Cabbista Sigaarka iyo Xanuunnada ku dhaca M Maskaxda

0
Thursday October 22, 2020 - 20:40:30 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabbista Sigaarka iyo Xanuunnada ku dhaca M Maskaxda

    Cabidda Sigaarka, ayaa kaalin toos ah ku leh in qofka uu ku dhaco xanuun maskaxda ah ee loo yaqaanno "schizophrenia" Xanuunkan maskaxeedka waa mid waqti dheer la noolaada qofka uu haleelo waana nooc keena in uu shaqayn waayo xiriirka ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabidda Sigaarka, ayaa kaalin toos ah ku leh in qofka uu ku dhaco xanuun maskaxda ah ee loo yaqaanno "schizophrenia" Xanuunkan maskaxeedka waa mid waqti dheer la noolaada qofka uu haleelo waana nooc keena in uu shaqayn waayo xiriirka ka dhaxeeya fakarka, dareenka iyo dabeecadda qofka, horseedana faham khaldan. Koox ka socota machadka (King's College) ee magaalada London, ayaa sheegay in dadka caba sigaarka ay u badan yihiin in uu ku dhaco xanuunkan iyaga oo da'dooda ay yar tahay. Wargeyska caafimaadka ee Lancet Psychiatry ayaa lagu daabacay in 61 daraasadood oo arrinkaa la xariirta ay muujinayaan in maadada nicotine-ka ee ku jirta sigaarka ay dhici karto in ay maskaxda wax ka badasho. Waxaa cad inta badan sigaar cabayaashu kuma dhaco xanuunka, balse cilmi baarayaasha ayaa aaminsan in ay cabidda sigaarka sii kordhin karto qatarta xanuunka. Guud ahaan qaadidda xanuunka ayaa ah hal qof oo ka mid ah 100-kii qof ee kasta oo caadi ah, taasoo laga dhigi karo laba qof oo ka mid ah 100-kii qof ee sigaarka cabta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip