Madaxweynaha Turkiga oo ku hanjabay inuu aar gudayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii xalay.

0
Monday March 14, 2016 - 15:05:42 in Wararka by
  • Visits: 574
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Turkiga oo ku hanjabay inuu aar gudayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii xalay.

    Madaxweynaha dalka Turkiga Rajjap Dayip Ordegan ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah wax uu ugu yeeray ururada argagixisada ah ee qaraxyada wadankiisa ka geysta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajjap Dayip Ordegan ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah wax uu ugu yeeray ururada argagixisada ah ee qaraxyada wadankiisa ka geysta.
Ciidamada amaanka dalkaasi ayuu M/weynuhu amray inay qaadaan tilaabooyin deg deg ah oo amaanka lagu xaqiijinayo waxaana uu intaa ku daray inay u aar gudi doonaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxii xalay.

erdogan-urges-end-to-protests-in-turkey-20130607


Madaxweyne Ordegan waxaa uu sheegay weerarkii isqarxinta ahaa ee xalay xilli dambe caasimada Ankara ka dhacay uu awood dheeraad ah siinayso dawladiisa.

Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa maanta duqeyn ka geystay magaalooyin ku yaala waqooyiga Ciraaq oo ay ka taliyaan dagaalamayaasha kooxda PKK la yiraahdo ee Kurdiyiinta.


Wasaaradda difaaca Turkiga ayaa sheegtay in illaa iyo 12 diyaaradood oo nooca dagaalka ay bar tilmaamneysteen 18 xarumood oo hub u yaalay jabhadda PKK.


Ku dhawaad 40 ruux ayaa ku naf waayay 100 kalena ayaa ku dhaawacmay qaraxa ka dhacay magaalada Ankara xilli ay dad badan gaadiidka dadweynaha raacayeen waxaan wararka qaar sheegayaan in qof haweeney ah ay is qarxisay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip