Reer Mudug imtixaan ku jiro ha ka qishin=Nasashada Jimcaha. Q-221=

0
Friday October 09, 2020 - 19:42:12 in Wararka by
  • Visits: 1640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reer Mudug imtixaan ku jiro ha ka qishin=Nasashada Jimcaha. Q-221=

    Caawo waxaan joogaa Gaalkacyo, Galabta waxa ey ii sheegeen. 1. Nin Reer gaalkacyo ahaa oo il la' ayaa Markii ugu horeysa ee uu Xamar yimid ,waxa uu tagay Shaleemo Ceelgaab, Ninkii tikitka jaray ayaa yiri: ma kor ayaan kuu jaraa oo 2 shi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caawo waxaan joogaa Gaalkacyo, Galabta waxa ey ii sheegeen. 1. Nin Reer gaalkacyo ahaa oo il la' ayaa Markii ugu horeysa ee uu Xamar yimid ,waxa uu tagay Shaleemo Ceelgaab, Ninkii tikitka jaray ayaa yiri: ma kor ayaan kuu jaraa oo 2 shillin ah, mise hoos oo 1 shillin ah. Reer Gaalkacyoodkii ayaa yiri: ma badaw ayaad na mooday war kor ii jar halka Akhyaartu fadhiisato.Reer Gaalkacyoodkii ayaa dhiibay 1 shilin, kuna yiri: ogoow Annigu hal il ayaan leeyahay,nin laba indhood leh inta uu bixiyo in aan bixiyo cadaalad maahan ee kor ii jar. Dadkii ayaa ku soo baxay arrinkiina Xal ayaa loo waayay.

              Wiil yar ayaa yiri: waa laga gar daran yahay ee 1 shillin ka qaad una jir kii isaga ahaa. waxaa loo jaray kii hoose, wiilkii ayaa gacanta ka qabtay oo geeyay qeeybta hoose kuna yiri: Adeer yaan lagu dhicin adigaa gar leh,ee Caawa kadib 1 shilin bixi iridaana ka gal. Reer gaalkacyoodkii ayaa yiri: war inan yar oo rag yaqaan ah ayaa tahay. wiilkii ayaa yiri: Aabaheey ayaa igu yiri: reer Gaalkacyo lalama murmo ee waa la farsameeyaa.

 
                          2. Koo Reer Gaalkacyo ahaa oo meel ka khudbeeynayay ayaa yiri: Carabtu waxa ey ku maahmaahdaa " Ina macal cusri yusran” Culeeys kasta fudeeyd ayaa ka dambeeyo. Dadkii ayaa ku yiri: Adeer Maahmaah ma aha nee waa Aayad Qu’aan. Markaa ayuu yiri: Kaba sii wacan haddii ey tahay Aayad Qu’aan, hadalkiisiina waa sii watay.
 
                                                    ( Reer Gaalkacyo, waad khaldan tahay lama yiraa ee waa la toosiyaa)
 
                       3. Gabar Reer mudug ah oo qurbaha joogtay ayaa soo wacday Adeerkeed oo Gaalkacyo joogo. Waxa ey ku tiri: Adeerow Beryahaan waan xanuunsanaa, dhalmadiina waa iga istaagtay ee ii soo duceey. Markaa ayuu ku yiri: Gabarteey, Duco Xawaaladda AMAL ayeey taa.
 
( Nabadoon Yusuf Ow Nur AHN ayaan Markii aan Baadiyaha joogay waxaan ka maqli jiray : Duco waa saddax. A) La huboo la hilo. B) La gatoo la helo. C) Ama la he lama la waay. A= tan waalidkaa. B= Qaraabada ama Deriska oo Culeeys Saaran aad ka fujiso sida Adigoo Deyn ka bixiyo. C= Maskiin Wadda fadhsiyo oo kuu duceeyo)
 
               4. Oday Reer Mudug ah ayaa markii xaaladdu ku xumaato waxa uu u wici jiray 3 wiil oo uu Abti u yahay oo Qurbaha ku maqn. Mar kastana waxbeey u soo diri jireen. Markii Cudurka Coronuhu yimid oo iyagii xaaladii ku xumaatay ayeey Lacagtii ka jareen ,telephonadiina ka dansadeen.
 
Maalmo kadib ayaa mid ka mid ahi ka qabtay Telefonkii, waxa uuna ku yiri: caawa Saddaxdiinu isoo wada waca hal mar, wax Lacag ahna idinkama rabo. Waxa ey u qaateen Xoolo uu Hooyadood u hayay in uu kala hadlayo. Markii ey soo wada galeen khadka ayuu ku yiri: Waan idiin soo diray Hal Jawaan oo Habaar ah eek a qaata Shirkadda Amal, si simanna u qeybsada, Telephonkiina waa ku damiyay. Wiilashii kala carar Amal ayaa la tagay oo Abtigii Lacag ayaa loo soo diray.
 
                                    ( Waalidku xaalada Qurbaha war kama hayaan ee yaan laga Habaarsan)
 
             5. Shaqa banaaneed ayaa waxa isla soo doontay Nin Reer Gaalkacyo ahaa iyo Mid Reer Xamar ah. waxaa Labadoodii isku mar looga yeeray Qolkii lagu qaaday Imtixaanka. Reer Gaalkacyoodkii oo ku hor maray ayaa wixii ku saabsan shaqada ee la weeydiiyaba ku jawaabay ,waan Daadiyay.
 
Kii Reer Xamarka oo la yaabanaa Jawaabaha Ninkaan ayaa isna isla Su’aalihii la weeydiiya kuna jawaabay . Ninkaan wixii aas daadiyay ayaan Anna Soo Gurbiyay. Ma aqaan sababta laakin labadiiba iyaga oo careeysan oo isku dhaliilayo maxaa ikaa daba dhigay iyo Maxaad ii sirtay ayeey Qolkii ka soo baxeen.
 
( Reer Mudug imtixaan ku jiro ha ka qishin)
 
               6. Rag Reer Gaalkacyood ahaa oo u socday Gar kala dhexeeysay Qolo kale ayaa waxaa u yimid, Nin wadaad ahaa oo isla Reerka ah,kuna yiri: Maanta Anigaa idiin Raacayo Garta. Waa la shakiyay Wadaadkan oo aan weligii Geed lagu garamayo aan tagi. Haddana waa la iska aqbalay. Markii Goobtii la tagay oo la is mari waayay ayaa wadaadkii soo galay gartii oo wacdi iyo digniin Aakhiro ka sheekeeyay. Ugu dambeeyna waxa uu go’aamiyay in garta ey reerihiisu leeyihiin.
 
               Makii loo soo noqday Reerihii ayaa Raggii tolkii ahaa amaan kala dul dheceen wadaadkii oo aan garta ugu raacin jirin ragga iyo sida uu maanta u asiibay. Mid Raggii ka mid ahaa ayaa yiri: Alla Diinkaa la haray ee muxuu Nin karmeed Ragga yahay.
 
Caawa Gaalkacyo waa shidan tahay, Berrina Baadiyaha Gaalkacyo ayaa u socdaa. Yaah.
 
Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip