billowday Qad Kunteenar oo bishii hal mar imaanayo dekeddaasi, wuxuuna shaaciyey inay qeyb tahay horumarinta dekedda Boosaaso. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la ballariyey baaxada loogu talagalay wax soo dajinta dekeddaasi .

Isaga oo sidoo kale ka hadlayey heshiiska shirkadda Dp World lala galay 2017kii iyo dhaliilaha loo jeedinayo ayuu sheegay inay haatan u socdaan wadahadallo xal looga gaarayo dhibaatooyinka ka jira dekedda Boosaaso iyo walaaca ay qabaan reer Puntland.

"Dp World waxaa noo socda wadahadallo, waxaan rabnaa in aan dekedda Boosaaso ka gaarno xal aan saameyn ku yeelan xiriirka Imaaraadka Carabta iyo Puntland, dadku ha nagu kalsoonaadaan,” ayuu yiri madaxwene Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni).

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu meel gabogaba ah marayo dhismaha dekedda Garacad, wuxuuna tilmaamay in la ballaariyey, dhismaheeduna uu haatan mayaro meel wanaagsan.

MAXKAMADDA HARGEYSA OO XUKUN KU RIDAY WIIL CAAN KA AH BARAHA BULSHADA

Maxkamadda

magaalada Hargeysa ayaa xukuntay in la musaafuriyo wiil caan ka ah baraha bulshada oo muddo ku dhaw laba bilood ah, halkaas ugu xirnaa sabab la xiriirta muuqaal uu duubay.

Maxkamadda waxey Dorraad bilaal ku riday xukun ah in muddo 48saac ah uu uga baxo deegaanada Somaliland, waxaana laga soo musaafurin doonaa magaalada Hargeysa iyadoo lagu celin doono magaalada Muqdisho. Bilaal Bulshaawi wuxuu ku eedeysnaa inuu u gafay Somaliland kadib markii uu maqaaxi ku taala magaalada Hargeysa ka dalbaday shaax lagu sameeyay midabka calanka Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii gabar ka tirsan bulshada Somaliland ay maamulka Somaliland ka codsatay in lasii daayo iyadoo la joogo xaflad ay lagu abaalmarinayay Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) oo ahaa duuliyihii sanadkii 1988 iska diiday inuu duqeeyo gobollada waqooyi ee Soomaliya.

Codsigaas kadib ayuu wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ballan qaaday in lasii deyn doono wiilka xiran, waxaana Dorraad lagu maxkamadeeyay magaalada Hargeysa.

Bilaal Bulshaawi waxaa saacadaha soo socda la filayaa in lagu soo celiyo magaalada Muqdisho oo ay ehelkiisa ku nool yahiin.

JUBALAND OO SHAACISAY NATIIJADA BAARITAANKA DHACDADII CEELWAAQ EE CIIDAMADA KENYA

Gudigii ay dhawaan Dowlad Gobaleedka Jubaland u xilsaartay in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdo 22kii bishii hore ka dhacay Deegaanka Yadho ee Degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo, halkaasi oo ciidamada Kenya ay shacab ku dileen qaarna ku afduubteen, ayaa soo saaray natiijada baaritaankooda.

Gudigga ayaa soo bandhiggida natiijada baaritaankooda ku shaaciyay in tirada guud ee dadka la waayay ay ahaayeen sideed qof, hal qof uu geeriyooday ay ku guuleysteen in ay dib ula midoobaan qoysaskooda halka afar kalana ay wadaan dadaalkii lagu soo deyn lahaa iyagoona sheegay in ay wada hadal kula jiraan dawladda Kenya dhawaana ay soo sii deyn doonaan.

Gudigga ayaa Magaalada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo kulan kula yeeshay Siyaasiyiinta, waxgaradka, Haweenka iyo dhalinyarada ku nool Degmadaasi oo in badana sugayaywaxyaabaha ka soo bixi doona baaritaankii ay gudigu wadeen.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dawlad Gobaleedka Jubbaland Cabaas Ibraahim Gurey oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dadka 4 ka mid ah laga qabtay agagaarka koontiga Wajeer."Afarta kale ee maqan iyagana waan ku daba jirna Dowlada Kenya waxa no socda wada hadal,” ayuu yiri Taliye Cabadaas.

Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Amnigga Dawlad Gobaleedka Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo hoggaaminayay gudigga loo xilsaaray dhacdadaan in ay baaritaan ku sameeyaan ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay la wadaagayaan waxyaabihii uga qabsoomay baaritaankii ay wadeen.

Kaliil ayaa sheegay in ay wajigii koowaad ku guuleysteen sii daysmada sedex ruux, qofkii geeriyoodayna ay keeni doonaan diyadiisa halka afarta kale ee dhimmana dadaal ugu jiraan sidii iyaguna loo soo deyn lahaa

"Dadaal dheer oo ay gashay Dowlad Gobaleedka Jubbaland waxa hada u suurta gashay in dadki maqna laso dayay wajigii kowaad hal qofna uu dhintay islamarkaana aan keeni doono diyadiisii,” ayu yiri Wasiiru Dowlaha Amniga,

DALALKA AFRIKA OO MARKALE XAYIRAADO QARKA U SAARAN COVID19 AWGII

Guddoomiyaha Midowga Afrika Cyril Ramaphosa ayaa dalalka Afrika ugu baaqay in ay feejignaan dheeri ah u yeeshaan la dagaallanka xanuunka COVID19 si loo yareeyo halista mowjad labaad oo xanuunkaas ah.

Ramaphosa ayaa ka digay in mowjad labaad oo qaaradda ku timaadda ay dhalin karto Bandow iyo xayiraad cariiri gelin kara nolosha dadka Afrikaanka ah.

Mar uu ka hadlayay shir u uku qabtay aaladda Zoomka ayuu guddoomiyuhu sheegay in xanuunka uu muujiyay adkeysiga iyo waaya aragnimada qaaradda.

Dalalka qaar oo uu xanuunku ka yaraaday ayuu sheegay in si lama filaan ah uu ugu soo laba kacleeyay taasi oo dhalisay in dalalkaasi ay dib u eegis ku sameeyaan hannaanka xayiraadahooda.

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in qaaradda ay la gudboontahay feejignaan dheeri ah oo lagu badbaadinayo bulshada qaaradda.

Bukaannada qaba xanuunka Korona ee qaaradda ayay haatan tiradoodu kor u dhaafeysaa 1.6 milyan oo qof halka ay u geeriyoodeen ku dhawaad 40.000 oo kale.

MAXKAMADDA CIIDAMADA OO XUKUN ADAG KU RIDDAY RAGGII FULIYEY WEERARKII XABSIGA DHEXE

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa Dorraad xukuno kala duwan ku ridday rag loo heysto weerarkii lagu qaaday xabs iga dhexe ee Xamar, kaas oo dhacay 10kii bishii August ee 2020ka.

Maxkamadda ayaa waxaa la horgeeyey illaa 11 eedeysane oo isugu jiro ciidamada Asluubta, xunkusanayaal iyo garsugayaal lala xariiryey weerarkaasi oo loo adeegsaday bambooyinka no oca gacanta laga tuuro iyo bistoolada ay heleen qaar ka mid ah maxaabiista ku jirta gudaha xabsi gaasi ee ku eedeysnaa falalka argagixisanimo.

Hey’adaha Baarista ciidamada amniga iyo guddi ay u saartay baaridda dhacdadaasi xuku mmadda ayaa ugu dambeyn waxa ku wareejiyeen gungaarka dhacdada xafiiska xeer ilaalinta ciida mada qalabka sida oo awood u leh dhaqaajinta galdacwadeedkaas.

Mubaarak Ibraahiim Iidle oo horay ugu xuk unaa 10 sano oo xabsi ciidan ah ayaa ahaa gac anta hore weerarka, waxa uuna nolosha u aqoo nsaday Maxamed Yusuf Toxow iyo Muqtaar Cabd ullaahi Muuse, sidaas ayuuna kaga baxsaday dha barka dambe ee xabsiga.Sidoo kale Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) oo isagu ka mid ah ahaa dad kii loo xiray lacagaha Online ka ah ee ay Soomaali badan ka gaartay khasaaraha waxa uu ahaa qof ka sida gaarka ah maxaabiista kaga iibiya Quda arta, laakiin mid ka mid ah raggii qorsheeyay wee rarka uu soo dhex marsiistay hubkiisa.

Kadib heerar kala duwan oo maxkamadeed iyo baaritaanno muddo dheer qaatay Dorraad ayey Maxamadda go’aan ka soo saartay, waxaana lagu kala xukumay eedeysanayaasha:

1Mubaarak Ibraahiim Iidle waxaa lagu xukum ay Diltoogasha ah isaga oo Maqan

2Cabdullaahi Macalim Xuseen, 3Maxamed Da ahir Maxamed 4cabdi Jire Yusuf waxaa lagu wa da xukumay Min 5sano oo xabsi Ciidan ah iyo ka saaridda Ciidamada Asluubta oo ay ka wada tirsanaayeen.

5Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsan Asluubta ayaa isna lagu xukumay 3sano oo xabsi Ciidan ah.

6 Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) ayaa lagu xuku may 5sano oo Xabsi Ciidan ah.

7Maxamed Nuur Maadeey 8Maxamed Maxamu ud Mataan 9Cumar Xasan Abtidoon iyo 10Isaaq Geedi Ibraahim oo iyana kawada tirs anaa Asluub ta ayaa lagu xukumay min 6bil oo xabsi ciidan ah, halka 11 Cabdi Axmed Maxam uud oo Aslu uta ahaa ay Maxkamaddu dambi ku weyday, sida uu nala wadaagay G/le Sa re Xasan Cali Nuur Shu ute guddoomiyaha Max kamadda Darajada Koo waad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Dhanka kale xukunsanayaasha ayaa haatan haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan mu ddo ku siman 30cisho xukunka kadib.

Sagaal ka mid eedeysanayaasha ayaa ahaa ciid amada Asluubta ee shaqada lahaa si guud iyo si gaar ah maalintaas ay mashaqada ka dhacday Xa bsiga Dhexe, waxaana loo xukumay in ay ka gaa biyeen howshooda hadba heerka xukunka ay u arkeen Garsoorayaasha ay saareen, halka Max amuud Forex oo isaga lahaa Agab wax lagu qar iyay loo xukumay in uu adeegay Shabaabka qor sheeyay weerarka ee baxsadka ah Mubaarik iyo raggii kala qayb galay oo intii howlgalka socday y toogteen ciidamada amniga.

FARANSIISKA OO U YEERTAY SAFIIRKIISA TURKIGA

Macron ayaa aad u amaanay macallinka loo dilay aflagaadeynta Islaamka

Faransiiska ayaa wadatashi ugu yeeray safiirkiisa u fadhiya Turkiga, kadib markii uu Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan hadallo xanaf leh ku weera rray dhiggiisa Emmanuel Macron.

Erdogan oo la hadlayay xubno ka tirsan xisbigiisa AK party ayaa sheegay in Macron uu u baahan yahay baa ritaan dhanka maskaxda ah, kadib markii uu hogaamiyaha Farans iiska sheegay inuu gacan bir ah ku qabanayo Islaamiyiinta xagjirka ah ee waddankiisa.

Madaxweyne Macron oo ka falcelinayay dilka nin macallin taariikhda ahaa oo qoorta laga jaray kadib markii uu soo bandhigay sawir uu ku tilma amay Nebi Maxamed NNKH, ayaa wacad ku ma ray in dalkiisa uusan joojin doonin sawirrada noo caasi ah.

Macron oo ku hanjabay in 'Faransiisku uu ka bixi doono Midawga Yurub'

Turkiga oo madaxweynaha Faransiiska ku eedeey ay inuu 'maalgaliyo argagixisada'

Mas'uul u hadlay Faransiiska ayaa sheegay in Erdogan uu "u dhaqmay si aan la aqbali karin oo xushmad darra ah."

Labada hogaamiye ee dalalkoodu ay ka wada tirsan yihiin gaashaanbuurta NATO ayaa mudoo yinkii dambe isku hayay arimo ay kamid yihiin co laadaha Suuriya, Liibiya iyo Nagorno Karabakh. Balse hadalka Erdogan ayaa ahaa mid si toos ah uu ugu weerarray shakhsiyadda Macron.

Madaxweyne Erdogan ayaa ka carooday in qa ar kamid ah dhismayaasha dowladaha hoose ee Faransiiska lagu soo bandhigay sawir gacmeedkii macallinka loo dilay, xilli xus loo samaynayay Arbacadii.

Erdogan ayaa sheegay in Macron uu u baa han yahay baaritaan maskaxda ah.

Waxa uu sidoo kale dhaliilay hadal uu Macron jeediyay ka hor dilkaasi oo ahaa in "Diinta Islaam ka ay dhibaato xooggan wajahayso caalamka oo dhan."

Muslimiinta Faransa ayaa ah kuwa ugu badan Yurub, isla markaana gaaraya 10% tirada shacab ka dalkaas. Qaar kamid ah Muslimiintaas ayaa ku eedeeyay Macron inuu geeska gelinayo diintooda, hadalladiisana ay qiil siin karaan kuwa Islaamka neceb.

Xiisadda labada waddan ayaa meel adag gaar tay, waxaana Turkiga uu taageeray in la qaadaco alaabaha Faransiiska lagu sameeyo, arintaasi oo ka billaabatay qeybo kamid ah Bariga Dhexe.

WAX KA OGOW XAALADDA SOOMALIDA KU NOO DAL KA TALYAANIGA EE MAGALADA FIRENZA

Wax ka ogow xalda soomalida ku noo dalka Talyaaniga ee magalada Firenza, Magaladan wa xaa ay ka midtahay gobalka Tuscana waxaana ku nool qaxooti badan haba ugu bad nadan soomali, xalada dadka soo malida waxaa ay soomareyn qe ybo kala jagad ah oo dhan waliba leh balse aan dawano muqalkan guud oo laga soo diyariyay soo malida usoo hayaantay dalka Talyaaniga.

Wariyeheyna somaliweyn Bashiir Jiidaal Bar oow ayaa kamid ahaa dadkii ku noolaa nolashaasi dalka Talyaaniga hadana waxaa uu Ku nool yahay dalka Holland.

Qofka calanka Soomaaliga kor u hayo Waa Badhiir Jiidaal oo markaasi degenaa magaala daadi.

DANJIRE JAMES SWAN OO UGU BAAQAY HOGGA AMIYAASHA SOOMAALIYA INAY HADDA SII QOR SHEEYAAN DOORASHO QOF IYO COD AH

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Sooma al iya James Swan ayaa ugu yeeray hoggaam iya yaasha Soomaaliya inay hadda bilaabaan ka ba araan dagidda tallaabooyinka loo baahan ya hay in la qaado si loogu diyaar garoobo doora sho Qof iyo Cod, 2024 ama 2025.

Danjire James Swan ayaa sheegay tallaa booyinkaas inay u baahan yihiin in hadda la sii calaamadiyo oo lagu daro jadwal sanadeedka, aragti ahaanna ay ka heshiiyaan daneeyeya asha siyaasadeed ee Soomaaliya.

"Shaqo in la qabto u baahan ayaa jirta. Waxaan u baahannahay in aan si deg deg ah uga fakarno doorashada dambe iyo in aan kaca awinno Soomaalida imkaaniyaadka loo baahan yahay in la helo si loo xaqiijiyo"Qof iyo Cod” af arta sano ee dambe” ayuu yiri Swan.

Wakiilka gaarka ah waxa uu xusay in Qaramada Midoobay iyo saxiibada caalamiga ahay u ololeenayeen doorasho qof iyo cod ah, Hase yeeshee, shirarkii ugu dambeeyay ee ay madaxda Soomaalida ku yeesheen Dhuusamar eeb iyo Muqdisho lagu saxiixay heshiisku saabs an doorasho qaab kale ah.

Waxa uu muujiyey in uu ku rejo weyn yahay in la xushmeyn doono meelaha laga toostoosiy ey nidaamka doorasho ee dhawaan lagu heshi iyey, taas oo ay ku jirto qoondada 30% ee Haw eenka ku metelaya barlamaanka Federalka ah.

SOMALILAND OO SOO SAARTAY GO’AAN KA DHAN AH HAY’ADAHA QM

Soomaaliland ayaa ku dhawaaqday inay hak isay dhamaan Shaqooyinkii iyo howlihii kale oo ay hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadeen degaannada kala duwan ee Maamulkaas.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Qorshayn ta & Horumarinta Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in la hakiyay wadashaqeyntii ka dhax eysay Soomaaliland iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Wasaaradda ayaan weli shaacin sababaha tallaabadaaas ay ku qaadeen, hayeeshee ay sheegeen in Go’aankaas uu ka dhaqan galay degaannada Soomaaliland shalay oo taariikhdu ku beegneyd 25/10/2020.

Xogaha ay Risaala heshay ee ku aadan go’ aanka kasoo baxay Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegayaan inay sabab u tahay heshiis ay dhawaan QM la saxiixatay Dowladda Federaa lka, kaas oo sheegayay in dowlada federalka Soomaaliya lasoo marsiinayo dhammaan barn aamijyada Qaramada Midoobay ka fulinayso So omaaliya, oo ay ku jirto Somaliland. Xigasho:radiorisaala.com

GANACSADE BASHIIR RAAGE OO TAAGEERAY XUKUUMADDA CUSUB SHACABKANA UGU BAAQAY IN AY LA SHAQEEYAAN


Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar oo ka mid ah Ganacsatada dalka soomaaliya sida weyn lo oga yaqaano ahna siyaasi u tartamay sanadkii 2017kii Tartankii Madaxweynenimo ee dalka so omaaliya ayaa waxaa uu si weyn u taageeray do wladda soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Md. Maxamed C/hi Farmaajo iyo R/Wasa araha cusub ee Dalka Md.Maxamed Xuseen Ro oble & Xukuumadda la Ansixiyey 24ka Oktoob ar 2020ka.

Haddaba Ganacsadaha oo Barnaamijka xog Wareysi ee ka Baxa Raadio Kulmiye ee M/ Muqdisho lagu Wareystay Habenkii Axmadda ee 24ka Oktoobar 2020ka Waxaa uu u dhacay sida tan: Ganacsadaha ayaa ka dalbaday in lala shaqeeyo xukuumadda cusub ee R/W/Roobel isagoo ku tilmaamay inay tahay mid cusub oo dooneysa inay dalka wax ka qaban karto haddii la siiyo fursad ay ku shaqeyso ay leeyihiin mud naan ay ku gaarsiin karaan dalka guula waaw eyn waxaana uu ka waramayaa wax uu ku Ark ay xukuumadda cusub iyo wax uu u dalbaday muddo kordhin xitaa haddii loo baahdo. Wuxuu na hadalkiisa ku bilaabay sida tan:

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.Ilaaheey Abshir ta hana waafajiyo, waxaan ku daraa marxalad da Dorraad aan ku sugan nahay yididdiilo aan caadi aheyn oo fiicanaa aniga isoo gashay iyo waliba farxad aan caadi aheyn, waxaana Nomb ar ka ugu horeeya Primo Maneystarka uu Maga caabay, Madxweynaha Dalka JFS Md.Maxam ed C/hi Farmaajo ,Waa la soo kaxeyey Qolyihii Baarlamaanka oo beryahaanba aan iska Jeclaa Sida ay u shaqeynayaan waa la hor keenay, si buuxda oo aan shaki laheyn ayey ku Baaskare eyeen, waxayabaha aan ku taageersanahay ay ey ka mid tahay oo aan waliba aad aan u soo dhaweynaayo ayuu yiri Md. Bashiir Isagoo intaa ku daray Golihii Wasiirada Markii uu Maga ca abay R/Wasaare Rooble ayuu haddana u Celi yey Golaha BFS oo haddana uu hordhigay , si Aqlabiyad ah ayeyna u Ansixiyeen, Shacabka Soomaaliyeed aad iyo aad bay ugu farxeen waxa Dorraad ka dhacay Baarlammaanka ayna ku soo dhaweynayaan Dowladda Jirta ee Mada xweyne Farmaajo R/W,Rooble iyo Guddoonka Baarlammaanka sida xilkasnim ada leh ay Muuj iyeen.

Su'aalKNN: Marka Bashiir Raage :R/Was aare waa la magacaabi jiray, Baarlamaan inta la horgeeyo ayey Cod kalsooni leh siin jireen weliba tirada R/W. Rooble inta ay siiyeen in ka badan, Gole Wasiro inta la hor geeyo ayey Cod siin jireen Maxaa weeye yididdiilada ,Farxadda iyo Qalbi wanaagga ka duwan kuwii hore ee aad Dorraad Muujineyso?

Jawaab: Waxaa ka duwan Marxaladda aan Dorraad mareyno ee anagoo soo daalnay oo wa qti Cajiiba lagu jiro iyo sida ay u gunaanadaay an ayaa nala fiicnaatay oo aan khilaafka laheyn, Waxaa marka soo har tayoo codsigeyga uu yah ay Shacabka Soomaaliyeed Waxaan ka rajeyna yaa inay si gacmo furan oo walaalnimmo & Fii cnaan leh u soo dhaweeyaan lana shaqeeyaan

Su'aalKNN: R/wasaaraha iyo xukuumaddiisa waxaa u harsan muddo 100 Maalmood oo ay maalmo yari la jiraan, 100kaas Maalmood iyo Marxa ladda dalka ka jirta oo ah mid adag oo waqti kala guur ahna lagu jiro maxaad is leedah ay way qaban karaan isaga iyo xukumaddiisa ?

Jawaab:"100kaas Maalmood waxay u baah an yihiin Wada Shaqeyn shacabka inay helaan waana ku rajo weynahay inay ka heli doonaan" ayuu yir Gancsade Bashiir Raage

Su'aalKNN:Maxaa ugu waaweyn oo aad is leedahay muddada kooban ee aad heystaan meelo kale haku Mashquulinee 1 iyo 2 xoogga saara?

Jawaab: waxaaya xoogga saarayaan wax kas ta wixii fiican ee shacabku daneynayaan.

Su'aalKNN:Maxaad adigu daneyn laheyd oo kula habboon oo aad dhihi laheyd is dul taaga?

Jawaab: Waxaan u kala hormarin lahaa Amni ga,Caddaaladda Eexla'aanta, dadka inay sima an,oo ay Mideeyaan ummada soomaaliyeed, si da ay u shaqeyn laahyeen Alle ayaa wax ka dhi gi kara Aniguse Sidaas inay wax ku qabtaan ayaan rabaa.

Su'aalKNN: Ma waxaad is leedahay intaas 100 Cisho waa lagu Qaban Karaa?

Jawaab: haddii ay helaan garab waa lagu qaban karaan 100 Maalmood, Waliba xita shac abku waxaan kuu sheegaa in intaas kaliya ku ma eka,haddeey Shacabka ku arkaan Yididdii lada Muuqato iyagaaba Dalban doona in waqti ga loo Kordhiyo iyaga iyo dowladdooda iyo Baa rlamaanka shacabka ayey ka ima aneeysaa, hadde laakiin sidii hore jidkii hore ay maraan shacabka wuu iska diidi doonaan.

Su'aalKNN: Adiga Ma qabtaa in waqtiga loo kordhoyo?

Jawaab: Waqti in loo kordhiyo iskama qa bo, Waxaan qabaa laakiin Ficilka ka imaankara raggaan Dorraad oo dhiiga cusub wata waxa ay qabtaan 100 Maalmood

Su'aalKNN:Raggaan aad leedahay waay cu sub yihiin aad leedahay dhiig cusub weeye yaa weeye?,Madaxweyhaha waa kii 4 Sano Dadka an soo arkeen oo ay Bilo ugu harsan tahay, Gol aha Wasiirada waxay u badan yihiin Raggii 3 Sano iyo dheeraad ka ah shaqeynayey, Agaasi mayaashu waa isla kuwii , Saraakiisha Ciidanka waa isla kuwii , Marka dhiiggaan cusub ee aad leedahay fursad hala siiyo oo hala Tijaabiyo waa kuwee?

Jawaab: Dhiiga cusub wuxuu ka imaana yaa Primo Maneystarka iyo Madxweyne is faha msan,dadka nabadda Jecel, Xildhibaannada Xil kasnimada Berya haan danbe bannaanka soo dhigtay intaasey kaashanayaan.

Su'aalKNN: Dadka Soomaaliyeed waxaay ku jiraan xaalad adag, waxay marayaan dhibaat ooyin muddo 30 sano ah oo sanad walba weji cusub iyo meel cusub gaarayey,dowladda soo maaliyeed way taageereen, waxaay u dulqaat een in waddooyinkii laga xiro, waxay u dulqaat een inay lacag bixiyaan xuquuqdooda oo maq an,inay dowladda is garab taagaan intaaba wax waa ku waayeen, hadda markii aad leedahay R/W.Cusub hala barbar is taago hala siiyo furs ad idinkey idin ka go'daa inay dowladda sii shaq eyso iyo Baarlammaanka maxaad is leedahay intii hore ee la soo barbar istaagay ama xoog iyo xoolaba la geliyen shacabka waxna ka waay een waa uu ka beddelen yahay?

Jawaab:Waxaan ula jeedaa waxaa la yiri {Hashii Bil Soontay Beri Kuma Dari Weyso waa {Maahmaah Soomaaliyeed}}, intaad ogeyd oo ay soo dulqaateen oo saas loogu kor tumana yey intaan yartaa Calooshooda ha furaano in ila aheey Faraj kheyr qaba furo aa dhici karta taas eyna u badan tahay saan Aniga Qiyaasayo, la akiin inay Calooshu Noqoto Caws Daahira oo soomaalinnimo ah ayey u bahan tahay ,intaas waaye waxa aan ku talinaayo way jirtaa in kurs iga ninkasta oo mucaarad ah {Kandaly ah wu xuu ku riyoonayaa ama uu rabaa inuu meesha tago hase yeshee inuu tagayo iyo in kale allaa Og, waxa shacaba taabanayo ma yihiin mise maaha wax aan taabaneyn 100kaas Bari oo Tij aabada ah in la galaan rabaa Nimankaan maan ta la keenay oo dhiigga Cusub ahna in 100kaas Bari ay ku Xisaabtamaan waxa ay qabanayaan ayaa la rabaa haddii ay jidkii hore oo 3sano iyo barka bacdi faashil uu ku soo dhammaaday ay maraana kuwii hore jidkey mareen ayey mari do onaan, haddeey ay wixii hore wax ka duwan ke enaana shacabka waa ka fiirsandoonaa aad ay uuna ugu fiirsan doonaa, waayoo shacabku Kur siga Fadhiisan Maayaan hal Nin ayaa Fadhiisn aya 21 iyo 31 ayaa Kndilyd ah , Qof Moogu ma Jirto cidda imaandoonto laakiin shacabku waxa ay daneynayaan yaa ummadda wax u qaban ka ra ,ama u qabanaya,taas waaye waxa ay shac abka daneynayaan. Ayuu yiri Md. Bashir Raage

Su'aalKNN:Warkaaga waxaa ku jirtay waliba inaad dhowr jeer aad ku soo Celcelisay isla wa qtiga kooban aad ila hadleyso, waxaan ku qan acsanah ay sida ay maalmahaan danbe u shaq eeyaan Baarlammaanka Maxaa weeye waxa Qurux ee aad ka dhex Aragtay fadhiyada Baar lamaanka Maalmahaan?

Jawaab:Waxaas hore ayaan u sheegay Wii lkeygiyoow haddaad og tahay Baarlamma anka Waxyaabaha ay naga badbaadiyeen aad og tah ay oo taabana yay Diinteen, Nasabiyaddeen na iyo fiicnaanteeeda waxa ay inaga Badbaadi ye en oy dadka Bakhtiga ah ay keeneen waad og tahay oo ay laaleen oo ay xit aa isku dili gaa re en, see loo keenay Baarlamaanka oo ay isku leyn gaareen waxyaabaha aan lagu ilaabi kar in eey ka mid tahay,waxaadna moodda Baarlam aanku inuu beryahaan dambe uu la soo baxay si niyadsami ah oo kalsooni leh oo ay shac biy ad ku kasbadeen aanna ugu Duceeyey Alle in uu Adduun yada kheyr siiyo Aakhiradna Kheyr Alla ha idin siiyo.jannada alle ha idin geeyo.

Bulshada ayaa haddey Jecleystaan waxya qbadkee da iyagaa Bannaabax Taageero ah u dhigaya oo dhahay haloo kordhiyo waqtig had dii ay wa ddadii hore raacaan iyagaa iska diida ya, marka Baarlamaanka waxaana iiga Muuq da jidkii aan Beri dhoweyd aan ku soo arkayay ey ku dhaqm een wax wanaagsan ayeyna sam eeyeenmarka halala shaqeeyo ayaan bulshada ugu baaqa yaa .

Su'aalKNN: Laakiin wax badan oo ay qalde en baa jirta soow maaha, oo ah mid Amni,mid dhaqaale iyo iyaasadeed ahba geliyey ilaa had

dan uu ka kaban la'yahay oo ay Baarlamaanka sabab u ahaa?

Jawaab: waxa ay qaldeen waa wax yar wa xa ay qabteen ayaana ka badan waxaana ugu duceeyey badb aadii ay Diinteen iyo Nasabyad eena u same eyeen oo ay laaleen wixii Baarlam aanka la horkeenay oo Bakhtiga ahaa ayuu yiri Md. Bashiir Raage

Su'aalKNN:Manala wadaagi kartaa inta aad ku dhaliilsan tahay Baarlamaanka ka dib markii aad sheegtay waxyaabaha aad ku taageersan tahay?

Jawaab: Dorraad warkeygu waxaa uu ku saa bsan yahay horaan kuugu sheegay wiilkeygi yoow waa taageerada Xukuumadda Cusub iyo Ninkaan la yiraahdo Rooble Xukuumadiisa cu sub iyo sida ay Baarlamaanka codkooda u siiye en ,waxaana qabaa inay 100 Maalmood wax ba dan ku qaban karaan walibana Bulshada Jecley staan, waxaana Dowladda Cusub ka Rajeyna yaa inay u Tafo Xeytaan wax qabadka dalka iyo dadka soomaaliyeed oo ay Masu uliyadda u ha yaan, walibana shacabka ayey ka imaan kar taa inay haddii waxqabadooda la arko ay u riya a qaan inay dhici karto in shacabku yiraahdaan waqti aha loogu daro xukuumaddaan anagaa ra bno waa wax ay awood u leeyihiin shacabka we yna ka heli karaan , hase yeeshee haddii ay wa ddadii hore qaadaan ay dhaceyso in shacabka iska Diido. ayuu yiit Md. Bashiir Raage Shiiraar

Su'aal KNN: Bashiir RaageNin la yaqaano oo bulshada Soomaaliyeed ay ugu dharagsan yihiin baad tahay mana ahyen Nin hadla oo war baa hinta ku badan sanadihii ugu danbyey had da Xalayna warkaaga waxaa ku jirto in aad ku Qanacsan tahay Dowladdaan iyo sida ay shaqe yso, Rabtana inay wali sii joogto, maxaa weeye waxa Xalay kaa hadalsiinaayo oo aad sidaa u gu ammaaneyso dowlad dadkeedii in badan oo ka mid ah Tabasho ka qabaan? 

Jawaab:Waxaa iga hadalsiinaya Mucaarad xummoo joogta ah oo Cilmi ku Dhisneyn oo wax ka imaan doona aan la ogeyn xabbad ku fa limaayo ee Anigu waxaan rabaa si Waadix ah oo dhab ah oo dalka iyo Dadkaba Anfacaya ay aan Rabaa, oo dadka iyo Dalkuba iskula Jiri kar aan intaas ayaan Ra baa wax kale ma rabo Ani gu ayuu yiri Md. Bashir Raage Shiiraar

Su'aal KNN: Mucaaradku waxbeey Saxaan mooyee wax Dhaliil ah oo ay leeyihiin lagama sheegin ,laakiin qaladaadki ay arkaan bay soo badhigaan oo Adiga iyo qaar kula mid ah oo aadan arag bey soo Badhigaan?

Jawaab: Maya Anigu Eed waa Ujeedaa Laa kiin Eedda la soo badhigaayo waa inay Eed Nu xur leh ay tahay oo la taaban karo,,laakiin Eed Meel ay u Jeeddo iyo Meel ay ka Jeeddo aan la garaneyn Aniga Shuqul Kuma Lihi, Anigu wax aan Shuqul ku Leeyahay Shacabkaa Masaak iinta ah oo Dhibban in loo Furo Jid ay ku Baraa raan oo ay ku Fiicnaadaan ayaan ra baa ,Roo ble waa Nin cusub waxaan rajeynayaa inuu ho wshaas wax ka qabto ayuu yiri Bashiir Raage.

Su'aal KNN: Rooble ka hor ma Aamisan tah ay inay Qaladaad Jireen?

Jawaab: Qaladaad waxaa jiray FarFar ku Fiiq ah , FarFar ku Fiiqna anigu ka Jawaabi ma ayo,Adaa Ahay iyo Adaa ahaay Shuqul kuma lihi Jawaab: Anigu, waxaan Rabaa annagu me el aan og nahay oo dhaweyn ay aan ka soo bil ownay oo aan la sheegi karin, dadku iskuma Da rna marka wa xaan rajeynaa inay Dowladdaan si fiican u sheyn dooto waxaan leeyahay Ham balyo, Xidhibaanada waa u Hambalyeynayaa Dowladda waa u Ham balyeynaa Rooble waan u Hambalyeynaa 100 Bari hala Shaqeeyo Da lka iyo Dad kana wax haloo qabto, Shacabku la bow mid noqonayaa ama Bann aanka inta u soo baxaan ay dhihi doonaan kuwaan nalag a ma beddeli karo, ama waxaay dhihi doonaan ku wii hore meeshey mareen ha Maraano ma Rab nee, 2daas ayaa Dorraad is garab taallo ra gga inay ka shaqeeyaan la raban waa iyaga ayuu yiriBashiir Raage.

Su'aalKNN: Dowladdaan aad ka hadleyso ee aad wanaageeda tilmaameyso waxaa mada xweyne u ah Maxamed C/hi Farmaajo,Wanaag kasta isag door u ah , dhibaata kastan isa gaa aabbe u noqonaya een maadaama madax we ynihii qaranka loo doortay oo dalka iyo dadka Matala uu yahay oo muddo 3 sano iyo dheer aadka ah ee uu joogay waxaa la dhiibay Qalbi Dhagax,Waxaa la weeraray Prof.Jawaari, C/rax maan C/Shakuuraa la weearay, Cabdi Qeybdii daa la weeraray,Guddoomiyihii G.Banaadir Md. Taabid ayaa la weearay 4 Sano ku dhawaad dad kaan go'doon bay ku jireen, dad badanaa la dilay markaa ma waxaad leedahay Dadkaan Somaaliyeed ee dhibaatada wajahayoow, wali ba maamul goboleedyada qaar la Dumiyey, war ciidammo la dul geeyey illaa iyo hadda ku dhibban yihiin waxaad heystan dowlad fiicane hala taageero?

Jawaab:-

Waxaan u maleynaayaa inaad warkeyga sidaan u sheegay iyo sidaad sheegaysid ay kala duwan yihiin,Soomaalidu ma Taqaanno waxa la yiri " illeyn Mugdi Cawo Maaha ee waa meel aan la Aqoonin" ayaa lagu maahmaahaa, Soomaalida runtii waxaan kuu sheegaayaa siyaasiyiin waaye la leeyahay waa dad aan Feker ka qabin Siyaasadda ,{Siyaasad du Waa Run Sheegid, isa soo dhawaansho, isla Jirid iyo wax wada qabsi waaye siyaasaddu ,laakiin siyaasad du ma aha in la is dhibo, Afarta Beynu Jaho inta la isaga yimaad gadaal la iska caayo ma aha, waddankaan wuxuu u baahan yahay dad Raxiim ah oo isla shaqeeynaaya oo is jecel oo wanaagsan Aniga waxa aad ii shegeyso waa qal adaad dhacay laakiin ma waxaa la leeyahay waxbaa dhacay sideey u dhaceen mise waxaa la leeyahay sidee loo xalliyaa oo looga gudbaa. ayuu ku jawaabay Gancsade Bashiir Raage shiiraar oo lagu wareytay Barnaamijka Xog Waresi:

DHAMMAAD.Xigasho: radiokulmiye.net

Erdogan '' Waan in la baaraa caafimaadka Maskaxda madaxweynaha Faransiiska

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa weerar Afka ah ku qaaday dhaggiisa dalka Faransiiska Emmanuel Macron isaga oo sheegay in uu ku khafiifay naceybka dadka muslimiinta ah.

Erdogan ayaa yiri'' Waxaa uu u baahan yahay in la baaro caafimaadka maskaxdiisa, waayo waxaa uu ku khafiifay dadka muslimiinta ah.

Waxaa uu hadalkiisa sii raaciyay'' Maxaad ku tilmaami kartaa madaxwayne dal oo malaayiin diin haysata ula dhaqmaya sidan, marka hore baaritaan dhanka maskaxda ah isku soo samee," waxaa sidaasi magaalada Kayseri ka Yiri Mr Erdogan khudbad laga siidaayay telefishinka dalkaasi.

Dalka Turkiga ayaa aqlabiyada dadka ku nool waxay yihiin Musliin, islamarkana Turkiga waxaa uu xubin ka yahay kaashaanbuurta Nato.

Dhawaan ayeey aheyd markii uu dalka Faransiiska Nin careysan ku gowracay Macalin la sheegay in uu Ardeydisa u soo bandhigay Sawir uu ku sheegay in uu yahay Nabbi Maxamed NNKH, waxaana tallaabadaa lagu dilay macalinka siweyn u cabaareeyay madaxweynaha dalka Faransiiska.

 

WAA KUMA KHABIB NURMAGOMEDOV – NINKA MUSLIMKA AH EE GARAACAY JUSTIN GAETHJE

Khabib Nurmagomedov ayaa sii adkeystay rekoorkiisii cayaaraha feerka fudud ee ka dhacay Abu Dhabi laakiinse ciyaarta ka dib ayuu ku dhawaaqay inuu ka fariistay cayaaraha UFC.

Khabib NurmagomedovKhabib Nurmagomedov oo u dhashay dalka Ruushka ayaa waxa uu garaacay ustin Gaethje intii lagu guda jiray wareegga labaad ee cayaarta. Labada lugood ayuu luqunta uga qabtay taasi oo horseedday inuu Justin Gaethje gacanta taago oo uu is dhiibo.

Guushaan ayaa waxay u ahayd mid muhiim ah, oo 29 kulan ayaanan laga badin, wuxuu sidoo kale ku guuleystay 155 koob oo ah feerka fudud.

Nurmagomedov ayaa sheegay inuu guushaan aabihii ku maamusay oo tabare u ahaa. Abdulmanap ayaa geeriyooday bishii July ka dib markii uu ku dhacay fayraska corona.

Ka dib markii ay cayaarta dhammaatay waxa uu kooxdiisa ka codsaday iney ka bixiyaan galoofiska gacmaha ka hor inta uusan ku dhawaaqin ka fariisiga cayaaraha.

"Marnaba ma dhacayso inaan markale halkaan imaado aabahay oo aan ila socon," ayuu yiri. "Waa markii igu horreeysay ka dib geerida aabahay oo laygu yeero inaan la dagaallamo Justin, ka hor inta aanan go'aan gaarin hooyaday ayaan 3 maalmood kala hadlayay.

"Hooyaday ma doonayn inaan dagaalkan ka qeyb galo aabe oo aan ila socon, balse waxaan ka ballan qaaday inuu noqon doono dagaalkii igu dambeeyay marka waa inaan ballanta hooyaday fuliyo."

Laakinse sidee buu ku gaaray heerkan ah inuu ka mid noqdo ragga magaca weyn ku leh cayaaraha dagaalka?

Dagaal feer ah oo xiiso leh oo Xalay ka dhacaya magaalada London

Tartanka feerka qarniga

Muddadii ugu dheerayd ee aan laga badin

Nurmagomedov waa awood aan la loodin karin.

Marka lagu daro guusha uu ka gaaray McGregor, wuxuu galay 27 dagaal muddo 10 sano ah oo uu cayaartan ku jiray, dhamaantoodna wuu ku guulaystay. Waa wakhtigii ugu dheeraa ee qof uu guul ku naaloodo taariikhda cayaaraha MMA.

Si uu heerkaas u gaaro waxaa ka horreeyey marxalado uu soo maray.

Qofkii ugu horreeyey ee Muslim ah ee ku guulaysta horyaalka UFC

Ma aha qofkii ugu horreeyey ee Ruush ah ee ku guulaysta UFC, laakin sidoo kale waa qofkii ugu horreeyey ee muslim ah ee guushaas gaara.

1988 ayuu ku dhashay Dagestan oo ku taalla gobolka waqooyiga kawkasaska ee Ruushka, wuxuuna asal ahaan ka soo jeedaa qowmiyadda Avar.

Aabihiis Abdulmanap waa ruug caddaa magac ku leh milateriga oo baray legdenka waana cayaar aad looga cayaaro gobolkaas Ruushka ku yaalla wixii ka dambeeya marka ay ilmuhu gaaraan da'da 8aad.

Abdulmanap wuxuu dabaqa hoose ee dhismaha uu degganaa ee magaalada Kirovaul uu ka dhigay meel jir dhiska lagu sameeyo (Gym), halkaasoo Nurmagomedov uu ka billaabay inuu si dhab ah u barto xirfadda dagaalka.

taasi waxay ahayd billowgii hawl wakhti dheer qaadatay oo Abdulmanap uu ku hormariyey rag sida loo dagaallamo bartay.

Nurmagomedov wuxuu qoor sagaaro ku qabtay Conor McGregor wareeggii afaraad ilaa uu

Laakin wiilkiisu wuxuu muujiyey inuu yahay ninka ugu guusha badan, uguna heerka sarreeya UFC.

Aabihiis kama uusan baran legdan oo qura ee wuxuu ka bartay Judo iyo Sambo, oo ah xirfad dagaal oo asal ahan laga soo min guuriyey milateriga Ruushka 1920 meeyadii.

Sambo waa kalmado la soo gaabiyey oo ka yimid SAMozashchita Bez Oruzhiya, oo micnaheedu yahay is difaacid hub la'aan ah.

Bishii Maajo, wuxuu garaacay Abel Trujillo, isagoo markaa dhigayey rikoorka cusub ee UFC ee muddada ugu dhakhsiyaha badan ee qof cayaar looga saaro. 21 goor ayuu ku guulaystay 27kii goor ee uu cayaaray.

Ka dib, bishii Siteembar wuxuu garaacay Pat Healy oo Maraykan u dhashay, ayadoo guusha lagu siiyey ga'aan ay garsoorayaasha oo dhan isku raaceen. Dana white oo ah guddoomiyaha UFC ayaa laga hayaa "wiilkan waa mid xiiso leh. waxyaabo badan ayaan filayaa in aan wada samayn doonno wiilkan".

Sidaasoo ay tahay, Nurmagomedov wuxuu sii waday inuu cayaaro, si aan toos ahayn, dhaawacyo is xigxigay ayaa la soo dersay, kuwaasoo baajiyey dhowrsanadood oo uu cayaari lahaa, niyad jabna ku beeray. Laakin wuxuu mar kale dib u soo noqday Abriil, 2018. Khabib Nurmagomedov .XIGASHO:BBC

Mucaaradka Jisiiradda Siishelis oo ku guul eyst ay doorashadii 

madaxtinimada dalkaas.

Musharraxa mucaaradka Siishelis Wavel Ramkalawan ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada isagoo helay 54.9 boqolkiiba codadkii saxda ahaa ee la dhiibtay, taas oo ka careysiisay madaxweynaha xilka haya Danny Faure.

"Waxaan cadeynayaa in Ramkalawan inuu yahay musharraxa la doortay,” ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga doorashada Danny Lucas Axadaa manta ah.

Codbixiyeyaasha Siishelis ayaa codkooda ka dhiibtay Sabtidii doorashooyinka madaxtinimada iyo baarlamaanka oo socday muddo saddex maalmood ah.

In ka badan 74,000 ayaa isdiiwaangaliyay si ay uga qeyb qaataan codbixinta doorashada.

Mucaaradka Siishelis ayaa si dirqi ah looga adkaaday doorashaadii dalkaasi lagu qabtay sannadkii 2015.Tani ayaa uga dhigan mucaaradka guul taariikhi ah oo ay gaareen kaddib 40sano oo uu dalkaasi xor ka yahay gumeystihii Ingiriiska.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip