HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 21KA OKTOOBAR 2020KA

0
Wednesday October 21, 2020 - 13:28:30 in Wararka by
  • Visits: 698
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 21KA OKTOOBAR 2020KA

    FARMAAJO OO R/W ROOBLE KU AMMAANAY HAL MID KA HOR MAGACAABISTII WASIIRADA Farmaajo oo R/W ROOBLE ku ammaanay hal mid kahor magacaabistii wasiirada Madax weynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasiirka 1aad ee dalka Md. Md .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FARMAAJO OO R/W ROOBLE KU AMMAANAY HAL MID KA HOR MAGACAABISTII WASIIRADA Farmaajo oo R/W ROOBLE ku ammaanay hal mid kahor magacaabistii wasiirada Madax weynaha Soomaaliya Maxamed C/hi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasiirka 1aad ee dalka Md. Md .Rooble soo dhisida xuk uumad cusub. Farmaajo ayaa x ukuumadda ku qeexay "mid ta yo leh oo ka shaqeyn karta hirg elinta qorshe yaasha hortabinta u leh shacabka iyo dowlad da Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreey aan qabsoomidda doorashada, adkeynta amn iga iyo sii ambaqaadidda guulihii dhanka dowla dni mada ee sanadihii la soo dhaafay la gaar ay." Md.Farmaajo oo ku ammaanay R/W XFS tas hiyadii ballaarnaa ee uu kala yee shay qeyba ha bulshada soo xulista Golaha cusub ee Xuk uumadda ayaa kula dardaarmay dhammaan G.Wasiirrada in ay noqdaan masuuliyiin ka ta rjuma hamiga iyo himalada ay ku qabaan shac abka Soomaaliyeed xilligaan muhiimka u ah dowladdhiska iyo horumarka dalka. Madaxweynaha ayaa ka codsaday Guddo onka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka an sixin ta XFS Ee Rooble, si loo dar dar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla G/Xuku umadda, loona gaarsiiyo dalka do orasho huf an oo wakhtigeeda ku qabsoonta. Madaxweynaha ayaa Allah uga rajeeyey G XFS ee la magacaabay inuu u fududeeyo ma suuliyadda adag ee hortaalla, kana yeelo Gole si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeega shacabka Soomaaliyeed.

DFS OO 3 MAALMOOD U QABATAY GANACSATA DA KENYA EE SIDA QARSOODIGA AH QAADKA KUSOO GALIYA MUQDISHO

Urur ay ku midaysan yihiin ganacsatada Qa adka ee dalka Kenya, ayaa sheegay in DFS ay siisay ogeysiis 3maalmood ah ganacsatada Kenyaanka ah ee sida dhuumaaleysiga ah qa adka uga soo daabula M/Mandheera, si loosoo galiyo Soomaaliya. Guddoomiyaha Ururka as Miraa Kimathi Munj uri ayaa sheegay in DFS ay sidoo kale xoojisay amniga xeebahee da si ay u joojiso qaadka Kenya ee dalka ka soo galaya dhinaca badda.

Wuxuu sheegay in DFS tallaabadaan uga gol leedahay sidii fursad loo siin lahaa Qaadka Ethiopia oo dhawaan markii ugu horeysay laga dajiyay M/Muqdisho, oo horey u ahayd suuq u gaar ah Qaadka Kenya.

Mr.Munjuri wuxuu ka codsaday D/Kenya in ay Soomaaliya la gasho wadahadal dibloma asiyadeed si looga hortago inay lumiyaan wa xay ugu yeereen suuqa qiimaha badan ee So omaaliya. "Haddii macaamiisha Soomaalida loo oggolaado qaadka Itoobiya, waxaan waayi karnaa suuqa oo idil. In ka badan 50 doonyood ayaa la geeyay badda si ay nooga joojiso istic maalka badda. Maxay dowladeenu ugu ogola atay Itoobiya inay naga dheereeyaso? ” ayuu yiri Mr Munjuri oo sheegay inay ka warqabaan in 30 tan oo qaadka Itoobiya ah la geeyay Muq disho.

GOLAHA WASIIRADA CUSUB EE ROOBLE OO DUR BA WAJAHAYA CAQABADO XAL U BAAHAN

R/ Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa Habeen hore ku dhawaaqay golaha cusub ee wasiirada ee ka mid noqonaya xukuumaddiisa oo muddo xileedkeeda uu ka dhiman yahar illaa muddo afar bilood ah. Xukuumadda cusub oo ka kooban illaa 70 wasiir waxaa horyaalla arrimo dhowr ah oo ay tahay in ay wax ka qab ato. Golahan wasiirada ee cusub waxaa ka mid ah wejiyo ku cusub siyaasadda iyo shacab ka hortooda, sidoo kale waxaa dib u soo noqo day wasiiro ka tirsanaa xukuummnaddii ra’iisul wasaarihii hore, Xasan Cali Khayre.

Maxaa ka mid ah caqabadaha horyaalla?

Magacaabidda golahan wasiirada ee cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo uu dalka ku jira kala guur siyaasadeed, waxaana la filayaa in si rasmi ah uu dalka u galo doora sho dadban.

Dhowaan, madaxda maamul goboleedyada iyo madaxweynaha DFS ayaa ku heshiiyay qa abka loo marayo doorashada dhammaadka sa nnadkan 2020 iyo bilowga 2021

Haddaba waxaa golahan wasiirada horyaala caqabada badan oo ay tahay in ay ka gudbaan kuwaas oo uu hoggaaminayo R/Wasaare Ro oble. R/Wasaaraha iyo golihiisa waxayaabaha laga filayo waxaa ka mid ah in ay xuddun u no qdaan hannaanka doorashada iyo amniga gu ud ee dalka.

Rashiid C/hi Maxamed oo horey u ahaa wasi irka G/dhiga ee Soomaaliya ayaa rumaysan in Ra’isul wasaaraha waxyaabaha ugu horeeya ee ay tahay inuu fuliyo ay ka mid tahay dhaqa ngalinta heshiiskii maamul goboleedyada iyo dowladda fedaraalka.

"Waxaa laga rabaa inuu fuliyo howla uu isa ga hadda gadaal ka gaaray ayna ugu horeey so heshiiskii hadda ugu dambeeyay ee salka ku haya doorashooyinka soo socda,” ayuu yiri Mr Rashiid.

G/wasiirada ayaana lafa filayaa in R/wasaa raha ay ka caawiyaan arrintaas hortaalla.

Waxaa intaa ku daray in R/wasaaraha cusub sidoo kale looga fadhiyo inuu isu keeno dhinacyada ku kala irdhoobay siyaadda oo uu isku dayo in uu mideeyo.

"Waxaa kale oo xiga in siyaasiyan dadka ha dda kala irdhoobay oo siyaasadda isaga soo horjeeda inuu isu soo dhaweeyo gaar ahaan mucaaradka iyo dowladda in uu isu soo dhaw eey,” ayuu yiri Mr Rashiid.

R/w.Rooble & Xukuumaddiisana waxaa sid oo kale ay dad badan ka filayaan in ay mudda da kooban ee u dhiman ay ku hantaan kalsoon ida shacabka iyo saamileyda dhanka siyasada.

Md.Rashiid C/hi Maxamed wasiirkii hore ee G/dhiga Soomaaliya, oo si gaar ah uga hadla yay R/Wasaaraha wuxuu yiri: "Waa inuu gogol xaar u sameeyo mustaqbalka dhaw arrimaha ku saabsan doorashooyiinka kalsooni na gal iyo dadka kale ee bannaanka taagan ee haa tan daneynaya siyaasadda inay qeyb ka noqda an markaa in uu howlahaasi oo dhan meelma riy.”

R/W.Rooble ayaa la wareegay xafiiskii uu ba nneeyay R/wasaarihii isaga ka horreeyay ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25kii bishii Luu lyo, uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay. Rooble iyo xukuu maddiisa oo haysta illaa 115 maalmood oo ku raasta ay ku sii fadhindoonaan, taas oo ku eg dhammaadka muddo xileedka madaxweyneFarmaajo, waxaana looga fadhiyaa inay la yi maadaan waxqab uu ku jiro degdeg – kuwa u gu culusna waa doorashada iyo amniga guud ee dalka, si gaar ah amaanka goobaha doora shada iyo ergooyiinka codeyn doona.

ISHA: BBC

MADAXWEYNAYAASHII HORE OO SOO FAROGELIY EY XIISADDA ABGAAL IYO XAWAADLE

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Madaxweynayaa shii hore ee Soo maaliya Md.Cali Mahdi Maxamed, Md.Sh.Sha riif Sh.Axmed & Md.Xasan Sh.Maxamuud ay soo farogeliyaan xiisadda ka taagan HirShab eelle.

3da madaxweyne ee hore ayaa qorshayn aya inay ku baxaan muranka u dhaxeeya bee laha Abgaal iyo Xawaadle, kaas oo ka dhashay dhisma ha baarlamaanka 2aad ee HirShabeelle, iyo jagada ma daxweynaha oo la isku hayo. Beesha Xawaad le ayaa dooneysa in loo daayo xilka madaxwe ynaha, halka beesha Abgaal ay rumeysan tah ay in xilka loo siman yahay. Waxaa sidoo kale xiisadda qeyb ka ah dowladda federaalka oo xilka madaxweynaha la rabta Cali Guudlaawe oo kasoo jeeda beesha Abgaal.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud &xub no ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ay kula mo gaar gaar ah billaabeen, sidoo kalane ay Mobile kula hadleen qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo siyaasiinta gobalka.

"Madaxweyne Xasan Sh ,&Madaxweyne Ca li Mahdi, waxay isla garteen in la badbaadiyo HirShabeelle oo si dhab ah loo galo tabashooyinka taagan waxaana arrintaas ka qeyb qaadan doono Imaamka iyo Ugaaska Ab gaal,” ayuu yiri mid kamid ah odayaasha dhaq anka beesha Abgaal oo la hadlay Caasimada Online. "Xawaadle waxay Madaxweyne Xasan Sh,salaadiinta iyo odayaasha Abgaal u sheeg een inay tabasho qabaan dowlada Soomaali yana ay dab ka dhaxshideyso labadaan beel, taas waxay sababtay in arinta si dhab ah loo guda galo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay nabad oonka aan la hadalnay.

Dorraad waxaa M/Muqdisho kulan ku yee shay siyaasiinta, Odayaasha iyo aqoonyahaan ka Beesha Xawaadle, iyagoo ka hadlay taba shooyinka ay ka qabaan dhismaha 2aad ee D/G/HirShabeelle waxayna soo saareen baaq yo ay ku dalbanayaan in khilaafkooda la xaliyo.

Xigasho:Caasimada .net


GUDDOOMIYAHA AQALKA SARE OO KULAN LA QAATAY SAFIIRKA SWEDEN EE SOMALIA

Gudoomiyaha G/Aqalka Sare ee BFS MD. Senatar Cabdi Xaashi C/hi ayaa Shalay Xafii skiisa ku qaabilay Safiirka Sweden ee Soomaa liya Amb. Staffan Tillander.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arrimo ka la duwan oo ay kamid yihiin Dibueegista Dast urka, Doorashooyinka soo socda ee 2020/ 2021 iyo sidii mustaqbalka loo xaqiijin karo in Soomaaliya gaarto Doorasho qof iyo Cod ah.

Sidoo kale kulanka dhexmaray Gudoomiyaha G/Aqalka Sare iyo Safiirka Sweden ee Soom aaliya ayaa looga wada hadlay shaqada Mido wga Yurub gaar ahaan Sweden ka waddo gud aha dalka.

Safiir Staffan Tillander ayaa Guddoomiye Cabdi Xaashi uga mahadceliyay qaabilaadii sa, isagoo ku boggaadiyay dardar gelinta how laha muhiimka iyo shaqooyinka horyaalla Aqalka Sare.

D/Sweden ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera DFS, waxaana 2da dowlado od ka dhexeeya xiriir ku saleysan dhinacyo ka la duwan.

MAGACYADA IYO BEELAHA AY KASOO JEEDAAN WASIIRADA CUSUB EE XUKUUMADA ROOBLE

R/W/Soomaaliya Md.Maxamed Xuseen Ro oble ayaa Habeen hore ku dhowaaqay G/Wasi irada Cusub ee xukuumaddiisa, ee muddada laga sugayey, kuwaasi oo ka kooban 27 wasiir.

Haddaba ayaa idiin soo gudbineysa maga cyada iyo Beelaha ay kasoo kala jeedaan wasi irada, sida 5ta beel ay u kala heleen wasiira da. Hoos ka aqriso liiska oo dhameystiran.

Beesha Digil iyo Mirifle

1 W/G//dhiga, Xasan Xuseen Xaaji – Garre

2 Wasiirka Cadaaladda, C/dir .M.Nuur – Jilible

3Wasiirka XXoolaha, Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen (Badni) – Dabarre

4Wasiirka Tamarta, Xasan Cabdinuur – Eelay

5Wasiirka Haweenka, Xanifa Maxamed Ibrah im – Leesaan

Beesha Hawiye

1 Wasiirka Arrimaha Gudaha, Gen.Mukhtar Xusen Afrax – Xawaadle

2 Wasiirka Amniga Gudaha, Xasan Xundubey Jimcale – Abgaal

3 Wasiirka Diinta, Cumar Cali Roble – Abgaal

4 Wasiirka Boostada, Cabdi Sh.Axmed Roble – Murursade

5 Wasiirka Caafimadka, Fowsiya Abiikar Nuur – Gaaljecel

6 Wasiirka Ganacsiga, Khalif Cabdi Cumar – Baadi Cadd

Beesha Daarod

1 Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad – Majeerteen

2 Wasiirka Qorsheeynta, Jamal Maxamed

Xasan – Warsangeli

3 Wasiirka Kaluumeysiga, C/hi Bidhaan – Dhulbahante

4 Wasiirka Gaadidka, Maxamed C/hi Salaad Oomaar – Ogaaden

5 Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Duraan Axmed Farax – Leelkase

Wasiirada Beesha Shanaad

1 Wasiirka Gargaarka, Khadija Maxamed Diii riye – Yaxar

2 Wasiirka Beeraha, Siciid Xuseen Ciid – Car ab Saalax

3 Wasiirka Dekedaha, Maryan Aweys Jaamac – Jareerweyne

4 Wasiirka Dhalinyarada, Xamsa Saciid Xam sa – Barawani

5 Wasiirka Batroolka Cabdirashid Maxamed Axmed – Banaadiri

Wasiirada Dir

1 Raisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Maxam ed Guuled – Ciidagale

2 Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jamac – Habar Yoonis

MAGACYADA WASIIRADII XILALKOODA KU WAAYEY INAY KU DHOWAAYEEN KHEYRE

Magacyada wasiiradii xilalkooda ku waayey inay ku dhowaayeen Kheyre R/Wasaaraha cu sub ee Soomaaliya ayaa Habeen hore ku dha waaqay golaha cusub ee wasiirada ee ka mid noqonaya xukuumaddiisa oo muddo xileedkee da uu ka dhiman yahay illaa muddo 4 Bilod ah.

Xukuumadda cusub oo ka kooban illaa 70 wasiir, ayaa waxa gebi ahaanba kasoo muuq an xubno ku dhowaa R/wasaarihii hore ee dal ka, Xasan Cali Kheyre.

Wasiiradii u dhawaa Kheyre ayaa laga wada takhalusay sida ka muuqata liiska wasiirada cu sub, halka kuwa aan xiriir aan buurneyn uu ka la dhaxeeyay R/Wh/hiiore dib loogu soo celiy ay boosaskooda, halka kuwa kalena isu bedel lagu sameeyay

Xubnahaas ayaa waxaa ka mid ah: Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Boostada isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada: Eng. Cabdi Canshuur Xas an, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha: Saadiq Warfaa Xersi, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh.Nuur Maxamed Xasan, Wasiirka Ganacs iga iyo Warshadaha Eng, C/hi Cali Xasan, Wa siirka Howlaha guud iyo Guryeynta Xasan Ca bdi Hoosow.

Cabdirashid Khaliif Xaashi oo ah agaasima ha machadka daraasaadka siyaasadda ee Her itage ayaa wareysi uu bixiyey ku xusay in Ro oble uu qashinka ku daray wasiiro muhiim ah aa oo laga fiiriyey xiriirkoodii kala dhaxeeyay Kheyre.

Kheyre ayaa xiligan ah musharax u tartama ya xilka madaxweyne ee uu ku fadhiyo Farmaa jo, taasi oo dab kusii daartay xiisada khilaaf ee markii hore ku kala tageen madaxda u sareysa dalka. Cabdirashiid ayaa sidoo kale wax la fila yay ku tilmaamay in saaxiibada Kheyre laga waayo liiska wasiirada cusub, maadama hore dagaal adag loola galay R/wasaarihii hore iyo xukuumadiisaba.

"Marka lalama yaabi karo dagaalkaasi waa dhacay oo waa lagu kala adkaaday, R/wasaa rihiina waa la bixiyey, markaa in la qariibsado dadkii isaga taageersanaa in la bixiyo ayaaba ah in wax lala yaabo,” ayuu yiri.

Magacaabidda golahan wasiirada cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo uu dalka ku jira xaalad kala guur siyaasadeed, waxaana la filayaa in si rasmi ah uu dalka u ga lo doorasho dadban. Madaxda maamul gobol eedyada iyo madaxweynaha DFS ayaa iyagu dhawaan ku heshiiyay qaabka loo marayo do orashada dhammaadka sannadkan 2020 iyo bilowga 2021.

Waxaana golaha wasiirada ee uu hogaa mi nayo ra’iisal wasaare Rooble looga fadhiyaa inay xuddun u noqdaan hannaanka doorasha da iyo amniga guud ee dalka, inkasta oo ay ji raan caqabado badan oo xiligan ku hor gud ban.

AMISOM OO DILAY HAWEENEY AY HOREY U DILEEN SAYGEEDA

Amisom oo dilay haweeney ay horey u dile en saygeeda Wararka laga helayo gobolka Sh/ Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii ciidamada AMISOM ay dil ka geysteen duleedka degm ada Mahadaay ee gobolkaasi.

Dilka oo loo geystay haw eeney ka mid aheyd dad ka deegaanka ayaa yim id, kadib markii ciidamada AMISOM qarax miino lag ula eegtay deegaanka Buurane ee gobolka Sh/ Dhexe, kaas oo la sheegay inuu khasaare kala duwan ka soo gaaray.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay geysteen falkaasi, kadi bna ay goobta isaga dhaqaaqeen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciid amadii ka dambeeyey dhacdadaasi ay haween eyda geeriyootay ugu tageen gurigeeda, kadib na ay toogteen. Sidoo kale wararka ayaa intaa si ku daraya in marxuumadda la dilay ay korin eysay caruur Agoon ah oo ay Aabahood horey u dileen ciidamada AMISOM, kadib markii ay haleeshay rasaas habow aheyd, kadib markii sidan oo kale qarax loola eegtay ciidamadaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ma amulka HirShabelle iyo saraakiisha C/D. oo ku aaddan dhacdadaasi xanuunka badan.

Ciidamada AMISOM oo ka howlgalka me elo kala duwan oo dalka ka mid ah ayaa had iyo jeed dilal iyo tacadiyada kale u geystay dad ka rayidka ah ee aan waxba Shalaysanin.                   Xigasho;caasimadda.net

   TALIYE KUXIGEENKII CIIDANKA BOOLISKA SOOMAALIYEED OO GEERIYOODAY

            Alla ha u naxriistee waxaa dalka Ingiriiska Caa simaddiisa London ku geeriyooday Taliye kuxigeenka ciidanka Booliska

Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Maxamed Saxardiid (Ca bdi Dhibow) oo muddooyinkan ba ku sugnaa dalkaasi.

Taliyaha CBS Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo la hadlay wakaaladda SONNA ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku tim id marxuum Cabdi Maxamed Saxardiid.

         "Waxaan halkan tacsi ugu dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo Qoyska iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Sareeye Gaas Cabdi Maxamed Saxardiid taliye kuxigeenkii ciidanka Booliska Soomaaliyeed,oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska,waxaana alle uga baryaya in naxriistiisa Janno uu ka waraabiyo”. Ayuu yiri Taliye Xijaar. Warar la helayo ayaa sheegaya in maalmi hii lasoo dhaafay uu xanuunsanayay Taliye kuxigeenkii Ciidanka Booliska Cabdi Maxamed Saxardiid (Cabdi Dhibow), hayee shee uu Sha lay u dhintay.

XOG: PUNTLAND OO ‘DIYAARISAY’ XUBNAHA KU METALAYA GUDIGA DOORASHADA HEER FEDERAAL

            Xog: Puntland oo ‘diyaarisay’ xubnaha ku metalaya gudiga doorashada heer federaal

Wararka laga helayo Garoowe ayaa sheegaya in saacadaha

soo socdo madaxweynaha Puntl and uu ku dhawaaqi doono xubna ha uga mid noqonaya guddiga doorashooyinka heer federaal iyo kan xallinta Khilaafaadka intaba.

Siciid Deni ayaa sacaadihii la soo dhaafay wada wadatashiyo ballaaran, iyadoo ugu dam beyn xal rasmi ah laga gaaray khilaaf ka taa gnaa magacaabista xubnahaasi.

        Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in haatan ay diyaar yihiin dhammaan xubnaha Puntland ku metalaya guddiga doorashooyin ka heer federaal iyo kan guddiga Khilaafa adka, balse ay harsan tahay kaliya inuu shaa ciyo madaxweyne Siciid Deni. Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa qorsheynaya inuu magacaabo guddihoosa adka maamulk aasi oo arrimaha doorashada kala shaqayn doono guddiga doorashooyinka heer federaal, si ay u yeeshaan wadashaqeyn dhow oo wad ajir ah.

      Si kastaba 10kii cisho ee loo qabtay in lagu soo magacaabo guddiga farsamada doo rasha da 2020/21 ayaa Shalay ku eg, iyadoona weli aan la soo dhisin guddigaasi.

Soomaaliya oo ku jirta marxalad kala guur ah ayaa isku diyaarineyso doorashada soo soc ota ee 2020 illaa 2021ka, taas oo isugu jirta mida madaxweynaha iyo tan baarlamaanka, taas oo ay heshiis rasmi ah ka gaareen dowla dda dhexe, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir.

SOMTEL OO KA JAWAABTAY BAAHIDA INTERNET KA DADWEYNAHA SOOMAALIYEED 3DII CISHO EE LA SOO DHAAFAY EE INTERNETKU CILLAD DARTEED U MAQNAA

             17 Bishan October ayey cillad ku timid Inte rnetkii laga isticmaalayay koonfurta soomaal

iya marka laga reebo shirkadda isgaarsiinta SOMTEL oo Internetkeeda si hagaagsan u sha

qeeynayay sedexdii cisho ee la soo dhaafay.

iyadoo shirkaddu ari nkaan uu ka caawiyay xarigga fiber optic DARE 1 oo ay dhawaan ka hirgelisay soomaaliya.

Xarigga fiber optic DARE1 waxaa si wad ajir ah isaga kaash aday shirkadda isgaarsi inta soomtel & shir kadda jabouti telecom.

shirkada isgaarsiinta somtel oo maalmah an ku Howlaneyd Xalinta Caqabada internet la' aanta soo wajahday bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan koonfurta soomaaliya.

Gudoomiyaha Dahabshil Group K/ta & Bart amaha Soomaliya Md. Xasan Cabdi Cawad oo Shirjaraa'id uu kaga hadlayo Cillada Internetka Soo laalaabatay ku qabtay Muqdisho isagoo Tafaasiil dheeri ah ka bixiyay . "SOMTEL waxa ay ka jawaabtay baahida Internetka Bulshada Soomaaliyeed 3dii Cisho ee la soo dhaafay Internetka ka maqnaa Gob ollada koonfurta & bartamaha soomaaliya mar ka laga reebo Internetka SOMTEL oo bulsha da soomaaliyeed si toos ah ay u istcmalayen".

Waxa uu intaas ku daray Mareeyaha Dahab shil Group Md. Xasan Cabdi Cawad

"Marka laga soo tago isticmaalka Adeegga Internetka ee Shirkada Somatel Xariggan DARE1 waxaa ka faa ideystay qaar ka mid ah shirkadaha Isgaarsiin ee Dalka waxaana Gudo omiyaha uu ballan qaaday in cid walba oo Inetrenet u baahan ay siinayaan.".

Isku soo wada duuboo Cilladdaan Go'it aanka Internetka soo laalaabatay ayaa la filay aa in xarigga Fiber optic DARE1 uu ka qeyb qa ato joogteynta adeegga Internetkaguud ah aan gobollada Dalka

GOODAX OO XAALAD CAAFIMAAD U JOOGA TURKIGA IYO QALLIIN LAGU SAMEEYEY

          Wasiirkii hore ee Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa la sheegay inuu ka xanuunsanayo dalka Turkiga.

Wasiirka ayaa qaliin ku galay dalkaas Turkiga, waxaana la shegay in laga qalay Carabka, sida ay noo sheegeen mas’uul iyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, oo codsa day inaan la magacaabin..

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soo maaliya oo ay qaraabo ama isku beel yihiin Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa Caasimada Online u sheegay in xaqiiq ay tahay qaliinka uu galay Wasiir Goodax.

"Waa dhab, qaliin ayuu galay oo Carabka ah waana lagu guuleestay waxaana soo hagaage yso xaaladiisa caafimaad,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Md.C/hi Goodax Barre, oo ka tirsanaa Xukuumadii Ra’iisul Was aare Kheyre ayaa Habeen hore ka soo muuq an liiska Golaha cusub ee wasiirada R/W/ Ro oble inkastoo la sheegay inuu raadiyay xilkaas.

Ma cadda haddii sababta uu xilka ku waayey ay tahay sababo caafimaad iyo in qof kale laga door biday, waxaase xusid mudan inuu ka mid ahaa wasiirada aadka ugu dhow madaxweyne Farmaajo. Xigasho:Caasimadda.net

AlFanaan Maclow oo afka furtay ”AUN Mamma Saynab Haji Ali Baxsan saan miyey mudneed…”

        AlFanaan Maclow Maxamed oo afka furtay kana xabaaqay isii Shalay loo aasay fanaa nadii Qaranka ”AUN Mamma Saynab Haji Ali Baxsan saan miyey mudneed Somaliweyn ayaa Jawaabta u daayey.

Waa wax laga xumaado in la dayaco dadkii u soo halgamay wadankaan oo ay dhalin yarada gatan joogo ama Ku mustaqbalka ay Ku dayan lahaayeen in sidaan loo galo oo xa taa aaskeedii aan si qaran loo aasin.

Hadaan nahay fanaaniintii qaranka ee dalk aan usoo halgama in Shalay anigoo sugeyno in si qiimo badan loo aaso fanaabadii weyneyd eed ilaah ha u naxariistee aan la qiimeynin cid sigeen ahaa in Sharaf badan loo aaso Mar xuun Saynab Haji Ali Baxsan.        Xigasho:somaliweyn.com

JAALIYADDA IYO SAFAARADDA SOOMAALIYE ED EE SUDAN OO DEEQ GAARSIIYEY DADKA REER SUDAN EE FATAHAADDU SAAMAYSAY

Jaaliyada , ardayda iyo safaarada Soomaa liyeed ee dalka Sudan oo iskashanaya ayaa de eq gargaar ah gaadhsiiyey in ka badan 400 oo qoys oo ah ah dadkii ku barkacay Fat ahaadihii dalk Sudan ka dhacay labadii bilood ee la soo dhafay.

Ku dhowaad nus million qof ayay saamay say Fatahadan kuwaas oo aan haysan guryo cunto iyo biyo ku filan midna, waxaana wad anka Sudan soo gaadhayey caawimaad Kala duwan oo uga imanaysay Hay’adaha kala du wan iyo wadamada calamkaba intabada.

Waxaa iyana dhankooda isku taagay Jaaliy ada ardayd iyo safarada somaliyeed ee dalka suudaan sidii ay u Garab istaagi lahaayen da dka fatahaaduhu sameyeen ee walalohood ee reer Sudan isla markaana ay gacan uga gay san lahaayen dadka ay dhibaatadu samaysay.

Ugu horayn dadkii gargaarka lagaadhsiyey ay aa ugu mahadceliyey shacabka somaliyed sida ay ugarab istaageen ugana soo Damqad een Dhibaatada ku dhacday.

Dhanka kale jaaliyada iyo ardayda ayaa iy ana dhankooda ka hadlay iyago sheegay in int aas iyo in kabadan ba ay istaahilaan walalaha reer sudan madama ay iyana xiligii adkaa soo Garab istaageen dadkeena.

Dadka Soomaaliyeed ayaa inta badan garab istaaga wadamada ay dhibaatadu sam ayso taasna ay sabab u tahay isku duubnida Shacabka Soomaliyeed.

SARAAKIISHA DF OO SHEEGAY INAY BURBURI YEEN FARIISIMO AY LAHAAYEEN ALSHABAAB

Ururka 4 aad ee guutada 16 aad ee kuma ndoosta danab ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amaanka lagu xaqiijinayo ka

sameeyay deegaanka Leego oo Qiyaastii 44 km dhanka woqooyi kaga beegan D/Wanla weyn ee G/ Sh/ Hoose.

Howlgalkaasi ayaa ahaa mid qorshey san oo ay ciida ma du ku qaadeen goo bo la sheegay inay isku uruurs anayeen Ashabaab, waxaana lagu burburiyay fariisimo dhowr ah oo ay lacago ah kaga qa adan jireen dadka shacabka ah, waaa sida ha dalka loo dhigay.

Ciidamada kumandoosta DANAB ayaa markii ay burburiyeen fariisimahaasi waxa ay bil aabeen baaritaano joogto ah oo lagu xasilin ayo ammaanka Degmooyinka iyo Deegaanada katirsan G/Sh/Hoose.

CXDS ayaa wada howlgallo kala duwan oo dhan ah Alshabaab oo deegaano iyo degmoo yin ay kaga sugan yihiin G/Sh/Hoose.


ILWAD ELMAN OO KU GUULAYSTAY ABAALMARINTA UGU SAREYSA EE JARMALKU SIIYO SHAQSIYAADKA AFRIKA

Ilwad Elman oo ah gabadh Soomaaliyeed oo u ololeysa nabadda ayaa sanadkaan 2020 ku guulaysatay Abaalmarin caalami ah oo la sii yo shaqsiyaadka ugu firfircoon qaaradda Afrika oo ay bixiso hay’adda JarmalAfrika Foundat ion.

Hay'adda ayaa xaqiijisay in Ilwad Elman oo madax ka ah hay’adda Elman oo u ololaysa ilaalinta xuquuqda Aadanaha, lagu sharfi do ono dhammaadka bishan magaalada Berlin, sida lagasoo xigtay wasaa radda arrimaha dibadda Jarmalka.

"Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan aqoonsig an ka helay Jarmalka, ayay Ilwad u sheegtay Deutsche Welle oo ah warbaahin caalami ah oo kutaal Jarmalka kadib markay maqashay abaalmarinteeda

Abaalmarinta Jarmalka waxaa la siiyay tan iyo 1993 shakhsiyaad ku dayasho mudan oo ka socda qaaradda Afrika.

Ku guuleystayaashii hore waxay u ololeeyeen dimuqraadiyadda, nabadda, xuquuqda aadan aha, farshaxanka iyo dhaqanka, iyo arrimaha bulshada.

Abaalmarinta Afrika waa abaalmarinta ugu sareysa ee nooceeda ah ee Jarmalka bixiyo. Ujeedadeeda laga leeyahay waxay tahay in la gu muujiyo muuqaalka wanaagsan ee Afrika.

Ku guuleystayaashii ugu dambeeyay waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Botswana Sir Ketumile Masire, Waris Diiriye oo ah gabadh Soomaali ah oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha iyo la dagaalanka Gudniinka Firc ooniga iyo hogaamiyaha midowga Tunisia Hou cine Abassi. Jarmalka Afrika Foundation wax aa maalgeliya Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka.

