Dowladda Oo Shaacisay In Khad Cusub Laga Howl-Geliyay Koonfurta Somalia
Siihayaha Wasiirka Boostada Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda Xukuumadda sigaar ah uga mahadceliyay Shirkadda SOMTEL oo si deg-deg uga jawaabtey baaq horey uga soo baxay dowladda Federaalka ee ahaa helitaanka xarrigga labbaad Internet-ka Muqdisho.
Sidoo kale Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in dalka soo gaarey oo Markabkii xalin lahaa cilladdii hore ee ku dhacday xariggii 1-aad ee Internet-ka ee Eastern Africa Submarine Cable System (EASSy) ee Shirkadda DALKOM, taariikhdu markii ay ahayd 26 July 2020.
Iyada oo laga jawaabayo baaqii dowladda ee ahaa in dalku yeesho xargo badan oo Internetka soo geliya dalka, ayaa waxa aan ugu bishaaraynaynaa dadweynaha Soomaaliyeed in uu shaqo bilaabay Khadka Xarrigga Internetka ee DARE1 (Djibouti Africa Regional Express 1) oo noqonaya xarriggii labaad ee Internet ee magaaladda Muqdisho ka howlgala; Xarriggan cusub ayaa waxa aan rajaynaynaa in uu xoojin fiican u noqon doono xariggii hore ee Internet ee ka shaqeynayey magaalada.
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda waxa ay uga mahadcelinaysaa Shirkadda SOMTEL oo degdeg uga jawaabtey baaqii dowladda ee ahaa helitaanka xarrigga labbaad ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa dalka soo gaarey oo howl bilaabay Markabkii xalin lahaa cilladdii hore ee ku dhacday xariggii 1-aad ee Internet-ka ee Eastern Africa Submarine Cable System (EASSy) ee Shirkadda DALKOM, taariikhdu markii ay ahayd 26 July 2020, Kooxda farsamada ee la socota markabkan ayaa waxa ay howshooda ku soo gebogabeyn doonaan muddo kooban, taas oo aan ka warhayno in ay cirriiri gelin doonto isticmaalka Internet-ka ee xarriggaas mudadaas kooban.
Dowladda Oo Shaacisay In Khad Cusub Laga Howl-Geliyay Koonfurta Somalia
Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay inuu shaqo bilaabay Khadka labaad ee Xarrigga Internet-ka oo laga howl-geliyay Magaalada Muqdisho. Wasiir Canshuur oo Qor