DAB KHASAARO GEYSTAY OO KA DHACAY XAA FAD KA TIRSAN M/MUQDISHO

Faah faahino ayaa kasoo baxaya Dab xoog an oo barqanimadii Shalay ka kacay Guryo ku yaalla xaafad ka tirsan degmada WartaNabadda ee Gobolka Banaadir, kaasi oo gey stay Khasaaro.

Dabkaan oo markii horey ka bilowady Guri ka dhisnaa Jiingad oo ku yaalla Xaafad isku raran ah oo ku taalla Isgoyska Siinaay dhinaca xigta WartaNabadda ayaa kusii faafay Guryo kale oo ku deganaa Guriga hore.

Goobjoogayaal la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in Dabka uu ahaa mid xoogan oo soc day muddo, hayeeshee markii dambe gurmad lagu deminayo dabkaas ay bilaabeen dadka deegaanka, isla markaana halkaas ay gaareen gaadiidka dab demiska Gobolka Banaadir.

Intaas kadib waxaa lagu guuleystay de minta dabkii kacay oo baabi’iyay Afar Guri oo ay degaaneen dad shacab ah, waxaana Saw irro laga soo qaaday goobta ay muujinayeen Guryaha oo gabi ahaan burburay, kuwaasi oo ka dhisnaa Jiingado.

Ma jiro wax Khasaaro dhimasho ama dha awac ah oo ka dhashay dabkii Shalay ka dha cay xaafad ka tirsan degmada WartaNabadda ee G/Banaadir, balse uu jiro oo kaliya khasaaro hantiiyadeed oo farabadan, waxana dabkaas uu ka dhashay koronto.

DAD KU LE’DAY SHIL KA DHACAY DOWLAD DEEGAANKA SOOMAALIDA

Wararka aan ka heleyno duleedka M/Jigjiga ee Xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Ito obiya ayaa waxaa ay sheegayaan in Habeen hore halkaas uu ka dhacay shil gaari oo gey stay Khasaaro kala duwan.

Shilkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, ka dib markii ay isku dhaceen laba Gaari oo mid Bus ahaa, halka kan kalena uu yahay gaari nooca Soomaalida u taqaano iska rogaha ama Carrogediska, xili ay marayeen kaaramardha oo ku taalla duleedka Jigjiga.

Saraakiil ka tirsan dowlad deegaanka ayaa sheegay in shilkaas uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadkii saarnaa labada gaari, waxa ana shilka ku dhintay 9 qof oo la socday gaariga Buska ahaa.

Sidoo kale waxaa shilkaas dhaawacmay 8 qof kalena, kuwaasi oo si deg deg ah loogula cararay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla M/Jig jiga, isla markaana waxaa dadkaa gurmad xo ogan Mas’uuliyiin kamid ah DDS oo goobta tegay.

Gaariga Buska ahaa oo siday rakaab fara badan ayaa la sheegay inuu ka baxay M/Jigjiga, kusna sii jeeday deegaan lagu maga caabo Harar, waxaana ku dhacay gaariga Iska rogaha ahaa oo ku socday xawaare sare.

Mudo bil ka hor ah ayay ahayd markii shil gaari oo geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu sidaan oo kale uga dhacay deeg aan ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

AXMED MADOOBE OO KULAN LA QAATAY HOGG AANKA URURADA BULSHADA RAYIDKA

Madaxweynaha D/G/Jubbaland Axmed Ma xamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Habeen hore hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Hoggaanka Urur ada Bulshada Rayidka ah.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaaladda dalka, arrimaha doorashooyi nka 2020/2021 iyo sidii Ururada Bulshada ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaalada socda ee marxlada kala guurka ah.

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo kulan la qaatay Safiirka Sweden ee Som alia

Ururada Bulshada ayaa Madaxweynaha Jub baland uga mahadceliyay sida uu hormuudka uga noqday in dalku uu helo hanaan Doorasho oo heshiis lagu yahay, isla markana meesha ka saara walaaca ay Bulshadu ka qabtay mus taqbalka dalka ee xiligan kala guurka ah.

Sidoo kale Hoggaanka Ururada Bulshada Rayidka ayaa sheegay inay DFS &D/xubnaha ka ah kala shaqaynayaan sidii waxyaabaha dhi man loo dhamaystiri lahaa, kadib markii ay he shiis rasmi ah ka gaareen Doorashada 2020 /2021.

Ururada Bulshada ayaa horey kulamo kala duwan ula soo qaatay Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyagoona sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb qaadasha da dadaalada socda.

XOG: SOMALILAND OO QAADAY TALLAABO YAAB LEH OO KA DHAN AH DADKA KOONFURTA SOMALIA

Xog: Somaliland oo qaaday tallaabo yaab leh oo ka dhan ah dadka koonfurta Somalia

Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo ma daxweyne Muuse Biixi ayaa dhaqan gelisay tal laabo ka dhan ah dadka Soomaaliya kasoo safra ee yimaada deegaan adeeda, sida ay ogaatay

.Somaliland ayaa gebi ahaa nba joojisay in dad ka yimaada Soomaaliya ama ka socda ay ka qeyb galaan siminaarada iyo kulamada muhiimka ah ee ka dhaca maga alada Hargeysa iyo guud ahaanba Somaliland.

Xukuumada Muuse Biixi ayaa sidaasi ku she egtay waraaq qoraal ah oo ay u kala dirtay Hay’adaha kala duwan ee ka howlgala Somal iland, midaasi oo gebi ahaanba laga qariyay warbaahinta.

Sidoo kale waxa waraaqdaasi la gaarsiiyey ururrada bulshada rayidka ah ee laga leeyahay Somaliland, taasi oo looga mamnuucay in shirarka iyo siminaaradooda aysan soo xaadiri karin dad ka socda Soomaaliya.

Sida ay ogaatay, xukuumada ayaa wara aqdaasi gaarsiisay hay’adaha muddo ku siman labo bil ka hor, taasi oo ay hadda u muuqata mid si dhab ah uga dhaqangashay gudaha Somalialnd.

Somaliland ayaa tallaabo sharci ah ka qa adi doonta hadda kadib, hay’addaha qabanaya siminaarada ay ka qeybta yihiin dadka Sooma aliya, iyada oo aan si dhab ah loo ogeyn sabab ta ka dambeysa arrinkaasi.

Xukuumada Somaliland ayaa iyadu inta badan qaada tallaabooyin ay u aragto inay ku ilaalineyso qaranimadeeda, maadama ay ku doodeyso inay tahay dal ka madax banaan ja mhuuriyada Soomaaliya, inkasta oo aysan weli helin aqoonsi caalami ah.

AGAASIME KOOFI OO KA BADBAADAY QARAXII CAAWA KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO

FaahIfaahino ayaa laga helayaa qarax xoog an oo Xalay a dhacay M/Muqdisho gaar ahaan Isgoyska KM4, kaasi oo jugtiisa laga ma qlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

koofi Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ay aa u sheegay in qaraxaas oo ahaa miino no oca dhulka lagu aaso ah la geliyay laamiga dhi naciisa, uuna sigaar uga dhacay wadada aad an dhinaca Garoonka diyaaradaha Aadan Cad de ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Agaasimaha hay’ad da Socdaalka iyo Jinsiya daha DFSmD. Maxamed Aadan Koofi oo xiligaas mararay wadada, hay eeshee qaraxa uu ka badbaaday Agaasimaha oo saarnaa gaa ri nooca aan xabada karin.

2 qof oo shacab ah kana agdhawaa goobta ay aa ku geeriyooday qaraxa, halka tirro kalena oo isugu jira shacab iyo qaar kamid ah Ilaalada Agaasime Koofi ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caa fimaad oo ku taalla Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska DFS oo ku sugnaa Isgoyska KM4 ayaa wadada xiray, isla markaana waxaa hakad ku jira isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana halkaas gaaray Saraakiil kale oo ka tirsan CBS. Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay DFS oo ay uga hadlaayan qaraxaas Xalay uu ka badbaaday Agaasime Koonfi

 


QORSHIHII SOO XULISTA BAARLAMANKA HIRSHA BEELLE OO HAL CAQABAD KA GUDBI LA’

Xubno kamid ah guddiga farsamada ee soo xu lista baarlamaanka labaad ee dowlad goba leedka HirShabeelle ayaa sheegay in uu dhaq an geli waayay jadwalkii ay dhow aan soo saa reen, kaas oo ku sa absanaa doorashada maa mulka HirShabeelle.

Saraakiil ka tirsan guddigaan ayaa sheegay inay dhaqaaqi la’dahay shaq ada guddiga, isl amarkaana ay ku hor gudban yihiin caqabado waa weyn oo curyaamiyay sha qooyinka hor yaala. Guddigaan ayaa sheegay in culeyska u gu weyn ee heesta uu yahay ca bashada Bee sha Xawaadle, kuwaas oo aan ilaa hadda xal loo helin, islamarkaana aysan odayaashooda dhaqanka wali soo gaarin Jow har si ay uga mid noqdaan duubabka dhaqan ka ee soo xul aya baarlamaanka.

"Culeyska ugu weyn waxaan kala kulmeynaa beesha Xawaadle, wax badan ayaa rabnaa in aa xeerino waana sababta uu u dhaqan geli waayay jadwalkii aan soo saarnay todobaadyo ka hor,” ayuu yiri mid kamid xubnaha guddiga oo la hadlay Caasimada Online.

"Dorraad iyo Shalayba waxaan rajo ka qabnay in ay na soo gaaraan ilaa haddana ma dhicin in dhaqanka Xawaadle yimaadaan Jowhar, waxaase ognahay in gacma gacmeys badan jiro,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay mas’uulkaan ka tirsan guddiga farsmada ee soo xulista baarlamanka labaad ee HirShabeelle.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in wali aysan jirin cid xal u heshay cabashada beesha Xawaadle, balse ay hadda u muuqato in arrintu dhinac u dhici doonto maadaama wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya uu ka soo jeedo beeshaas lagana rabo dhismaha maamulka HirShabeelle.

MADAXWEYNE TRUMP OO OGGOLAADAY IN MAR AYKANKU DIB U DAJIN U SAMEEYO IN KA BADAN KUN QAXOOTI AH OO SOOMALI KU JIRTO

Dowladda Mareykanka ayaa la filayaa inay dib u dajin u sameyso in ka badan 1,100 oo qaxooti ah oo ay ku jiraan Soomaali horra anta sanadka soo soc da taasoo qeyb ka ah heshiis cagajiid ah oo uu madaxweyne Donald Trump la galay Australia, sarkaal ka tirsan Aus tralia ayaa sidaas sheegay Isniintii Dorraad.

Heshiiska Qaxootiga lagu keenayo Marayka nka waxaa horey u galay Madaxweynihii hore Barack Obama sanadkii 2016, si ay u aqba laan ilaa 1,250 qaxooti ah oo ka kala imaanaya Iran, Bangladesh, Somalia iyo Myanmar kuw aas oo Australia ay ku hayso xeryaha jasi iradaha Baasifigga.

Trump ayaa cambaareeyay heshiiska, isa goo ku tilmaamay mid aan waxtar lahayn laa kiin wuxuu ogolaaday in la ixtiraamo ballanq aadka Mareykanka, oo ku xiran kala shaan dheyn xad dhaaf ah oo uu ku sameynayo qax ootiga.

Mareykanka ayaa dib u dajin u sameeyay 870 qaxooti ah ilaa bishii Oktoobar ee sanadkii 2017 halka ku dhowaad 250 kalena ay heleen ogolaansho kumeel gaar ah oo guryo cusub looga sameeyay Mareykanka, sida uu sheegay Marc Ablong oo ah ku xigeenka xoghayaha Arimaha Gudaha.

BANKIGA ADUUNKA OO SHURUUDO ADEG KU XIRAY MAALGELINTA MASHRUUCA XASARADAHA SOMALIA

Shirkaanwadatshiga oo ay soo qaban qaa biyeen Wasaaraddaha Qorsheynta Qaranka iyo maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soo maaliya oo xoogga lagu saarayo sidii wax lo oga qaban lahaa abaaraha, fatahaadaha, ay axa iyo Cudurka covid19, ayaa waxaa dow ladda Soomaaliya ka taageeraya Bankiga adduunka.

Mas’uuliyiin ka socday wasaaradda qorshe ynta dowlad goboleedka Hirshabeele, Agaas imiha guud, agaasime waaxeedyada iyo shaq aalaha ayaa goob joog ka ahaa, waxaana shir kaan wadatashiga uu socondoonaa muddo saddex maalmood.

Agaasimaha wasaaradda qorsheynta ma amulka HirshbeeleCabdulaahi Maxamed Xas an(Dhagacade) oo furitaanka shirka hadal ko oban ka jeediyay ayaa sheegay in shirkan dib loogu eegayo dhibaatooyinkii la soo maray oo ay ka mid ahaayeen daadadka, Abaaraha, Ayaxa iyo cudurka covid19 oo halakeeyay dunida intiisa kale,maamul ahaana diyaar u yahiin hanaanka wax looga qabanayo in ay xoogga saaran.

Asad yuusuf Qanyare oo ah madaxa xiriira ha qaran eedeeqa caalamiga ah ee wasa aradda qorsheynta xukuumadda federal ka ayaa sheegay inuu shirka ujeedkiisu uu yahay sidii looga hortegi lahaa xasaradaha soo noq noqday ee abaaraha, dadaadka, ayaxa iyo cudurka covid19. Diyaarinta mashruucan wax aa lagala tashaday wasaaradaha ay qus eeyso heer fedaraal iyo heer dawlad goboleed.

Wasaaradaha maaliyadda iyo qorsheynta heer federaal waxa ay in muddo ah ka shaqeeyna yeen qaabdhismeedka lagu hirgelinayo mashr uuca iyo shaqaaleynsiinta howlwadeenada mashruucan; waxaa jiray shuruudo adag oo uu bankiga aduunku ku xiran maalgelinta mashru ucan oo ay lagama maarmaan tahay in lafuliyo si loo soo daayo lacagaha. waxaa ka mid ah diyaarinta dokumeentiga mashruuca, sharciga, heshiiska maalgelinta iyo diyaarinta howlwade enada laf dhabarka u ah mashruuca.

– Qaab dhismeedka maamulka mashruucu waxa uu ka kooban yahay saddex heer oo kala ah;

– Guddiga hoggaaminta mashruuca (psc)

– Unugga fulinta mashruuca (piu)

– Gawlwadeenada maamulka mashruuca ee heer dowlad goboleedka. (spt).                    Xigasho:radiodalsan.com

MAS’UUL KA TIRSAN PUNTLAND OO TOOGASHO LAGU DILAY

Wararka laga helayo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi ay Kooxo hub ey san ku dileen kaaliye ka tirsanaa Maxkam ad da Darajadakoowaad ee Ciidamada Pun tl and. Rag hubeysan ayaa la sheegay in, isa ga oo marayay Hooygiisa agtiisa ay toogteen Gar yaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi Jaamuus oo ka tirsanaa Maxkamadda Ciidam ada Punt land, iyaga oo dilka, kaddib goobta ka baxs aday.

Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland ayaa te gay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo ha lka asi ka sameeyay howlgallo aan wax natiijo ah kasoo bixin oo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Laamaha Ammaanka M/Garoowe weli kama hadlin dilkaas, hayeeshe wararka sa aka la hel ayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska ay weli wadaan howlgallo baaritaano ah.M/Garoowe ayaa waxaa ay kamid tahay de gaannada ugu amniga wanaagsan Puntla nd, waxaana weli la ogeyn dadka ka damb eeyay dilka, balse dilalka noocaan oo kale ah ee ga admada ayaa waxaa inta badan shee gta AlShabaab iyo Kooxda Daacish.

MAANTA WAA XUSUUSKTII KACAAN 21KA OKTOOBAR {30 SANO KA HOR LA XUSI JIRAY} {Faallo Gaaban}

     Maanta oo kale waxaa la xusi jiray Curashadii Dowladdii Kacaanka ee uu hoggaaminyey Madaxweynaha Soomaaliya Md. Maxamed Siyaad Barre Kaasoo hayey xilka Madaxtinamada dalka soomaaliya muddo 21 sano ah .

    iyadoo dowladdii Maxamed Siyaad Barre ay aheyd Dowladdii kacaan majarahan dalka u heystay muddo dheer waxyaabo badan laga dhaxlay wanaag iyo xumaba hase yeeshee qofkastaaba uu leeyahay fekerkiisa .

     Dad baa qab in ay waxqabad badan dalka ka soo qabtay hase yeeshee markii hore ku timid qori caaradii markii xiganayna ku baxday qori caaradii ayaa waxaa muddo laga joogo 1991dii ilaa haatan 2020ka aanan heli maamuuskii ay lahaan jirtay.

      Waxaana lagu xusuustaa inay bulshada oo dhami ay ahaayeen kuwa isku duuban oo amar qaadan jiray golaha sare ee kacaan oo shan iyo labaatan rag ahi ay hogaamin jireen iyadoo dhismayaal xusuus mudan ay ka hirgel isay dalka iyo wayaabo badan oo wanaag ah laga dhaxlay.

       Dhinaca kale xilligii dadweynaha ay ka caroodeen ka dib markii ay ka weecatay wadadii toosneyd oo ay bushada u riyaaqeen aya misna iyaga gacmahooda ku Tuureen Taliskii awoodda lahaa ee 21 jirka aheyd Muddo lix iyo labaatan maalmood gudohood ah  lix iyo labaatan ka jannaayo kun sagaal boqol iyo sagaashan iyo kowdii .

       Haddaba Malaga Reystay Taliska awoodda Adag lahaan jiray Mise waa loo darsaday.? Taasi waa mid u taal bulshada soomaaliyeed .

Waa mid dad badani ay qabaan fekerro kale duwan.

      Kacaanka ka dib waxaa la dhaxlay waxyaabo badan oo isu jiro kuwa fiican iyo kuwa xun waxaana intii ka danbeysay badankood ay dadweynaha somaaliyeedqabaan in loo dar saday ka dib markii laga bixi waayey dhibaato muddo fog soo jirtay .

        Xilligaan rajada shacabka wallow ay in yar ka soo Reyneyso hadda waxaa farta lagu hayaa wadanaha. Maxaa yeelo waxaa la noqday wax qabad mar loo riyaaqo iyo mid laga naxo ilbiriqsi kasta waayoo wax kasta degdeg bay ku bilowdaan degdegbayna ku hallaabaan.

       Waxaan dhihi lahaa xusuusihii kacaanka waa la Iloobay markii dowladdii hore dhacday ka dibna lama helin xusuus loo sameeyo ka gadal odaygii kacaanka Xilligaan la taagan yahay waxaa dalka uu soo maray dhowr madaxweyne si kastaaba haku yimaadeen waxaana muddo dhow la filayaa in la doorto madaxweyne dalka uu yeesho ee iyadoo aanan la xusin ka gadaal madaxweyne kale oo dalka ka hana qaday kun iyo sagaal boqol lixdan iyo sagaalkii ka dib .

     Tolow madaxda Dalka soo martay ma loo xusi doonaa sida Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo kale intii talada dalka soo martay.

Haloo darsado ama haloo riyaaqee?

MOGADISHU TIMES




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip